SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


ISBADALKA XUKUUMADA PUNTLAND OO KU AADAN TAKOOR BEELEED

Waxaa kadhacay degaanka magalada ganacsiga lehna dakad weyn oo anfacday shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacab waynaha puntland, dagaal hunguri oo salkiisu ahaa isku qabsasho dhicida hantida ummadda soomaaliyeed badaheeda, kuwaasoo loo keensaday shirkado shisheeye oo xaalufin ba'an kuhaya kheeraadka wadanka. Kal hore markii uu cabdullahi maamulayay deeganka puntland kana ahaa madaxweeynaha, wuxuu ka gatay oo qandaraas riqiis ah kusiiyay badda in ay ka kaluumaystaan isla mar ahaantaana ka kireeyaan cida ay doonaan shirkad ajnabi ah oo la oran jiray HARTH GROUP taasoo uu wakiil uga ahaa wiil uu adeer u yahay oo layiraahdo Khaliif Ciise Mudan.

Ileen wax xaaran ah laguma sii raagee waxa la dhacay Cabdullahi Yuusuf oo Khaliif baa kala baqooley lacag 4,000,000 oo dolarka Maraykanka ah, taasoo uu dhigtay bangiyo kuyaal dhul shisheeye. Cabdulaahi way ka caraysiisay arintaan uusan cidna uuga dacwoonkarin. Laakiin Khaliif wuusii watay howshiisii bacdamaa Cabdulaahi Gaalkacayo lageeyay lagana tuuray kursigii taasoo rag Khaliif ku jiro ay kashaqeeyeen, balse waxay sababtay in lakeeno nin London qoxooti ku ahaa oo layiraahdo JAAMAC CALI JAAMAC kaasoo Khaliif ku bixiyay soo saaridiisa hal malayan oo doolar oo kamid ahaa 4 tii malyan ee laga dhacay kheeraadka dabiiciga ah ee shacabka Soomaaliyeed dhulkooda.

XAGAY ISKA HELEEN CABDUWALI CALI TAAR IYO CABDULLAHI?

 
Waxaan shaki ku jirin xiligii aan Cabdullahi laga tuurin kursiga in uusan Cabdiwali Calitaar ku heeysanin saldanada Cabdullahi wax naas nuu jin ah iyo inaadeeroow. Balse jiray xiriir udhaxeeyay XIIF CALI TAAR oo ahaa gacan yaraha Cabdullahi Yusuf xiligii ay wada joogeen SSDF. Adoon daalin waxaad garataa in Xiif  isku xiray Cabdiwali iyo Cabdullahi.

Hadaba ninka CABDIWALI CALI TAAR muxuu ahaa? waxa uu ahaa wiil dhallin yaro ah oo qooxooti ku haa Canada, waxa uuna kamid ahaa barbaarta soomaaliyeed ee muruqmaalka ah kuna shaqeeysta TAXI-YADA. Waxaa lala hadlay rag uu ku jiro in tolka laga soo aruuriyo lacag, taasoo lagu dhisi doono magaalada GARACAD OO XEEB AH HALKAASOO DAKED LOOGA BAAHAN YAHAY. Bacdamaa reer Bari soo cayrsadeen C/Laahi Yuusuf iyo xulafadisii si looga maarmo dakada waa in lahelaa dakad macmal ah oo kutaal mudug. Waxaa la soo uruuriyay lacag dhan 200,000 oo doolar taasoo ay gacanta u gashay Cabdullahi Yusuf halkii dekad macmal ah laga sugay uu la aaday in uu ku qabsado Bari. Waana lacagta uu ku hawlgalay qay kamid ah. Markuu ku guuleystay Cabdulaahi hawl-galkiisii wuxuu hadiyad uga dhigay Cabdiwali calitaar iyo xiif cali taar in uu u sixiixo heshiis shirkada dad badani ugu yeero "xaalufinta badaha", balse ay ugu yeeraan "ilaalinta badda" ee SOMCAN.

 
Dhanka kale Cabdi wali markiisa wuxuu qayb ka qaatay doorashadii adeerkiis Cabdullahi Yusuf taasoo uu NAIROBI ku gudoonsiiyay 875,000 oo doolar. Markii Cabdullahi helay kursiga madaxweeyne nimo waxaa soo kala dhex galay ilma cali taar iyo cabdullahi mugdi kadib markii ay waayeen Maxamed Cabdi Xaashi oo ay rabeen in uu madaxweyne kasii ahaado puntland, taasoo dhanka cabdulaahi kasocon waysay.

MAXAA DHACAY HADII CADE QABTAY SALDANADA PUNTLAND?

Dadka soomaaliyeed oo qaybo kamid ahi si aan gabasho laheeyn ay u isticmaalaan qabyaalada iyo kala faquuqa ummadda ayaa waxay dhalinaysaa arimahan. Waxa ku dhacay ilama cali taar in shirkadoodii afgambi lagu sameeyo, oo layiraahdo xiligiinii waa dhamaadee ee ka bul dhaha, oo lakeensado shirkado ajnabi ah oo wakiil u yahay nin sucuudiyaan ah TAASOO LAYIRAAHDO ALKHEYRIYA. Waxaase yaableh in marlabaad Khaliif keensado shirkadan oo qandaraas ku qaato ayadoo Cade Muuse uu ku naas nuu jinayo. (NINBA WAA MARKIISE MUS MAKULA KORAY) waxaa maanka gali waayay badii adeerkaa baa lagaa qaaday!. Marka waxay sababtay tolaayeey waryaa tolaay iyo in uu ciidamo beeleedyadii hubaysnaa oo jifadiisa ahaa isku gadaamo, diidana in uu amarka madaxwaynaha qaato. Dhanka kale Cadde markii loo sheegay waxa uu amar siiyay ninka uu adeerka u yahay ee Kheyre ee u haya taliska booliska puntland, kaasoo weeraray Xiif Cali taar balse uu iska difaacay. Sawaxanka iyo daryaanka kabaxayay Boosaaso waxa uu ahaa qooqaa iyo hungurigaa xaalufinta iyo boobka badaha soomaaliyeed. Lacagtaas oo jifooyinka jeebkooda aan soo dhaafin. Taasoo lagu isticmaalo kala geeynta isku dirka iyo hagardaamada lagu hayo shacabka reer puntland.

CADE MUUSE OO KU HEEYSTA JEEBKA XUKUUMAD CUSUB MAGACYADOODA.

 
Waxaa lafishaa isbadal iyo caadalad marka saldhigu yahay cadaalad, laakiin nin isagiiba sida uu ku yimid kursiga puntland ummaddu wada ogtahay, oo ah handadaadaad iyo inaadeeroow Soomaaliyaan ka helay kursi ee fariiso, isla markaana ku laayay dhallin yaro reer puntland ah oo aan waxba galabsan, makeeni karaa wanaag iyo maamul fiican? Nin CANADA qol ku xiraa uuna soo duulay oo tuute usoo qaatay dhiiga shacabka puntland asagoo GENARAAL AH lasaftay jifo hoosaad ma la oran karaa waxa uu keenayaa cadaalad iyo sinaan? Waxan durba aragnaa sida uu isu balaarinayo oo uu jifadiisa uugu dhiibay maareeya-yaasha iyo ilaha dhaqaalaha oo Puntland iyo dhan walba ama ha haato dhaqaale ama ha ahaato saldano ee.

Isbadalka uu wadaa waa mid ku salaysan qabyaalad oo uu beelaha qaarna ku takoorayo qaarna soo dhawaysanayo. Hadaad istiraahdo war ninku sidaan maha xusuuso in uu arin qabyaaladeed iyo jifo hoosaad dhiig uugu daadiyay puntland, tii unbuuna wadaa. Mar uu handadayay Maxamed Cabdi Xaashi oo aan isku shuqlinin doorasho markuu arkay meesha la la aaday hanaankii puntland ayuu wuxuu yiri cade "HADII UU DOORASHO QABAN WAAYO MAXAMED CABDI XAASHI WAN DAGAALAMAYAA KAMANA YEELAYO" wuxuuna hada isu haystaa nin xoog ku jooga.

 
Jagooyinka hada wuxuu ka qaaday hal jifo oo ah jifada Cali Saleebaan oo lagu handadayo reer Mudug iyo Nugaal oo ah Cali saleebaan dhexdiida oo laysku bad badalay uun, si tolku xataa dhexdiisa isugu xumaado. kan ka qaad inaadeerkii u dhiib!!! wuxuba waa habqabiil oo cidwalba wasiirkeeda iyada unbaa leh oo macnuhu yahay madaxweeyna-nimadana hal cid unbaa dhaxlee. Mala orankaraa hada waxbuu sameeyay isbadal ah mar hadii cali saleebaan laysku bad badalayo? Hadii Gaagaab ama Faroole laga qaado mawaxaa lagu badalayaa jifadooda? mise laga qaadi karaa? waxa uu iska indha tirayaa Cade Muuse kheyre hadii sida uu cade sheegay gardaro ku weeraray nin shacab ah gurigiisa oo booliisku dadka iska ulaynayo iyadoo la eegayo sharciga u dhigan puntland maa laga qaadayaa kheyre jagada? mise waa lama taabtaan?


Cadde Muuse iyo askari iyo askari isaga u adeega... oo uu ku magacaabay taliyaha Booliska..

 
Hadaba xikamadaa waxay tahay in jagooyinka aan waxba aheen ee ay dadkoodu soo diidaan lasiiyo beelaha kale. Cade ma waxa uu naleeyahay waxaan wax kabadalayaa eexdan baahday ee ummaddu layaaban tahay oo ah wax walba aniga. tusaale:
 
LIISKA KUWA KU QABAYSTAY QABIILKA
 
TALIYAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA IYO KUXUGEENKIISA
TALIYAHA BOOLISKA PUNTLAND
WASIIRKA MAALIYADA
WASIIRKA QORSHEEYNTA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA
WASIIRKA DAWLADAHA HOOSE IYO REER MIYIGA
GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE PUNTLAND
AGAASIMAHA GUUD EE LA DAGALANKA ARGAGIXISA
WASIIRKA HORMARINTA HAWEENKA IYO ARIMAHA QOYSKA
WASIIRKA HAWLAHA GUUD IYO GAADIIDKA
WASIIRU DAWLAHA MADAX TOOYADA
WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA
 
Akhristoow maanka ku hay gobolada iyo beelaha ku bahoobay puntland oo dhan waxay wadaagaan 16 wasiir halkan 7 kamid ah reer baa jeebka gashaday hab nin jeclaysi iyo qabyaalad ku salaysan oo xataa sadbursi dhaaftay, halka ummada soo hartay ay ku filaan wayday beeliha kale ee Puntland dega oo intooda badan aan helin waxba.
 
Masoowada koobi karo beelaha dagan puntland laakiin waa uun tusaale marka 16 kii wasiir waxay qaateen jifada cade muuse 7 kamid ah uuguna muhiimsan ayagoo haysta madax weeyne-nimadii. waxaad yaabi lahaydeen hadaan idiin soo bandhigo agaasimayaasha,iyo wasiir ku xigeenada iyo gudoomiya-yaasha dagmooyinka Puntland wuxuba waa iyaga xaqiiqdii. Hadaba su'aashu waxay tahay ninka cadaaladaradaan dhisay oo madaxweeynu ku ah sidan miyaa keeni kara isbadal? ma orankaraan cadaalad buu wax u qaybin? mase kasugi karaa cadaalad? waxaadse dadwaynoow is waydiisaan boobkan iyo qabyaaladan iyo xaqiridan ku baahday gayiga puntland intee in le eg ayay soconkartaa cadaalad darada iyo dulmigu? cade muuse iyo jifadiisa malaga aqbali doonaa waxay isku raaceen oo ah maamulku sheega?

GUNAANAD

 
Ummaddu waxay ka gadood santahay kuwa aan damiirka laheen oo dhiigmiiradka ku haya shacabka puntland ee xalaasha ah. looma dulqaadan doono ee waxa laga hortagi si midaysan kuwa ehelka isku gubaya oo xaalufinaya kheeraadka degaanka, iyagoo u adeegaya ajnabi ama shisheeye. Wax walba aniga qaadan mayno, hadaan nahay shacabka puntland. cabdullahi yusuf axmed waxa uu kusameeyay puntland oo dulmi iyo xaqiraad ah iyo eex unbuu la dhextagayaa beelaha walaalaha ah ee koonfureed iyo soomaali. haduu cadaalad ku maamuli waayay puntland miyuu soomaali cadaalad ku maamulayaa??? arkhristahaan udaayay jawaabta.

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2006