W/Q.Abdi Wali
Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Xuseen Caydiid oo
Dayn lacageed loo xirtay.
Xuseen Caydiid oo ka
mida Hogaamiye Kooxeedyadda ugu tunka wayn Muqdisho ayeey Maxkamad ku
taala Dalka Kenya ku xukuntay Hal Bil oo Xarig ah. Kadib markii uu
dacwad ku soo oogay Ganacsade Kenyan ah.
Xuseen Caydiid oo
shalay ay Boolisku Kenya ka taxaabeen Hoteelkii uu daganaa ayaa waxaa si
deg deg ah loo saaray Maxkamad iyadoo loo diiday inuu qabsaddo wax
qareen ah. Waxaana dabeeto uu Xeer Ilaaliyihii Maxkamaddu ku xukumay Hal
Bil oo xarig ah iyo inuu bixiyo Lacagaha loo haysto ee uu sheeganayo
Ganacsade Kenyan ah inuu ka lunsaday.
Xeer Ilaaliyaha
Maxkamadii la saaray Caydiid ayaa ku xukumay Xuseen Caydiid in lagu
leeyahay 15 Milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 180 Kun oo Doolar.
Lacagtaasoo Xeer Illaaliyuhu uu sheegay in 1997-dii uu Ganacsade Kenyan
heshiis kula galay Caydiid inuu mashaariic uga fushado Somalia.
Xabsiga Industrial
Area oo lagu xiray Caydiid ayaa waxaa maanta hordhoobnaa Soomaali badan
oo ka caraysan sida sharci darradda ah ee loola dhaqmay Hogaamiye
Kooxeedka Xuseen Caydiid. Waxaana ay dadkan oo isugu soo ururay Banaanka
hore ee Xabsiga ay ka dalbadeen Kenya inay soo dayso Caydiid.
Hogaamiyayaasha
Soomaalida ayaa iyaguna carro taa la mida muujinaya. Waxaana Hoteelka
Green Rich oo Hogaamiyayaasha Soomaalida Maanta isugu soo urureen si ay
ula kulmaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD ay muujinayeen sida ay
uga xun yihiin Tallaabada lagu
xiray Xuseen Caydiid.
Waxayna ka dalbadeen Kenya inay si deg deg ah ku soo dayso Caydiid.
haddii aysan taasi dhicina waxay ku hanjabeen inay isaga baxayaan Shirka.
kuna laabanayaan Goobihii ay ka yimaadeen ee Somalia.
Sharci yaqaanadda
Kenya ayaa iyaguna aaminsan in Dambiga loo haysto Xuseen Caydiid uusan
mudnayn in loo xiro haddiiba uusan ahayn qof baxsanaya. Waxayna sheegeen
in xittaa uusan sharcigu fasaxayn Xukun deg deg ah in lagu fuliyo qof
hanti lagu sheeganayo. Laakin ay tahay in marka hore looga yeero
Maxkamadda isaga oo aan Maxbuus ahayn.dabeetana loo oggolaado inuu
qabsado Qareen. Laakiin Caydiid oo shalay uun la soo qabtay ayaa
maxkamad isla shalay la saaray waxay ku riday Xukun deg deg ah.
Xarriga Xuseen
Caydiid oo yimid maalin ka hor Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee
IGAD oo looga hadlayo Arrimaha Somalia ayaa laga yaabaa inay wax wayn u
dhinto Sumcadiisa Siyaasadeed. Waxaana sidoo kale uu xarigan dhabar jab
ku yahay Ololihii uu Siyaasiga Da壇a yar ee Xuseen Caydiid ku doonayay
inuu isku soo taago Jagadda ugu saraysa Somalia ee Madaxwaynanimadda.
Xuseen Caydiid ayaa
noqtay Hogaamiye Kooxeedkii labaad ee xabsiga loo taxaabo tan iyo intii
uu shirka Soomaalidu ka socday Kenya. Waxaana horay loo xiray Mawliid
Macaane oo Madasha Shirka ay ku dagaalameen isaga iyo nin kale oo ka mid
ahaa Ergadda shirka ka qayb galaysa.
Warar
DHeeraad ah:
XUSEEN MAXAMED CEYDIID OO LOO TAXAABAY XABSI KU YAALLA MAGAALLADA
NAIROBI
Qiimaha Basiinka
oo Muqdisho ka gaaray heer uusan waligiis gaarin.
Qiimaha Basiinka ayaa
ka gaaray shalay iyo Maanta Magaaladda Muqdisho heerkii ugu sareeyay ee
uu gaaro Muddo 7 Sanno ah.
Liitarka Basiinka ah
ayaa Shalay iyo maanta waxaa lagu kala iibsanayay Magaaladda Muqdisho 25
kun oo Shilinka Soomaaliga ah una dhiganta lacag ku dhow Labo Doolar.
Waana sare u kacii ugu sareeyay ee uu Basiinku ka gaaro Muqdisho muddo
Toddobo Sanno ah. Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Shirkadaha
Shidaalka keena Somalia.
Shirkadaha Shidaalka
ayaa sare u kacan ku macneeyay mid Caalamka oo dhan ka jira. Laakiin aan
Soomaaliya ku koobnayn. Waxayse Sheegeen inay sida ugu dhaqsiyaha Badan
dalka ku keeni doonaan Basiinka oo ka mida Shidaalada sida wayn looga
isticmaalo Somalia.
Isu socodka Gaadiidka
iyo Adeegyadda Bulshadda qaarkood ayaa maanta iyo shalay laga dareemayay
sare u kacan ku yimid Qiimaha Basiinka. Waxaana dhaqaalo yahanaddu ay
aaminsan yihiin in isbad badalka Qiimaha Shidaalka ee Suuqyadda Muqdisho
ay saamayn xoogan ku yeelan karto Dhaqaalaha Dalka oo markiisii horaba
aan wanaagsanayn.
Shiiq Soomaaliyeed
oo Maydkiisoo dal dalan laga helay Gurigii uu ka daganaa Magaaladda
Bristol ee Dalka Ingiriiska.
Shiiq Soomaaliyeed oo
Caan ah ayaa Maydiisa laga helay Magaaladda Bristol ee Dalka Ingiriiska.
Sida ay Xaqiijiyeen dad Soomaaliyeed oo degan Ingiriiska.
Allaha u Naxariistee
Shiiq Daa置ud oo ka mida Mashaa段iqda Soomaalida ah ee sida wayn looga
yaqaano Dalka Ingiriiska ayaa laga helay Maydkiisa guri uu ka daganaa
Magaaladda Bristol isaga oo dal dalan. Waxa uuna Shiiqan Iimaam ka ahaa
Masjid wayn oo ku yaalay Magaaladaasi.
Booliska Ingiriiska
oo la wareegay Maydka Shiiqaasi isla markaana baaraya sababaha keenay
geeridda Shiiqaasi ayaa sheegay inay ka bixin doonaan faah faahin
rasmiya sababta keentay in Shiiqaasi uu is dal dalo marka ay u dhamaato
Baarista ay wadaan.
Allaha u Naxariistee
Shiiq Daa置ud waxa uu markiisii hore ka yimid Dalka Holland sida ay
Soomaalida Ingiriiska dagan u sheegeen Shabakadan. Wuxuuna ahaa Caalim
ku Xeel Dheer Diinta Islaamka isla markaana Iimaam ka ahaa Masjid wayn
oo ku yaalay Bristol.
Soomaali badan oo ku
nool Dalka Ingiriiska ayaa Aragtiyo kala duwan ka bixinaya sababaha
keenay in la helo Maydka Shiiqa oo Dal Dalan. Soomaalida Badan oo ku
sugan Magaalooyinka Ingiriiska Isla markaana ay la xiriirtay Shabakadan
ayaa aaminsan in Shiiqa la dal dalay. Hase yeeshee waxaa jira Tiro yar
oo Soomaali ah oo aaminsan in Shiiqu uu isagu laf ahaantiisa is dal
dalay. Laakiin labadan fikradoodba waxay ku egyihiin Tuhun ay Soomaalidu
qabaan. Balse ma jirto illaa iyo hadda Baaris Cilmiyaysan oo Muujinaysa
qaabka uu u dhintay Shiiq Daa置ud.
Ma ahan markii ugu
horaysay ee Dalka Ingiriiska lagu arko Maydka Shiiq Soomaaliyeed oo dal
dalan. Saddex Sanno ka hor ayaa laga helay Magaaladda London Maydka
Shiiq C/qaadir oo dal dalan. Waxaana baaris ka dib ay Booliska
Ingiriiska sheegeen in Shiiqu uu isagu is dilay kadib markii ay soo
wajahday Shiiqa Dhibaato dhinaca Qoyska ah.
Dhaqankan ah in la is
dal dalo ayaan ahayn wax looga bartay Soomaalida oo ah Ummad Islaam ah.
Isla markaana ku qanacsan Qadarta Eebe. Laakiin Soomaali badan oo tagay
Waddamo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ay ku kala duwan yihiin ayaa ku
kadsoomay Dhaqamadda Qiyaaliga ah ee Reer Galbeedka.
April
11, 2004:
Qofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur
Africa
Wasiiradda
Arrimaha Dibadda ee IGAD oo ku kulansan Hoteelka Green Rich.
Wasiiradda Arrimaha
Dibadda IGAD ayaa lagu soo waramayaa inay maanta ku kulansan yihiin
Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.
Wasiiradda ayaa
kulankooda uu ka socdo Hoteelka Green Rich waxaa loo diiday Saxaafaddu
inay ka qayb gasho iyadoo ay yar tahay xogta dhabta ah ee laga heli karo.
Laakiin wariye ku sugan Hoteelka uu shirku ka socdo ayaa u sheegay
Shabakadan inay Xubno ka tirsan IGAD oo kulanka ka qayb galay ay
daqiiqadihii Nasashadda u sheegeen in dood adag ay ka taagan tahay
Waqtiga uu furmayo Wajiga Saddexaad ee Shirka oo wasiiradda qaarkood ay
ku adkaysanayaan in isla maantaba lagu dhawaaqo inuu furmay Wajiga
Saddexaad ee Shirka. Laakiin Jabuuti iyo Uganda ayaa ku taliyay in marka
hore la qanciyo Hogaamiyayaasha ka biyo Diidsan Shirka Kenya.
Kulankan ayaa marka
uu dhamaado waxaa la filayaa inay Wasiiraddu kulan wadatashi ah la
yeeshaan Hogaamiyayaasha Kooxaha Soomaalida intooda joogto Magaaladda
Nairobi. Waxaana Wasiiraddu ay dhagaysan doonaan Talooyinka ay soo
jeedinayaan Kooxaha Soomaalidu. Iyadoo ugu dambayntana ay Wasiiraddu soo
saari doonaan Go誕ano ku aadan Shirka Soomaalida.
Shirkan oo ay ka soo
qayb galeen Lixdan Waddan ee IGAD isla markaana u xilsaaran arrimaha
Somalia ayaa baaqday shalay kadib markii ay shalay soo gaari waayeen
Nairobi Wasiiradda Arrimaha IGAD qaarkood taasoo keentay inuu shirku
baaqsado.
Wargayska
Washington Post oo soo bandhigay Muuqaalo Naxdin leh.
Sawiro dheeraad ah oo
muujinaya tacadiga ay Ciidamadda Maraykanku ka gaysteen Ciraaq ayeey soo
bandhigeen Jaraa段dka Maraykanka.
Wargayska Washington
Post ee ka soo baxa Dalka Maraykanka ayaa qoray inuu arkay sawiro
muujinaya tacadiyo fool xun oo loo gaystay Maxaabiista Ciraaq. Waxaa ka
mida Sawiradda Washington Post uu soo bandhigay Muuqaalka Maxbuus
Ciraaqiya oo inta la qaawiyay Saxaro loogu qubeeyay. Iyo dhacdooyin kale
oo fool xun.
Jariiraddu
waxay sheegtay inay Muuqaaladan ay heshay ay ahaayeen kuwii Pentagon-ku
uu u soo bandhigay Koongareeska Maraykanka. Waxaana Muuqaaladani ay
Jariiraddu soo bandhigtay ay si aada uga fool xun yihiin kuwii horay ay
Jaraa段dka kale ee Caalamku u soo bandhigeen.
Muuqaaladan
Cusub ee Washington Post ayaa sii xoojinaysa murankii waynaa ee ka
dhashay tacadiyadda loogu gaystay Dadka Ciraaqiyiinta ah Xabsiyadda uu
Maraykanku gacanta ku hayo. Waxaana Muuqaaladani ay wiiqayaan Siyaasadda
Maraykanka ee Ciraaq ku aadan oo awalba dhaleecayn Caalamiya si isdaba
joog ah u soo wajahaysay.
Dhinaca
kale ugu yaraan Boqol Maxaabiis Ciraaqiyiina ayaa maanta laga sii daayay
Xabsiga Abuu Quraya oo ah halka ay ka soo shaac baxday Fadeexadii ugu
waynayd ee uu Maraykanku ka gaystay Ciraaq.
W/Q.Abdi Wali
Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com