Kabashada
Cilmiga Gaaban Waa Lagu Kadeedmaa
Maxamed
Xaaji (Ingiriis)
Waxaa jirta falsafad Faransiis ah oo aad u saameyn ballaaran oo tiraahda,
"Un sot savant est sot plus qu'un sot ignorant" oo macnaheedu yahay “Doqon
wax bartay waa doqon ka xun doqonka aan wax baran.”
Ninkii Soomaaliga ahaa ee mufakirka ahaa wuxuu yiri, "Aqoon-darradu
ma ahan adoon waxba baran ee waa adigoo wax walba sida ay yihiin ma ahane si
kale u yaqaanna." Waxaa kaloo reer galbeedku ay yiraahdaan, "Shahaadadu ma
ahan title ee waa ticket."
Waxa aan la yaabay
nin Soomaali ah oo aqoonyahan sheeganaya oo ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo
Bankiga Adduunka inaanay fulin mashruuca ay doonayaan inay ka hirgeliyaan
Soomaaliya. Mashruucaas, wuxuu ka caawinayaa gobollada dalka inay
maamulladooda dhidibada u aasaan. Waxaa kaloo uu gacan ka geysanayaa
adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.
Aqoonyahanka
waxgaradka a ee ubadkiisu ay ku jiraan dugsiyada North America iyo Europe
ayaa wuxuu ku qalqaalinayaa dadka ku nool gobollada fog ee koonfurta
Soomaaliya oo carroortoodu aysan waxbarasho haysan muddo 16 sano ah inay
hubka qaataan oo dagaallamaan, kana hor yimaadaan mashruuca Qaramada
Midoobay iyo Bankiga Adduunka.
Mar kasta oo aan
arko qof qurbe jooga oo leh, “Itifaaqa Cadan waan ayidsanahay” ama “maamul u
sameynta gobolka Banaadir waan ka soo horjeedaa,” waxaa maskaxdeyda ku soo
dhaca oraahdii Tip O’neil oo ahaa Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka oo
laga hayo ideology lagu dhigo jaamacadaha oo ah, “All Politics is local.”
Sababta oo ah, wuxuu
ku kordhin karo iyo wuxuu ka kordhin karo ayaan jirin wuxuu ayidayo ama
diidayo. Qofku wuxuu wax taageeri karaa markuu joogo meel uu wax ka taageeri
karo, wuxuuna wax diidi karaa markuu joogo meel uu wax ka diidi karo. Hase
ahaatee, midda foolxumada leh waa qofka aqoon is bidaya ee haddana aan
xikmaddii dhigaynin meesha ay munaasibka ku tahay.
Mudane Nelson
Mandela, markii isugu horreysay ee uu la kulmay saaxiibkiisii weynaa Walter
Sisulu isagoo kaga faalloonaya buuggiisa Long Walk to Freedom, wuxuu yiri, "Khibraddeydu
waxay i tustay in shahaado jaamacadeed aysan u ahayn passport inaad gaarto
jago sare si aad u hoggaamiso ummad, laakiin ay tahay haddiyad, waayo Walter
wuxuu haystay shahaado dugsi sare oo keliya.'
Soomaalida dhexdeeda
waxaa caan ka ah inaan wax la baran ee aqoonta la badowsado, taasoo ah mid
ab-laga-soo-gaar ah oo jiilba jiil u tebiyey, asal ahaanna ka soo jeeda
dhulka miyiga.
Haddaba, waxaa is
weydiintu tahay, maxaa faa’iido ah oo uu leedahay cilmigu haddii aanu la
socon Moral obligation? Maxay soo kordhin kartaa aqoontu haddii kii wax
bartay iyo kii aan wax baran ay isku mawduuc si isku mid ah uga wada
hadlayaan?
Waxaa taas ka sii
darnaa markii nin rumeysan inuu ka mid yahay aqoonyahannada Soomaalida kuwa
ugu horreeya uu soo qoray "Col Cabdullaahi Yuusuf waa Cumar Bin Khadaab,
Cali Maxamed Geeddina waa Abuukar As-Saddiiq."
Haddaba,
siyaasiyiinta Soomaalida iskaba daaye, in hoggaamiye kale oo maanta nool
lala mid dhigo labadii nin ee ugu sarreysay Khulufaa'uraashidiinta waxay
noqonaysaa wax ka baxsan xerada maangalka 'logic camp.'
Dabcan, gef ka weyn
ma jiro in Imaamyadii Muslimiinta ee talada kaga dambeeyey Nebi Muxammad (CSW)
lala mid dhigo rag ay fartu kula godan tahay inay dhiig dad Muslim ah ku
fara-xasheen.
Haddii qofka qoray
uu xikmad kaga jeediyo, siyaasiyiinta Soomaalida ee hadda la yaqaanno waxaa
ugu xikmad badan Muuse Suudi Yalaxow oo la wada garanayo inuusan class
weligii fariisan.
Sidaas awgeed,
Soomaaliya waa dal jaahilkeedu yahay aqoonyahankeeda, aqoonyahankeeduna
yahay jaahilkeeda.
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 12, 2006
|