SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Kabashada Cilmiga Gaaban Waa Lagu Kadeedmaa

 
Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Waxaa jirta falsafad Faransiis ah oo aad u saameyn ballaaran oo tiraahda, "Un sot savant est sot plus qu'un sot ignorant" oo macnaheedu yahay “Doqon wax bartay waa doqon ka xun doqonka aan wax baran.”

            Ninkii Soomaaliga ahaa ee mufakirka ahaa wuxuu yiri, "Aqoon-darradu ma ahan adoon waxba baran ee waa adigoo wax walba sida ay yihiin ma ahane si kale u yaqaanna." Waxaa kaloo reer galbeedku ay yiraahdaan, "Shahaadadu ma ahan title ee waa ticket."

Waxa aan la yaabay nin Soomaali ah oo aqoonyahan sheeganaya oo ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo Bankiga Adduunka inaanay fulin mashruuca ay doonayaan inay ka hirgeliyaan Soomaaliya. Mashruucaas, wuxuu ka caawinayaa gobollada dalka inay maamulladooda dhidibada u aasaan. Waxaa kaloo uu gacan ka geysanayaa adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Aqoonyahanka waxgaradka a ee ubadkiisu ay ku jiraan dugsiyada North America iyo Europe ayaa wuxuu ku qalqaalinayaa dadka ku nool gobollada fog ee koonfurta Soomaaliya oo carroortoodu aysan waxbarasho haysan muddo 16 sano ah inay hubka qaataan oo dagaallamaan, kana hor yimaadaan mashruuca Qaramada Midoobay iyo Bankiga Adduunka.

Mar kasta oo aan arko qof qurbe jooga oo leh, “Itifaaqa Cadan waan ayidsanahay” ama “maamul u sameynta gobolka Banaadir waan ka soo horjeedaa,” waxaa maskaxdeyda ku soo dhaca oraahdii Tip O’neil oo ahaa Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka oo laga hayo ideology lagu dhigo jaamacadaha oo ah, “All Politics is local.”

Sababta oo ah, wuxuu ku kordhin karo iyo wuxuu ka kordhin karo ayaan jirin wuxuu ayidayo ama diidayo. Qofku wuxuu wax taageeri karaa markuu joogo meel uu wax ka taageeri karo, wuxuuna wax diidi karaa markuu joogo meel uu wax ka diidi karo. Hase ahaatee, midda foolxumada leh waa qofka aqoon is bidaya ee haddana aan xikmaddii dhigaynin meesha ay munaasibka ku tahay.

Mudane Nelson Mandela, markii isugu horreysay ee uu la kulmay saaxiibkiisii weynaa Walter Sisulu isagoo kaga faalloonaya buuggiisa Long Walk to Freedom, wuxuu yiri, "Khibraddeydu waxay i tustay in shahaado jaamacadeed aysan u ahayn passport inaad gaarto jago sare si aad u hoggaamiso ummad, laakiin ay tahay haddiyad, waayo Walter wuxuu haystay shahaado dugsi sare oo keliya.'

Soomaalida dhexdeeda waxaa caan ka ah inaan wax la baran ee aqoonta la badowsado, taasoo ah mid ab-laga-soo-gaar ah oo jiilba jiil u tebiyey, asal ahaanna ka soo jeeda dhulka miyiga.

Haddaba, waxaa is weydiintu tahay, maxaa faa’iido ah oo uu leedahay cilmigu haddii aanu la socon Moral obligation? Maxay soo kordhin kartaa aqoontu haddii kii wax bartay iyo kii aan wax baran ay isku mawduuc si isku mid ah uga wada hadlayaan?

Waxaa taas ka sii darnaa markii nin rumeysan inuu ka mid yahay aqoonyahannada Soomaalida kuwa ugu horreeya uu soo qoray "Col Cabdullaahi Yuusuf waa Cumar Bin Khadaab, Cali Maxamed Geeddina waa Abuukar As-Saddiiq."

Haddaba, siyaasiyiinta Soomaalida iskaba daaye, in hoggaamiye kale oo maanta nool lala mid dhigo labadii nin ee ugu sarreysay Khulufaa'uraashidiinta waxay noqonaysaa wax ka baxsan xerada maangalka 'logic camp.'

Dabcan, gef ka weyn ma jiro in Imaamyadii Muslimiinta ee talada kaga dambeeyey Nebi Muxammad (CSW) lala mid dhigo rag ay fartu kula godan tahay inay dhiig dad Muslim ah ku fara-xasheen.

Haddii qofka qoray uu xikmad kaga jeediyo, siyaasiyiinta Soomaalida ee hadda la yaqaanno waxaa ugu xikmad badan Muuse Suudi Yalaxow oo la wada garanayo inuusan class weligii fariisan.

Sidaas awgeed, Soomaaliya waa dal jaahilkeedu yahay aqoonyahankeeda, aqoonyahankeeduna yahay jaahilkeeda.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2006