Qeybtii
koowaad:Puntland xaggee u socotaa?
Gar waayeel
Arar
Taariikhdaa
qorta, lana socota isbedalada ummadahu soo mareen. Kuwii ay u suurtawdo inay
keydsadaana, waxay ku tilmaamaan inay tahay:
* dhaxal
maguuraan ah.
* Muraayad ay
ka daawadaan tagtadii ay soo mareen.
*
waayo-aragnimo iyo udub dhexaad lagu toosiyo talo deri leh.
* Gaashaan
looga hortago mashaakil dhicikara mustaqbalka.
Markii aad
akhrasatid buugta taariikhda, waxaad ku arkeysaa in Ummado ay qaadeen tub
toosan oo Indheer-garad qeexay. Ku nagaaday Nidaam, nabad galyado, kala danbeyn
iyo garaad hanaqaaday. Taageeradooduna ay ku xiran tahay gudashada waajibaadka
iyo waxqabasho. Ummadaha sidaan ku sifooba waxay gaaraan horumar, waxay doortaan
madax ay ku kalsoon yihiin, inay daacad u noqonayaan mas`uuliyada shacabku u
dhiibto. Ummadahaas waxaa u soo baxa madax ay ku faanaan, sumcad u soo jiida,
looga daydo wanaag iyo horukac. Jaceylka loo qabo mas`uulka fiican, waxay
horseedaa in loogu magacdaro caruurta iyo in uu nabad, Ixtiraam ku dhexo
noolaado dadkiisa iyo dalka.
Dhinaca kale
ee miisaanka ( Kafadaha) waxaad ku arkaysaa Ummado ay ku hab-satay cadaal
darro oo dhex heetinaaya habaas badan iyo bacad haadaamo qodan leh . Waxay ku
hab-saameen colaad, qax iyo madax la`aan ama kuwo muruqooda ku muquunsada, oo ku
filnaada kali go`aaminta aayaha ummad dhan . Ummaddii ku nagaata duruuftaan waxa
iska dhexgala badankooda in madaxnimadu ay ka sarreeyo sharciga iyo dadnimada.
Puntland
xaggee u socotaa si aan uga jawaabno waxaa lama huraan ah in aan raad-raac ku
sameyno xiliyadii kala duwanaa ee ay soo martay. Waxaana ku soo koobayna
qodobada hoos ku qoran.
* Puntland
intii ka danbeysay burburkii dawladii Soomaaliyeed.
* Puntland
intii ka danbeysay dhismihii maamulka Puntland.
* Iyo
talo-tusaale isbedalka shacabka puntland u haraadan yihiin
Saabka
qormadaan waxaan u adkaynaynaa Gadaamada, si ay u yeelato mug qaadikara gar
waayeel.Waxaan rajeyneynaa in qoraalkaani uu noqdo daruur caafimaad, durdur iyo
xareed lagu daaweeyo danyar xaalkeed.
Puntland:
ka danbeysay burburkii dawladii Soomaaliyeed
Markii
Soomaali kala qaxday, dadkii u soo barakacay deegaamada puntland, kuma hungoobin
waxgaradkii uga soo horeeyay Gobolladaan. Dhaqankii soo jireenka ahaan ee
bulshadaani ku soo barbaartay baa ahaa mid tixgaliya, ka danbeeya waxgaradka ay
hormoodka ka yihiin hoggaan dhaqmeedku.
°
Khilaafka Beelaha waxaa lagu dhameyn karay
shareecada, wada xaajood toos ah, xeer hore.
Go`aankii lagu heshiiyana waa la fulin jiray.
° Waxaa xoogga la
saaray ilaalinta ammaanka, nabad galyada, xoojinta midnimada iyo wada
noolaashaha.
° Waxaa meel looga
soo wada jeeday difaaca deegaamada reer puntland ku noolyihiin iyo daris wanaaga.
° Dhaqaalihii la
haystay oo la qeybsan jiray.
Hase
yeeshee markii kooxaha ay ka mid ahaayeen siyaasiyiintii ka haray dawladii
militariga ahaa iyo kuwii u xirnaa, Ururradii ku kala abtirsan jiray jabhadaha
iyo ururro diini ah. Kooxahaani waxay soo kordhiyeen khilaaf siyaasadeed oo
horay uga dhexeeyay. Iyaga oo aan ka wada hadlin khilaafaadkii hore, baa waxaa
lagu wada dhaqmay dhoolo cadeys iyo in la isu diyaariyo sidii haadba haad u
kicin lahaa. Waxaa khilaafkii lala dhex rooray shacabkii la ciirsanaa danyartii
ka soo barakacay Gobollada kale ee Soomaaliya iyo dhibaatooyinkii dagaalka
sokeeye.
Inkasta oo
shacabka la kala jiidanay, waxaase loolankii ku guulaystay ururka Itixaad oo
gacanta ku dhigay maamulka dakeda Boosaaso, oo ahayd isha kaliya ee dhaqaale ka
soo bixi jiray. Shacabku wuxuu kooxdaan ku doortay dhaqankoodii muuqday, inay ka
sumcad fiicnaayeen intii kale. Hase yeeshee madaxdii ururkaan oo fursadaan
qaaliga ah gacanta u gashay, waxaa ka hoos baxday inay iswaydiiyaan, la socdaan
dareenka dadweynaha, duruufihii dhaqaale iyo shaqo la`aanta jirtay. Waxay ku
mashquuleen abaabul, waxay ka dhex baxeen shacabkii, waxayna sameysteen xerooyin
u gaar ah iyo isballaarin aan qarsooneyn. waxaa kale oo aan tallada lagu darsan
in dib loo jaleeco taariikhda deegaanka Geeska Afrika, oo ay ka buuxdo dagaalado
soo taxnaa ilaayo qarnigii 14aad. Waxaan la tixgalin in shacabku yahay kii
mas`uuliyada u dhiibay, ayna dhicikarto in kooxihii kale dab hoosta ka shidayaan.
Dagaalkii ka dhacay Puntland 1992 waxaa ku daadatay dhiig badan, waxaa ku
dhintay, ku dhaawacmay dad badan oo ehel ahaa. Sidaas aan habooneyn oo wax
dhaceen, soo ma noqon kugu dhimay kaana dhimay.
Markii awoodii Gobolku ay gacanta u gashay SSDF, khilaafaadkii halkaas kuma
dhamman, looma soo jeedsan in shacabka wax loo qabto, iyada oo diirada la saaro
caafimaadka, Tacliinta, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka.
Madaxdii SSDf inay meel wax u wada wadaan waxaa u
diiday is afgarad la`aan iyo ilaalin dano gaar ah. Wada xaajood lagu qabtay
Soodare, garbahii Jabhadu waxay ku gaareen qaab wada shaqeyn ah. Shacabka oo ku
reereeyay, baa ka rajo qabay inay haamaha ka buuxsadaan daruurta hoortay. Markii
ay soo bidhaantay guul-darradii shirkii dib u heshiisiinta Jabhada Soomaaliyeed
ee lagu qaban lahaa Boosaaso dhammaadkii `97. Waxaa la saaray Guddi uu
hoggaaminayay Marxuun Max`uud Jamac Afbalaar inay talo ka soo bixiyaan sidii
Puntland maamul loogu sameeyo.Hase yeeshee markii heshiiskii Soodare iyo
shirkii Boosaaso looga guuray Caasimada dalka Masar. Waxaa hal bacad lagu
lisay noqday isafgaradkii SSDF, shirkii Qaahira oo asna noqday dhays bakayle,
waxaa isugu tegay madaxdii garbahii SSDf, oo aan heshiis aheyn.
Arrintaani waxay sii xoojisay in maamul loo
sameeyo Gobollada puntland.
Magaaladda
Garoowe waxaa lagu qabtay shirweynihii ugu danbeeyay ee SSDF 12/02/98 iyo
shirkii wada tashiga ahaa. Hoggaamiyaashii Jabhadu shaki weyn bay ka qabeen
shirkas, sababtuna waxay aheyd in haddii doorasho la qabto aan leys haysaneyn.
Inkasta oo aan barnaamij la soo
bandhigin, haddana siyaalo kala duwan baa loo diyaar garoobay.
Hase
yeeshee Goobaha la isugu yimaado doodaha waxaa ka mid ahaa:
*
sheekada baa u badneyd “ Geesigi cad quureed diiday, naftiisna khatar u galiyay
si uu u difaaco sharafta dadkiisa”.
* weerar
lagu qaaday xubnihii kale ee Golaha SSDF, maadaama shacabku khaati ka taagnaa
maamul xumadoodii.
* Waa in
dhismaha maamulka puntland ay ku bahoobaan shantaan Gobol iyo w/Galguduud.
* Ma
maqlini ii gu celi khudbadii “ Maanta mansab doon ma ahi, ciddii aad doorataan
baan la shaqeynayaa, ee waa in aan dhisanaa maamul difaacaa sharafka iyo
jiritaankeena”.
Shirkii
wada tashiga ahaa waxuu ku dhamaaday guul, waxaana Ergooyinkii Gobollada ka kala
yimid la noqdeen tirada ay ka heleen Guddigii Qaban qaabada iyo xubnaha ay u soo
dirsanayaan shirweynihii Dastuuriga ahaa oo loo bilamay 15/05/`98.
Waxaa loo
hawlgalay sidii loogu diyaar garoobi lahaa hawshaan ballaaran, shirweyninhiina
wuxuu furmay Galabnimadii maalintii lagu balamay.
Bishii Aug `98 waxaa Ergooyinkii ku heshiiyeen
Axdi sadex sano ku meel gaar ah, dhamaadkii shirweynihiina waxaa lagu doortay
Madaxweyne, ku xigeenna iyo Guddomiyaha wakiilada.
Intaa ka dib Erayadaani waxay ka mid ahaayen
dardaarankii guddoomiyihii shirweynhii Alle ha u naxariistee marxuun Islan
Max`ed oo madaxdii la doortay ku yiri “ Waxaan idiin dooranay in aad noo
raadisaan waxayaalaha naga maqan sida warshadaha, qoditaanka shidaalka, macdanta,
arimaha bulshada, maalgalin iyo in aad haggaajisaan waxa aan hadda heysano sida
adkeynta midnimada, nabadgalyada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyin”.
Ergooyinkii oo dhani waa istaageen ayaga oo leh “
adinka iyo kuwa idin ka danbeeyaaba waxaan idinka sugaynaa ka soo bixida
ammaanadaan aa qaadeen maantay”.
Madaxweynihii oo hadalkii qaatay baa yiri “
Mu`ayid iyo mucaarada waxaan u noqonayaa madaxweyne, nabad galyadana waan
ilaalin”.
Shirkweynihii Dastuuriga ee lagu dhisay maamul
Gobolleedka baa saas buu ku dhamaaday, reer puntlandna waxay u kala baxeen
shacab iyo dawlada ay doorteen.
Reer puntland waxaa sharaf weyn u ah sidii
xilkasnimada aheyad oo ay u ilaasheen xasiloonida, kala danbeynta iyo
nabadgalyada. Midnimo iyo wada shaqeyn baa looga gudbay, oo loogu dhabar adeegay
duruuftii dhaqaale xumada ahaa iyo UNka oo ka baxay taakuleyntii ay ballan
qaaday. Gobolladaan oo doorasho iyo loolan siyaasadeed ay ugu danbeysay 1969,
heysta Hubka noocyadiisa kala duwan, haddana kama dhicin shil dhaawac iyo
dhimasho midna geystay. Shacab
mideysan guuli kama foga.
La soco qeybta labaad Gar waayeel
Qalinkii: shakib dhowre.
E-mail:
shakib_dhowre@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 12, 2006
|