SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.


Aftida dastuurka kenya oo ay hogaaminayaan xisbiyadda ku haboobay Liinta.

Canab Mumtaz| Somalitalk.com| Nairobi | Nov 21, 2005

 
Warar hordhac ah oo ka soo baxaya doorashooyinka aftida dastuurka cusub ee kenya ayaa muujinaya in ay ku horeeyaan xisbiyadda doortay liinta oo ah Muslimiinta iyo mucaaradka oo si weyn uga soo horjeeda in dastuurka cusub uu ka dhaqan galo dalka.
 
Meelaha sida weyn ay ugu horeeyaan mucaaradka dastuur diidka ah ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Mombaasa, Gaarisa, Mandhera, wajeer eldoret waamo,iyo dagmooyin kale oo ay ka soo jeedeen siyaasiyiinta ku jira dowladda sida weyna u diidan dastuurka cusub.
 
Dad badan ayaa aad uga walwalsan in dowladu ay ku shubato oo banaanka laga keeno waraaqo horay loo diyaariyay mid ka mid ah dadka ka codaynayay magaalada eldoret ayaa sheegay in uu arkay taageerayaasha dastuurka oo dadka u soo bandhigayay in ay iibsadaan codkooda.
 
Isku soo bax ay sameeyeen sabtidii labada xisbi ee kala wata liinta iyo muuska waxaa ka soo kala qayb galay 30,000 oo ah dadweynaha diidan dastuurka cusub iyo 12.000 oo ahaa inta ogol dastuurka cusub in uu hirgalo iyadoo lagu qabtay garoomada kubada cagta.
 
Natiijadda ayaa lagu dhawaaqi doonaa bari iyadoo caawa la tirinta la dhamayn doono laakiin waxaa la filayaa si hoose loo ogaado natiijada saxda ah ee ka soo baxday guud ahaan dalka oo dhan isla caawa goor dambe,madaxweyne Kibaki waxa uu sheegay in dastuurka qabyadi ah uu dhaqan galin doono.
 
Siyaasiyiin badan oo horey hal xisbi ahaa ayaa ku kala tagay dastuurka markii uu soo baxay,ilaa xiligaasna waxa ay wadeen diidmo iyo olole weyn oo ay kaga soo horjeedeen in dastuurkan uu ka dhaqan galo dalka,xisbiyadda diidan oo qaatay liinta ayaa astaan uga dhigay ay ku gartaan taageerayaashooda diidan dastuurka maadaama ay liintu ka culustahay muuska taasna ay ula jeedeen in figradoodu ay ugu waxtar badan tahay tan ay dowladu wadato.
 
Dalka kenya oo ay ku nool yihiin Muslimiin jinsiyado kala duwan leh ayaa dhamaantood ka soo horjeeday,sanadkii hore bilowgiisi markii la keenay dastuurka Bomas waxa ay muslimiinta bilaabeen in ay ka hortagaan maadaama uusan wax sharci ah oo xagga maxkamadaha uusan siinaynin dastuurkii hore waxa uu muslimiinta u ogolaa in ay lahaadaan Qaadi iyo xukun u gooni laakiin kani waxa uu sharciga Islaamka ka dhigay Dhaqan.

  • Dastuurka Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo.
  • Muslimiinta Kenya oo Liinta ka door biday Mooska

Dastuurka Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo.

 
Canab Mumtaz| Somalitalk.com| Nairobi | Nov 21, 2005
 
Dadweynaha reer Kenya ayaa saakay waabarigii usoo baxay doorashada dastuurka cusub ee dalka kenya laga hirgalinayo oo ay soo gudbisay dowladda uu hogaamiyo Madaxwne Mwai Kibaki si ay ugu codeeyeen diidmo ama ogolaansho si kadib loo ansaxiyo hirgalidiisa.
 
Magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa si nabad ah looga codaynayaa iyagoo amaankana ay xoojiyeen ciidamada amaanka oo meel walba la dhigay si ay uga hortagaan isku dhacyo hadii ay yimaadaan,warar hordhac ayaa sheegaya in diidama ay hogaaminayso aftida dastuurka loo qaadayo laakiin si sax ah looma oga waxa ay ku dhamaato iyadoo la filayo in caawa ay dhamaato ama galabta kadibna bari lagu dhawaaqi doono natiijada saxda ah ee dadweynaha reer kenya ay ka dhiibteen Dastuurka.
 
Gobolada W/galbeed ee Kenya ayaa  90%si weyn looga soo baxay Saakay,dadku waxa ay ugu codaynayaan dastuurka HAA ama MAYA oo ah in uu meel maro ama in in uusan dhaqan galin,Goboladaas oo ay dagan yihiin Soomaali waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socotay loolan ay siyaasiyiinta iyo mudanayaasha ku jira baarlamaanka Kenya ee u dhashay W/Galbeed uga jireen dastuurkan afkaaraha ay ka kala qabaan laakiin waxaa lagu soo waramayaa in dadku badankiis ay diidan yihiin dastuurka cusub laakiin lama oga natiijadu waxa ay ku dhamaan doonto.
 
Magaalada Mombasa oo ay ku badan yihiim muslimiinta ayay aftidan si weyn uga socotaa,ilaa hadda ma jirto wax isku dhacyo ah oo ka dhacay magaalada dhexdeeda inta ay socoto codaynta dastuurka,sidoo kale magaalada Eldoret oo ah magaalo weyn taageero xoogana ay leeyihiin dadka diidan dastuurka ayaa si la mid ah waxaa ka socda doorashada aftida dastuurka cusub iyagoo gobolo kale oo waaweyna oo dalka ka mid ahna laga wada codaynayo.
 
U codaynta Dastuurka waxaa kor kala socda Qubaro caalami ah oo si weyn ula socda qaabka ay u socoto aftida  waxaana dadku ay ku codaynayaan waraaqo lagu kala qoray NO iyo YES oo ah oo HAA ama MAYA,waxana la dhigay goob walba sanaadiiq waaweyn oo dhalooyin,waxa ayna kormeerayaashan aduunka ka socda ku kala sugan yihiin gobol walba iyo dagmo walba oo ka mid ah dalka Kenya.
 
Dastuurka waxaa si weyn uga soo horjeeda musliinta dalka Kenya ku nool iyo ururada mucaaradka, musliimtu waxa ay kaga soo horjeedaan in diinta Islaamka uu dastuurkani siinin wax sharci ah ama awood ah,halka ururada mucaaradka ahna ay sheegayaan in dastuurku uu awood buuxda u siinayo Madaxweyne Kibaki in Maamulka Dalka.

Canab Mumtaz| Somalitalk.com| Nairobi.


Doorasha-da dastuurka cusub &dalka Kenya. 

W/D.Farxaan-Ceynte.


Safafka doorashada

Saakay oo ay taariikhdu tahy 21th Novmber waxaa loowada dareeray goobaha codbixinta,si qofkasta uu cod xur ah ku rido sanduuqa codbixiyaasha.horaantii sanadkaan waxaa xisbiga dalkaan ka taliya ee NARC uu soo saaray dastuur cusub,kaas oo ay ku dalbanayaan in wax laga badalo dastuurkii hore ee dalkaan oo soo taxnaa ilaa xiligii xuriyada sandkii 1963.markaas oo ay awoodooda qarameed kala wareegeen dalkii gumeysataha ahaa ee Briten.waxaana la sheegaa in xisbiga dalka ka taliya uu yahy mid isbadal doon ah,taas oo lagu macneeyay in hogaanka sare ee dalkaan ay wax iska sootarayaan makrkeey timaado in dasruurka wax laga badlo.hadba si kasta oo ay ahaato,waxaa codbixiyaasha dhiibanaya aaraahdooda coded lagu qiyaasay inkabadan 30.million oo qof.kuwaas oo isugu jira rag & dumar.waxaana codbixintu ay ka soo bilaawaneysaa goboloda koonfureed waxaana ay ku teetsanaandoontaa 8gobol oo midkiiba uu hoos yimaado 7maamul dagmeed.qiyaas ahaan waxaa la sheegaa in dadka ku nool dalkaan ay kor u dhaafayaan in kabadan 3.5million ruux waxeyna ka tarjumeesaa in Kenya ay cabir weyn ku yeelato qaarada Africa.hadaba dastuurkaan cusub oo ay damcsantahy in dowlada dalkaan Kenya ay dalka ku soo dabaasho waxa uu dhaliyay is qab-qabsi xoog leh,kaas oo keenay in dastuurka laba jeer la soo mariyo maxkamada ugu sareesa dalkaan Kenya (High court),ayagoo ugu dambeentii ansixayay mabda’ahaan,lakiin aanan looga fadhin in ay raacaan ama ay diidaan.waxaana sidookale uu mugdi soo kala dhaxgalay golaha wasiirada dalkaan iyo qaar ka tirsan gol’aha baaralamanka.taasian waxa ay ku timid in wasiiro katirsan dowlada ay si cad uga soo horjeedaan dastuurkaan la rabo in dalka laga hirgaliyo,waxaana labadii bilood ee la soo dhaafay dalkaan ka socday is-gaashaan buureysi ku aadan dastuurkaan cusub.waxaana ay sameynaayeen isusoobaxyo farabadan kuwaas oo lagu kasbanayay taageero,waxaana maalinba maalinka ka danbeesa soo ifbaxayay tirade taabacasan &kuwa ka soo horjeeda.

Xisbiga KANU oo ah midka aalaabaa labaratama kan markaas haaya maamulka dalka ayaa sixun uga soo horjeeda dastruurkaan cusub,waxaana gola’ha xisbaga oo dhan uu si mudaxan uga soo horjeestay dastuurkaan cusub.Hogaamiyaha xisbiga NARC oo ah ninka talada dalkaan haya ee (mai kabki)ayaa maal-maahan oo dhan u olo’oleeynaayay bal sidii uu u meel marin lahaa dastuurkaan,waxuuna safaro kala duwan ku soo bixiyay gobloda dalkaan uu ka koobanyahy,waxdaana moodaa in uu inta badan ka soo hoynaayay taageero buuxda.sidookale hor-boodaha xisbiga KANU Mr(Uhuru Kenyatta)oo ah wiil uu dhalay aabihii xuriyada dalkaan ayaa sidookale wax uu waday dhowrkaan bilood xod-xodasho aan caadi aheen,asigoo safar kala duwan ku bixinaayay dalka daafihiisa,asigoo ay safarkiisa ku wehlinaayeen wasiirka hormarinta wadooyinka Mr(elia Odeinga)oo ah shakhsi si aad ah looga xuso dalkaan Kenya,isala markaasna sumcad weyn ku leh xukuumada dalkaan,waxaana la sheegaa in uu howshiisi ugu badneed ku soo dhumiyay talada dalkaan,asigoo hory ula soo shaqeeyey xiligii Moi.sidookale waji aan sidaa ugu cusbeen dadyowga ku dhaqan dalkaan Kenya ayaa sidoo kale waxa uu ku lifaaqanyahy xisbiga KANU isla markasana waxa uu ka tirsanyahy go’laha wasiirada.wasiirka hidaha &dhaqanka Mr(Najiib Balala)oo shakhsi asal ahaan heesata diinta islaamka ayaa sidookale wax uu xulafo la yahay xisibga KANU uu ka soo horjeeda aslan-ba dastuurka,ayagoo aan ukala harin diimadooda qayaxan.guulaha la taaban karo uu ilaa &hada soo hoyay xisbiga NARC  ayaa la sheegayaa in ay yihiin kuwa muuqda,waxaana sidookale la xaqiijiya in rubuc meel-lood,meel,wasiirada dalkaan ay la soo safteen madwaxne Kebaki,oo si weyn ugu olo’oleynaaya dastuurkan cusub.waxana ugu cad-cad wasiirada garbkiisa taagan haweyneyda waiirka caafimaadka ah ee Mrs(Nguli)o xaqiiqdii ah qof fac weyn ku dhaxleh bulshada reer Kenya,islamarkaasna taageero weyn ka heesata asal-ahaan gobolka ay ka soo jeedo,waxaana la shagaa in boqolkiiba 10%laga rajeynaayo in laga heli doono gobolkeeda taageero coded.Rug cadaaga sida weyn looga tixgaliyo dalkaan islamarkaasan ah qof sumcad weyn ku dhaxleh xitaa qabiilada dalkaan,islamarkaasna la sheego in uuba ugaarsi ba’an ugu jiro talada madxweyne ee dalkaan,ahana ku-xigeena madxweyne Mr (mody Awori)ayaa noqondoono garabyada uu aadka ugu kalsoonyahy madwaxyne Kibaki in uu taageero fiican ka helidoono gobalda ay ka soojeedaan kuwa ay isku mab’da ay  yihiin sida Awori oo kale oo lashageeyo in laga filan karo guul-dhaxal galo ah,wexyna taas xoojin doontaa kalsoonida madaxweynha oo sifiican ula dhacsan dasturkaan cusub,waxuuna qudbadiisii ugu dambeesay shalay ku yiri “Dadka reer Kenya ayaga ayaa xaq u leh in ay wax diidaan,ayagaana xaq u leh in ay wax ogolaadan”waxuuna sii raaciyay “Majiridoonto cid aan ku khasbidoono in ay u codeeyaan dastuurka cusub”.waxaana hadalkiisa ka dheehan kartay sida uu ugu niyadsanyahy in uu guulo wax ku ool ah kazoo hoyidoonoa doorashada.hadba baratanka labada xisbi waxa uu soo maray dhowr marxakadood oo kala duwan,kuwaas oo isugu jiray kuwa geeriwatay &kuwa rabshado watay intaba.waxaana ilaa &hada la xaqiijiyay in geerida ay mareeso 7qofood oo kii ugu danbeeyay uu shaly ku geeriyooday iskusoobixii ugu weynaa ee ay sameeyaan labada xisbi,isalmarkaasna ahaa luktii ugu danbeysay ee shukaansiga shacabka.labada dhinaca astaan nuucee ah ayey ku ciyaarayaan,maxaasa lagugu ogaan karaa in aad tahay muxaafad ama mucaarad. 

 Mooska    (Muxaafad), liinta      (Mucaarad).

Labadaas astaan ayaa noqday kuwa aad kukala garankarto markaad dhaxmareyso goobaha codbixnta &wadooyinka waaweeyn ee magalaada Nairobi.waxaana maal-maahan taageerasyaashu ay ku hardamaayeen sidii ay qoloba qolada kale uga qudradbadnaan laheed markeey timaado tey taageersanyihiin tusaale ahaan.Majallada ugu afka dheer  Daily Nation cadadkeedii shalay waxuu qoray.in Mooska &Liinta ay noqdeen kuwa loogu iibsiga badanyahy,waxuuna sii raaciyay in maalinka cod-bixnta uu noqondoono maalinkii xaalufinta (Mooska &Liinta).waxaana lahubaa in qiimaha kala iibsiga qudradaas uu kor u kicidoono 12%biiba.ilaa &hada majiraan hordhac ka siisameen karta doorshada ayadoo labada dhinca ay aad isugu dhawyihiin markaad fiiriso qiyaasha ay sameeyaan war-baahinta dalkaan ayagoo ku saleeya hordhac qiyaaseed hanaanka (Public opinion poll-ka)ama qiyaasta fikarda shacbka daleed.sikastab’a ha ahaatee (Gari laba nin kama wada qosliso)cidbaa uun guusha libridoonta. 

Muslinka iyo doorashada dastruurka cusub.

Guud-ahaan muslinka ku nool dalkaan Kenya waxaa ay caga-cageynayaan in kabadan 3,million oo muslin ah,waxaana 3dalool meel ay noqondoonaan muslinka kuwa codbixiyashaasha.ayagoo laftigoo ay qeyb ka ahaayeen shacab weynaha lagu qal-qaalin jiray in ay raacaan ama ay diidaan.hadaba maxuu muslinka dalkaan ka gaaray arintaan?

Jaaliyada muslinka ee dalkaan oo leh nidaam caalami ah &waliba mid mideysnaanb’a waxa ay go’aan ku gaareen in ay qaataan astaanta (Liinta)oo micnaha ahaan ka tarjumeesa in ay ka soo horjeedaan dastuurka cusub.waxaana arintaan looga dhawaajiyay iskusoobaxyadii ugu danbeesay ee ay gudiga muslimiinta dalkaan yeeshaan,gaar-ahaan maal-mihii ciidul fitriga iyo saladaaha jimcooyinka oo kale.iskusoobixii maalinka ciidil-fitriga ee fagaaraha (Sir Club)oo ah meel ay isugu imaadeen in kabadan 100,00kun oo ruux ayaa shiyuukdii kala duwaneed ee halkaa ka khudbeynaayay waxa ay carabka ku dhufteen in muslinka dalkaan uu ka mideysanyahy arinta doorashada dastuurka cusub,waxaana ay sheegaan in muslinka ku dhaqan dalkaan Kenya uu ka soo saaray (Fatwa’)taas uu tibaaxeysa in muslinka dalkaan uu meel cad iska tagaay arinta dastuurka taas oo sheegaysa in muslinka uu qaatay tilaabadii u horseedilaheed hauunka alle &ayagoo bey leeyihiin uusan dastuurku uusan aheen mid waxtar u leh muslinka.waxaana jira dhowr qodob oo aanan u cuntamin muslinka waxaana ka mid ah.

.In qofkii looga shakiyaa argagixiso lootaxaabikaro xabsiga,walina askariga uu xaq u leeyahy in uu toogan karo haduu arko calaamado muujinaaya tuhun.

.In uusan u danyneenin muslimiinta ku nool gobalada waqooyi in ay helaan xaq ay helaan kuwa kale,gaar ahaan kuwa ay somalidu dagto (North-estern-ka).iyo dhowr qodob oo xasaasi ah.halka qaarna ay ku darayaan in qeybinta guryahay ay tahay mid u daneyneesa dowlada.waxaana sii raaca in khamriga,jaadka,sigaarka,dhamaantooda ay xoryihiin in la isticmaalikaro.waxaana sii dheer,in haweeneyda ay iska soo tuurikarto cunugeeda,hadii ay u arkto in uusan aheen mid maslxo guur ku aan ku dhalan.halkaan laguma soo koobikaro qeubtiisa fiican iyo qeybtiisa xunb’a.ilaa &hada ma muuqato meel aan dan uugu jirin soomaliweynta ku nool dalkaan,waloow somalida ay intooda badan ay ka deyrinayaan dastuurkaan cusub kaas oo lagu dhaqidoona dalkaan haduu hirgalo 100,00sano oo kale.lakiin majiro haduu guuleysto ama haduusan guuleysanba in somalida uu ku noqondoona mid car-qaladeeya habsami u socodkooda nololeed iyo kan gancasiyeedba.waxaana natiijda saxda ah lagu dhawaaqidoonaa maalinka talaada ay taariikhdu ku beegantahy 23th oo ah maalinka xiga ee talaada.waxaana manta oo isniin ah loo aqoonsaday maalin (Fasax)goobaha shaqada iyo dhamaan xafiisayada dowlada irdaha ayaa loo laabay ilaa &maalinka arbcada markaas oo la rajeynaayo in la shaacindoono natiijada.wixii ka soobaxa natiijada waxaad kala socondoontaan bogga somalitalk.com, maal-maha soosocda. 

W/D.Farxaan-Ceynte.

Nairobi-Kenya

cayntakayare@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2005

WARARKII HORE EE BILOWGII DASTUURKA HOOS KA AKHRI...

 


Muslimiinta Kenya oo Ku Dhaartay in ay Difaaci doonaa Maxkamada Shareecada ee Ku Xusan Dastuurka Cusub ee Loo Codeyn Doono November...

Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 29, 2005


"Muslimiintu goroda u laad laadin mayaan cadaadiska diimaah kale, waxayna ku dagaalamayaan difaaca maxkamadaha ilaa aakhirka" Sheikh Dor (Dhexda)

Muslimiinta Kenya ayaa wacad ku galay sidii ay u difaci lahaayeen Maxkamada Shareecada ee loo yaqaan "Maxkamada Qaadiga" aan loog asaari lahayn dastuurka cusub ee Kenya, inkasta oo ay si weyn arrintaas uga soo hor jeesatey Kaniisaduhu.

"Muslimiintu goroda hoos uguma rogan doonan cadaadis kaga yimid diimo kale, waxayna difaacayaan maxkamadaha, ilaa dhammadka" sidaas waxaa yiri Sheikh Mohamed Dor oo ah xoghaha guud ee Ururka Imaamada iyo daaciyada kenya oo la hadlayey IslamOnline.

Muslimiinta oo boqolkiiba toban (10%) ka ah dadka Kenya oo tiradoodu dhan tahay 30 million, waxay aaminsan yihiin haddii Dastuurka cusub ee lasoo jeediyey lagu daro Maxkamadaha Qaadiga in ay siin doonto xorriyad ballaaran oo ay u yeelan doonaan cibaadadooda.

Taas waxaa dheer in aan maxkamad kale xuquuq u lahayn in ay dusha kala socdaan xaaladaha Caqiidada Islaamka. Xeer aan diin Islaam ku salaysnayna ma xakumi karo arrimaha caqiidada, meelna kuma leh hab-nololeed kayaga" sidaas waxaa yiri Sheikh Juma Ngao, oo ah madaxa Supreme Council of Muslims (Kenya).


"Ma taageeri karo dukumiinti abuurayo nacayb, kala shaki iyo is aaminaad darro soo kala dhex gasha dadka", Madaxweynihii hore ee Kenya Moi

"Waxaan rabnaa qof kasta oo Kenyan ah in uu akhriyo dastuurka si uu u qaaro go'aan asaoo xog haya, isla mar ahaantaasna aysan weecin dadka la wareegaya majara habaabinta" Kibaki

Dastuurka Cusub oo ka kooban 197 waxaa la baahiyey Taladadii Aug 23, 2005, si ay dadweynuhu u akhriyaan ka hor inta aan la garin cod bixinta  bisha November loo qadayo dastuurkaas in ay dadweynuhu ansixiyaan iyo in kale.

Dastuurkan cusubi waa markii koowaad oo dib loo qoro gebi ahaanba Dastuurka Kenya laga soo bilaabo ilaa markii ay Kenya Xorriya ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 1963.

Waxaa la weriyey in Muslmiinta Kenya ay taageero la xiriirta maxkamadaha Qaadiga eee dastuurka ay ka haystaan Madaxweynaha hadda ee kenya Mwai Kibaki iyo madxweyne kuxigeenka Moody Awori.

Muslimiinta Kenya waxay ku dagaalamayaan in aan dastuurka laga saarin qodobka xusaya Maxkamada Qaadiyada Muslimiinta.

Arintaas Qaadiyada waxaa aad uga soo hor jeestey kaniisadaha kenya oo dalka ka wada olole ballaaran oo looga hor imanayo in dastuurkaas loogu codeeyo 'MAYA" si uusan u dhaqan gelin. Waxaa wararku tibaaxeen sabata ugu weyn ee Kirishtaanku uga hor imanayaan dastuurka in ay tahay ogolaanshaha loo ogolaaday in Muslimiinta danahooda ku xallistaan Qaadi Islaam ah.

Waxaa xusid mudan in dastuurku qoray: Maxkamada Guud, Maxkamadaha Kiristaanka, Maxkamadaha Kadhis (Qaadiga), maxkamada Hindu, iyo maxkamada diimah akale. Meelaha ay ku xusan yihiin Qaadiyaasha Islaamka waa (qodobada: 179(3)(a) , 197(1),(3)(a),(4) ee dastuurka cusub. Eeg linkiga hoose)

Waxaa kale oo dastuurka cusub ka soo hor jeeda labada xisbi ee KANU (oo ah xisbigii hayn jirey talada kenya xilligii Moi) iyo xisbiga kale ee LDP.

Waxaa Axad (Aug 28) cod kiisa diidmada ku daray Madaxweynihii hore ee Kenya oo sheegay in dastuurka cusub uu Kenya ka abuuri doono is aaminaad la'aan, waxana uu yiri waa in diidmo loogu codeeyo "MAYA". Daniel arap Moi oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yiri "Ma taageeri karo dukumiinti abuurayo nacayb, kala shaki iyo is aaminaad darro soo kala dhex gasha dadka"

Madaxweynaha hadda ee Kenya, Kibaki, waxa uu u ololeynayaa in dastuurkaas loogu codeeyo "HAA". Mwai Kibaki oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yiri  "Waxaan rabnaa qof kasta oo Kenyan ah in uu akhriyo dastuurka si uu u qaaro go'aan asaoo xog haya, isla mar ahaantaasna aysan weecin dadka la wareegaya majara habaabinta".

Dhanka kale degmada Migori waxaa Axadii mudaharaad ku dhigay 2,000 oo Muslimiin ah oo ka soo hor jeeda maxkamada Hidu-ga iyo Kirishtaanka ee ku xusan Dastuurka cusub ee loo codayn doono.

Waxaa wararka Isniin Aug 29 ka soo baxaya Kenya ay tilmaameen in ururka Muslimiinta ee Supreme Council of Kenya (Supkem) uu sheegay in culimo iyo qareeno ay dersayaan dastuurka cusub, isla mar ahaantaasna ay maalinta Talaadada soo saaridoonaan wixii ay Muslimiinta kula talin lahaayeen iyo wixii ay ka yeeli lahaayeen dastuurka Cusub.

Dastuurka Cusub ee loo Codayn doono ka akhri linkiga hoose:

www.nationmedia.com/dailynation/downloads/ProposedConstitution.pdf

ISha: IslamOnline, Standartd, DailyNation | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 29, 2005

 

 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD