- 
		
		Maamulka Max’ed 
		Dheere oo xirxiray xubno ka tirsan wadaadada Takfiirka.. 
- 
		
		Shariif Xasan 
		Shiikh Aadan oo la filayo in uu wadamada.  
- 
		
		
		Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhowr qof watay Deegaanka 
		 
- 
		
		
		Max’ed Qanyare “Waan tageynaa Jowhar laakiin ka tagimeyno Hubkeena”.. 
- 
		
		Ibraahim Cumar 
		Sabriye Shaaweeye oo ku tilmaamey dhalanteed Maamulka ay dhisayaan.. 
- 
		
		Dad u dhintay Caano 
		Sun ah oo ay cabeen.. 
	WARARKII MAANTA::: Nov 
	19, 2005
	
	Maamulka 
	Max’ed Dheere oo xirxiray xubno ka tirsan wadaadada Takfiirka..
	
	            
	Wararka naga soo gaaraya 
	Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in maamulka Max’ed Dheere uu shalay 
	xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah Ururka Takfiirka oo iyagu waayadaanba si 
	aad ah ugu soo badanayay Magaalada Jowhar.
	
	            Xubnaha la 
	xirxiray ayaa waxaa ka jira Guddoomiyihii Ururka Takfiirka Shiikh Hilowle oo 
	si aad ah looga yaaqay Magaalada Jowhar, ilaa iyo haddana lama garanayo 
	sababaha uu maamulku u xirxiray xubnahaasi, hase yeeshee warar ayaa waxay 
	sheegayaan in ay dacwad ku soo oogeen Culuma’u-diinka kale ee ku sugan 
	Magaalada Jowhar, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Xubnahaas xirxiridooda 
	ay ka dambeeyeen waalidiintii dhalay xubnahaasi.
	
	            Kal hore ayay 
	ahayd markii dagaal gacan ka hadal uu dhex maray "wadaadada" ka tirsan 
	Ururka Takfiirka iyo kuwo ka tirsan Ururk Ahlu-Sunna Waljameeca, waxayan 
	dagaalkaasi waxyeelo ka soo gaartay qaar ka mid ah wadaadadai dagaalamayay 
	hase yeeshee waxaa markii dambe soo kala dhex galay maamulka ka arrimiya 
	Gobalka Sh/dhexe uuna madaxda u yahay Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).
	
	            Warku wuxuu 
	intaa ku darayaa in qaar ka mid ah wadaadada Takfiirka ay ka baxsadeen 
	Magaalada Jowhar. 
	
	Shariif Xasan Shiikh 
	Aadan oo la filayo in uu u ambabaxo wadamada...  
	
	            
	Guddoomiyaha Baarlamaanka 
	Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la filayaa in uu dhawaan u amababaxo 
	wadamada Carabta isagoo ku hormari doona xarunta Jaamacadda Carabta ee 
	Qaahira, waxaana la sheegay in uu safarkiisa uu la xiriiro sidii ay 
	Jaamacadda Carabtu ay dhex dhexaad uga noqon lahayd is haysiga u dhexeeyay 
	xubnaha Dowladda ee ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo jowhar kaddib 
	markii dhawaan ururka Jaamacadda Carabta uu shaaca ka qaaday in uu xafiis ka 
	furanayo Magaalada Jowhar. Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka waxa uu kale oo 
	uu soo booqan doonaa inta badan wadamada Jaamacadda Carabta si uu uga 
	dhaadhiciyo in ay dhex dhexaad ka noqdaan khilaafka u dhexeeya xubnaha 
	Dowladda, waxaa kalloo uu wadamada Carabta weydiisan doonaa sidii ay gacan 
	uga gaysan lahaayeen dib u dhiska dalka Soomaaliya, iyadoo Guddoomiyaha 
	Baarlamaanku uu dhawaan dib ugu soo laabtay dalka isagoo booqasho ku soo 
	kala bixiyay wadamo ka tirsan Qaaradda Yurub, Mareykanka iyo Canada, hase 
	yeeshee safarkaasi Guddoomiyaha Baarlamaanka wax dhaqaale ah kama uusan 
	helin marka laga reebo balanqaadyo ay bixiyeen qaar ka mid ah wadamadaasi. 
	Xubanaha labada Gole een ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan waxa ay 
	qaateen go’aan ah in ay doonayaan in ay heshiis la gaaraan xubnaha Dowladda 
	ee ku sugan Magaalada Jowhar, waxaana arrintaan si weyn u soo dhaweeyay 
	shacabka Soomaaliyeed iyo waliba qaar ka mid ah wadamada Yurub iyo 
	Jaamacadda Carabta iyagoo ku tilmaamay go’aan muhiim u ah bulshada 
	Soomaaliyeed oo iyagu ku jiray muddo 15-sano ah ku jiray dagaalo sokeey iyo 
	waliba burbur ku yimid dhamaan kaabayaashii dhaqaalaha ee wadanka. 
	
 
	
	Ciidamo 
	Itoobiyaan ah oo dhowr qof watay Deegaanka.... 
	
	            Wararka naga 
	soo garaaya Magaalada Baladweyne waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah 
	oo wata labo gaari oo tikniko oo ah ka soo gudbay xuduuda ay shlaay soo 
	gaareen Tuulada Bacaad oo ka tirsan Magaalada Baladweyne, waxayna halkaasi 
	ka wateen dhowr qof oo dadka deegaanka ahaa una badana Odoyaal iyagoo ula 
	dhaqaaqay dhica deegaanka Feer-Feer.
	
	            Ilaa iyo hadda 
	lama garanayo sababaha loo watay Odoyaashaasi, balse warar ayaa waxay 
	sheegayaan in Odoyaashasi loo haysto Gaari lagu rasaaseeyay deegaankaasi oo 
	ku sii jeeday Dalka Itoobiya.            Mas’uuliyiinta 
	Magaalada Baladweyne ayaa u dhaqaaqay dhinaca dalka Itoobiya, iyagoo donaya 
	in ay soo furdaamiyaan Odoyaashaasi, oo la sheegay in si aad ah looga 
	yaqaanay deegaankaasi.
	
	Max’ed 
	Qanyare “Waan tageynaa Jowhar laakiin ka tagimeyno Hubkeena”..
	
	            Max’ed Qanyare 
	Afrax oo ah wasiirka amniga Qaranka ayaa mar uu u waramayay IWarbaahinta 
	waxa uu sheegay in uu soo dhaweenayo wada hadal dhex mara Dowladda 
	Federaalka garabyadeeda ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar.           Qanyare 
	waxa uu sheegay in la gaaray xiligii taanaasulka la isku sameyn lahaa, isla 
	markaana shacabka loo horseedi lahaa nabd dib u heshiisiin sax ah.
	
	            “Xitaa haddii 
	ay yiraahdaan imaada Jowhar waxaana diyaar u nahay in aan tagno” ayuu yiri 
	Qanyare, oo intaa ku daray “Jowhar waxay tikniko iyo ciidamo u joogaan C/llaahi 
	Yuusuf iyo Max’ed Dheere anaguna waan la tageynaa tiknikadayada iyo 
	ciidamadeena” ayuu yiri Max’ed Qanyare Afrax oo sheegay in xitaa ay soo 
	dhaweenayaan goob kasta ha noqoto dalka gudihiisa iyo dibadda oo lagu 
	dhameenayo khilaafka xubnaha Dowladda.
	
	            Qaar ka mid ah 
	xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar ayaa sheegay in kooxda 
	Dowladda eek u sugan Muqdisho looga baahan yahay in heshiiska ay sheegayaan 
	ay u soo gudbiyaan si qoraal ah. 
	
	Ibraahim Cumar Sabriye 
	Shaaweeye oo ku tilmaamey dhalanteed Maamulka ay dhisayaan..
	
	            
	Ibrahim Cumar Sabriye 
	Shaaweeye oo ah duqa Magaalada Muqdisho oo doraad dib ugu soo laabtay 
	Magaalada Muqdisho kaddib markii uu ka soo qaybgalay shir caalami ah oo ka 
	dhacayay dalka Sweden oo looga hadlayay arrimaha caasimadaha ayaa wax lala 
	yaabo ku tilmaamay maamulka loo sameenayo Gobalka Banaadir oo wadaan xubnaha 
	Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
	
	            Wuxuu sheegay 
	Shaaweeye in waqtigaan aan loo baahneyn in maamul loo sameeyo Gobalka 
	Banaadir, balse uu soo dhaweenayo in maamul mideysan loo sameeyo.
	
	            “Haddii aan 
	wax soo dhaweynayno waxaan soo dhaweyn lahayn maamulkii uu soo magacaabay 
	Ra’isul Wasaare Geedi” ayuu yiri Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye  oo 
	sheegay in shirkii ka dhacay dalka Sweden ay hor dhigeen arrimo fara badan 
	oo la xiriira sidii ay gacan u siin lahaayeen caasimadda Muqdisho gaar ahaan 
	dhinacyada nadaafadda, biyaha iyo korontada.            
	
	Dad u dhintay Caano Sun 
	ah oo ay cabeen..
	
	            
	Magaalada Afgooye oo 30KM 
	u jirta Magaalada Muqdisho ayaa wararka aanu ka heleyno waxay sheegayaan in 
	3 qof ay dhinteen, 7 qofna ay la ildaran yihiin Caano Sun ah oo ay cabeen.
	
	            Dadkaasi oo 
	qaarkood loo soo qaaday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ilaa iyo haatan la 
	garaneynin sababaha sumeeyay caanahaasi, hase yeeshee warar ayaa waxay 
	sheegayaan in Xoolihii caanahaasi laga soo lisay ay cuneen geedo sun ah, 
	warar kalena waxay sheegayaan in xoolihii laga soo lisay caanahaasi korkooda 
	la mariyay suntan xoolaha.
	
	            Ma ahan markii 
	ugu horeysay ee dad u dhintaan caano sun ah oo ay cabeen, dhawaan ayaa 
	Magaalada Baladweyne waxaa ku dhintay dhowr qof oo cabay caano sumeynsan, 
	iyadoo dadkii ka badbaaday caanahaasi ilaa iyo haatan la ildaran yihiin 
	waxyeeladii ka soo gaartay. 
	
	W/D Amiin 
	Yuusuf Khasaaro
	
	E-Mail
	amiinkhasaaro@hotmail.com