SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Puntland oo Musuq maasuq hareerayay
Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.
 
General Cadde muse waxaa loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland bishii January ee sanadkii 2005, Xiliyadii lagu jiray ololihiisa doorashada  ballanqaadkii uu xiligaas samayay General Cadde muuse iyo wax qabadkii ay shacabka reer Puntland kasugaayeenba manoqon wax dhaqan gala,  shacabka reer Puntland oo waqti badan kujiray dagaal sokeeye ayaa waxay u hamuun qabeen in ay helaan jawi nabad ah, Horumar, iyo waxqabad lataabankaro laakin taasi ma dhicin oo  sanadkii lasoo dhaafay ee 2005 Puntland waxay noqotay sanadkii ugu amni xumaa uguna foodada iyo xasilooni la’aanta badnaa, Waxayna xukuumadda Cadde muuse ku guuldaraysatay gebi ahaanba inay hanato oo wax ka qabato amniga , dhibaatooyinkii ugu badnaa ee ka dhacay Puntland sanadkii 2005 waxaa kamid ah maxaabiistii lagu laayay xabsiga garowe, Kuwii gaalkacyo dilal fara badan oo ka dhacay Bosaso, Dilkii ka dhacay xaafuun, Qardho iyo meela farabadan oo kamid ah gudaha Puntland, Marka Cadde muuse xooga ma uusan saarin waxkaqabashada xaaladda qasan ee Puntland kajirta iyo adkaynta guud ahaanba ammanka.
 
Haddaba marka loo eego wadciga dhabta ah ay haatan kusugantahay Puntland iyo xiliyadii ka horayay doorashadii cadde waxaanu dareemi karaynaa in xukuumadda xiligan katalisa Puntland ay ka caga jiidayso wax ka qabashada baahida daruuriga ah ee dadweynaha Puntland, Shacabka maxay u doorteen madaxda Puntland oo Cadde Muse iyo Afquruc ugu horrayaan?, Maxaa shacabka looga qaadayaa canshuurta faraha badan haddi aan dantooda iyo maslaxadooda laga shaqaynayn?, dhamman suaalahaas waa in la weydiiyaa  madaxda Puntland.
 
Masuuliyiinta Puntland khaladaadkii ugu waaweynaa ee ay galeen waxaa kamid ah iyaga oo Shirkada ajaanib ah iyo shaqsiyaadba heshiis la galay shirkadaahaasi oo aanay jirin meel ay ka Register’ garaysanyihiin iyo wadan ay kasocdaan isla markaasna aan si fiican ugu sharaxin shacabka reer Puntland heshiiska ay galeen, Cidda ay la galeen heshiiska, meelaha ama gobolada laga  baarayo shidaalka, iyo sida loo qaybiyay faaiidada kasoo baxda shidaalkaas labaarayo, Inta saami ama ‘Percentage’ ay kuyeelanayaan maamulka iyo shacabka reer Puntland iyo inta shirkada iska leedahay iyo cidda maamulaysa barnaamijkas intaba, Handadaada iyo Cadaadiska lagu hayo saxaafadda Puntland waa mid cadayn iyo markhaati u ah guuldarrada usoo hoyatay madaxda Puntland. 
 
Xaaladda cakiran oo kajirta Maamulka waxaa  sabab u ah iyada oo aanay jirin xukuumad taya leh oo wadata Barnaamij qeexan iyo siyaasad wadanka lagu horamarinayo maxaa yeelay  cadde Muse waxaa uu dib usoo celiyay golohii xukuumadda oo ilaa xiligii Puntland la asaasay hor fadhiyay shacabka, waana mida u horseeday in uu Muquq maasuq ba’an uu hareerayo maamulka ilaa madaxtooyada, Wasaaradaha, dekeda, Airportiyada iyo  iyo dhammanba ilaha dhaqaalaha Puntland.
 
Arrimaha ugu waawayn ay shaacabku ka tabanayaan xukuumadda keentayna in  ay kalsoonidii kala laabtaan maamulka Puntland oo ay canshuurtii bixinwaayaan ayaa waxaa kamid ah Amni xumo, Musuqmaasuq iyo maamul xumo  marka masuuliyiinta maamulku haddi aanay intaas wax ka qabankarin maaha inay shacabka been u sheegaan waa inay isku casilaan si shuruud la'aan ah, Xilkana ugu wareejiyaan hogaamiyayaal oqoon u leh dhinaca maamulka xirfad na leh waxna ka qabankara arrimaha noocaas oo kale ah, Isbeddel na muujinkara, Haddii aan taasi dhicina waxii cawaaqib xuma ah oo kayimaada masuuliyadeeda iyaga ayaa qaadaya.
Waxaa kale oo meesha kamaqan waxaa weeye kaantaroolidii iyo la xisaabtamidi masuuliyiinta wasaarad walba waxaa loo qoondayaa miisaanid marka waa in lawaydiiyaa waxqabadkeeda, Meesha iyo sida ay u isticmaashay lacagaha loo dhiibay, Hadii aan lala xisaabtamin masuuliyiintana waxaa badanaya musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta, Mana jirto sida la ogyahay Puntland guddi madaxbannan oo ladagaalama ama kahortaga musuqmaasuqa.
 
       Abdalle  Ibrahin  Osman (saajinka)
 
                  Abdallei@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2006