XUSEEN
MAXAMED CEYDIID OO LOO TAXAABAY XABSI KU YAALLA MAGAALLADA
NAIROBI

Xusen Caydiid |
Xusen Maxamed
Faarax Ceydiid oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qayb galaysa shirka
dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, sanooyinkaan dambena ku sugnaa
dalka dibaddiisa, gaar ahaan magaallada Nairobi ee dalka Kenya
ayaa shalay loo taxaabay xabsi ku yaalla magaallada Nairobi,
kaddib markii maxkamad ku taalla magaalladaasi ku xukuntay hal
bil oo xarig ah.
Xuseen Ceydiid
ayaa sababaha xabsiga loogu taxaabay ay tahay kaddib markii nin
u dhashay waddanka Kenya uu ku soo eedeeyey in uu ka qabo lacag
gaareysa 118-kun oo Dollar (boqol & toban iyo sideed kun) oo uu
Xuseen Ceydiid ka qaatay sanadkii 1997-kii sanad kaddib markii
uu aabihii kala wareegay xilkii hoggaanka SNA iyo weliba
dowladdii Salballaar.
Xuseen Ceydiid
ayaa lagu xiray xabsiyada lagu xiro dadka shisheeyaha ayaa
dowladda Kenya waxa ay markiiba u sameysay hall weyn oo uu ku
qaabilo dadka soo booqanaya iyo suxufiyiinta. Xuseen Ceydiid
illaa iyo haatan kama hadlin xariggan, balse afhayeenkiisa
Naaleeye ayaa waxa uu ku tilmaamay xabsigan mid siyaasadeed oo
la doonayo in looga reebo wejiga 3-aad ee shirka dib u
heshiisiinta Soomaaliyeed iyo weliba tartanka musharraxnimada
madaxtinimada Dalka Soomaaliya.
Xuseen Ceydiid
xariggiisa waxa uu ku soo beegmay xilli loo diyaar garoobayo
furitaanka wejiga 3-aad ee shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed iyadoo maalinta berri ah uu furmi doono shir ay
isugu imaan doonaan wasiirrada arrimaha dibadda ee waddammada
IGAD, kaasoo looga hadli doono qaabka uu u furmi lahaa wejiga
3-aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana la
filayaa in ay ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo la doonayo
in hore loogu sii dhaqaajiyo shirkaasi.
Mar aan la
xiriirnay Xarunta isbahaysiga SNA ee magaallada Muqdisho maanta
waxaan wax ka weydiinnay xarigga Xuseen Maxamed Ceydiid, waxa
ayna noo sheegeen in ay tahay mid la doonayo in sharafta looga
qaado xuseen Maxamed Ceydiid, iyagoo sheegay in ay falkan ka
dambeeyaan siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed oo ay sheegeen in ay
u adeegaan cadowga Soomaaliyeed, waxayna ka dalbadeen dowladda
Kenya in si deg-deg ah loo sii daayo Xuseen, isla markaana
sharaftiisii dib loogu soo celiyo.
Amiin Yuusuf
Khasaaro
Email:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Mogadishu-Somalia