SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII Janaayo 2, 2006

  • Max’ed Dheere oo Jowhar ku martigelinaya kulan ay isugu imaanayaan Gudoomiyayaasha..

  • Ciidamada Itoobiya oo Magaalada Adis-Ababa ku xir xirey dad soomaali ah..

  • Hay’adda Wanlaweyn oo soo saartay Warbixin sanaddekii 2005 ee tacadiyadii...

  • Isbaaradii tiilay Isgoyska Bakaaraha oo dib loo soo celiyey..


Max’ed Dheere oo Jowhar ku martigelinaya kulan ay isugu imaanayaan Gudoomiyayaasha..

            Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo ay dhawaan heshiis wada gaareen isaga iyo gudoomiyaha gobalka Sh/hoose ayaa haatan qorsheynaya in magaalada Jowhar uu ku marti galiyo guddoomiyaasha dhawr gobal oo kala ah guddoomiyaha K/Mudug Iimaan Jiirow Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed, gudoomiyaha gobalka Galgaduud Yuusuf Xasan Ciyoow Gudoomiyaha gobalka Sh.hoose  Yuusuf Indha-cadde iyo xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo isagu gacanta ku haya gobalka Baay. Kulankan uu ah mid uu Max’ed Dheere ku doonayo in ishkaashi uu dhex maro gobaladdaasi gaar ahaan dhinaca nabad gelyada iyo siyaasadaba. Max’ed Dheere ayaa dhawaan mar uu u waramayey saxaafadda waxaa uu sheegay in uu doonayo in dib u heshiisiinta laga soo bilaabo degmo ilaa heer gobal taasoo uu sheegay in lagu gaari karo nabad buuxda oo dalka ka dhacda. Max’ed Dheere waxaa uu dhawaan gacan dhinaca ciidamada ah siiyey guddoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyagoo ku guuleystay in deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan meelo ka tirsan ay ka sifeeyaan kooxo burcad ah oo dhac ku hayey gaadiidka iyo dadka socotada ah. Dib u heshiisiintii dhawaan dhex martay Max’ed Dheere iyo Yuusuf Indha-cadde ayaa waxaa mucaaradad xoog lihi ay kaga timid qaar ka mid ah siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid cadowtooyo loogu abuurayo beelaha Digil iyo Mirifle, hase yeeshee, Max’ed Dheere oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu sheegay in heshiiskii dhex maray isaga iyo Yuusuf Indha-cadde ciddii ka hor timaadaa ay tahay mid aan dooneyn in ay nabad ka dhalato Soomaaliya, u jeeddadeeduna ay tahay in ay iska sii socdaan dagaalada sokeeye.

Ciidamada Itoobiya oo Magaalada Adis-Ababa ku xir xirey dad soomaali ah..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis-Ababa waxay sheegayaan in dad soomaali ah oo tiradoodu gaareyso 11 qofood lagu qabtay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana lagu waramay in dadkaasi markii la qabanayay ku sugnaayeen guryadooda, waxaana la sheegay in ay ugu soo galeen ciidanka Booliiska.

Qaar ka mid ah dadka la qabtay ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeeyeen in ay wateen Baarsabooro been abuur ah oo ay leedahay dowladda Itoobiya, waxaana haatan ay ku xiran yihiin xabsi ku yaala Magaalada Adis-Ababa.

Dadkaasi ayaa waxay qaarkood ku soo jeedeen gudaha dalka Soomaaliya, waxayna halkasi u tageen in ay soo qaataan Baasabooro Itoobiyaan ah maadaama Boosaboorkii Soomaaliga haa la diiday in lagu safro.Ciidamada Itoobiya ayaa waxay sheegeen in dadkasi dhawaan si dhaqsi leh loo soo hor taagi doono Maxkmad, maadaama ay haysteen Baasabooro sharci daro ah. 

Hay’adda Wanlaweyn oo soo saartay Warbixin sanaddekii 2005 ee tacadiyadii...

Hay’adda Wanlaweyn ee Xaquuqda Aadanaha xubina ka ah Dalladda SOHRIDEN kana howlgasha Gobalka Sh/hoose isla markaana diinwaangelisa wixii xadgudubyo ah ee ka dhaca gobalkaasi ayaa waxay soo saartay warbixin ku saabsan sanadka 2005 wixii dhacdooyin ah oo ka dhacay Gobalkaasi oo isugu jira dil, dhac, Guryo la gubay, beero xoog lagu haysto isla markaana la bililiqeystay, afduub iyo kufsiba.

Hay’adda Wanlaweyn waxa ay sheegtay in arrimahaasi ay waqtiyo fara badan ka hadashaday isla markaana ay diiwaangelisay, waxayna u soo jeedisay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Culumada, Aqoonyahanada, Taqaatiirta in ay gacan ka gaystaan sidii loo xakameyn lahaa dilalkaasi.

Hay’addu waxay sheegtay in dilalka loo gaysanayo Culumada, Saraakiisha Ciidamada, Aqoonyahanada iyo Dhakhaatiirta ay yihiin kuwo shacabka Soomaaliyeed u keeni kara dhibaato hor leh.

Hay’adda oo warbixinteeda sii wadata waxay sheegtay in mudadii saddexda sano ahayd ee ay jirtay aysan wax dhaqaale ah ka helin hay’adaha samafalka isla marakana iskeed ay u sameyneysay barnaamijyada a xiriira diinwaangelinta tacadiyadda loo gaysto bulshada, waxayna mudadii saddexda sano iyo barka ahayd diiwaangelisay 1148 qof oo la dilay a18 qof oo la kufsaday iyo 53 qof oo la afduubtay, waxayna ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay is cafiyaan nabaddana ka shaqeeyaan, diinta Islaamkana kor loo qaado, waxaana ku saxiixnaa Guddoomiyaha hay’adda Wanlaweyn Eng. Siidow Xasan Mahdi. 

Isbaaradii tiilay Isgoyska Bakaaraha oo dib loo soo celiyey..

Galabnimadii shalay ahayd ayaa kooxo maleeshiyo ah oo ku hubeysa Tikniko iyo hub kale waxay soo degeen Isbaaradii Isgooska Bakaaraha, waxaana Isbaaradaasi markii hore halkaasi ka qaaday Max’ed Qanyare Afrax oo horey u caddeeyay in aysan dib dambe u soo laaban doonin.

Sababaha isbaaradaani u soo laabtay ayaa lagu sheegay in ay tahay kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay wasiirada hubeysa ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan doorashadii Guddoomiyaha Golaha Deegaanka oo uu ku guuleystay Maxamuud Cumar Max’ed (Tootoow).

Qanyare waxa uu horey u soo jeediyay in inta aysan dhicin Doorashada maamulka Gobalka Banaadir laga dhigo qaab awood qaybsi ah, hase yeeshee guddiga qabanqaabada doorashadaasi ayaa waxa ay sheegeen in Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir ay degsadeen dastuur cid kasta oo Soomaaliyeedna ay u tartami karto doorashadaasi, taas oo uu Max’ed Qanyare horey u saxiixay.

Soo laabashada Isbaaradaani waxaa si weyn wel wel uga muujiyay gaadiidka BL-ka ah ee isaga goosha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan jidka Wadnaha, waxaana laga cabsi qabaa in ay dib u soo laabtaan isbaarooyin kale oo ay horey u qaadeen wasiirada hubeysan ee Magaalada Muqdisho.

Markii ay dhaceen dagaalada Sokeeye Magaalada Muqdisho weli ma aysan helin nidaam mideysa oo lagu maamulo Magaalada, iyadoo uu horey u soo magacaabay Cali Max’ed Geedi, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uuna u magacaabay Cadde Gaabow, waxaana ka hor yimid wasiirada hubesan ee mu sugan Magaalada Muqdisho.    

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Email amiinkhasaaro@hotmail.com


WARARKII Janaayo 1, 2006

  • Max’ud Cumar Tootow oo ku guuleystay guddoomiyihii golaha deegaanka ee gobalka Banaadir

  • Wasiirada Hawiye ee ku sugan Muqdisho oo uu soo kala dhexgaley Khilaaf Xoogan..

  • Ururka SNU oo dhaliilay maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la filayo in uu booqdo Wadanka Itoobiya.

  • Hayadda CRD oo qabatey kulan ku saabsan Howlqabadka hayadaha aan Dowliga ahayn ee dhinacyada dib u dhiska  iyo kaalinta ay ka qaadan karaan.

  • Xildhibaanada Digil iyo Mirifle.  

  • Kulan ay Yeesheen  Ururka Arab Transient Ball Federation oo lagu Qabtay Magaalada Dimishiq ee Dalka Suuriya.


Max’ud Cumar Tootow oo ku guuleystay guddoomiyihii golaha deegaanka ee gobalka Banaadir

Max’ed Xiirey “Wax doorasho ah oo dhacay ma jirto”

Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Qormadii 2004 ee Wardheere... Guji...

Waxaa maanta (Axad Jan 1, 2006) Xarunta Xisbiga ee Magaaladda Muqdisho ka dhacday Doorashadii Guddoomiyaha Goloha Deegaanka Gobolka Banadir oo dhawaan la dhaariyay, waxaana ku tartamay labo musharax oo kala ah Max’ud Cumar Tootow iyo Max’ed Xiirey Max’ed oo isagu la sheegay in uu ka maqnaa goobta balse uu u fadhiyey goobta wakiil isaga ka socda, waxaana 64-ta ee uu golaha deegaanka ee gobalka Banaadir uu ka kooban yahay soo xaadirey 50-xubnood, waxaana markiiba bilaabatay doorashadii guddoomiyahay golaha deegaanka waxaana 44-cod ku guuleystay Max’ud Cumar Tootow halka Max’ed Xiirey uu helay 3-cod waxaa halaabay 3-cod, waxaana ku dhawaaqay in Max’ud Cumar Tootow uu ku guuleystay gudoomiyaha golaha deegaanka ee KMG ahaa Cali Nuur Cagweyn, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa dadweyne aad fara badan oo daawanayey sida ay doorashada u dhaceysay.

Doorashaan oo ku soo beegantay xilli ay kala qaybsanaan xoog lihi soo kala dhex gashay wasiirada hubeysan ee Muqdisho, waxaana goobta ka maqnaa wasiirka Amniga Qaranka oo isagu watay musharaxa Max’ed Xiirey Max’ed  oo isna sidoo kale aan goobta ku sugneyn waxaana mar uu la halayey uu sheegay in halkaasi aysan ka dhicin wax doorasho ah si caddaalad ahna wax uma aysan dhicin meeshana waxaa ka jiray nin jecleysi.

Isqabqabsiga doorashada ee ay ku bilaabay waxay keeneysaa in ay sii wiiqanto rajadii dadweyanaha Muqdisho ay ka qabeen in ay helaan maamul mideysan waxaana horey u jiray maamul uu soo magacaabay ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi kaasoo guddoomiye ka ah Cadde Xasan Gaabow.

Dhinaca kale Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey oo ahaa Duqii magaalada Muqdisho ee dowladdii Carta horeyna u sheegay in uu wali yahay Duqa magaalada Muqdisho ayaa u hambalyeeyey guddoomiya golaha deegaanka gobalka Banaadir, isagoo sheegay in uu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com 


WARQAD FURAN::: Ma doonayno rajo la’aan sanadkan Cusub ee 2006. 

Warqadan Furan waxaa igu kalifay in aan qalinka u qaato xaaladda murugsan ee dalku uu marayo xiligan iyo khilaafka baahsan ee u dhexeeya Madaxda Dawladda oo isaguna wali u muuqda mid aan si dhab ah looga heshiinin marka laga reebo hindisayaasha kala duwan ee ay wadaan dadka nabadda jecel oo rajo wanaagsan ka muujinaya in khilaafkaasi uu dhamaan doono si looga gudbo is marin waaga Siyaasadeed ee taagam. 

Anigoo ah Ganacsade Soomaaliyeed oo ku nool London Mohamed Abdi Mohamed (M. Afweyne) kana madax ah shirkada Bee Telecom waxaan usoo jedinayaa madaxda labada Gole ee Dawladdu iyadoo aan u soo marsiinayo qalabka Warbaahinta in ay heshiiyaan oo ay tanaasul sameeyaan hadii kale sanadkan wuxuu lamid noqonayaa kuwii nasoo dhaafay oo raja la aanta ahaa, waana fakir cidwalba ay qabto. 

Adinkuna waxaad ahaanaysaan kuwaan horay ubaranay oo ma gudbayaasha ahaa . hadaba waxaannahay shacab idin sugaya hadaad heshiisaan  waxaad ka helaysaan umadda Soomaaliyeed taageero dhaqaale iyo mid maskaxba waa sida aan aaminsanahay aniga iyo Ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo jecel nabadda dalkooda. 

Waxaa kaloo iyana muhiim ah in Madaxdu ay dareemaan in ay Mas’uul ka yihiin Shacabka Dhibaataysan ee doonaya in ay helaan Dawlad Soomaaliyeed oo ka saarta dhibkii dalku soo maray 15ka Sano oo wali ay xasuusanayaan hadii ay noqon lahaayeen kuwa gudaha jooga iyo kuwo ku nool dalalka kale ee aan Soomaaliya ahayn intaba. 

Waxaa Qoray Dhambaalkaan


Mohammed Cabdi Mohamed (Afweyne)
London, UK
Mohamedabdi27@hotmail.com


Wasiirada Hawiye ee ku sugan Muqdisho oo uu soo kala dhexgaley Khilaaf Xoogan..


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..



Holland oo Maalinta Axada (Janaayo 1, 2006) Xaflad Loogu Qabanayo Jaamacada Hiiraan... Guji..

Maalintii shalay ahayd ayaa si weyn loo dareemay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Wasiirada Beelaha Hawiye eek u sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo kulan ay shalay isugu imaan lahaayeen Hotel Amiira uu ka baaqsaday Max’ed Qanyare Afrax oo ah Wasiirka Amniga Qaranka, kaddib markii uu si aad  ah u dhaliilay qaabka awood qaybsiga Maamul u sameynta Gobalka Banaadir.

Baaqashada uu Max’ed Qanyare ka baaqday kulankaasi ayaa waxay keentay in qaar ka mid ah Wasiirada Beelaha Hawiye ay kulan gaar ah la yeeshaan Max’ed Qanyare kaas oo ka dhacay degamada Deyniile, hase yeeshee wax natiino ah oo ka soo baxay kulankaasi ma jirto.

Max’ed Qanyare ayaa sheegay in si aad ah loo wada garanayo beelaha dega Gobalka Banaadir, gaar ahaan marka ay timado awood qaybsiga, waxa uuna sheegay in beesha uu ka dhashay ay xaq u leedahay in ay noqoto Guddoomiyaha Golaha Deegaana Gobalka Banaadir, maadaama Beesha Mudulood ay qaatay Duqa Magaalada iyo Guddoomiyaha Gobalka, waxaana Golaha Deegaana Guddomiyanimadiisa ku tartamaya Max’ed Xiirery oo ka soo jeeda Max’ed Xiirey oo ka soo jeeda Beesha Murasade iyo Max’ed Cumar oo isna ka soo jeeda Beesha Habar-Gidir, waxaana la sheegay in Max’ed Qanyare uu ka yara cabsanayo in doorashadaasi uu ku soo bixi waayo Max’ed Xiirey.

Ururka SNU oo dhaliilay maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

            Kulan ay isugu yimaadeen Ururka SNU golihiisa Dhexe, guddigiisa fulinta, waxgaradka, siyaasiyiinta, Haweenka iyo Dhallinyarada ayaa waxaa kulankaasi looga hadlay dhismaha maamulka Gobalka Banaadir.

            Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxaa kulankaas laga soo saaray dhowr qodob oo kala ah,  qoomiyadda Banaadiriga waxa ay ahmiyad weyn siineysaa in maamulka Gobalka Banaadir la dhiso iyadoo cidda mudan lagala tashanayo, isla markaana la siinayo awooda wax qaybsiga mansabka ay mudan yihiin, taasina marna ma dhicin in Qoomiyadda Banaadiriga lagala tashado.

            Xubnaha ka qaybgalay Golaha Deegaanka Golaha Deegaanka maamulka Gobalka Banaadir, waa shaqsiyaad iskood e socda oo aan matalin qoomiyadda Banaadirga, Waxaa kalloo qodobadda ka mid ah, Qoomiyadda Banaadiriga waxa ay markastaba soo dhaweyney-saa cid alaala iyo ciddii wada dhismaha maamulka Gobalka Banaadir oo loo wada dhan yahay kuna saleysan midnimo, cadaalad iyo wax wada qabsi, lagana tashaday Qoomiyadda Banaadiriga.

 Waxaana qoraalkaan na soo gaarsiiyay Guddoomiyaha SNU Eng. Aweys Cadde     

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la filayo in uu booqdo Wadanka Itoobiya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf oo weli ku sugan dalka Yemen ayaa waxaa la filayaa in uu u ambabaxo wadanka Itoobiya kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’isul Wasaaraha Wadanka Itoobiya Miless Zinawi waxaana martiqaadkaas lagu wargeliyay intii ay ka wada qyabgalayeen shirkii SANCA oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Suudaan, Itobiya, Yemen iyo Soomaaliya, kaas oo lagu saxiixday heshiis iskaashi oo ah dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada, Milatariga iyo arrimaha la dagaalnka waxa loogu yeeray Kooxaha argagixisada ah. Kulan gaar ah oo ay ku yeesheen dalka Yemen Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Miless Zinawi ayaa iskula soo qaadeen halka ay mareyso Dowladda Federaalka iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadii sanadka iyo lixda bilood ahayd, iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu si gaar ah u codsaday in laga kaalmeeyo dhinaca Ciidamada gaar ahaan tababarada Kooxaha Maleeshiyooyinka ah iyo qalabkooda. Kulanka SANCA ka dhacay waxaa cabaareeyay xubnaha Dowlada eek u sugan Magaalada Muqdisho oo ku tilmaamay in uu ahaa kulan la doonayo in lagu abuuro xiisad colaadeed, gaar ahaan wadamada deriska la ah afarta wadanka ee Kulanka yeelatay, sidoo kale waxaa cambaareeyay Dowladda Eritrea oo ku tilmaantay kulan keeni kara Iska hor imaad cusub oo ka dhaca geeska Afrika, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu booqan doono wadanka Suudaan oo iyadu horey u ballanqaaday in ay Soomaaliya I direyso ciidamo nabad ilaalin ah oo suga ammaanka Soomaaliya isla markaana dibu soo celiya kala dambeyntii dalka.

Hayadda CRD oo qabatey kulan ku saabsan Howlqabadka hayadaha aan Dowliga ahayn ee dhinacyada dib u dhiska  iyo kaalinta ay ka qaadan karaan.

Waxaa  maanta lagu qabtay Xarunta Cilmi-Baarsita iyo Wadatashiga (CRD) barnaamij baalaran oo looga hadlayay hoowlqabadka Hay’addaha aan doowliga ahayn (Non-State Actors) ee la xiriirta arimaha dib u dhiska  iyo kaalinta ay ka qaadan karaan howlaha adeega bushada. Barnaamijkan waxaa ka soo qayb galay 37 daladood (networks) oo ka kala yimid Banadir, Shabeeladda Hoose iyo Shabeelada Dhexe. Barmaamijkan oo ah mid taxane ahaa muda socday waxaa furitaankiisa ka hadlay Jabril Ibrahim Abdulle, oo ah Agaasimaha Xarunti Cilmi-Baarsita iyo Wada-tahiga Soomaleed (CRD)  Jabril waxaa uu  ka hadlay muhiimada ay leedahay in hay’adaha aan doowliga ahayn (non-State Actors) ay door ka qaataan howlaha socda.  Jabril waxaa uu kala hadlay ka qayb-galayaasha in loo baahan yahay in ay midoobaan si iyaga oo wada jira ay u wajahaan hoowlaha laga sugaayo.

Ururada ka soo qayb galay waxaa ay isgu jireen  qaar ka socda, Ururada Bulshada Rayidka  (Civil society), Qaybaha hantileeyda gaarka (private sector) iyo qaybha xirfadleeyda (Professional Associations) Kulankan waxaa uu salka ku hayaa heshiiskii  Heshiiska Cotonou oo ah iskaashi ku saleysan kaalmo iyo ganacsi dhexmaray 15 dal ee ku wada jira Midowga Yurub iyo 77 dal oo isugu jira Afrikaan iyo dalalka la isku yiraahdo Caribeanka iyo Pacifigga (ACP). Heshiiskaan waxaa uu aqoonsaday kaalinta hormuudnimo ee Qaybaha Bulshada ee aan ku lug lahayn dowladda (Non-State Actors) ay ka qaataan hannaanka horumarinta leh ee dalka.

Iyadoo laga faa’iideysanayo fursadda gaarka ah ee uu Heshiiska Cotonou siiyay ummadda Soomaaliyeed waxaa la abaabulay Mashruuc loogu tala galay sidii cod mideysan looga dhex heli lahaa qaybaha bulshada aan dowliga ahayn (NSAs) ee ka jira Soomaaliya.

Kulankii maanta waxaa lagu soo bandhigay warbixino ay bixiyeen qaar ka mid kooxda shaqeedka  ee ka tirsan Non-State actors. Waxaa warbixn buuxda laga siiyay  Shirk looga hadlayay non-state actors Somalia oo lagu qabtay Hargaysa, sidkoo kale waxaa warbixin buuxda laga siiyay barnaamijka lagu magac daray “Joint Need Assessment” JNA oo ay wada fulinayaa hay’adaha World Bank, UNDP and Doowlda ku meel gaarka ah, sidoo kale waxaa looga hadlay shirkii ay ku kulmeen non-state actorks eek u bahoomay urur goboleedka  IGAD oo dhawaan lagu qabtay magaalada Nairobi.

Abuuritaanka Non-State actors waa aragti ku cusub Somalia, oo ay Xarunta Cilmi-Baarista ay hadda ka wado dalka gudihiisa iyada oo taakuleeyn ka heshay European Commissions and hay;ada fadhigeedu yahay London ee SAFERWORLD

Barnaamijka marka la soo gunaadado waxaa  ka soo bixi doono  Gudi heer qaran ah oo matalaya Somalia oo dhan oo  la shaqo gali doono European Commissions iyo Dowlada ku meel gaarka, iyaga oo matalaya Shacabka Somaliyeed.

Gabagabadii shirkaas waxa sidoo kale ka hadlay Mohamed Hussien Enow oo xasuusiyay ka qayb-galayaasha in Xarunta Cilmi-Baarista ay diyaar la tahay wixii kaalmo, farsamo iyo u fududeen sidii ay waajibkooda ku gudan lahaayeen.

Jabril Ibrahim Abdulle, oo soo gunaanaday shirkaas waxaa uu u mahad u celiyay dhaman ka soo qayb galayaasha, isaga oo xasuusiyay in Soo noqoshada sharaftii Somaliya ay ka bilaaban  karto marka Xirfadlayasha aqoonta leh (Somali Professionals) ay qayb ka noqdaan xal-u helida dhibka Somalia ka jiro

Xildhibaanada Digil iyo Mirifle.  

Shir Al-baabadu ay u xirnaayeen oo ay isugu yimaadeen xildhibaanada iyo Wasiirada Beelaha Digil iyo mirifle ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo tiradoodu gaarayso 24 xubnood oo xildhibaano, Wasiir iyo Wasiir ku xigeeno ayaa shalay lagu qabtay Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

            shirka waxaa looga hadlay sidii ay ka  yeeli lahaayeen, baaq kaga yimid xubnaha Beelaha digil iyo mirifle ee ugu jira labada gole, aqoonyahano iyo Odayaal dhaqameedyo, shir ugu furmay deegaanka Sarmaan dheer ee Gobolka Bokool ayna kaga codsadeen inay ka soo qayb galaan xubnaha ku sugan Magaalada Muqdisho.

            shirkii shalay oo ay ka soo qayb-galeen 24 Xubnood oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa waxaa laga soo saaray afar qodob Waxaana Saxaafada u Aqriyey Xildhibaan C/llaahi Aadan Axmed {Black}  waxayna kala yihiin in dhamaan Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle ay isugu yimaadaan shir wada jir ah oo ay uga arinsanayaan arimaha ka taagan deegaanada ay degaan, in shirkaasi uu noqdo shir u gaar ah Digil iyo Mirifle aynaa nadiif ka tahay fara gelin ka timaada dibada, in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu yahay Mas’uulka ugu sareeya Beelaha Digil iyo Mirifle loogana dambeeyo qabashada, xiliga iyo meesha lagu qabanayo shirka iyo in hada xiriirada Taleefoon ee hada socda ee u dhexeeya Mas’uuliyiinta B/ Digil iyo Mirifle la sii wado

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com


Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.
USA: Bannaanbaxa oo Soomaalidu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii...
Guji Dec 31


Kulan ay Yeesheen  Ururka Arab Transient Ball Federation oo lagu Qabtay Magaalada Dimishiq ee Dalka Suuriya.
 
Waxaa Dhawaan lagu soo Gabagabeeyay Magaalo Madaxda Dalka Suuriya ee Dimishiq Kulan ay Yeesheen Mas,uuliyiin ka kala Socotay Wadamada Carabta kaas oo looga Arinsanayay sidii loo Aas aasi lahaay Ururka Arab Transient Ball Federation oo ah Urur Cusub oo Dhawaan lagu Dhawaaqay.
 
Dawladda Suuriya oo Marti Galisay Kulankan ayaa Waxaa ka soo Qayb galay Kulankan Mas,uuliyiin ka kala socotay Wadamada:Masar,Suuriya,Ciraaq,Urdun,Falastiin, & Somaliya,Waxaana Gabagabadii Kulankan looga Dhawaaqay Ururka Arab Transient Ball Federation iyada oo Wadamadan ay Noqonayaan Wadamada Aas aasay Ururkan.Waana Markii ugu Horeysay oo ay Soomaaliya ka Qayb gasho ama ka mid Noqoto Wadamo aasaasaya Urur Noocaan oo kale ah Muddo 15 Sano ah oo ay Soomaaliya ka Maqnayd Fagaarayaasha Aduunka.
 
Kulankan ayaa Waxaa Dhamaadkiisa Gudoomiye loogu Doortay in uu Noqdo Ururka Transient Ball Federation Mr;Xasan Fadl oo u Dhashay Dalka Masar,iyadoo sidoo kalena la isku af gartay in Xaruun Rasmi ah ay u Noqoto Ururkan Cusub Magaalada Qaahira ee Dalka Masar,iyadoo Mas,uuliyiinta ka Socota Wadamada kale ee aas aasay Ururkan ay Noqon Doonaan Gudiga Fulinta ee Joogtada ah ee Ururkan.
 
Hadaba Wadanka Soomaaliya Waxaa Kulankan ugu Qaybgalay  Wafdi uu Hogaaminayay Md:Maxamed Abukar Sh/Xasan(M.Deeq) oo ka Tagay Dalka Masar isla Markaana  ah Gudoomiyaha Ururka Somali Transient Ball Federatio,isaga oo ka Mid Noqday Maamulka Ururkan Cusub ee  Lagu Dhawaaqay ee Arab Transient Ball Federation.
 
Gabagabadii Shirkan ayaa Waxaa la isla Gartay in Dhamaan Wadamada ka Qayb Galaya Shirkan ay Yeeshaan Ciyaar is Wada arag ah oo Transient Ball ah,Ciyaartaas ayaa Wadanka Soomaaliya waxa ay Gashay kaalinta Afaraad iyada oo aad loo soo Dhaweeyay Ciyaarta ay Soo Bandhigeen Kooxda Soomaaliyeed ee Ka Qayb Gashay Ciyaartaas,Waxaana Halkaas lagu Gudoonsiiyay Ciyaartoydii Soomaaliyeed Bilado iyo Shahaadooyin Sharaf iyo Waliba Koob.
 
Gudoomiyaha Ururka  Somali Transient Ball Federation Md:Maxamed Abuukar Sh/Xasan(M.Deeq) ayaa waxa uu Mahad Celin Balaaran u Dirayaa Dhammaan Jaaliyadda Soomaalida ee ku Nool Dalka Suuriya Kaalinta ay ka Qaateen Suuro Galinta Ciyaartan,iyada oo ay ahayd Markii ugu Horeysay oo ay Jaaliyadda Soomaalida eek u Nool Dimishiq  ay ka Qayb Galaan Kulan Noocaan oo kale ah Muddo 15 Sano ah,Gaar ahaan Waxa uu u Mahad Gaar ah  u dirayaa Safiirka Soomaalida ee Dalka Suuriya Md:Maxamud Muuse Tarey oo door Weyn oo Soomaalinimo ah Muuiyay,Isaga oo Noqday Safiirka kaliya ee Carbeed oo ka Soo Qayb galay Xafaladii Furitaanka Cayaarta,isaga oo Sidoo kalena Dhiirigalin u Sameeyay Ciyaartoydii Soomaalida ee ka Qaybgashay Kulankan.
 
Waxaa Xusid Mudan Markii Halkaas laga Suray Calanka Soomaaliya isla Markaana ay Kooxda Soomaalida soo Marayeen in Dadweynaha iyo Mas,uuliyiinta Suuriya ee Goob Jooga ka ahayd Xafladaas ay aad u Qiiroodeen isla Markaana ay isku Dareen Sacab iyo Soo Dhaweyn ay u Sameynayeen Soomaalida Sababtoo ah waxay ahayd Markii ugu Horeysay Tan iyo Waxii ka Danbeeyay Markii ay Bur Burtay Dawladii Soomaaliya Muddo Dhan 15 Sano ah ay Soomaalida Degan Suuriya ay ka Qaybgalaan Kulan Noocaan oo kale ah,iyaga oo u Rajeeyay in Soomaalida ay ka Baxaan Dhibaatada Mudada ay ku Soo Jireen.
 
Sidoo kale Maxamed Deeq Waxa uu Mahad Celin u Dirayaa Maamulka iyo Mas,uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida iyo Dhamaan Soomaalida ku Nool Dalka Suuriya,Kaalinta ay ka Qaateen Soo Dhaweynta Wafdiga Soomaalida ee ka Qaybgalayay Shirkan iyo Cayaartaba.
 
Ugu Danbeyntii Shirkan ayaa Waxa uu ku soo Gabagaboobay sidii loogu Tala galay iyada oo ay ka Soo baxeen Natiijooyin Wax ku ool ah oo Wax Tar u ah Dhammaan Shucuubta Carbeed.
 
Warkana waxaan  soo tebiyey Wargayska Warsan oo ah Wargays ka soo Baxa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2006


Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.
USA: Bannaanbaxa oo Soomaalidu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii marxuum Naasir Cabdi oo...
Guji Dec 31

Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL

Idaacada Australia SBS oo Waraysatay Garsoorayaasha ay Xirtay DGPL

Mahdi Dheere: "Waxaan dacwad ku soo oogeynaa haweeneydii ka tirsaneyd laanta socdaalka Sweden"

Jaamacada Hiiraan oo Xaflad Loogu Qabanayo Holland:

Shirweyne Reer Waaberi ee London, UK

Kumanaan Reer Guuraa ah oo Abaar Awgeed ka soo Hayaamay Gedo iyo W/Bari Kenya
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo martiqaad Ka helay Shiinaha
»Iska hor imaad ka dhacay Degmada Xudur..
iyo Warar GooGoos ah ka akhri Halkan... Guji... Dec 28

»»Maxamuud Warsame Faarax (Badmeceeye) "kala qaybsanaanta dowladdu waxay ka soo raacday Mbegathi"...
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD