May 28, 2004
WARARKA MAANTA:
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan
(Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Dagaalkii ka soconayay qeybo
kamid ah Magaalada Muqdisho oo dib usoo cusboonaaday maalintii
shalay aheyd ayaa wuxuu sababay inay ka barakacaan dad aad ufara
badan oo ubadan caruur iyo haween.
dagaalkan ayaa habeenkii xalay
ahaa oo dhan waxaa laga maqlayay daryanka rasaasta la isu
adeegsanayay inta badan xafadaha magaalada muqdisho waxaan dadka
ka agdhawaa Xaafaadaha uu dagaalku saameeyey ka billowday Bara
kac.
Xaafadaha si wayn ay dadku uga
barakaceen ayaa waxaa ka mida ah Ceel Garboole, Xaajiyo Culumo,
Xaliimo Hayte, Shibis, Shangaani, Arjantiin, iyo Cabdi Casiis,
dadka ka qaxayey dagaalka soo noqnoqday ee la’isu adeegsanayo
Hubka Nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in
qaarkood ay gaareen Gobolka Shabeelada Hoose gaar ahaan Magaalo
Madaxdiisa Marka, halka kuwa kalena lagu arkayey Xaafadaha kale
ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa yar xogta rasmiga ah ee
laga helayo waxyeelada uu gaystey dagaalkaan,laakiin sida ay
Xaqiijeen dhakhaatiirta ka hawl gasha isbitaalada Madiina iyo
Xayaat ayaa sheegay in dadka ku dhawaacmay dagaalkaani ay kor u
dhaafayaan illaa iyo shan iyo konton qof oo u badan dad Rayid,
waxayna sheegeen in qaarka mid ah dadka ay dhaawacyadu ka soo
gaareen dagaalka ay qaarkood u dhinteen Dhiig bax ka dib markii
gaadiid lagu soo gaarsiiyo Isbitaalada Magaalada Muqdisho
lawaayay.
Dr. Maxamed Axmed Maxamed (M.
Dheere ) oo ka mid ah dhakhaatiirta ka hawl gasha Isbitaalka
Xayaat ayaa sheegay in Isbitaalka uu u taag la’yahay dhaawacyada
faraha badan ee lasoo gaarsiinayo, wuxuuna sheegay in ay
dhaawacyada qaarkood u gudbiyeen Isbitaaladda kale ee Magaalada
Muqdisho. Maadaama hawsha Isbitaalka ay tahay Hooyadda iyo
Dhallaanka.
Dr. Maxamed Dheere waxa kaloo
uu sheegay in uu aad ugu xun yahay dagaalada ka soo cusboonaadey
magaalada Muqdisho. Isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed
aysan u dulqaadan Karin dagaaladda micno la’aanta ah ee
waxyeeladda loogu geysanayo dadka Rayidka ah.
Dhinaca kale waxaa gaabis u
muuqda dadaalkii ay wadeen waxgaradka Waqooyiga Muqdisho ka dib
markii ay bur burtey Xabad joojintii, laakiin hadana waxaa jiro
rajo ay laga qabo in dagaalku joogsato.
Macalin Nuur Max’ed Siyaad oo
ka mid ah Waxgaradka waan waanta ka dhex waday Kooxaha ku
dagaalamaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa
in isaga iyo waxgaradkale ay kala dhex galaan kooxaha
Dagaalamaya.
Qaar ka mid ah Odayaasha
Dhaqanka ee Beesha Mudulood ayaa uga digay Beesha Habar Gidir in
ay ku lug yeeshaan dagaaladda ka socda Waqooyiga Magaalada
Muqdisho
C/llaahi Xuseen Axmed oo ka mid
ah Guddiga dhaqanka ee Beesha Mudulood ayaa sheegay hadii ay soo
dhex galaan dagaalka ka socda qaar ka tirsan Xaafadaha Magaalada
Muqdhiso Beelaha Habar Gidir loo baahan yahay in ay u muuqdaan
kuwo dhex dhexaad ah.
C/llaahi Xuseen waxa uu ka
dhigay Cawaaqib xumada ka imaanka karta hadii Beelaha Habar
Gidir aysan dhex dhexaad ka noqon dagaalka.
Hadalka C/llaahi Xuseen ayaa
waxa uu dabo socdaa Baaq ay soo saareen Odayaasha dhaqanka ee
Beesha Habar Gidir, baaqaasoo ay kaga dalbanayeen in ay dagaalka
joojiyaan Beelaha ku dagaalamaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho
hadii ay farin galin ku sameyn doonaan.
Dhinica kale C/llaahi waxa uu
soo jeediayay in dagaalka la joojiyo si shuruud la’aan ah isagoo
sheegay in dagaalku uusan wax faa’iido ah keenayn khasaare
mooyee,Wuxuuna codsadey in wadahadal lagu dhameeyo waxkasta oo
la’isku qabto , wuxuuna sheegay in dagaalka ka socda Waqooyiga
Magaalada Muqdhisho uu yahay mid kala fogeynaya Beelo Walaaha ah
oo aan sinaba u kala maarmin.
Ugu dambayntiina C/llaahi
Xuseen waxa uu ugu baaqay Waxgaradka Beelaha Mudulood inay si
hagar la’aan ah uga qayb qaataan sidii loo damin lahaa Colaada
ka aloosan Deegaanadooda.
Shirwaynihii Ururka
Dhakhaatiirta Soomaaliyeeed ee labadii sannaba mar la qaban
jirey ayaa lagu wadaa in uu maanta ka dhaqo Hoolka Shirarka ee
Isbitaalka Hayat ee Magaalada Muqdisho.
Shirwaynahaan oo loogu
balansanaa in Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed uu yeesho
Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeeno ayaa waxa uu ku soo beegmay
xilli ay jiraan dhaliilo fara badan oo la xiriira iska war qab
la’aan iyo wax qabad la’aan lagu dhaliilayo dhakhaatiirta iyo
Xubnaha ka tirsan Ururkaba.
Dr. C/Nuur Xuseen Maxamed ayaa
ku dhaliilay Guddiga Dhakhaatiirta ay noqdeen kuwo Fadhiid ah
kana gaabiiyay hawlihii loo xilsaarey. Isagoo sheegay in
dhakhaatiirtu aysan wax wayn ka qabanin arrinta muranka dhalisay
ee la xiriirta xirnaanshaha Isbitaalka S.O.S ee Magaalada
Muqdisho
Dr. C/Nuur wuxuu kaloo intaasi
ku darey in Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed aysan wax ka qaban
Duruufo badan oo qalafsanaa oo soo marey Dhakhaatiirta
Soomaaliyeed ee ka hawl gala Gudaha dalka Soomaaliya Sida Dilka,
Afduubka, iyo hanjabaadaha, isagoo sheegey in tii ugu
dambaysayna ay ku dhacday Dr. Bashiir Shiikh Cumar oo isagu ka
hawl gala Isbitaalka S.O.S oo illaa iyo imminka aysan arrintiisu
dhinac u dhicin
Dr. C/Nuur waxa uu sheegay in
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed Muddadii uu jirey aysan jirin
wax la dhihi karo Ururka waa ay u qabsoomeen. Wuxuuna sheegay in
wax qabadka Ururku uu ku soo koomay Baaqyo dhinaca afka ah oo
aan Ficil laheyn.
Siyaasiyiinta iyo Odayaal
dhaameedka ka qayb qaadanaya shirka dib u Heshiisiinta
Soomaalida ee ka socda dalka Kenya ayaa Urur Goboleedka IGAD iyo
Beesha Caalamka ka codsadey in Xulista iyo Doorashada Xubnaha
Baarlmaanka ay ka hormariyiyaan Heshiisiinta Siyaasisiinta.
Iyadoo Xaaladda shirka dib u
heshiisiinta Soomaalida lagu tilmaamayo mid meel wanaagsan
maraya inta badan Hogaamiyeyaasha Soomaaliduna ay aqbaleen ka
qayb galka Wajiga Sadexaad ee Shirka ayaa dhinaca kale waxaa soo
baxaya warar sheegaya in qaar ka tirsan Siyaasiyiinta ku sugan
Magaalo Madaxda dalka Kenya ee Nairobi ay ka codsadeen Urur
Goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka in inta aan la gaarin
Xulista Xubnaha ka mid noqonaya Golaha Baarlmaanka Soomaaliya in
ay ka hor miriyaan heshiisiinta Siyaasiyiinta isku haybta ah ee
ku kala tagey Siyaasada.
Waxaana lasoo sheegayaa in
Siyaasiyiinta isku haybta ah ee ku kala tagey Siyaasada qaarkood
ay isaga hor yimaadeen Xulista Xubnaha Gobolaha Baarlmaanka uga
mid Noqonaya Beelahooda. Taasoo keentey in qaarkood ay isu soo
jeedinayaan in la dhex dhexaadiyo iyaga ka hor inta aysan wax
qeybsan
Waxaana laga cabsi qabaa in
hadii aan arrintaasi xal loo helin inay Caqab hor leh ku noqoto
hanaanka Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.
Dabaal degyo waa wayn oo
lagu maamuusayey heshiishkii ay dhawaan ku gaareen Magaalada
Naivasha ee Kenya dowlada Sudan iyo Mucaaradka dalkaasi ayaa
lagu soo waramayaa in ay Xaley ka dheceen Magaalo Madaxka
dalkaasi ee Khartoum.
Dadwaynaha ka qayb qaadanayey
dabaal degaasi ayaa waxay siteen Boorar waa wayn oo ay ku
muujinayeen sida ay ugu faraxsran yihiin heshiiska ay gaareen
Mucaaradka iyo Dowladdu.
Heshiiska ay wada gaareen
Kooxaha ku kacsan dowlada iyo Dowlada ayaa waxaa la hadal hayaa
in uu horseedi karo in gabi ahaanba lasoo afjaro Gadaalkii
Muddada dheeer ka socday dalka Sudan gaar ahaan dhinaciisa
Koofureed oo ay gacanta ku hayaan Ururka SPLA ee uu Madaxda ka
yahay John Gran.
Inkastoo heshiiska Naivasha ay
kasoo baxayaan ifafaalo wanaagsan oo la dhihi karo waxaa uu
horsed u yahay dhabihii Mucaaradka iyo Dowladu ay ku noqon
lahaayeen kuwo hal dhinac ka soo wada jeeda ayaa hadana waxaa
jirta Caqabad aan wali Xal loo helin taasoo ka taagan Gobolka
Darfur.
Dadwaynaha u dabaal dagayey
Heshiiskaan ayaa dowlada dalka Sudan ka codsadeen in ay xal kama
dambays ah ka gaarto arrinta laga dayrinayo ee Gobolka DaarFuur
Kooxaha u dooda Xuquuq aadanaha
ayaa ku eedeeya dowlada Sudan inay garab siinayso Kooxo Carab ah
oo gabood fal Isir sifeyn ah ka gaysta gobolka DaarFuur laakiin
waxaa arrintaasi Beenayay Xukuumadda Sudan.
Magaalooyin ku yaala
Jaziirada Haiti iyo Jamhuuriyadda Dominica ayaa lagu soo
waramayaa in ay waxyeel ba’an u gaysteen daadad dhoobo wata ka
dib markii ay wadamadaasi ay ku dhufteen roobab xoogani .
Waxaana laga cabsi qabaa in ay
ku dhinteen dad aad u fara badan iyadoo dadka ay waxyeeladu ka
soo gaartay roobabkaasina ay kumanaan kor u dhaafayaan.
Gar gaar dhinaca
bini’aadanimada ah ayaa lagu soo waramayaa in loo fidiayay dadka
ay waxyeeladdu ka soo gaartey fatahaada roobabka ee ku dhaqan
labadaasi dal.
Ma jiraan cid si dhab ah u
Xaqiijin karta waxyeeladda ay gaysteen Roobabkaani iyo tiro koob
la xiriira dhibaato inta ay la’eg tahay ee la soo gudboonaatay
dalalkaasi. Laakiin sida ay soo sheegayaan Wariyayaasha ku sugan
labadaasi dal waxaa jira dad fara badan oo la aaminsan yahay in
ay ku hoos jiraan dhismayaasha ay qariyeen daadadka dhoobada
wata.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com