Ergada Soomaliyeeed ee ku sugan
Hotelka 680 Magaalada Nairobi oo maanta Qaarkood Banaanka loo
SaarayMay 14, 2004 | Canab
Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
[Kenya oo Maraykanka ugu baaqday in ay
taageeraan shirka Soomaalida
halkan ka dhagayso]
Ergadan dagan hotelk-680 oo gaareysay
illaa 200 ayaa maanta qaarkood alaabadoodi banaanka loo soo
dhigay,sababo la xiriira dhaqaale xumo uu ka cawday maamulka
hotelkaasi.
Maamulka hotelka ayaa ku waramaya in
ay dhaqaale la,aan awgeed uga xireen ergada Hotelka iyagoo sheegay
in kharashka hadda lagu leeyahay ergada soomaaliyed aan wali la
siinin taasina ay ku kaliftay in ay dadkan siiyaan mudo ah in ay ku
raadsadaan goobo ay dagaan, balse ay iska dhaga tireen in ay
mudadaasi ku guuraan taas ayaana keentay inaan alaabadooda banaanka
u saarno.
Ergada ayaa aad uga cabanaya
dhibaatadan ay maamulku u gaysanayaan iyadoo horay loo siisay digniin ah
in ay ka guuraan hotelka 14ka bisha oo maanta ugu ekayd, ergada waxaa
horay hotelka u dajiyay maamulka shirka ee IGAD, iyagoo halkaasina
daganaa mudo ka badan sanad waxay sheegeen in aysan jirin goob ay u
guuraan maadaama la dajiyay dadkii dajiyayna ay go,aan ka sugayeen
mudadaas la siiyay maadaama ay u yimaadeen wadahadalada soomaaliyeed oo
ay qaybna ka yihiin.
Warqad qoraal ah oo la sheegay in ay soo gudbiyeen
gudiga farsamad IGAD goor dambe ayaa sheegaya in ay hotelka sii joogaan
siyaasiyiinta iyo ergada qaar ka mid ah oo tiradooda lagu sheegay 103
xubnood oo ah kuwa saxda ee ergada rasmiga ahaan doonta iyadoo kuwii
kale ee aan magacyadooda qoraalkasi lagu xusin ay hadda ku sugan yihiin
qaar ka mid ah hotelada kale ee magaalada Nairobi iyagoo si KMG ahaan ah
u sii joogi doona ilaa inta laga sugayo dowladaha deeqda bixiya.
| KENYA OO MARAYKANKA UGU
BAAQDAY IN UU TAAGEERO SHIRKA SOOMAALIDA UGA SOCDA NAIROBI:
Wasiirka arimaha dibadda kenya, Kalonzo Musyoka
, ayaa maraykanka ugu baaqay in uu taageero siiyo shirka
soomaalida, warkaas ka dhergeyso [Su'aasha taagan wazxay tahay
yaa bixinaya $10,000 (tobanka Million ee doolar) ee ku baxday
shirka Soomaalida
halkan.... [voa] |
Maamulka shirka ayaa horay usoo saaray
warqad qoraal ah oo lagu cadaynayay in ay beelaha iska soo dhex xulaan
ergo gaaraysa 203 xubnood taasina uu buuq ka dhashay u dhexeeya beelaha,
illaa hada waxaa dhibaato ka taagan tahay in lakala saaro ergada saxda
ah iyo kuwa aan saxda ahayn sidoo kale ugaasyada ayaa dhibaato tan la
mid ahi ka taagan tahay ugaaska ama suldaanka saxda ah iyadoo ay ugu
wacan tahay hogaamiyayaasha oo iska samaystay ugaas ama suldaan u gaar
ah taasna waxay sababtay in ugaasyo badan oo caan ah aanay ka muuqan
madasha shirka.
Guud ahaan goobaha ay dagan yihiin
ergooyinka soomaalida ee u yimid shirka ayaa waxaa soo food saaray
cadaadis dhinaca nolosha ah iyadoo ay ugu wacan tahay sida ay sheegayaan
maamulku hay,adihii bixin jiray deeqaha ku baxa shirka oo aan si wayn
iskaga xil saarin dhaqaalaha,sidas awgeedna aysan u dulqaadan karin
dhaqalahan sii badanaya ee ay galaan soomaalida maalin kasta.
Ergada ku sugan xarunta Embagathi ayaa
sidoo kale raashinkii wali uga xayiran yahay sababo dhinaca dhaqaale
la,aanta ah sidaasna ay ku joogaan iyagoo ay qaarkood ii sheegeen in ay
u dhabar adaygayaan wax walbana ay u daynayaa sidii loo heli lahaa
dowlad soomaaliyeed oo la filayo in shirka la iskugu imaanayo 20 ka
bishan, hadiiba ay soo wada xaadiraan hogaamiyayaasha ku kala maqan is
maan dhaafka siyaasaded ee hakadka galay, lagu dhisi doono dowlad.
Ma,ahan markii ugu horeysay ee
ergooyinka soomaaliyed ay la kulmaan dhibaato iyadoo ay jireen marmar
badan oo kuwan la mid ah.iyadoo xalka soomaliyeedna uu u muuqdo maanta
nabad maya bari haa.
canab mumtaz
canabmumtaz@hotmail.com