SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print










 

Xafladda Abaalmarinta Maamulka & Macallimiinta Dugsiga Sare ee Cumar Samatar 

Mohamed I Osman
mciise@msn.com

Gaalkacyo

Waxaa maanta ( 30 Sep 2005) ka dhacay hoolka shirarka ee Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Ardayda Dugsiga Sare ee Cumar Samatar 1999 - 2005, Xafladdan oo ahayd mid lagu maamuusayay maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Sare ee Cumar Samatar iyo Horumarkiu uu gaaray dugsiga sannadihii ugu danbeeyey iyadoo halkas lagu Goddoonsiiyey Maamulaha Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Shahaado Sharaf Macallimiintana lagu guddoonsiiyey Abaal marino. Dugsiga Sare ee Cumar Samatar waxaa dib loo furay Burburkii dalka kaddib 1999 kaasoo ay dufcaddii ugu horraysay ay ka bexeen sannad dugsiyeedkii 2002-2003 iyadoo sannadkaas iyo intii ka danbaysay ay ka soo bexeen 218 arday.

Dugsiga Sare ee Cumar Samatar wuxuu noqday Horyaalka dugsiyada sare ee Puntland. Iyadoo sannadkii ugu danbeeyey, Tusaale ahaan, Dhammaan Ardada ka baastay Dugsiyada sare ee Puntland gaar ahaan ardada ku baastay heerka ugu sarreeye ama Grade "A" ay Saddex meelood Labo ka mid ah ay ahaayeen Ardada  Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Sidoo kale Isug gaynta Dhammaan ardada ku baastay Grade "A" Gobollada kale ee Puntland ay ka badnaayeen kuwa ku baasay Grade "A" Dugsiga Sare ee Cumar Samatar.

Xafladdan ay soo Agaasimeen Ardada Dugsiga Sare ee Cumar Samatar ayaa waxaa ka soo qaybgalay Maamulka Gobolka Mudug, Guddoonka waxbarashada Gobolka Mudug, Aqoonyahanada, Culimaa'udiinka, Ururrada Bulshada iyo Dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Mudug, ayaa waxaa Furitaankii shirka kaddib Halkaas ka hadlay Sh. Bashiir Sh. Xasan oo ka mid ah Culimada Gobolka Mudug isla markaana xubin ka ah Guddiga Horumarinta Gobolka Mudug, wuxuuna si wayn uga hadlay Qiimaha waxbarashada iyo in ay waajib diini ah tahay Waxbarashadu, wuxuuna ku dhiiriyey ardada inay ku dadaalaan waxbarashada, wuxuuna si wayn ugu Mahad celiyey Maamulka, macallimiinta, Guddiga waalidiinta iyo Ardada Dugsiga Sare ee Cumar Samatar isagoo Alle uga rajeeyey inuu Guul iyo Horumar.

Waxaa sidoo kale Halkaas hadal qiimo leh ka jeediyey Maamulaha Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Mr. C/llaahi Nuur Salaad Takar wuxuuna isagoo ku hadlaya Magaca Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Sare ee Cumar Samatar u mahad celiyey Ardadii soo qaban qaabisay Xafladdan, intaa kaddib wuxuu ka hadlay tirikoobka ardaydii ka qalin jabisay Dugsiga "Ardayda ka qalinjabisay waxay ahaayeen 218 Arday, Ardaydaas waxay maanta dunida ka joogaan meel badan oo kala duwan, qaar Jaamacado uga jira Dibadda iyo kuwo gudaha uga jira Jaamacado iyo kuwo ka shaqeeya Waddanka iyo kuwo kaleba" ayuu Yiri Md. Takar, oo intaas ku daray in loo baahan yahay in ardayda ka qalin jabisa Iskuulka ay muhim tahay in loo helo waxbarasho jaamacadeed si aysan uga kala go'in tacliintooda Curdanka ah wuxuu kaloo xusan dhibaatooyinkii ay macallimiintu soo mareen isagoo tilamamay in ay Macallimiintu Dulqaad iyo xilkasnimo muujiyeen haddan sidaas iyo si ka sii sarraysa laga sugayo wuxuuna u sheegay Ardada in Macallimiinta iyo Maamulkuba ay Labo laabi doonaan dadaalkoodii.  Maamuluhu wuxuu kaloo ka hadlay Heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo, isagoo sheegay in furintankii iskuulka ay ardadu ku fariisan jireen Daasado haddana uu iskuulku wax wayn iska baddaleen oo uu kor u soo kacay, wuxuu kaloo sheegay in uu Dugsigu hadda leeyahay Library ay ardadu wax ku akhrisan karaan xilli kasta, Computers ay kaga faa'iidaysan karaa waxbarashadooda, Internet iyo adeegyo kale. Maamuluhu mar uu ka hadlayay Caqabadaha haysta Iskuulka ayuu sheegay in ay Iskuulkii dhex degen yihiin carruur agoon ah taasina ay kalliftay in sannadkan ardaydii fariisan lahayd loo waayo fasallo, sidaad darteed ay noqotay in ardadii sannadkan la qaadna lahaa si ku meel gaar ah wax loogu sii dhigo Iskuul kale oo magaalada ku yaal, loona baahan yahay in agoonta xarun loo sameeyo Dugsigana culayska laga qaado si aysan u joogsan waxbarashadii, Agoontana loogu helo xarun ay leeyihiin ayna ka baxaan Dulsaarka ay ku yihiin Dugsiga Sare ee Cumar Samatar. Sidoo kale waxaa halkaas hadal kooban ka soo Jeediyey Burhaan Ismaaciil oo ku hadlayay Magaca Ardada Dugsiga Sare ee Cumar Samatar kuwa dhigta iyo kuwa ka qalinjabiyeyba, wuxuuna si wayn ugu Mahadceliyey Maamulka & Macalimiinta Dugsiga, wuxuuna Alle uga baryay inuu Ajar kasiiyo, Md. Burhaan wuxuu taabtay dhibaatadii ay macalimiintu soo mareen xilligii ay waxbarayeen ardadan wuxuuna sheegay in ay Macallimiintu ku soo shaqeeyeen Mutadawacnimo ama "Voluntary" haddana aysan heli Mushaark u filan.

Dadkii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ah Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo ka mid ah Dhakhaatiirta waddanka kana mid ah Guddiga Horumarinta Gobolka Mudug, ahna Asaasihii Jaamacadda Puntland State University (P S U), oo si wayn u bogaadiyey Maamulka, Macallimiinta Dugsiga Sare ee Cumar Samatar uguna Hanbalyeeyey Horumarka ay Gaarsiiyeen Iskuulka. waxaa sidoo kale hadal ka soo jeediyey Halkaas Md. C/raxmaan Xuseen Islaan oo ka mid ah Guddiga Waalidiinta Dugsiga Sare ee Cumar Samatar wuxuuna ugu baaqay Dadwaynaha Gaalkacyo in waxbarashada lagu dadaalo si loo helo Bulsho Caafimaad qabta oo Waxtaqaana oo dalka iyo dadkaba hagi karta.
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Mr. C/raxmaan Cali Daqarre oo isagu bixiyey Shahaado Sharafta la siiyey Maamulaha Dugsiga Sare ee Cumar Samatar ayaa si diiran ugu mahad celiyey Maamulka & Macallimiinta Dugsiga Sare ee Cumar Samatar iyo Ardadii soo Agaasintay Xafladdan. Mr. Daqarre ayaa siwayn uga hadlay Muhiimadda Waxbarashada isagoo aad u soo dhaweeyey Dhiiri galinta loo sameeyey Maamulka iyo Macallimiita Dugsiga. wuxuuna u rajeeyey in dadaalkooda ay labo jibaaraan, gabagabadii Xafladda ayaa waxaa halkaas hadal kooban ka jeediyey Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug, Bashiir  Maxamuud Mire oo kaddib halkaas ku guddoonsiiyey Shahaado Sharaftii iyo Abaalmarinadii loogu talo galay Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Sare ee Cumar Samatar. Waxayna Xafladdan ku soo gabogabowday Jawi Farxadeed oo aad u wanaagsan.

Mohamed I Osman
E-mail:
mciise@msn.com
Tel:           +2525 853000
Mobile:     +2525 753010
Gaalkacyo, Mudug
Puntland - Somalia
Gaalkacyo

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2005


QORAALADII HORE EE SOMALITALK.COM EE JAAMACADA BOOSAASO:::

Jaamacada Bariga Afrika waxay kutaal magaalada Boosaaso, October 2000 ayaa waxaa bilaabmay sannad dugsiyeedkeedii ugu horeeyey, markaas oo fasalada ardayda loogu sii dhigi jirey machadka ama iskoolka iimaamu shaafici ee magaalada Boosaaso, waxaase fasalada jaamacada oo weli markaas dhisme ku socdey lagu bilaabay in ay ardaydu wax ku bartaan sannad dugsiyeedkii kaas xigey oo bilaabmay Sebteembar 1, 2001.

Bishii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University (Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka socdey African Research Institute,((ARI), Latrobe University, Australia. [eeg warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]

Bishii Janaayo ee sannadkan 2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso, waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda higsaneyso [Eeg warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].

1dii Bishii Febraayo ee 2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario.[Eeg warbixintii Toronto].

26kii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta, Georgia [eeg warbixintii Atlanta, USA]

Bishii Febraayo ee 2002 ayey ahayd markii Ciise Dhollowaa booqday Jaamacada Boosaaso, waqtigaas waxaa Dhollowaa warbixin siiyey CabdiRisaaq Sh. Axmed  oo ah Macalin dhiga Luuqada Carabiga kana mid ah xubnaha Gudiga Maamulka Jaamacada. Waxaa C/Risaaq sheegay in ay u baahan yihiin dadka Somaliyeed ee awooda u leh in ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, iyaga oo noqonaya macalimiin yimaada jaamacda sanadkiiba hal mar, si ay wax u baraan ardadaas.
Halkan ka akhri warbixintii hore ee waftiga... GUJI


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



cFataxXAAFID QUR'AAN Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI




HTML CD