SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

  • Cabdi Shire “C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan waan la kulmey..

  • Xildhibaan Dhalxa “Waxaan goosanay in si shuruud la’aan ah ku soo dhaweyno..

  • Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali.Galbeed oo sheegay in ay u aar doonaaan.

  • Xubnaha Dowladda ee ku. sugan Xuddur oo ku kala qaybsan Maamul u sameynta

  • Dowlada Federaalka ah oo beenisey in hub ay leedahay lagu kala iibsanayo

  • Golaha guurtida ee Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestey maamul u sameynta..

WARARKA MAANTA::: NOV 21, 2005

Cabdi Shire “C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan waan la kulmey..

            Cabdi Shire Warsame oo ahaa ergay uu Barre Hiiraale u wakiishay in uu kulamo la soo yeesho Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan shiikh  Aadan ayaa shalay dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay isagoo u waramayay warbaahinta in xubnaha labada gole ee ku kala sugan Jowhar iyo Muqdisho ay diyaar u yihiin in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda ee soo jiitamayay mudada sanadka ahayd. “Waxaana la kulanay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, wuxuuna ii sheegay in uu ku faraxsan yahay in si dhaqsi leh loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya Xukuumadda” ayuu yiri Mudane Cabdi Shire oo intaa ku daray “Guddoomiyaha Baarlamaanka isna waan la kulmay, wuxuuna ii sheegay in uu soo dhaweenayo dib u heshiisiinta uu wado Barre Hiiraale”. Cabdi Shire waxaa kalloo uu Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka socotay Ururka Midowga Yurub iyo wadamada deeqda bixiya isagoo sheegay in ay aad u daneynayaan in si dhaqsi leh loo xaliyo khilaafka Xukuumadda. Waxaa la filayaa in dhawaan Muqdisho iyo Jowhar soo gaaro Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre Hiiraale oo isagu go’aamin doona halka ay ku kulmayaan xubnaha Dowladda.

Xildhibaan Dhalxa “Waxaan goosanay in si shuruud la’aan ah ku soo dhaweyno..

            Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay shegayaan in maalintii shalay ahayd Magaaladaasi uu ka dhacay kulan ay usugu yimaadeen xubnaha labada Gole ee ku sugan halkaasi, waxaana shir-guddoominayay Madaxwey-naha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana kulankaasi si aad ah loogu lafaguray go’aankii dhawaan ay qaateen xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo ahaa in ay diyaar u yihiin in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka.

            Prof, Cumar Max’ed Dhalxa oo ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka ayaa mar uu u waramay saxaafadda waxa uu sheegay in si shuruud la’aan ah ay ku soo dhaweenayaan heshiiska ay qaateen xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho.

            “Waxaan go’aansanay in si Soomaalinimo ah lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda” ayuu yiri Mudane Max’ed Cumar Dhalxa oo intaa raaciyay “waxaa nasiib daro ah in xubnihii dowladda ee u soo dhaartay bulshada Soomaaliyeed ay ka bixiyaan dhibaatada in maanta ay kala qaybsamaan oo ay kala degaan Jowhar iyo Muqdisho.

            Mudane Dhalxa waxa uu sheegay in dhawaan  ay magacaabi doonaan guddi isugu dubarida isku keenida xubnaha labada Gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, balse ma uusan carabaabin halka ay ku kulmi doonaan xubnaha labada Gole.

Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali.Galbeed oo sheegay in ay u aar doonaaan.

            Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed (United Western-omali Liberation Front) ayaa war saxaafadeed ay soo saartay si aad ah uga xumaatay gumaadka Ciidamada Itoobiya Magaalada Qabri-Dahare ugu gaysteen shacabka Soomaali galbeed kuwaasoo isugu jira waayeel iyo Cuqaal oo aysan jirin wax ay galabsadeen.

            Midowga Jabhaddu waxa ay balanqaaday in ay ka aarsan doonto kuwii ka dambeeyay falalkaasi, waxayna si geesinimo leh ugu dhiirigalineysaa jabahaddu shacabka Soomaali galbeed in ay u diyaargaroobaan dagal lala galo maleeshiyada Itoobiya.

            Sidoo kale waxa ay sheegtay Jabhaddu in Dowladda Itoobiya iyo maamulka maqaar saarka ee Kililka shanaad ay haatan ku howlan yihiin in ay iska kaashadaan sidii qasab loogu geyn lahaa dhallinyoar Soomaali Galbeed dagalka la filayo in uu ka dhex dhaco xuduuda Eriteriya iyo Itoobiya.

            Waxayna uga digeysaa cid kasta oo isku dayda ama u fududeysa in la qafaalo dhallinyara Soomaali Galbeed ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo, waxaana war saxaafa-deedkaan na soo gaarsiiyay xafiiska warfaafinta ee Jabhadda ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku saxiixnaa C/llaahi Cismaan Gaashaan.  

Xubnaha Dowladda ee ku. sugan Xuddur oo ku kala qaybsan Maamul u sameynta

            Xubaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Xudur ayaa la sheegay in ay si aad ah ugu kala qaybsan yihin sidii maamul loogu sameyn lahaa Gobalka Bakool, waxayna kala qaybsanaantaani ku soo beegan xilu ergo gaareysa 250 ay Magaalada Xudur u fadhiyaan sidii maamul loogu sameyn lahaa Gobalka.

            Qaar ka mid ah Wasiirada ayaa waxa ay ku tilmaameen maamul u sameynta Gobalka Bakool mid aan loo dhameyn oo ay wataan kooxo taageersan xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar,waxay kalloo sheegeen in beelah ku nool Magaaladaasi xitaa aysan ka warqabin maamul u sameyntaasi.

            Xubnaha Wasiirada waxay sheegeen in Gobalka lala damacsan yahay wixii ka dhacay Magaalada Baladweyne oo maamul u sameyntiisa ay isku qabqabsadeen beelaha dega Gobalkaasi.

            Qaar ka mid ah Dadweynaha Gobalka ayaa iyagu si aad ah u soo dhaweeyay maamul u sameynta Gobalka Bakool, waxayna sheegeen in maamulkaani uu wax ka tarayo sidii dib loogu soo celin lahaa Gobalka adeegyadii Bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo korontada oo ku burburay dagaaladii sokeey.

            Dhinaca kale Max’ed Ibraahim Xaabsade oo ah xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa isna ku tilmaamay maamul u sameynta Gobalkaasi mid aan loo dhameyn . 

Dowlada Federaalka ah oo beenisey in hub ay leedahay lagu kala iibsanayo

            Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir ku xigeenka Warfaafinta yaa si kulul u beeniyay warar todobaadyadii la soo dhaafay ay qorayeen qaar ka mid ah saxaafadda Muqdisho oo ahaa in hub gaaraya 2500 oo qori oo ay leedahay Dowladda Federaalka lagu kala iibsanayo Suuq Cir-Toogte ee Bakaaraha, wuxuuna ku tilmaamay wararkaasi kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

            “Ciidamada ku jira Xeryaha hubkooda waa la koontaroolaa oo Askarigii lagu helaa in uu hubkiisa bixiya xabsiga ayaa loo taxaa” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo intaa raaciyay “Hubka ku xareysan bakhaarada waa mid mar kasta lagu hayo koontarool iyo la socosho, iyadoo hubkii ka baxa Bakhaaradda uu yahay hub ay og tahay Dowladdu”, isagoo ku soo jeediyay Saxaafadda Muqdisho in ay ka digtoonaa-daan warka noocaas oo kale ah oo aan ku fadhin xaqiiqda  

Golaha guurtida ee Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestey maamul u sameynta..

            Gudoomiyaha Golaha Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle C/kariim Ibraahim Ibroow iyo ku xigeenka Golaha Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle Barre Cali Maadey ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa si weyn ugu soo horjeestay qaab dhismeedka Golaha deegaanka Gobolka Banaadir ee ay dhowaan ku dhawaaqeen xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho, Kadib markii shir ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta sar sare ee Golahaan oo looga hadlaayey dhismaha Gobolka Banaadir ay isku af’garteen in  wixii qayb ah ee ka soo gaaray ka beel ahaan ay ka tashdaan,  waxayna Mas’uuliyiintaan qaabka ay u qaybsheen xubnaha maamul u sameynta Gobolka Banaadir loo xil saaray ku sheegeen in uu san ahayn mid sharci iyo nidaam ku dhisan, sababtoo qaab Beeleedka ay ku sheegeen xubnaha loo xilsaaray maamul u samaynta Gobolka in wax lagu qaybsanayo ay tahay qaab Beeleed , bale aan waafaqsanayn 4.5ka, waxaana u aragnaa  in lagu qaybiyey Cadaalad daro iyo sed buri ayey yiraahdeen mas’uuliyiintaan.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxay intaa ku dareen in Xamar iyo Xamar daye cadaalad daro wax loogu qaybiyo anagu ma qaadan karno ayey yiraahdeen, Lixda xubnood ee la siiyey Beelaha Digil iyo Mirifle ninkii soo qaaday uma soo qaadin qaab Beeleed ee wuxuu u soo qaaday qaab shekhsi, mana matalo beesha, wixii dhibaato ah ee ka yimaadana iyaga ayaa mas’uuliyadeeda qaadidoona ayey yiraahdeen mas’uuliyiintaan.    

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2005

Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi
"Axdi qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn"..
Guji..

Qaxootiga Somaliyeed ee dalka Yemen oo weli horseexda Xarunta UNHCR-ka
Kulan dheer oo dhex maray gudi ah ay iska xuleen qaxootiga meesha isku yimi iyo mas`uuliyiinta UNHCR Yemen... Guji Nov 20

Sifir oo jooga London: Dhaqaale la siiyo DFKMG waxa uu ku xiran yahay in ay Marka Hore la heshiisiiyo
Warkaas iyo Wasaarada Jaaliyada Dibeda ee Dawlada Soomaaliya oo kulan ku qabatay Dalka Norway... Guji... Nov 20

Barre Hiiraale “Anigu waxaan ka mid ahay Kooxda Muqdisho waxaase diyaar u ahay..
»33-xubnood oo isku diiwaangeliyay baaarlamaanka Banaadir
»G/Sare Max’ed C/raxmaan Cismaan oo lagu diley Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 20

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji Nov 19

Xubnaha Labada Gole oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geedi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji

 Radio Xoriyo oo khadka Telefoonka ku wareystay Nin Joogey Xasuuqii Qabridahare

Max’ed Qanyare “Waan tageynaa Jowhar laakiin ..."
»Maamulka Max’ed Dheere oo xirxiray wadaadada Takfiirka..
»Shariif Xasan oo u safraya wadamada Carabta....
»Afgooye: Dad u dhintay Caano Sun ah oo ay cabeen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Nov 19


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD