SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Janaayo 31, 2004  

Aqalka cad ee Mareykanka oo laga yaabo inuu nasiib u yeesho in haweenay African ah degto 2005.

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Website-ka JK
www.johnkerry.com

 

Marwada murashaxa dalka Mayakan John Kerry oo ilaa iyo hadda hogaaminayo isreeb reebka xisbiga demoqraadiga si uu ula tartamo madaxweyne Bush ayaa qaba haweenay Africanka cad ah oo la yiraahdo Teresa Heinz. Teresa waxa ay ku dhalatay dalak Muzambiik ee dhinaca koofureed ee Africa. Waxay na wax ku baratay dalka South Africa iyo Swizerland waxayna ku hadashaa 5 luqo.

Waxay ay dalka maraykanka tagtay 1966 waxayna u shaqaysay UN tarjumaan ahaan ka dibna waxay guursatay Senator ku dhintay shil diyaaradeed oo la oran jiray Senator John Heinz .waxayna u dhashay 3 wiil.

John Kerry oo asagana leh 2 gabdhood iyo Teresa waxay is guursadeen 1995. Haddii uu ku guulaysto doorashada madaxweynaha dalka Maraykanka Teresa waxay noqon doontaa marwadii labaad ee degta aqalka cad ee aan ku dhalan dalka Maraykanka. Bilawgii dalka Maraykanka taariikhdiis mid ka mid ah labadii madaxweyne ee isdhalay ee ahaa Adams Family ayaa guursaday haweenay aan ku dhalan dalka Maraykanka.

Murashax John Kerry ayaa dib u dhigtay inuu ku faano khibradda xaaskiisa ilaa uu hubsado inuu yahay ka ay isku raaceen xisbigiisa demoqraadiga oo uu ku soo baxo ka dibna uu kula tartamo madaxweyne Bush. Dadka siyaasadda indho indheeyaa waxa ay leeyihiin aqoonteeda UN iyo Africa iyo dunida kale wax wayn ayay u tari doontaa murashax John Kerry inta uu ku jiro loolanka iyo haddiiba uu ku guulaysto inuu iska caabiyo xisbiga jamhuuriga oo la filayo dhowaan inay dabooka ka qaadi doonaan recordkiisa iyo cambaarayn lagu dheehay dacaayada aad looga soo shaqeeyay oo sida la sheegay badan keed diyaar ah.

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2004

USA: Tartanka Aqalka Cad oo La isla soo Galayo Xayndaabka Muslimiinta
USA: Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay Is Gobalysi
USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka


QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]