SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May31, 2004

Taliyaha ciidanka Booliska D/Gka Puntland oo kahadlay ujedada bandowga magaalada Galkacyo.

somalialk (Galkacyo)
isniin=31/2004

Taliyaha ciidanka booliska dowlad goboleedka Puntland Cabdirsaaq Maxamuud Yusus (Afguduud) ayaa xalay saqdii dhexe soogaaray magaalada Galkacyo ujeedada uu ugu soo laabtay taliyuhu magaalada galkacyo ayuu ku sheegay in ay tahay sidii uu u ogaan lahaa xaalada amaanka iyo nabad galyada magaalada galkacyo.

Taliyaha ayaa sheegay in xalay bandowga lagu soorogay magaalada ay ahayd mid ay u dhamaayeen maamulka puntland. sababtana uu ku tilmaamay in lagu sugayo nabadgalyada magaalada.

Mar ay taliya wax kawaydiisay Somalitalk mudada uu bilaabanayo iyo waliba inta maalmood uu soconayo bandowgan ayuu ku jawaabay: Marka hore waxaan halkaan tacsi uga dirataa eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen marxuumiintii ku geeriyooday magaalada habeen sadexaad oo ay bishu ku beegnayd 29/5/04.

Taliyha oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri: waxa uu bilaabanayaa labada saac iyo barka fiidnimo ee caawa waxa uuna ku ekaanayaa illaa iyo laba iyo tobanka aroornimo. mudo loo gooyay malaha ee waxa ay ku xiran tahay hadba sida ay u soo afjaranto colaada sababtay in la soo rogo bandowgan.

"waxaan kaloo u sheegayaa dadwaynaha reer galkacyo hadii loo baahdo in laga dhigi doono bandowgan laba iyo tobanka iyo barka fiidnimo (6-30 daqiiqo)" ayuu yiri.

Waxa kale oo Cabdirsaaq Maxamuud Yusus (Afguduud) yiri: waxaan kaloo ku wargalinayaa dadwaynaha in la dhowro waqtiga sababta aan uga dhigayno saacada labada saac iyo bar-kuna waxay tahay in aad ku diyaar garowdaan waqtiga aan idiin cayinnay, si aad howlihiina uga soo bogataan magaalada lakiin cidii u hogaansami wayda waxaa soo gabanaya ciidanka iyo gawaarida roondada ah oo iyagu ilaalinaya amaanka magaalada.

"waxaan kaloo idinku wargalinayaa in shacabka looga baahanyahay sidii ay uga qayb qaadanlahaayeen amaanka iyo nabadgalyada magaalada. waad mahad santihiin" ayuu  Taliyaha ciidanka booliska DGPL hadalkiis kusoo gabagabeeyey. 

Sahro Sh Maxamed (Siglan)
sahrosiglan@hotmail.com
SomaliTalk, Galkacyo

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD