SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Feb 13, 2004  

WARARKA MUQDISHO

  • Qaxootiga Reer Zinzibaar ah ayaa saakay helay Daawooyin iyo Baarintaan lacag la’aan ah….
  • Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay Saakay…
Daabaco Boggan | Print


Dhakhtarka ISLAAMAY Maxamed Cali
"Marnaba lagama yaabo in aan ka baxo Diinta Islaamka Mana jecli
in aan dib ugu noqdo_diintii hore ee aan heystay"

Agaasimaha Zakariye Dahir Gabeyre iyo
Madaxa Dhakhaatiirta Isbitaalka Maxamed Cali

Agoonta Afgooye

Carruur Zinzibar u dhalatay



Dhakhtar daawo sharaxaya

Dhakhtar Fisito qaadaya

DHakhtar fisito ka qaadaya ilmo yar oo reer zinzibar ah

 
Qaxootiga Reer Zinzibaar ah ayaa saakay helay Daawooyin iyo Baarintaan lacag la’aan ah….

Dhakhaatiirta isbitaalka SOMRUS ayaa maantay (feb 13) daaweyn iyo baaritaan lacag la'aan u sameeyay Qaxootiga reer Zinzibaar ee degan Kaamka Wakaaladii hore ee Biyaha Xamar iyo dad sabool soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho. Dadkan u dhashay Zinzibaar ayaa maantay nasiib u helay in ay helaan Daawooyin iyo "fisito" lacag la’aan ah iyagoo isugu jiray Caruur, dad da'ah iyo waliba haween aad u tacdaran.

Agaasimaha Isbitaalka SOMRUS Sakariye Dahir Gabeyre ayaa sheegay in maantay ay qaabileen 40-Zinzibaar ah iyo 40- Dad sabool soomaaliyeed ah, wuxuu sheegay in maalin walba oo jimco ah howlo caafimaad oo tabarucaaad ah u fudiyaan dadka soboolka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho, “Waxaa jecel nahay in aan mar dhow booqano ama aan howlo caafimaad u aadno Magaaloyinka kala ah, Marko, Kismaayo, Baladweyne, Gaalkacyo iyo Magaalada Boosaaso.

Jimcihii hore ayay hayd markii Dhakhaatiirtu ay booqdeen Xarunta Dhexe ee Gabdhaha Agoonta Afgooye, iyagoo dhakhaatiirta halkaas ku qaabileen caruur aoogn ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho aadna u tabaaleysan waxaa wehliyeen hooyoyin aad u badan.

Sida caadada u ah isbitaalka SOMRUS ayaa intuu uu furnaa wuxuu howlo wax tar leh u qabtay dadka soomaaliyeed, waxayna horey u booqdeen, Xarunta Maxkamada Islaamiga ee IFKA Xalane, Xabsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir, Xarunta Agoonta ee Afgooye, Curyaaminta ku xareysan Isbitaal Martiini, iyo dadka saboolka ah ee aan iska bixin Karin lacagta wisitada ah ayaa iyagana maalinta jicmaha ah iska soo xaadariya xarunta isbitaalka.

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay Saakay…

Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa saakay salaadii subax ku islaamay Masaajidka weyn ee AL-HIDAAYA, waxaa uu sheegay dhakhtarkan in arrintaan ay ku dhalatay markii uu ka howlgalay dalka soomaaliya isla markaana uu arkay dhaqanka dadka soomaaliyeed iyo tusaalooyin wanaagsan oo laga siiyay Diinta Islaamka, wuxuu sheegay Dr. Maxamed Cali in diinta islaamka ay tahay diin ay ka buuxdo Naxariis, aad ayaana igu faraxasanahay in aan ku soo biiray diinta Islaamka ayuu yiri.

Dr. Maxamed Cali wuxuu ku dhashay duleedka Magaalada Ivanov ee dalka Ruushka sanadka markuu ahaa 1959, Dhakhtarkan waa dhakhtar dhanka Qaliinka u qaabilsan Isbitaalka SOMRUS, inta badana waa nin aad u fur furan, wuxuuna aad u jeceyl yahay in uu wax ka barto dhaqanka dadka soomaaliyeed iyo afka soomaaliga.

Dakhtarkan waxaa la socda Xaaskiisa, waxayna horey u heysteen Manhajka Orthican ee diinta Ciristanka ah, Waxaan hada go’aansaday ayuu yiri in aan qaato Diinta Islaamka isla markaana aysan xaaskiisa ka soo hor jeedin qaadashada Diinta Islaamka, wuxuu dhakhtarka balan qaaday in uu si wanaagsan u baran doono Diinta Islaamka kadibna Xaaskiisa iyo Dhakhaatiirta kale ee ay saaxiibaha yihiin uu ka dhaadhicindoono sidii ay Diinta Islaamka ugu soo biiri lahaayeen, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay agaasimaha Isbitaalka Sakariye Daahir Gabayre oo aad ugu dhiiri galiyay in aan qaato Diinta Islaamka iyo dhamaan shaqaalaha isbitaalka oo iyagana tusaale fiican iga siiyay Diinta islaamka, ayuu yiri.

“Marnaba lagama yaabo in aan ka baxo Diinta Islaamka, Mana jecli in aan dib ugu noqdo diintii hore ee aan heystay” ayuu yiri Dr. Maxamed Cali oo ka jawaabayay su’aal ah waydiiyeen saxaafadda.

Dadka ku xiran Isbitaalka SOMRUS ayaa aad u soo dhaweeyay Dhakhtarka Islaamay, iyagoo qaar ka mid ah dadkaas ay markiiba soo booqdeen xarunta isbitaalka iyagoo dadkaas qaar ka mid ah ay dhakhtarka ugu tahniyeeyeen ku soo biirida Diinta Islaamka halka qaar kalena oo dadkaas ah ay hadiyo ka kooban kitaabo iyo dhar iskugu jira Macawisyo, khamiisyo Iyo Cimaamado u keeneen dhakhtarka.

Wixii warbixin ah ama tallo ah Isbitalka SOMRUS waxaad kala xariiri kartaa…

Email: somrushospital@hotmail.com Email; somrushospital@yahoo.com
Tel:: 252-1-235353 ama Tel: 252-5-930740
Tel: 252-1-600868 ama Tel: 252-5-930103
Agaasimaha Isbitaalka:
Mobil: 252-5-964222
Mogadishu-Somalia
=====================================
Waxaa soo diyaariyay / Sawiradana soo qaaday
Yuusuf Cali Xassan.
yusufmog@hotmail.com
Mogadishu-Somalia

 SomaliTalk.com Muqodisho| Feb 13, 2004

Dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo  Daawooyin lacag la’aan ah ugu deeqay maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho…. Guji....

Isbitaal Cusub oo ay ka Howl Galaan Dhaqaatiir Ruush ah oo Laga Furay Magaalada Muqdisho….. Guji...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD