SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


 Qeybtii koowaad:Puntland xaggee u socotaa?

Gar waayeel

Arar 

Taariikhdaa qorta, lana socota isbedalada ummadahu soo mareen. Kuwii ay u suurtawdo inay keydsadaana, waxay ku tilmaamaan inay tahay:

* dhaxal maguuraan ah.

* Muraayad ay ka daawadaan tagtadii ay soo mareen.

* waayo-aragnimo iyo udub dhexaad lagu toosiyo talo deri leh.

* Gaashaan looga hortago mashaakil dhicikara mustaqbalka.

Markii aad akhrasatid buugta taariikhda, waxaad ku arkeysaa  in Ummado ay qaadeen tub toosan oo Indheer-garad qeexay. Ku nagaaday Nidaam, nabad galyado, kala danbeyn iyo garaad hanaqaaday. Taageeradooduna ay ku xiran tahay gudashada waajibaadka iyo waxqabasho. Ummadaha sidaan ku sifooba waxay gaaraan horumar, waxay doortaan madax ay ku kalsoon yihiin, inay daacad u noqonayaan mas`uuliyada shacabku u dhiibto. Ummadahaas waxaa u soo baxa madax ay ku faanaan, sumcad u soo jiida, looga daydo wanaag iyo horukac. Jaceylka loo qabo mas`uulka fiican, waxay horseedaa in loogu magacdaro  caruurta iyo in uu nabad, Ixtiraam ku dhexo noolaado dadkiisa iyo dalka. 

 Dhinaca kale ee miisaanka ( Kafadaha) waxaad  ku arkaysaa Ummado ay  ku hab-satay cadaal darro oo dhex heetinaaya habaas badan iyo bacad haadaamo qodan leh . Waxay ku hab-saameen colaad, qax iyo madax la`aan ama kuwo muruqooda ku muquunsada, oo ku filnaada kali go`aaminta aayaha ummad dhan . Ummaddii ku nagaata duruuftaan waxa iska dhexgala badankooda in madaxnimadu ay ka sarreeyo sharciga iyo dadnimada.  

Puntland xaggee u socotaa si aan uga jawaabno waxaa lama huraan ah in aan raad-raac ku sameyno xiliyadii kala duwanaa ee ay soo martay. Waxaana ku soo koobayna qodobada hoos ku qoran.

* Puntland intii ka danbeysay burburkii dawladii Soomaaliyeed.

* Puntland intii ka danbeysay dhismihii maamulka Puntland.

* Iyo talo-tusaale isbedalka shacabka puntland u haraadan yihiin  

Saabka qormadaan waxaan u adkaynaynaa Gadaamada, si ay u yeelato mug qaadikara gar waayeel.Waxaan rajeyneynaa in qoraalkaani uu noqdo daruur caafimaad, durdur iyo xareed lagu daaweeyo danyar xaalkeed.  

Puntland: ka danbeysay burburkii dawladii Soomaaliyeed 

Markii Soomaali kala qaxday, dadkii u soo barakacay deegaamada puntland, kuma hungoobin waxgaradkii uga soo horeeyay Gobolladaan. Dhaqankii soo jireenka ahaan ee bulshadaani ku soo barbaartay baa ahaa mid tixgaliya, ka danbeeya waxgaradka ay hormoodka ka yihiin hoggaan dhaqmeedku.

°           Khilaafka Beelaha waxaa lagu dhameyn karay shareecada, wada xaajood toos ah, xeer hore. Go`aankii lagu heshiiyana waa la fulin jiray.

°            Waxaa xoogga la saaray ilaalinta ammaanka, nabad galyada, xoojinta midnimada iyo wada noolaashaha.

°           Waxaa meel looga soo wada jeeday difaaca deegaamada reer puntland ku noolyihiin iyo daris wanaaga.

°           Dhaqaalihii la haystay oo la qeybsan jiray. 

Hase yeeshee markii kooxaha ay ka mid ahaayeen siyaasiyiintii ka haray dawladii militariga ahaa iyo kuwii u xirnaa, Ururradii ku kala abtirsan jiray jabhadaha iyo ururro diini ah. Kooxahaani waxay soo kordhiyeen khilaaf siyaasadeed oo horay uga dhexeeyay. Iyaga oo aan ka wada hadlin khilaafaadkii hore, baa waxaa lagu wada dhaqmay dhoolo cadeys iyo in la isu diyaariyo sidii  haadba haad u kicin lahaa. Waxaa khilaafkii lala dhex rooray shacabkii la ciirsanaa danyartii ka soo barakacay Gobollada kale ee Soomaaliya iyo dhibaatooyinkii dagaalka sokeeye.

Inkasta oo shacabka la kala jiidanay, waxaase loolankii ku guulaystay ururka Itixaad oo gacanta ku dhigay maamulka dakeda Boosaaso, oo ahayd isha kaliya ee dhaqaale ka soo bixi jiray. Shacabku wuxuu kooxdaan ku doortay dhaqankoodii muuqday, inay ka sumcad fiicnaayeen intii kale. Hase yeeshee madaxdii ururkaan oo fursadaan qaaliga ah gacanta u gashay,  waxaa ka hoos baxday inay iswaydiiyaan, la socdaan dareenka dadweynaha, duruufihii dhaqaale iyo shaqo la`aanta jirtay. Waxay ku mashquuleen abaabul, waxay ka dhex baxeen shacabkii, waxayna sameysteen xerooyin u gaar ah iyo isballaarin aan qarsooneyn. waxaa kale oo aan tallada lagu darsan in dib loo jaleeco taariikhda deegaanka Geeska Afrika, oo ay ka buuxdo dagaalado soo taxnaa ilaayo qarnigii 14aad. Waxaan la tixgalin in shacabku yahay kii mas`uuliyada u dhiibay, ayna dhicikarto in kooxihii kale dab hoosta ka shidayaan. Dagaalkii ka dhacay Puntland 1992 waxaa ku daadatay dhiig badan, waxaa ku dhintay, ku dhaawacmay dad badan oo ehel ahaa. Sidaas aan habooneyn oo wax dhaceen, soo ma noqon kugu dhimay kaana dhimay.  

Markii awoodii Gobolku ay gacanta u gashay SSDF, khilaafaadkii halkaas kuma dhamman, looma soo jeedsan in shacabka wax loo qabto, iyada oo diirada la saaro caafimaadka, Tacliinta, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka. Madaxdii SSDf inay meel wax u wada wadaan waxaa u diiday is afgarad la`aan iyo ilaalin dano gaar ah. Wada xaajood lagu qabtay Soodare, garbahii Jabhadu waxay ku gaareen qaab wada shaqeyn ah. Shacabka oo ku reereeyay, baa ka rajo qabay inay haamaha ka buuxsadaan daruurta hoortay. Markii ay soo bidhaantay guul-darradii shirkii dib u heshiisiinta Jabhada Soomaaliyeed ee lagu qaban lahaa Boosaaso dhammaadkii `97. Waxaa la saaray Guddi uu hoggaaminayay Marxuun Max`uud Jamac Afbalaar inay talo ka soo bixiyaan  sidii  Puntland  maamul loogu sameeyo.Hase yeeshee markii heshiiskii Soodare iyo shirkii Boosaaso looga guuray  Caasimada  dalka Masar. Waxaa hal bacad lagu lisay noqday isafgaradkii SSDF, shirkii Qaahira oo asna noqday dhays bakayle, waxaa isugu tegay madaxdii garbahii SSDf, oo aan heshiis aheyn. Arrintaani waxay sii xoojisay in maamul loo sameeyo Gobollada puntland. 

 Magaaladda Garoowe waxaa lagu qabtay shirweynihii ugu danbeeyay ee SSDF 12/02/98  iyo shirkii wada tashiga ahaa. Hoggaamiyaashii Jabhadu shaki weyn bay ka qabeen shirkas, sababtuna waxay aheyd in haddii doorasho la qabto aan leys haysaneyn. Inkasta oo aan barnaamij la soo bandhigin, haddana siyaalo kala duwan baa loo diyaar garoobay.

Hase yeeshee Goobaha la isugu yimaado doodaha waxaa ka mid ahaa:

*  sheekada baa u badneyd “ Geesigi cad quureed diiday, naftiisna khatar u galiyay si uu u difaaco sharafta dadkiisa”.

*  weerar lagu qaaday xubnihii kale ee Golaha SSDF, maadaama  shacabku khaati ka taagnaa maamul xumadoodii.

* Waa in dhismaha maamulka puntland ay ku bahoobaan shantaan Gobol iyo w/Galguduud.

* Ma maqlini ii gu celi khudbadii “ Maanta mansab doon ma ahi, ciddii aad doorataan baan la shaqeynayaa, ee waa in aan dhisanaa maamul difaacaa sharafka iyo  jiritaankeena”. 

Shirkii wada tashiga ahaa waxuu ku dhamaaday guul, waxaana Ergooyinkii Gobollada ka kala yimid la noqdeen tirada ay ka heleen Guddigii Qaban qaabada iyo xubnaha ay u soo dirsanayaan shirweynihii Dastuuriga ahaa oo loo  bilamay 15/05/`98.

Waxaa loo hawlgalay sidii loogu diyaar garoobi lahaa hawshaan ballaaran, shirweyninhiina wuxuu furmay Galabnimadii maalintii lagu balamay.  

Bishii Aug `98 waxaa Ergooyinkii ku heshiiyeen Axdi sadex sano  ku meel gaar ah, dhamaadkii shirweynihiina waxaa lagu doortay Madaxweyne, ku xigeenna iyo Guddomiyaha wakiilada.

Intaa ka dib Erayadaani waxay ka mid ahaayen dardaarankii guddoomiyihii shirweynhii Alle ha u naxariistee marxuun Islan Max`ed  oo madaxdii la doortay ku yiri “ Waxaan idiin  dooranay in aad noo raadisaan waxayaalaha naga maqan sida warshadaha, qoditaanka shidaalka, macdanta, arimaha bulshada, maalgalin iyo in aad haggaajisaan waxa aan hadda heysano sida adkeynta midnimada, nabadgalyada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyin”.

Ergooyinkii oo dhani waa istaageen ayaga oo leh “ adinka iyo kuwa idin ka danbeeyaaba waxaan idinka sugaynaa ka soo bixida ammaanadaan aa qaadeen maantay”.

Madaxweynihii oo hadalkii qaatay baa yiri “ Mu`ayid iyo mucaarada waxaan u noqonayaa madaxweyne, nabad galyadana waan ilaalin”.

Shirkweynihii Dastuuriga ee lagu dhisay maamul Gobolleedka baa saas buu ku dhamaaday, reer puntlandna waxay u kala baxeen shacab iyo dawlada ay doorteen. 

Reer puntland waxaa sharaf weyn u ah sidii xilkasnimada aheyad oo ay u ilaasheen xasiloonida, kala danbeynta iyo nabadgalyada. Midnimo iyo wada shaqeyn baa looga gudbay, oo loogu dhabar adeegay duruuftii dhaqaale xumada ahaa iyo UNka oo ka baxay taakuleyntii ay ballan qaaday. Gobolladaan oo doorasho iyo loolan siyaasadeed ay ugu danbeysay 1969, heysta Hubka noocyadiisa kala duwan, haddana kama dhicin shil dhaawac iyo dhimasho midna geystay. Shacab mideysan guuli kama foga. 

La soco qeybta labaad Gar waayeel 

Qalinkii: shakib dhowre.

E-mail: shakib_dhowre@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2006