SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SIGAARKA

May 17, 2004

AABBAHA SIGAARKA CABBA OO SABABI KARA IN XAASKIISA ILMUHU KA SOO DHACO

Ismail A. Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com


Tan iyo muddo hore ayaa waxaa la ogaa dhibaatada caafimaad ee uu sigaarku u leeyahay dadka caadaysta cabiddiisa taasoo sababtay in guud ahaanba la qaaddo olole wacyi gelin ah oo dadka looga digayo halista ay leedahay sigaar cabbistu..

Cabbista sigaaarka ayaa la sheegaa inay sababto dhimashada dad aad u tiro badan sannad walba. Tusaale ahaan wadanka maraykanka  waxa uu sigaarku naftooda galaaftaa sannad walba in ku dhaw 430,000 oo qof taasoo sigaarka ka dhigaysa ka sababa dhimashada ugu badan marka la barbar dhigo Aids, shilalka gawaarida, falalka dilka(homicides), isdilka(suicides), daroogada iyo shilalka dabka oo la isku wada daray.

Sigaarku waxa uu  yareeyaa inta uu qofku noolaan karo(life expectancy) qiyaastii 15 ilaa 25 sanno, waana waxa keliya ee si dhib yar looga hor tegi karo ee dhimasho sababa.

Baaritaan ayaa caddeeyay in raga sigaarka cabba 42% oo keliyi ay gaaraan da'da 73 sanno jir halka ay ka tahay kuw aan sigaarka cabin 78%.

Daaweynta cudurada sigaarka la xiriira ayaa la sheegaa inay kaga baxdo wadanka Marayakanka  130 bilyan oo dollar sannakiiba.

Qiiqu waa waxa ugu khatarsan ee uu sigaarku ka koobanyahay waxaana ku jira isku dhisyada  naytarajiin ogsaydh iyo kaarboon monogsaydh oo ah neefo dhib keena.
Tar oo ah walax sigaarka ku jirta ayaa marka ay dadku sigaarka nuugaan waxa ay gaadhaa sanbabada. Tar waxa ay ka kooban tahay 4,000 kimiko oo qaarkood ay sababaan cudurka kansarka.

 


FAA’IIDOOYINKA AY CAANAHA HOOYADU U LEEYIHIIN ILMAHA

Dhibaatada tubaakadu kuma koobna marka la qiijiyo oo keliya ee marka siyaalo kale loo isticmaalo lafteeda(Smokeless tobacco) ayaa waxaa ka dhalan karta khatar dhinaca caafimaadka ah. Siyaabaha kele ee tubaakada loo isticmaalo waxaa ka mid ah midda la calashado, ta budada ah iyo midda sanka laga qaato dhammaaantoodna waa kuwo dhibaato ka dhalan karto.

Sida ay caddaysay xarunta kantaroolka iyo ka hor tagga cudurada ee wadanka Maraykanku calalinta tubaakada ee 8 ilaa 10 jeer maalintii waxay u dhigantaa adigoo cabba 30 ilaa 40 xabbo oo sigaar ah maalintii, waxaanay kordhisaa khatarta aad ugu jirto inuu kugu dhaco kansarka afka, cirid gubasha(gingivitis) iyo ilko beelka, dadka isticmaala badankooduna waxay noqdaan kuwa aan joojin Karin oo ku  walfo(addicted).

Guud ahaanba cabiista sigaarku waxay kordhisaa khatarta wadna xanuunka, qalalka, cudurada sanbabka siiba kansarka sambabada ku dhaca iyo kuwo kale oo badan.

Hadaba iyadoo aynaan qoraalkan ku soo koobi karain khatarta caafimmaad ee ay leedahay sigaar cabistu ayaa dhammaan dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay yihiin kuwo si toos ah u saamaynaya dadka sigaarka cabba.

Baaris cilmiyeed ah tii ugu horeysay ee nooceeda oo kale ah ee la sameeyo ayaa dhawaan xaqiijisay in haweenka ay raggoodu  sigaarka cabbaan ay halis u yihiin inuu ilmuhu ka soo qubto. Cilmi baaristan ayaa lagu fiiriyay saamaynta uu aabbaha sigaarka cabbaa ku yeelan karo ilmaha uurka loogu sido.

Baarayaashu waxay rumaysanyihiin in balwaddani laba siyoodba dhibaato ugu keeni karto lammaanaha raba inay ubad kala helaan..
1.Waxay dhibaato u keeni kartaa manida ninka.
2.Waxay sababi kartaa in haweenayda sigaarka lagu ag cabbo(second hand smoke) uu ilmuhu ka soo dhaci karo.

Khubaradani waxay ku talinayaan in lammaanaha is qaba ay labadooduba sigaarka joojiyaan si ay kor ugu qaadaan fursadda ay ilmo ku dhali karaan.

Xidhiidhka aabbaha sigaagka cabba iyo khatarta ilmo soo dhicista haweenaydiisa ayaa soo shaac baxday markii ay baarayashu fiiriyeen xaddiga ilmo soo qubashada ee haween dhawaan la guursaday oo rabay inay uuraystaan.

Hadaba haweenka tijaabadan lagu sameeyay oo ahaa kuwo aan sigaar iyo khamri midna cabin ayaa waxaa loo qaybiyay kooxo iyadoo sal laga dhiganayo sida saygoodu ay sigaarka u kala badsadaan, waxaana xaalkooda isha lagu hayay muddo hal sanno ah.

Waxaa haweenkan maalin walba laga qaadi jiray kaadi si ay baaritaan ugu sameeyaan aqoonyahano ka tirsan Dugsiga Caafimaadka Guud ee Harvard (Hardvard School of Public Health) ee wadanka Maraykanka iyo Jaamicadda Caafimaadka ee Beijing ee dalka Shiinaha iyaga oo fiirinaya uuraysiga xilligiisa hore.
 


HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!!!!  Guji....

Haweenka iyo raga tijaabadan lagu sameeyay waxay ahaayeen  kuwo isaga mida dhinaca da'da, dhererka iyo culayska ku nool meelo degaan wasakheeyayaashoodu (environmental pollutants) isku mid yahay.

Hadaba aabaha siyaaryacabka ah ayaa u muuqda inuu ku sameeyo farqi yar fursadda uuraysiga haweenaydiisa.

89% haweenka ay raggoodu cabi jireen  in ka badan 20 xabbo oo sigaar ah maalintii ayaa waxaa u suurta gashay ugu yaraan inay hal mar uuraystaan halka ay ka noqotay 91% haweenka raggoodu caabbo tiro ka yar 20  xabbo maalintii ama ka caagan gebi ahaan cabista sigaarka.

Si kastabaha ahaatee hooyooyinka ay nimankoodu sigaar cabista ku ba'anyihiin waxay halis ugu jiraan in ilmuhu ka soo dhaco marka loo fiiriyo kuwa saygoodu aanu cabin sigaarka.
In ku dhaw 1/3 haweenka nimankoodu cabbaan in ka badan 20 xabbo oo sigaar ah maalintii ayaa waxay ilmahooda aan dhalan waayaan oo uu ka soo dhacaa 6 toddobaad ama in ka yar ka dib waqtigii ay uurka qaadeen halka ay ka tahay 1/5 haweenka aanu raggoodu sigaarka cabbin.

Dr Scott Venners oo ka tirsan waaxda caafimaadka deegaanka ee Dusiga Harvard ayaa wxuu yiri:- Waxaa noo baxday in haweenka nimankoodu sigaarka ku daranyahay in ay kordhayso halista uu ilmuhu uga soo dhici karo xilliga hore ee uuraysiga.

Waxa uu dattoorkaasi intaa ku daray in xogta ay ka heleen tijaabadani sheegayso in cabbista sigaarka ee aabuhu sababayso ilmo soo dhicista  haweenka qaarkood taasoo dhanka kale uu ilmahaasi badbaadi lahaa ilaa uu ka dhalanayo haddii aanu aabahaasi sigaarya cab ahayn.
 
Guud ahaanba ilmo qubashadu waxay ahayd mid joogto ah oo saraysa kooxaha haweenka ay raggoodu  sigaar cabista ku ba'anyihiin ayuu yiri datoorkaasi.

Haween badan oo sigaarka dhuuqa ayaa isku daya inay ka xoroobaan balwaddan ka dib marka ay uuraystaan maadaama ay jiraan caddaymo badan oo sheegaya in sigaarku uu dhibaatayn karo ilmaha ay uurka ku sidaan halka ay aabayaal badani qabaan in balwadddoodu aanay wax saamayn ah ku yeelanayn ilmaha uurka loogu sido.

Hadaba cilmi baaristan cusub oo lagu daabacay dhawaan American Journal of Epidemiology ayaa waxay si cad u soo bandhigaysaa sabab aabaha laftiisa ku kalifaysa inuu ka waantoobo balwaddan.

Ugu dambaystii cabbista sigaarka oo lagu baraarugay khatarta ay leedahay ayaa sababtay in wadamada horumay ay olole weyn ku qaadaan taasoo diiqad gelisay sigaar ya cabka ka dib markii laga mamnuucay  sigaarka goobo badan siiba meelaha dadka ka dhaxeeya.

Waxaa la sheegaa in ay hoos u dhacday dadka sigaarka cabba ee wadamada horumay taasoo sababtay in shirkadaha tubaakada ka ganacsadaa u wareegaan suuqyada dunida saddexaad oo  iyaga ay ku sii badanayso sigaar cabbistu.



Ismail A. Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com

» SHAHIIDKA SOOMAALIYEED [Faaladii Khaliil]


Faafin: SomaliTalk Jan 17, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]