| 
 
 
						
							
								|  Daabaco 
			Boggan | Print |  
								|  |  
								|   1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa 
			wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo 
			Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. 
			Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo 
			waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu 
			wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee 
			Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.  
 |  
								| Aragtidii Dadweynaha SOOL, 
		SANAAG, & BUUHOODLE ee Sannadkii 2001... KA AKHRI HALKAN... GUJI....
 
 XASUUQII WAGALA 
		:: Sannadkii 1984 waxaa magaalada Wajir lagu xasuuqay in ka badan 400 oo 
		nin oo Soomaali ah.. (Tiradaas waxaa taariikhyahanadu gaarsiiyaan in ay 
		ahayd 2000 oo qof oo la xasuuqay). Xasuuqyada kale ee Kenya u geystey 
		dadka ay gumeysato waxaa kamid ah Xasuuqyadii: Malkamari ee 1976,  
		Garissa ee 1980, Madogashe ee 1982, Bagala ee 1998..
								EEG HALKAN 
 
								ARAGTIDII DADWEYUHU KA QOREEN ITOOBIYA 2001.... Guji... |  
 
	
	
	Barre Hiiraale “Anigu 
waxaan ka mid ahay Kooxda Muqdisho waxaase diyaar u ahay..
	
	33-xubnood oo isku 
diiwaangeliyay Galaha baaarlamaanka Gobolka Banaadir
	
	G/Sare Max’ed C/raxmaan 
Cismaan oo koox dabley ku dishey agagaarka Albaraka
	
	Hay’adda SOCPD oo xustay maalinta Addunka ee 
ka hortaga Xadgudubyada ... 
WARARKII:: AXAD, NOV 20, 2005 
Barre Hiiraale “Anigu 
waxaan ka mid ahay Kooxda Muqdisho waxaase diyaar u ahay... 
Barre Aadan Shirre (Barre Hiiraale) oo ah Wasiirka 
dib u dhiska iyo dib u dejinta oo u waramay warfaafinta ayaa waxa uu sheegay in 
uu diyaar u yahay in uu kala dhex galo ama uu dhex dhexaadiyo xubnaha Dowladda 
ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar. 
“Waxaan diyaar u ahay in aan ku martiqaado 
Magaalada Kismaayo si loo soo afjaro khilaafka u dhexeeyay xubnaha” ayuu yiri 
Barre Hiiraale oo sheegay in labada dhinac ay diyar u yihiin in la dhameeyo 
khilaafka Dowladda. 
“Anigu waxaan ka mid ahay kooxda Muqdisho, balse 
waxaan goystay in la soo afjaro khilaafkaasi si shacabka Soomaaliyeed ay u 
helaan dowlad loo dhan yahay oo lagu mideysan yahay” ayuu yiri Barre Hiiraale oo 
la filayo in uu dhawaan soo gaaro Magaalada Muqdisho. 
  
33-xubnood oo isku 
diiwaangeliyay Galaha baaarlamaanka Gobolka Banaadir 
Iyadoo xubnaha labada Gole ee ku 
sugan Magaalada Muqdisho ay dhawaan isla ogolaadeen in la sameeyo maamul la 
magacbaxay Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir oo ka koobnaan doona 64 xubnood oo 
loo qaybsaday qaab beeleed, ayaa Guddiga loo xilsaaray maamul u sameynta Gobalka 
Banaadir waxa ay xaqiijiyeen in ilaa 33 xubnood haatan laga qabtay 
Dukumintiyadoodii, isla markaana ay soo doorteen beelaha ay ka dhasheen, waxaana 
la sheegay in haatan aysan weli soo gudbin beelaha hubeysan Magaalada Muqdisho 
oo ay ka mid yihiin Beesha Mudulood, Beesha Habargidir iyo Beesha Murusade. 
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta 
Soomaaliyeed ayaa dhaliilay qaabka ay xubnaha labada Gole u wadaan maamul u 
sameynta Gobalka Banaadir waxayna qaarkood ku tilmaameen mid aan loo baahneyn 
waqtigaani. 
Dadweynaha ku nool Gobalka 
Banaadir ayaa iyagu walaac ka qaba maamul la’aanta haysata Gobalka Banaadir 
mudadii 15-ka sano ahayd ee uu burburka ku sugnaa dalku dowlad la’aanta darteed.  
G/Sare Max’ed C/raxmaan 
Cismaan oo koox dabley ku dishey agagaarka Albaraka 
 Max’ed C/raxmaan Cismaan oo ahaa sarkaal sare oo ka 
tirsanaa jiray ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qaybtii 77 ayaa 
lagu dilay habeen hore  agagaarka Al-Baraka, kaddib markii koox dabley ahi 
isagoo markaa maraya meel ku dhowr isgooska ay ku soo baxeen dabadeedna ay 
rasaas ku fureen. 
            Max’ed C/raxmaan oo loo yaqiinay 
Max’ed Nuur ayaa isagoo dhaawac ah oo la garan waayay lagu waday Gaari-Gacan 
ayaa la soo marsiiyay Xaafadda NBC, markii dhallinyaro is aruursaday ayaa u 
kireeyay Taxsi ulana cararay Isbitaalka Madiina, markii la geeyay Isbitaalka 
ayay naftii deysay, dib ayaa loo soo celiyay Masjidka Hillaal ee xaafadda Al-Baraka, 
habeenkii halkaas ayuuna ku barayay, subixii markay saacaddu gaartay 4-tii 
subaxnimo ayaa eheladiisii ogaadeen in la dilay G/sare Max’ed C/raxmaan, waxaana 
dilkiisa aad uga xumaaday shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamadii uu ka 
tisanaan jiray.   
Hay’adda SOCPD oo xustay maalinta Addunka ee 
ka hortaga Xadgudubyada ... 
            Hay’adda Soomaali Child Protection And 
Development (SOCPD) ayaa qabatay xaflad aad u balaaran oo lagu xusayay maalinta 
Adduunka ee ka hortaga xadgudubyada loo gaysto carruurta ee 19-ka November, 
waxaana xafladaasi ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bushada, waxaana ugu 
horeyntii halkaasi ka hadlay Max’ed Cabdi Max’ed (Carab) oo ah Guddoomiyaha 
Hay’addaasi wuxuna sheegay in markii saddexaad ay tahay oo ay qabtaan xuska 
maalintaas oo kale, isagoo sheegay in Hay’addiisu ay mar kasta ku dhiirigeliso 
shacabka Soomaali-yeed sidii looga hortagi lahaa xadgudubyada loo gaysto 
Carruurta Soomaaliyeed. 
            Wuxuu sheegay in maalinta Adduunka ee 
ka hortaga xadgudubyada Carruurta ay tahay maalin aasaaskeedu ay lahayd Hay’adda 
WWSF, waxaana iska kaashaday hirgelinteeda in ka badan 400 oo urur oo ka jira 
Adduunka. 
            Hay’adda SOCPD waxay soo bandhigtay 
wax qabadkeeda mudadii ay jirtay, iyadoo waxbarasho lacag la’ aan siisay in ka 
badan 300 oo carruur ah, waxayna qaybaha kala duwan ee bushalada ay bartay 
xaquuqda carruurta iyo sida loo ilaalin karo. 
            Hay’addu waxay u mahadcelisay dadkii 
ka qaybgalay xafladdaasi, waxayna ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed meel kasta 
oo ay joogaan sidii loo difaaci lahaa xaquuqda carruurta.  
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro 
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com  
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2005 
 
Madaxweynaha 
		Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan 
		Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.maamul Gobaleedka 
		Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee 
		dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... 
		
		
		Guji 
		Nov 19
 
		
		Xubnaha Labada Gole oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii GeediKulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan 
		Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii.. 
		
		Guji
 
		
		 Radio 
Xoriyo oo khadka Telefoonka ku wareystay Nin Joogey Xasuuqii Qabridahare 
		
		Max’ed Qanyare 
		“Waan tageynaa Jowhar laakiin ..."»Maamulka 
		Max’ed Dheere oo xirxiray wadaadada Takfiirka..
 »Shariif 
		Xasan oo u safraya wadamada Carabta....
 »Afgooye:
		Dad u dhintay 
		Caano Sun ah oo ay cabeen..
 Wararka oo dhan ka akhri halkan.... 
		Guji...
		Nov 19
 
		Cali Maxamed 
		Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi 
		ahayd oo uu Qoray“Dowladdii Cabdiqaasim 
haddaan been la sheegeyn waxaa dumiyey Ethiopia"Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG 
		ku... 
		Guji... 
		Nov 18
 Sidaas waxaa yiri Cali Maxamed Geedi oo...
Guji... Nov 18
 
Xasuuq Ba,an oo ka 
dhacay Qabridaharreiyo 
Sababta keentay gadoodka maxaabiista...
Guji Nov 18
 Cid aan aniga 
		ahayn kuma hadli karto afka Dowladda
 Sidaas waxaa yiri Cali M. Geedi oo 
		soo gaarey Belgium oo ka jawaabayey su'aal uu Ingiriisi ka weydiiyey 
		labo hadal oo ay ku kala hadleen isaga iyo Madaxweyne C/Laahi... 
		
		Guji... Nov 
		16
 
		
		Gen. Morgan oo 
		loo xukmiyay Beertii Labaad ee ku taal Gobolka Sh/Hoose»Maamulihii 
		Madbacadda Daahir-Printing oo lagu diley Gurigiisa
 »Dowladda 
		Imaaraadka oo baaritaan ku sameyneysa lacag..
 »Xildhibaan 
		Dhimbil “Geedi waxaa uu ku xad gudbay...
 »Suudi, 
		Finish iyo Raage oo kulan Albaabadu u xiran yihiin..
 »1540 
		qoys oo gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku haysa..
 Warka oo dhan ka akhri halkan.... Guji...
 
 
						
						 |