SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Barnaamijkii Radio Xoriyo
13 January 2006
 
Guddoomiyaha JWXO oo Jaaliyadaha bogaadin u soo jeediyay.

JWXO oo Bayaan kasoo saartay Arimaha Nabada.

Isku dhac dhex-maray arday dugisyada Addis Ababa iyo booliska.
 
Barnaamijkii Xog-Warran(Dadaalka Odayaasha & Dibindaabyada Males)
 
 
 ======================  
 
Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa bogaadin aad u ballaadhan u soo jeediyay Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dalalka kala duwan ee adduunka ku yaalla, kuwaasoo uu ku ammaanay sidii kartida iyo waddaninimada lahayd ee ay uga gilgisheen xasuuqyadii kala duwanaa ee ciidammada gumaysiga Itoobiya u gaysteen dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo gubistii ay gubeen magaalooyin ay ka mid ahayd tuulada Fooljeex.
 
Guddoomiyuhu wuxuu Jaaliyadaha Ogaadeenya iyo guud ahaanba dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ku ammaanay sidii wanaagsanaydee ay u agaasimeen bannaanbaxyadii iyo hawlihii kale ee lagu diiddanaa xasuuqyadii kala duwanaa, sida midkii ay ciidammada gumaysigu ka fuliyeen magaalada Qabridaharre 15-kii bishii Nofembber ee kal hore, waxaanuu ku boorriyay inay sii laban-laabaan dhaqdhaqaaqyada ay dunida ugu soo bandhigayaan cadaadiska iyo dulmiga naxariis darrada ah ee dadwaynohooda uu ku hayo gumaysiga Itoobiya.
 
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ammaan middaas la mid ah u soo jeediyay hay’adaha kala duwan ee JWXO ee ka hawlgalay ololahan dunida lagu gaadhsiinayay denbiyada waxshinimada ah ee taliska gumaysatada ah ee Addis Ababa uu hadh iyo habayn ka galo dadwaynaha aan waxba galabsanin ee Soomaalida Ogaadeenya. Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u tilmaamay doorkii fiicnaa ee warbaahinta JWXO ka qaadatay fidinta xasuuqyadaas iyo gumaadkaas loo gaystay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya.
 

JWXO oo Bayaan kasoo saartay Arimaha Nabada.

 
Jabahadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ayaa bayaan ay mawqifkeeda ku sii caddaynayso ka soo saartay dhawaaqyadii ”nabadeed” ee Itoobiya sida daban uga soo baxay iyo dhaqdhaqaaqa odayaasha Ogaadeenya.
 
Jabhaddu waxay bayaankan ku tidhi; ”JWXO iyadoo aaminsan mabda’ nabad ku wada-noolaanshaha iyo nabad ku xallinta dhibaatada Ogaadeenya, waxay soo dhawaysay dhawaaqii farriinta ahaa ee Itoobiya ka soo yeedhay, waxayna caddaysay waddada ugu habboon ee loo mari karo wadaxaajood nabadeed, oo saldhiggeedu yahay in wadaxaajoodka lagu qabto goob nabadgelyo ah, cid kale oo dhexdhexaad ahina ay goobjoog ka ahaato”.
 
JWXO waxay ka biya-diiday sida ay xukuumadda Itoobiya uga war-wareegayso inay ka dhabayso dhawaaqeedii nabadeed oo ay si toos ah ula kulanto JWXO, arrintaasoo daliil u ah in xukuumadda Itoobiya ayna daacad ka ahayn dhawaaqeeda, isla markaana ay ka shaqaynayso sidii ay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya u jaha-wareerin lahayd, iyaduna cimri-dheerar uga dhigan lahayd kulannada ay marba ugu yeedhayso guurtida Ogaadeenya.
 
JWXO waxay bayaankeedan ku sheegtay inay ”diyaar u tahay inay Itoobiya la xaajooto haddii ay Itoobiya oggolaato inay wadaxaajoodka dhexdhexaadiyaan hay’adihii ama dalalkii nabadaynta beelaha caalamka caanka ku ahaa ee labada dhinacba u soo jeediyay inay dhex galaan, kuwaasoo ay Itoobiya hadda ka hor ku gacan saydhay”.
 
Bayaankan waxaa lagu soo gabagabeeyay ”wixii aan habkaas ahayn waxay JWXO u aragtaa dhoollo-tus siyaasadeed oo waqtiga looga luminaya dadwaynaha Ogaadeenya oo halgankooda lagu hoosaasinayo, waxayna tilmaantay inayna la kulmaynin Odayaal dambe oo la soo adeejiyay”.
 
Isku dhac dhex-maray arday dugisyada Addis Ababa iyo booliska.
 
Ardayda dhigata dugsiga sare ee Ayer Tena ee magaalada Addis Ababa iyo booliska ayaa isku dhacay, ka dib markii ay ardaydu qabteen bannaanbax nabadgelyo ah oo ay ku dalbanayeen in la sii daayo ardayda iyo siyaasiyiinta xabsiyada lagu hayo.
 
Waxaa sidoo kale iyaguna bannaanbax midkan la mid ah sameeyay ardayda dugsiyada Menen, Tikur Anbessa, Addis Ketema iyo dugsiyo kale oo ku yaalla Addis Ababa.
 
Boolis aad u hubaysan ayaa so galay xarunta dugsiga Ayer Tena, waxayna weerareen qaar ka mid ah ardaydii halkaas ku bannaanbaxayay. Boolisku waxay si xun u dileen dhawr waalidiinta ardayda ka mid ah oo isku dayay inay carruurtooda booliska ka dhiciyaan.
 
Ka dibna boolisku wuxuu rasaas ku furay ardaydii dugsiga dhexdiisa ku bannaanbaxaysay, waxay sidoo kale burburiyeen dariishadaha dugsiyada qaarkood. Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay inay arkeen labo baabuur oo waawayn oo laga buuxiyay arday la qaqabtay oo ka dhaqaaqay dugsiga ay dhibaatadu ka dhacday. Ardayda la xidhxidhay waxaa ku jira qaar ayna da’doodu ka waynayn 14 sano.
 
Xukuumadda EPRDF ayaa macalimiinta ugu hanjabtay inaan wax mushaaro ah la siin doonin haddii ayna ardayda kala dagaallamin inay bannaanbaxyo sameeyaan.
 
Bannaanbaxyada ay ardaydu samaynayaan waxay ku faafeen gobolka Wollo iyo gobollo kale oo Itoobiya ka mid ah, waxayna ardaydu shaqaalaha ugu baaqeen inay ku soo biiraan bannaanbaxyada xukuumadda lagaga soo horjeedo oo ay iyaguna shaqo joojin sameeyaan.
 
Radio Xoriyo
13 January 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2006