- Ra'isul Wasaare ku 
			xigeenka Somalia Maxamuud Jaamac Sifir oo sheegay in Dhaqaale la 
			siiyo Dawladda ay ku xirantahay in la heshiiyo marka hore isagoo 
			jooga London.
- Wasaarada Jaaliyada Dibeda ee Dawlada 
	Soomaaliya oo kulan ku qabatay Dalka Norway...
- Wasiirka Amniga ee Britain oo 
			Abaalmarin gudoonsiiyay Jaaliyada Soomaalida ee UK.. 
			
Ra'isul 
		Wasaare ku xigeenka Somalia Maxamuud Jaamac Sifir oo sheegay in Dhaqaale 
		la siiyo Dawladda ay ku xirantahay in la heshiiyo marka hore isagoo 
		jooga London.
 
	
		 
	
		Ridwaan Xaaji Cabdiwali, London.
	
		20/11/2005
	
		 
	
		Ra'isul Wasaare ku xigeenka Dawladda FKG 
		ee Somalia Maxamud Cabdulaahi Jaamac Sifir oo xalay kala qaybgalayay 
		Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London oo casho sharaf u sameeyay ayaa waxaa 
		uu si guud uga warbixiyay khilaafka Dawladda xiligii uu soo bilawday iyo 
		sababaha keenay in ilaa hadda uu sii jiitamo oo uu ku micneeyay in ay 
		ugu muhiimsantahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda amaan ee dalka 
		oo siyaabo kala duwan ay ugu kala muuqatay Dawladda qaybeheeda kala 
		duwan ee ku kala sugan Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.
	
		 
	
		Sifir oo mudooyinkan ku maqnaa dalka 
		Maraykanka ayaa ka dhawaajiyay in Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha 
		labaduba ay diidanyihiin in Dawladdu ay ku shaqayso Magaalada Muqdisho 
		oo ah Caasimadda dalka oo hadii aan iyada waxba laga qaban ay dhibaatadu 
		wali jiri doonto. Waxaana uu si gaar ah u xusay in Muqdisho ay ku nool 
		yihiin dadka ugu faraha badan guud ahaan marka laga hadlayo Gobolada 
		maadaama ay tahay Caasimadii. sidaasi si lamid ahna dhibaatadu ay ku 
		badantahay.
	
		 
	
		Waxaa uu xusay Ra'isul wasaare ku xigeenku 
		in Caalamku uu ku xiray Soomaalida in ay heshiiyaan kadibna ay taageeri 
		doonaan dhaqaale ahaan iyo dib u dhiska dalka , hadii kalese ay arimuhu 
		iska cakirnaan doonaan maadaama ay jirto dhaqaale xumo haysata 
		dhinacyada Dawladda ee Muqdisho iyo Jowhar ku kala sugan xiligan.
	
		 
	
		Ugu danbayntii waxaa uu u mahad celiyay 
		dadkii soo qaban qaabiyay xafladii xalay oo ka dhacday Woqooyiga London 
		oo kamid ah meelaha ay sida wayn u daganyihiin Soomaalida ku nool london 
		oo uu u sheegay in looga baahanyahay in ay kaalin fiican ka gaystaan 
		sidii loo heshiin lahaa iyo taageero ay siiyaan dawladda Soomaaliyeed.
	
		 
	
		Waxaa kulankaasi ku wehelinayay Wasiir ku 
		xigeenka Beeraha Maxamed Cali Bilaal iyo Cusmaan kaluun oo horay u 
		noqday Ra'isul wasaare ku xigeenkii Dawladii lagu soo dhisay dalka 
		Jabuuti iyo Dad u badan Aqoonyahano Soomaaliyeed oo iyaguna halkaasi ku 
		suganaa.
		ridwanhaji@yahoo.com | London, UK | Nov 20
		
 
	
		 
	Wasaarada Jaaliyada Dibeda ee Dawlada 
	Soomaaliya oo kulan ku qabatay Dalka Norway...
	Xuseen Yaasiin Gode-Gode | Norway
	Nov 19, 2005
	
	Agaasimaha Wasaarada Dib-uheshiisiinta iyo 
	Jaaliyadaha Dibeda Maxamed Salaad Nuur iyo Wefdi uu hogaaminayo,oo maalmahan 
	booqasho ku marayey Wadamada Iskandaneefiyaanka ayaa xalay kulan balaaran ku 
	qabtay Caasimada Dalka Norwey ee Oslo.
	Kulankan ayuu Agaasimuhu Warbixin-dheer uu 
	ka soo jeediyay ku tilmaamay in ujeedada ka dambeysa oo ay u soo gaareen 
	Dalka Norwey ay tahay,sidii ay oogu baraarujin-lahaayeen Jaaliyadaha Dibeda 
	ku dhaqan inay ka qeyb-qaataan Dib-udhiska iyo Dib-uheshiisinta Dalka 
	Soomaaliya.
	Agaasimaha ayaa sharaxaad ka bixiyay 
	Siyaasada Dawlada Federaalka Soomaaliyeed inay laf-dhabar u tahay sidii 
	guud-ahaan Wadanka Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa xasilooni iyo 
	nabadgelyo buuxda ,isagoo kula taliyay Shacabkii ka soo qayb-galay Kulanka 
	inay u guntadaan sidii ay ooga qayb qaadaan lahaayaan ,horumarka iyo 
	baraarujinta Shacabka Soomaaliyeed.
	"WAXAAD KA WARQABTAAN NASIIB-WANAAG IN 
	MAALMAHAN AY LA YIMAADEEN TANAASULAAD XUBNAHA GADOODSAN EE DAWLADA EE KU SUGAN 
	MAGAALADA MUQDISHO,MAANTA UU WASIIRKA AMNIGA QANYARE UU SHAACA-KAQAADAY IN 
	AY DIYAAR U YIHIIN IN AY IMAANAYAAN MAGAALADA JOWHAR HADII LAGU CASUMO" Ayuu 
	yiri Maxamed Salaad Nuur oo ka waramayey Xaalada ay ku sugan-tahay 
	waqti-xaadirka khilaafka ka taagan Labada Garab ee Dawlada ee ku kala sugan 
	Muqdisho iyo Jowhar.
	Intaas ka dib ayey Dhageystayaashu ,dhawr su,aalood 
	weydiiyeen Mas'uulkan ka socday Wasaarada Jaaliyadaha Dibeda oo qaabilsan 
	isku xirka Dawlada iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed.
	1-Su,aal:waxaa nagu maqaalo ah in Magaalada 
	Jowhar ay ku sugan yihiin Ciidamo Amxaaro ah iyo Ciidamada Sirta ee wadanka 
	Israel maxaa ka jira warkaas?
	1-Jawaab:Walaalayaal Dad warxumo-tashiil ka 
	shaqeeyo ayaa warkaas faafiyay,runtii waxba kama jiraan hadalada iyo guuxa 
	idiin soo gaaray,waxaan jeclaan lahaa in aad gudi soo dirsataan oo 
	indhahiina ku soo aragtaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Magaalada 
	Jowhar,waxaana idiin sheegayaa in aysan Ciidamo Itoobiyaan ah aysan ku 
	sugnayn Dalka Soomaaliya,mana soo geli-karaan Soomaaliya waayo waxaan nahay 
	Dal xor-ah.
	2-Su,aal:Ma ku tala jirtaa Wasaarada 
	Jaaliyada Dibeda inay mideeyso Ururada kala duwan ee ka jira Dalka Norwey?
	2-Jawaab:Nacam Siyaasada loo dhisay 
	Wasaaradan ayaa ka mid ah inay mideyso dhamaan fikradaha kala duwan oo ay 
	kala aamin san yihiin Soomaalida ku dhaqan Qurbaha,iyadoo Mustaqbalka dhaw 
	qorshaha Dawladu ay tahay sidii loo furi-lahaa Xafiisyo isku xira Jaaliyada 
	ku dhaqan Qurbaha,waxaana ku guuleysanay waqti-xaadirka in aan Xafiis ka 
	furano Sadex Wadan.
	3-Su,aal:Dawlada maxaa u qabsoomay ilaa iyo 
	hada?
	3-Jawaab:sida aad ka warqabtaan Dawladu 
	waxa ay talada Dalka wareegtay,iyadoo fara-maran balse nasiib-wanaaga Maanta 
	waxa ay ku tilaabsatay inay guul ka gaarto Siyaasada Dibeda,iyadoo ku 
	guuleysatay inay Xafiisyo ka furtaan Magaalada Jowhar,Midowga Afrika, 
	Sweden, Jaamacatul Carab oo mar-dhaw furanaysa iyo weilba Xafiiska Reer 
	Yurub oo laga furayo goordhaw Magaalada Jowhar.
	4-Su,aal:Waxaa jira Dad-badan oo shaki ka 
	qaba in Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu yahay Nin macangag ah maxaad ka 
	leedahay arintaas?
	4-Jawaab:Sida aad ka warqabtaan 
	Madaxweynuhu waxa uu markasta ka dhawaajiyaa in uu ku dadaaliyo in uu Nabada 
	ka shaqeynayo,balse caadada Beni-aadanka ayaa ka sameysan inay ka shaqeeyeen 
	warxumo tashiil,intii ay ku dadaali lahaayeen inay ka warsugaan hadalada 
	macaan oo uu marwalba ku dhawaaqo Madaxweynaha.
	Dadkii Su,aalaha weydiiyay Agaasimaha 
	Wasaarada Jaaaliyada Maxamed Salaad Nuur ayaa kala ahaa: