SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Daabaco Boggan | Print
TACSI:::

Cabbey Daahir Rooble oo Geeriyoodey

waxaa Bishaan 13keedii ku geeriyoodey magaaladaa London, lana aasey 18kii bishan, aaskaasi oo ay ka qaybgaleen ciyaar yahandii qaran ee london ku sugan, Ciyaar yahan ka tirsanaa Xulkii qaranka Somaliya, una cayaari jirey naadigaii Dawladda hoose ee Minashiibio.

 
Waa allaha u naxariistee Cabbey Daahir Rooble, wuxuu ku dhashay Buulaburde 1954kii, 1972kii wuxuu u saftey Ciyaarihii Goboladda isagoo u caayirayey Gobolka Hiiraan, sannadkii 1973 waxaa ku biiray Naadigii Dawladda Hoose oo uu i cayaarayey ilaa 78kii, dabadeedna wuxuu noqday coach labaad ee naadiga. Wuxuu kaloo u saftey xulkii qaranka laga bilaabo 1975, wuxuu qadan jirey NO.3, wuxuna ka ciyaari jirey baasha bidix. wixii faahfaahin ah waxaad la xiriiri kartaa Goolhayihii Qaranka C/qaadir Ciise cabdi (biyooley) oo tel. kiisu yahay 07958635317
  • Ugaas Max’ed Wali “Dadka wax ka sugaya C/llaahi, Geedi iyo Shariifka waxay la mid yihiin Ari la raaciyey.....  

  • Dhowr qof oo siyaabo kala duwan loogu diley Muqdisho..

  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda  Sacuudiga.

  • Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la filayo in uu u kicitimo Qaahira..

  • C/llaahi Yuusuf Wareegto uu soo saaray oo uu ku mamnuucay Hubka ..

  • Shalay oo laga xusay dalka Maalinta Macalinka ee 21-ka November..

WARARKII MAANTA::: Nov 22, 2005

Dhowr qof oo siyaabo kala duwan loogu diley Muqdisho..

Shalay subaxnimadii ayay ahayd markii dadweynaha degan agagaarka Warshadda Kabka ee jidka Warshadaha arkeen labo qof oo dhallinyaro ah oo mayd ah oo yaala wadada qarkeeda, waxaana nimankaasi ka muuqatay in dilkooda loo adeegsadayToorey lagala beegsaday dhinaca qoorta.

Ilaa iyo hadda lama garan sababaha loo dilay nimankaasi, waxaana markii dambe halkaasi ka qaaday dadka deegaanka, iyadoo intii uu yaalay maydka ay halkaasi tageen dadweyne aad u fara badan oo doonayay in ay aqoonsadaan maydka labadaasi nin, nimanka lagu dilay warshadda Kabka ayaa markii dambe la aqoonsaday waxaana la geeyay degaanka Siinaay, waxaana mar kale ku soo xoomay dadweyne aad u fara badan oo daawanayay sidaa fool xumada ah ee loo dilay dhallinyaradaasi.

Waxaa maalmahan Magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilka lagula kacayo dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana habeen hore agagaarka Al-Bakara lagu dilay nin ka tirsanaa Saraakiishii hore ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Max’ed C/raxmaan.

Warar ayaa waxay sheegayaan in arrintaani ay ugu wacan tahay gaabis xoogan oo ku yimid Maxkamadihii Islaamiga ah ka gadaal bishii Ramadaan.

Ugaas Max’ed Wali “Dadka wax ka sugaya C/llaahi, Geedi iyo Shariifka waxay la mid yihiin Ari la raaciyey.....  

Ugaas Max’ed Wali Shiikh Axmed Nuur oo ah Ugaaska Beesha mareexaan ahna afhayeenka Saladiinta beesha Daarood ayaa waxa uu sheegay in C/llaahi Yuusuf, Cali Max’ed Geedi iyo Shariif Xasan ay yihiin dad khasaaray. “Dadka wax ka sugaya raggaas waxay la mid yihin ari la raacshay Dhurwaa, Haramcas iyo Libaax, waana nasiib daro in weli lagu sii indha adeego in wax raggaas oo aan shacabka wax dan ah u haynin, isla markaana ku sii siqaya jid ka sii daraya dhibaata haatan wadanka ka taagan” sidaas waxaa yiri Ugaas Max’ed Wali oo intaa ku daray “shirka ay sheegayaan waa mid aan waxba ka soo bixi doonin, waxaana ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay dantooda fiirsadaan oo aysan raggaasi wax xal ah u soo wadin, maaxaa yeelay waan og nahay in maalin kasta ay waxaan jirin u akhriyaan ummadda”. Ugaas Max’ed Wali waxa uu sheegay in Culuma’u-diinka Soomaaliyeed looga baahan yahay in naftooda iyo maalmooda ku huraan sidii shacabka dhibaateysan loogu soo celin lahaa nabad iyo kala dambeyn, isla markaana loo difaaci lahaa Diinta, waxaana la gudboon culuma’u-diinka Soomaaliyeed iyo dadka cuqaasha ah ee kale in ay dhex u xirtaan sidii Soomaaliya u noqon lahayd dal ka badbaada dhibaatada ay la damacsan yihiin C/llaahi Yuusuf iyo kooxdiisa, sida uu hadalka u dhigay Ugaasku. Ugaas Max’ed mar uu hadlayay Hogaamiyaasha kale ee Siyaasadda ee Muqdisho waxa uu yiri “Hoggaamiye kooxeedyada xamar waxay ka sii liitaan C/llaahi Yuusuf, waayo C/llaahi hadafkiisu waa cad yahay, waana la ogsoon yahay in uusan ka leexan jidkiisii hore, balse dhamaantood aanay wax xal ah ummadda Soomaaliyeed u haynin. Ugaasku waxa uu cararbaabay in shacabka Soomaaliyeed dhibaato qax, dil iyo dhibaatoo dhan ay soo mareen intaa wixii ka dambeeyana aan loo adkeysan doonin, isagoo kula taliyay shacabka Soomaaliyeed oo ay horkacayaan Culuma’u-diinka in ay fahmaan dantooda.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda  Sacuudiga.

            Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed uu ku sii Jeedo wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaddib markii uu martiqaad ka helay Dowladda wadankaasi.

            Inkastoo faahfaahin dheeraad ah laga bixin ujeedooyinka Madaweynuhu uu ku tagayo wadanka Sucuudiga oo ah booqashadii ugu horeysay oo uu ku tago wadanka Sucuudiga tan iyo markii loo doortay jagada Madaxweynenimada sanad ka hor.

            Warku wuxuu intaa ku darayaa in wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynuhu Fiisayaashii ay ku tagi lahaayeen dalka Sucuudiga waxaa la sheegay in wafdigaasi ay ka mid noqon doonaan wasiirka Iskaashiga Gobalka Ismaaciil Horre Buubaa, Wasiirka Arrimaha dibadda C/llaahi Shiiikh Ismaaciil iyo xubno kale, warar hoose oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynuhu  uu halkaa u tagayo sidii uu u soo dhaqaale uu ku socodsiiyo uga heli lahaa dowladdaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la filayo in uu u kicitimo Qaahira..

            Guddoomiyaha Baarla-aanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdi balaaran oo uu  hogaaminayo ayaa maalmaha soo socda waxaa la filaya in uu u ambabaxo Magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaddib markii uu martiqaad ka helay Dowladda wadankaasi. Guddoomiyaha Baarla-maanka aya inta uu joogo Magaalada Qaahira waxa uu kulamo la yeelan doonaan madax ka socota wadanka Masar, ururka Jaamacadda Carabta iyo Golaha Baarlamaanka ee wadankaasi, isaga oo ka dhaadhicin doona sidii ay Jaamacadda Carabta uga qaybqaadan lahayd dib u dhiska dalka Soomaaliya.

            Guddoomiyaha Baarla-aanka waxa uu la kulmi doonaan xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa oo ay isla soo qaadi doonaan sidii Jaamacadda Carabta ay dhex dhexaad uga noqon lahayd is haysiga u dhexeeya xubnaha Dowladda, maadaama Jaama-cadda Carabta ay dhawaan shaaca ka qaaday in ay xafiis ka furaneyso Magaalada Jowhar. Waxaa kalloo Guddoomi-yuhu uu gaarsiin doonaan Jaamacadda Carabta in ay diyaar u yihiin in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda ee ku kal suga Muqdisho iyo Jowahr.

C/llaahi Yuusuf Wareegto uu soo saaray oo uu ku mamnuucay Hubka ..

            Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo in ciidamada ku xareysan xerada Kongo aysan wax hub ah la dhex mari karin ama la imaan karin Magaalada Jowhar.

            Sababaha uu Madaxweynu wareegta u soo saaray ayaa lagu sheegay in ay tahay kaddib markii ay soo badatay askar dhowr ah oo la fakatay qoyihii ay siteen. Wareegtadaan Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in askari lagu helaa isagoo qori la dhex marayaa Magaalada Jowhar xabsiga loo taxaabi doono, waxaana arrintaani kormeerkeeda loo xilsaaray maamula Gobalka Sh/dhexe oo uu madaxda ka yahay Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).

            Dhawaan hub laga keenay Magaalada Jowhar oo u badan qoryo la sheegay in uu soo gaaray Magaalada Muqdisho kaasoo la kala siisanayay qiimo aad u jaban, hase yeeshee wararkaani waxaa beeniyay wasiir ku xigeenka warfaafinta Salaad Cali Jeelle waxa uuna ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Shalay oo laga xusay dalka Maalinta Macalinka ee 21-ka November..

Habeenkii Hormarinta Waxbarashada Gedo iyo Galgaduud, oo lagu qaban doono Columbus, Ohio... Guji

Xaflado kala duwan oo si heer sare leh loo soo agaasimay ayaa ka kala dhacay guud ahaan dalka, taasoo lagu xusayay maalinta Macallinka 21-ka November.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Mukhtaar Max’ed Yuusuf oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan Macallimiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo sheegay in ay Macallimiintu yihiin kuwa ugu mudan bulshada dhexdeeda.

Mudane Mukhtaar waxa uu sheegay in manhajyada ku qoran Ingiriiska ay yihiin kuwo xadgudub ku ah dastuurka dalka.

Sidoo kale xaflad balaaran oo lagu maamuusayay maalinta Macallinka Soomaali-yeed ayaa iyana ka dhacay dugsiyada Al-Mazal ee Magaalada Muqdisho, ardayda dhigata dugsiyada Al-Mazal iyo macallimiitoodaba ayaa maalintaas qiimaheeda ku sheegay mid aad u balaaran oo loo baahan yahay in Soomaalida ay ku haysato maskaxda.

Xafladdaas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin sar sare oo ka socotay hay’adaha UNECSO, UNICEF iyo qaar ka mid ah maamulada dugsiyada ku yaala Muqdisho ayaa dhamaantood waxay sheegeen in macallinka Soomaaliyeed uu yahay mid aan wanaagiisa la soo koobi karin.

Qudbad halkaas uu ka jeediyay xoghayaha dalladda waxbarashada ee SAFE C/qaadir Cumar Rooble ayaa waxa uu sheegay in macallinka Soomaali-yeed uu yahay barbaariyaha bulshada, koriyaha bulshada qiimahiisana aan la soo koobi kari, isagoo xusay Macallimiin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Shiikh Yuusuf Al-Kowneyn, wuxuuna ugu dambeyntii hambalyo balaaran u diray dhamaan Macallimiinta Soomaaliyeed iyo ubadkoodaba isagoo kula dardaarmay in ay dulqaadkooda iyo xaaladda ay ku shaqeynayaan ay ku sii sabraan inta laga helayo dowlad.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2005

Kismaayo oo lagu Qabtay Aqoon isweydaarsi ay hirgalisay Jaamacada Kismaayo
iyo Maamulka Isbahaysiga Dooxda Jubba oo kulan ka yeeshay marti galinta shirka Kismaayo.. Guji... Nov 21

UK: Kulan lagu Taageerayay Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliya
Kulanka oo lagu qabtay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa kasoo qayb galay... Guji.. Nov 21

Dastuurka Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo
Dastuurkaas oo ay ka soo hor jeedaan Muslimiinta kenya iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa.. Guji... Nov 21


Dastuurka Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo
Dastuurkaas oo ay ka soo hor jeedaan Muslimiinta kenya iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa.. Guji... Nov 21

Reer Minnesota oo Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar
Kulan aad u xiiso badnaa ayaa xalay waxaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, waxaana... Guji... Nov 21

Ergey Ka Socda Barre Hiiraale oo La Kulmay C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan
»Xildhibaan Dhalxa“waa soo dhoweyneynaa xubnaha Muqdisho
»Qoraal ka soo baxay  Jabhadda Xoreynta Soomaali.Galbeed
»DFKMG oo beenisey in hub ay leedahay lagu kala iibsanayo
»Golaha guurtida ee Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestey..
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji... Nov 21

 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD