SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


SOMALILAND HORUMAR INTEE LE'EEG BAY GAADHAY

Wadanka somaliland, waxa ka jiray dhibaatooyin,aan la soo kobi karin, markii ay dawlad la,aantu ka jirtay,inkasta oo hadana dilka iyo dhacu ay ka yaraayeen,tii ka jirtay somalia(muqdisho). hadana  way jireen dhibaatooyin aan yarayn runtii,oo dad badan ku dhacay intii ilaahay ka badbaadiyay mooyaane.hadaba  markay halkaas marayso ayaa waxaa arkay,dhibtii meesha ka jirtay odayashii, caaqiladii, musheekhdii, suldaanadii,iyo dadkii wax garadka ahaa,oo u adkaysan waayay,ka dib markii ay xasuusteen wixii soo maray,inkastoo dadka badankiisu ay dhibta ka soo daaleen oo ay doonayeen inay ka nastaan,oo ay dawlad kala danbeyn,leh ay helaan hadana inta dhexda u xidhatay inay wadanka nabadii ku soo dabaalaan,waxay ahaayeen kuwaas aan kor ku soo xusay,haba ugu badnaadaan odayaashii reeraha ugu waaweyna,taasina waxaa u fududeeyay baan odhankaraa,dalkeena oo aad moodo inay dhaqan ahaa  aynu aad u tixgalino qabiilka ,sidaa daraadeedna ay dadku intooda badani is wada garanayaan,waayo hadaan tusaale yar sooqaato,waxaad arkaysa nin ka yimid burco,iyo ka ka yimid borame hadaanay labadoodu is garanayn waxa laga yaabaa,in labadooda aabo is gartaan,ama abtigii uu garto adeerkii,sidaa daraadeed,waxaad yara dareemaysaa,  in dadku wada hadli karaan oo ay wadatashankaraan,maadaama oo ay is yara garanayaan. hadii ay is waraystaan.

TALADII ODAYAASHA

sidaa marka ay tahay ayaa odayaashii reeruhu,isku yimaadeen ka dibna waxay is waydiiyeen waxa dhibtan wada,waxaanay ogaadeen in dhibta ay wadaan wiilashoodii ay dhaleen,go,aan dagdag ah bay qaateen kaasoo ah (waar ninkastaa wiilashiisa ha soo qabto oo ha u yeedho) waxa kale oo ay go,aan ku gaadheen in ay samaystaan dawlad kala danbayn leh oo ay shirqabanqaabiyaan isla markaana isku yimaadaan,dawladna dhistaan,ok waxaa la yidhi halkeebaynu ku qabanaa shirka waxay isku af garteen in shirka lagu qabto boorame,go,aankoodiina sidasuu ku dhamaysteen.

SHIRKII BOORAME

shirkii boorame  wuxuu ahaa runtii mid aad u xiiso badan oo aydadbadani u riyaaqeen,waxa kale oo ay aad ula dhaceen nabada ka jirtay boorame,markaa iyo waliba sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay boorame, waxay arkeen in ilaahay wax la qabanayo,waayo marka aad wanaag samaynasid ilaahay waa ku garab galaa,marka aad xumaan samaynaysidna shaydaankaa kula socda,sidaa daraadeed markay odayaashii reeruhu arkeen talabaday qaadaanba in ilaahay u fududaynayo, ayay niyadwanaagsan iyaguna la yimaadeen, waayo mooralkaaga ayaa wanaagsanaanaya marka aad doonaysid,inaad waxsamaysid ee ay kuu hagaagaan. markay  halkaa marayso, ayaa la yidhi musheekhdu ha inoo ducyso si aan shirka u galno,ducadiii baa dhacday,waayo waxaa joogay wixii sheekh ahaa oo dhan ilaa barri ilaa galbeed, markii la duceeyay ayaa shirkiii la galay.

MAXAA K SOO BAXAY SHIRKII

natiijadii ka soo baxday shirka ilaahay waa garansiiyay,waxaana  madaxweyne loo doortay alla ha u naxariistee( maxed x ibrahim cigal) oo ahaa  nin runtii u qalma  madaxwaynanimada, waayo waxa uuu ahaa raiisal wasaarihii ugu wakhtiga dheeraa somalia, odayaasha meesha joogayna dhamaantood way wada garanayeen,sidaa daraadeed,ayaa waxay isku afgarteen inuu isaga dalka  hogaanka u qabo,madaxweynu ku xigeena waxaa laga dhigay(c/raxmaan aw cali farax) oo isna ahaa saraakiishii SNMta)
ka dibna sidaasay ku ducaysteen, oo ku soo gunaanadeen shirkoodii,in ilaahay ducadoodii aqbalay bay arkeen,sidiibaanay dawladii ku hawlgashay dadkii reer somaliland waxay arkeen dawlad dhab ah runtiina  aad bay ugu riyaaqeen si fiicana  waa u soo dhaweeyeen.

DAWLADII DHALATAY

hadaba somaliland waxay noqotay dawlad,nabadii way hirgashay iyadu,kaladanbayntiina waa hirgashay,oo runtii  dadaal badan baa  ay odayashu u soo mareen, waxyaabo badan oo kale ayaa  u qabsoomay,oo ay ka mid tahay in boolis la sameeyo iyo milatary,oo  cashuur laga qaado  intii shaqaysa,runtii waxaan odhan karaa waa horu mar aad u wayn marka aad dib u yara eegtid halkii ay markaa taagnayd ninkii joogay baa garanayee, hadaba, aan idhaahdo alla ha u naxariistee madaxwayne cigaal,wax badan buu qabtay ha  ugu horayso nabada oo uu kaalin muhiim ah kaga jiray,waa looga danbeeyay ina riyaale laftiisu wadankii xisbiyo ayuu  u sameeyay oo wax badan waa qabtay,oo xukuumad kastaa way leedahay dhaliilo laakiin hadana  inay hore u socoto  mooyaane wali dib u dhac wayn ma arkayno,ilaahayna inaguma keeno, waxyaabo badani waa inaga yara maqanyihiin oo ay ka midyihiin. dadka oo ogaada in dawlada iyo wadanka wax loo qabto markay ay dhismayso laakiin aan  iyada waxba laga sugin, marka ay si fiican u dhisanto ee aynu dhaqaale helno ka dib aynu dawlada ku canaanano maxay wax ugu qaban laadahay dadka waayeelka ah iyo naafada hadaba waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkaygii, (( indhaha aynu ku eegayno waxa aynu ku kala duwanahay aynu ku eegno meelaha aynu iskaga midka nahay, gacmahana aynu is qabsano  oo aan eegano danaheena  si aynu horumar intaa ka sii badan u gaadhno........


alaa mahad leh
cabdi samale geedi
bristol uk

abdirahm@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2006