SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Janaayo 16, 2004

Dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Maanta Daawooyin lacag la’aan ah ugu deeqay maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho….

Daabaco Boggan | Print

Sawiradani waa sawiradii toddobaadkii hore, sawiradii maanta gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa, insha Allah









Dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo maantay oo Jimco ah si tabarucaad ah dawooyin lacag la’aan ah ugu deeqay maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, Isla markaana halkaas ku qaabilay qaar ka mid ah maxaabiiska bukaan ah oo gargaar caafimaad u baahneyd.

Maxaabiiska maanta daawooyinka lacag la’aanta heley waxay gaarayeen 30-Maxbuus. 20- ka mid ah Maxaabiistaas waxay ahaayeen wiilal dhalinyaro ah oo u baahnaa daawooyin, sidoo kale 10-Maxbuus Dumar ah oo iyagana helay Visito iyo Daweyn, Maxaabiista aad ayay ugu farasaxanaayeen in ay helaan Daawoyinkaas.

Isbitaalka SOMRUS oo ay ka howlgalaan Dhakhaatiir RUUSH ah, ayaa intii uu furnaa bilaabay in ay si tabarucaad ah ay Maalin walba oo Jimco ah ugu deeqaan dadka ku xareysan Xabsiyada iyo Xeryaha Qaxootiga oo aan iyaga awoodi karin ay iska bixiyaan qidmada Wisitada ila markaasna aan awoodi karin ay Daawooyin soo gataan.

Jimcihii hore ayay ahayd markii Dhakhaatiirtu ay booqdeen Maxkamahada Islaamiga ah ee IFKA Xalane, halkaasna ku qaabileen qaar ka mid ah Maxaabiista oo aad igu baahnaa in ay helaan gargaar caafimaad.... Maxaabiista helay daawoyinka waxay gaarayeen 90-Maxbuus, 55-ka mid ah maxaabiistaas ayaa isugu jirtay Caruur iyo Rag waa weyn, Halka 15-ka mid ahna ahaayeen Dumar Maxbuus ah.

Maxaabiista ku xiran Xabsiga Ifka Xalane waxay gaarayeen 400 oo rag ah iyo 30 Dumar ah, oo inta badan lagu soo xiray waxyaabo ay ka mid yihiin Maandooriyaha, Qaar Qurbaha laga keenay, Kuwo Caasi waalideen ah oo loo keenay in lagu dhaqan celiyo iyo qaar lagu soo qabtay iyagoo gacanta kula jira howl-dambiyeed.

Guddoomiyaha Maxkamada IFKA Xalane Shiikh Xasan Shiikh Maxamed Cade oo halkaas ka hadlay ayaa mahad celin u soo jeediyay Isbitaalka SOMRUS, isla markaana Isbitaalada kale iyo Shirkadahaba ka codsaday in ay ku daydaan Isbitaalka SOMRUS talaabada wanaagsan ee uu qaaday in lagu deydana mudan.

“Dhakhaatiirta waxay tagi doonaan, Xarumaha ay degan yihiin Dadka Xaqootiga ah iyo Meelaha lagu haya Dadka Maxaabiista ah, sidaas ayaan door bidnay maalin walba oo Jimco ah,” Sidaas waxaa yiri Agaasimaha Isbitaalka SOMRUS Sakariye Daahir Gabeyre.

Sidoo kale Agaasimaha Isbitaalka SOMRUSH wuxuu u mahadceliyay shirkadda Global Money Transfer (GMT) oo ugu deeqday Isbitaalka Daawooyin isugu jira Fitimin iyo Anti-Biyotik, sidoo kale waxaa daawooyin ugu deeqay shirkadda Pharmasom oo keentay Caano iyo raashinka nafaqada leh iyo shiradda Daawada ee Al-Furqaan oo iyadana ku deeqday Isbitaalka daawooyin aad u badan oo isku jira kuwo Fitmiin iyo kuwo kale, sidoo kale iyadana waxaa daawooyin waxtar leh deeq ahaan u keenay shirkadda Somalpharma.

Waa markii ugu horeysay ee Isbitaal noocaan ah ee Madax banaan uu daawooyin ugu deeqo goobaha ay degan yihin dadka Qaxootiga ah iyo Maxaabiista ku la xareysan IFKA Xalane iyo Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Wixii warbixin ah ama tallo ah Isbitalka SOMRUS waxaad kala xariiri kartaa…

Email: somrushospital@hotmail.com  Email; somrushospital@yahoo.com
Tel:: 252-1-235353 ama Tel: 252-1-235373
Tel: 252-1-600868 ama Tel: 252-5-930103
Agaasimaha Isbitaalka:
Mobil: 252-5-964222s
Mogadishu-Somalia
=========================================
Waxaa soo diyaariyay Yuusuf Cali Xassan.
yusufmog@hotmail.com
Mogadisho-Somalia

Isbitaal Cusub oo Laga Furay Muqdisho
Isbitaalkaas oo ay ka howl galaan dhaqaatiir Ruush ah ayna ka shaqeeyaan ilaa 100 qof.. Guji 4/1/04

SomaliTalk.com | Jan 16, 2004

XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....
 

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD