C/qaasim oo ka dagay Tunisia. Iyo Shirkii
Jaamacadda Carabta oo saaka si rasmiya u billawday.
Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta ayaa si
rasmiya uga furmay Maanta Magaaladda Tunis ee Dalka Tunisia.
Iyadoo dhinaca Soomaaliyana uu shirkaasi uga qayb galayo
Madaxwaynaha Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, C/qaasim
Salaad Xasan.
Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo Bishii
March ee Sannadkan ay Tunisia baajisay kadib markii ay dalalka
Carabta Siyaasad ahaan ku kala qayb sameeen ayaa haatan waxaa ka
cudurdaartay ka qayb galkiisa Madax uu ka mid yahay Ninka iska
leh Dhaxalka Boqortooyadda Sucuudiga. Amiir Cabdalla iyo
Madaxwaynaha Sudan. Cumar Xasan Al-Bashiir.
Madaxwaynaha Tunisia oo saaka Shirkaasi furay
ayaa sheegay in looga baahan yahay in Waddamada Carabta ay
mawqif mid ah qaataan isla markaana meel iska dhigaan
khilaafaadka Siyaasadeed ee u dhaxeeya. Wuxuuna sheegay in
Dawladda dalkiisa ay u qaadatay go’aanka hakinta shirka Bishii
March kadib markii ay aragtay in Shirka uu harayn doono Khilaaf
ururka dhexdiisa ah. Sidaas darteedna ay muhiim tahay in marka
hore la xaliya khilaafka.
Shirkan oo ay ka baaqsadeen Madax Muhiim ah oo
ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa waxaa ajandayaasha ugu
muhiimsan ee looga hadlayo ka mida Arrinta Isreal iyo Falastiin
iyo Haysashadda Ciraaq ee Xulufadda uu Maraykanku horkacayo.
Waxaa kaloo la sheegay inay Madaxda Carabta
isla soo qaadi doonaan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqalaha. Iyadoo
sidoo kalana Saraakiil ka tirsan Jaamacadda Carabtu ay sheegeen
inay suuragal tahay in Ajandayaasha Shirka lagu soo darro
Ballaarinta Hanaanka ay Siyaasadda uga qayb qaataan Siyaasadda.
Taasoo keeni karto in Haweenka Carabtu ay door muuqda ku
yeeshaan
Siyaasadaha Dalalkooda. Arrinta Syria oo uu
Maraykanku sheegay inuu cunaqabatayn ku soo rogayna ayaa iyaduna
ka mid noqon doonta Ajandayaasha ay Madaxda Carabtu isla soo
qaadi doonaan.
C/qaasim oo ka mida Madaxda Carbeed ee
shirkaasi ka qayb galaya ayaa isku diyaarinayaa inuu Khudbad ka
jeediyo Berri galinka hore Shir Madaxeedkaasi. Iyadoo qudbadiisu
inta badana ay la xiriiri doonto arrimaha Dib u Heshiisiinta
Soomaalida. Iyo caqabadaha soo wajahay Shirka Kenya.
Goobta uu shirku saaka ka furmay ayaa ahayd
meel si wayn loo adkeeyay Ammaankeeda. Waxaana isku gadaamay
Ciidamadda Milatariga dalkaasi oo ay kor ka taageerayaan
Diyaaradaha Qumaatiga u kaca. Iyadoo Koox Suxufiyiin ah oo ka
kala yimid Caalamka isla markaana lagu marti qaaday shirkaasi la
geeyay Goobta Shirka ka hor intii aysan tagin Madaxdu. Waxaana
la amray inay yareeyaan Suxufiyiinta dhaq dhaqaaqooda.
Qaramadda Midoobay oo wal wal ka muujisay
Dagaaladda Muqdisho iyo Jubbooyinka.
Qaramadda Midoobay ayaa wel wel ka muujisay
Dagaaladda ka soo cusboonaaday Magaaladda Muqdisho iyo meelo ka
mida Somalia. Iyadoo Kooxaha Dagaaladaasi abaabulayana ka
dalbatay inay si deg deg ah u joojiyaan Dagaaladda.
Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay u
qaabilsan Arrimaha Somalia. Winston Tubman iyo Xiriiriyaha
Hawlaha Bini’aadanimo ee Somalia. Mixewell Gaylard ayaa hadal ay
wadajir u soo saareen waxay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin
dagaaladda ka soo cusboonaaday Qaybo ka mida Muqdisho. Isla
markaana ay dareemayaan Niyadjabka ay dagaaladaasi ku hayaan
Shacabka Soomaaliyeed oo u ooman Nabad ka dhalata Dalkooda.
Waxayna sidoo kale Wal wal ka muujiyay Dagaaladda Abaabulan ee
ka socda Gobaladda Jubbooyinka oo ay ka dalbadeen dhinacyadda
isku haya inay joojiyaan Dagaalka. Isuguna yimaadaan Miiska
Wadahadalka.
Qaramadda Midoobay waxay xaqiijisay in
dagaaladdii ka dhacay Muqdisho ay ku dhinteen 60 qof. Inkastoo
wararka aan ka helnay intii uu dagaalku socday Isbitaaladda
Muqdisho ay intaas ka badinayaan Dhimashadda dagaalka haddana
waxay sheegeen in Lixdankaasi qof oo u badan Rayid iyo Barakicii
ku yimid Qoysaskii daganaa Goobihii uu Dagaalku ka dhacay
Masuuliyadooda lagula xisaabtami doono Horjoogayaasha Labada
Dhinac ee dagaalamayay.
Maraykanka oo sheegay inay diyaarinayaan
Hanaan ay Dalalka Bariga Afrika ku wadaagi karaan Macluumaadka
dhinaca Sirdoonka.
Taliyaha Ciidamadda Maraykanka ee La
Dagaalanka Argagixisadda Geeska Afrika. Jen Mastin Robeson ayaa
sheegay inay dalalka ku yaala Gobalku ay u ballan qaadeen
Maraykanka inay iskaashi kala yeelanayaan ololaha ka dhanka ah
Argagixisadda.
Robeson waxa uu sheegay in Dalalka Bariga
Afrika ay wadaagaan Macluumaadka Sirdoonka. Isla markaana ay
dhinacooda siiyaan Tababaro ku aadan La dagaalaanka
Argagixisadda. Wuxuuna sheegay in Ciidamadda La Dagaalanka
Argagixisadda oo la sameeyay Bishii June Sannadkii 2001-da ay ka
hawl galaan waddamadda Jabuuti. Eritrea. Ethiopia. Yemen. Sudan.
Kenya. Iyo Somalia. Isagoo dhinaca kalana sheegay inay
qorshaynayaan Hirgalinta Nidaam isku xira Dalalka Gobalka oo ay
ku wadaagi karaan Macluumaadka Dhinaca Sirdoonka ah.
Robeson waxa uu sheegay inuusan aaminsanayn in
Geeska Afrika ay joogaan Argagixiso xoogan. Laakiin waxa uu
sheegay inaan la iska indha tiri Karin Xaqiiqada ah inay sii
xoogaysanayaan haddii aan laga hortagin. Wuxuuna sheegay inay
sii xoogaysanayaan dhaq dhaqaaqyadda Salafiyadda. Wahaabiyadda.
Iyo Kooxaha Xag jirka ah ee Jihaadka aaminsan.
Janaraalku waxa uu sheegay in meelaha ay sida
wayn Argagixisaddu ay ugu korayso ay ka mid tahay Somalia.
Wuxuuna ku tir tirsiiyay Dalalka ku yaala Gobalka inay
feejignaan dheeriya ka muujiyaan Dhaq dhaqaaqyadda Kooxaha
Argagixisadda ah ay ka wadaan Somalia.
Weerar Is Miidaamin ah oo lala beegsaday
Ciidamadda Maraykanka.
Hal Askari oo Maraykan ah ayaa dhintay. Saddex
kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax is miidaamin
ah lala beegsaday Ciidamadda Maraykanka. Sida ay Baahisay Saaka
Wakaaladda Wararka ee Rueters.
Weerarkan oo ka dhacay Koonfurta Baghdad ayaa
sida ay sheegtay Reuters waxaa loo adeegsday gaari lagu soo
rakibay Waxyaabaha Qarxa. Waxaana Ciidamadda Maraykanku ay
billaabeen inay isku hareereeyaan Aaga uu Dagaalku ka dhacay.
Iyagoo billaabay inay galaan Heegankii ugu sareeyay.
Dhinaca Kale waxaa isi soo taraysa Caradda ay
ka muujinayaan Ciraaqiyiintu Tacadiyada isi soo taraya ee ay
Ciidamadda Maraykanku kula kacayaan Maxaabiista Ciraaqiyiinta.
Waxaana wali ay warbaahinta Caalamku si wayn u hadal Hayaan
Warbixintii Xasaasiyadda lahayd ee ay soo bandhigtay Jariiradda
Washington Post ee ka soo baxda Dalka Maraykanka.
Mohamed Jama oo ah Maxbuus Ciraaqiya oo ay soo
xigatay Washington Post ayaa sheegay in lagu qasbi jiray inay u
socdaan sida Eeyaha oo kale isla markaana u dhawaaqaan. Waxaana
Wargayskaasi uu soo bandhigay Mohamed Jama oo uu ku socda Afarta
Addin sida Xayawaanka oo kale.
Maraykanka oo horay u sheegan jiray inuu
Ciraaq ku soo dabaalay Dimuquraadiyad isla markaana Saddaam
Xuseen ku eedayn jiray inuu ku xadgudbo Xuquuqda Aadanaha ayaa
isagu imminka ku kacay Falal Naxariis Darro ah oo ka baxsan
Bini’aadanimadda. Iyadoo ay Qaramadda Midoobay iyo Hay’adaha
Xuquuqda Aadanaha u doodana gaabis ka noqdeen inay ka hadlaan
waxa ka dhacaya Ciraaq.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com