SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SPR

SOMALI PEACE RALLY
Galkaio, Somalia, May 27kii 2004

PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M5/278/2004

Cabdiqaasim - Cabdullahi = Kud - Qanje

Galkaio City, Somalia, May 27kii 2004 - Somali Peace Rally - In Somalia tahay qaran aad u nasiib daran shaki kuma jiro. In Somalidu dad xasuus gaaban tahay ayana shaki kuma jiro. In uu Soomaali ku yar-yahay hogaamiye hagaagsan ayana shaki kuma jiro. Haddii aan intaasi run ahayn ama u dhawayn Somaliya ma ahaateen qaran bur-buray oo haddana sii bur-buraya.

Somaliya waxaa burburshay maamul heeryo cun ah, waxaa ayana meeshii ka baxay kuwii maamulkaas riday oo noqday jabhado faashiliin ah. Somali socotay oo socotay oo dhaafi wayday haraagii maamulkii heeryo cunka ahaa iyo jabhadihii ka sii liitay maamulkii Ina Siyaad.

Waxaa Jabuuti laga soo yagleelay waxa loogu magac daray DKM. Waxaa madax loogaga soo dhigay nin diiwaankiisu aad u madowyahay oo ku caan baxay qabyaalad iyo dhagar raqiis ah; waxaa arrintaas sahlay illowsho, dhib markii yaallay, ku gabbasho quraan, iyo iyadoo ay binu aadamka ay ka suurtogeli karto in qofku is beddeli karo haddii fursad la siiyo. Gaar ahaan haddii lagu magacaabo hogaamiye qaran. Runi carartay oo kuftay oo dhaafi weyday in Cabdiqaasim noqday nin la yiqiin oo marada laga qaaday.

Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya..
Guji...


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Waxaa ayana ummadda Puntland isu tagtay 1998 ayadoo leh waxaan dhaamaynaa Somalida kale. Waxay ka badin weyday in Col. Cabdullahi Yusuf loo magacaabo madaxweyne dawlad goboleed. Cabdullaahi waa ninkii afka dhulka u daray mucaaraddii Somaliyeed ee hubaysnayd, asagoo leh waxaan ahay nin Maxamed Siyaad ka fiicnaa dhan kasta, marka waa in aniga markayga meesha la igu dayaa. Waa tii la ogaa meesha asaga iyo saxiibkiisa ay meelo badan isaga ekaayeen ay dhigeen taladii mucaaradka Somaliyeed. Waa tii la burburshay dawladii lana dhisi waayey mid kale.

Diiwaanka Cabdullaahi xitaa haddi tii hore la illaawi lahaa waxaa ku cad inuu naftiisa ku qiray inuu yahay DIKTAROOR aan wiilkiisa bixinayn haddii la yiraahdo xukunka ka dag ama sidaan arrinu maa aha oo sharcigaa diidaya. (Waa tii la ogaa meeshuu dhigay Suldaammadi yiri, Cabdullahi bal ayaamo naso).

Waxaa nin Cabdiqaasim la shaqeeyey oo ku dhawaa laga sheegay inuu jabiyey inta qodob ee uu ka kooban yahay dastuurkii Jabuuti. Waxaa dad Cabdullahi ku dhow ayana caddeeyeen inuusanba sharci wax la yirhaado eegin, mar haddii uu madax yahay - shacigu waa asaga - meeshii diktatoor Fransiis ahi ka yiri.

Waxaa la yiri ninkaad kabo ka tolonaysid kuwiisaa la eegaa. Somalida Cabdullahi hadal haysaa may waraysato reer Puntland. Mid ogol iyo mid diiddan waxay leeyihiin, "Cabdullahi Xamar baan isaga diraynaa". Puntland waa meel aan maanta cidu isu noolayn, waddaninimo dhaammaatay, tolnimo iyo Isim la soo afjar, jaajuus iyo damiir laawe mooye qof wax isku falayaa aan wax la weydiin. Reer Puntland waxay leeyihiin, Cabdullahi labo jeer baan ku khasaarnay.

Maanta waxaa soo bax-baxaysa, Cabdullahi waa musharrax, Cabdiqaasim waa musharrax. Waxaad mooddaa in dhibaatada haysata Somalida ay indha maro ka saarayso ceebo badan ee ay leeyihiin shakhsiyaadka ina horboodaya. In badani waxay oran oo mid cid dhaantaa jirta, ama dhibta ina haysaa maamul xun oo kasta ka daran. Waxaa laga boodayaa xaqaa'iq muuqda oo ah in ragga aan labadaas keliya ka magacawnay inaysan maamul samayn karin,sidii ka caddaatay jabuuti ama Garoowe, inaysan doonayn ama danaynayn inay qaran daacad u noqdaan ee ay rabaan inay helaan meel ay xoogaa ka aruursadaan, wiil ay adeer u yihiinna meel kasta geystaan. Soot ii dalku ku burburay ma ahan. Miyaa la diidi doonin berri, Marreexaanayn, Cayrayn iyo Mahadayn. Waa run kharaar.miyeynan ahayn?

Waxaa Cabdullahi ku khasiray shirka Kenya lacag kor u dhaaftay $2malyan waxaana aan mushahaar dadka ka shaqeeya Puntland aysan qaadan dhowr bilood, isbitaal ama school warkood daa. Waxaa la ogyahay inaan khasnadda Puntland ay maamulaan wiilal Cabdullahi ama dhalay ama uu adeer u yahay (wixii soo dhaafa tuugga khasnajiga ah). Cabdiqaasim iyo sariir lacag hoos ka gelin ma aha war xiiso leh, qunsul ku badal ina adeerkaa ma aha ayan calaamad cusub ee odaygu la yimd - eeg, waa hormuud jaamacad ku beddel ina adeerkaa kii shaqo dibedda u aada.

Waxaa arrin fudadaynaya oo Somali ka qabanya luggooyada kor ku xusan waa ayada oo aysanba dhici doonin in la ogolaada caqliga Qassim iyo Cabdullahi. Cabdiqaasimna ma wayi doono sharuud uu shirka ku xiro siduu koleygiisa ula meeraysto, Cabdullahina lama marin doono caqli aan ahayn kuu siyaasad ka yaqaan oo ah inuu horta doorto cidda asaga berri dooran lahayd. Markaas xoog ku maquuni kiddii kaa hortimaadda.

Caqliga Cabdiqaasim iyo kan Cabdullahi waxaa dhaanta sida xaal yahay, waayo wax kharribid mooye hagaag ma soo socdo, waa haddii khibraddii Puntland iyo DKM wax yar laga faa'iidaystay. Dabcan ninkii dan yar ka leh labada qab-qable midkood waa u kharaaraan doonaa maqaalkaani, kii xer u ah asaga warkiis daa, Somali daacad ah waxaa u eg in faashil oo dhan uu yiraado, intii hore ku nabad gal, haddi kale maxkamad la keeno.

sprally@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk  May 27, 2003 

QORAALADII HORE EE SPR  

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh SPR.

Maan Deeq u Curatay Reer Minnesota!

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...



kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD