SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

WARARKA JAN 22, 2006

  • Wareegto ka soo baxday xafiiska gudoomiyha isbahaysig ayaa lagu mamnuucay qaadashada hubka gudaha magaalada kismayo
  • Magaalada Baydhabo oo laga yaabo in ay martigeliso kulanka ugu horeeya..
  • Golaha Garyaqaanada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey heshiiska dhexmarey ….
  • Labo Sarkaal oo lagu  dilay Magaalada Muqdisho..

  • Dadka reer Baydhabo oo farriin soo gaarsiiyey Gudoomiyaha  Baarlamaan.

  • Maalinta xoriyadda Saxaafadda Soomaaliyeed oo laga xusay Magaalada Muqdisho

Wareegto ka soo baxday xafiiska gudoomiyha isbahaysig ayaa lagu mamnuucay qaadashada hubka gudaha magaalada kismayo

Wareegto (Sabti Jan 21) ka soo baxday xafiiska wasiirka dib u dhiska iyo dib udajinta dowlada FKG ah ahna gudoomiyha Isbahaysiga Dooxada Jubba Barre Aadan Shire (Barre Hiraale) ayaa waxaa ay sheegeysay in dhamaanba la mamnucay qaadashada hubka iyo ka ganacsiga hubka ee gudaha magaalada Kismaayo ayadoo la sheegay in cidii lagu qabtaa ay mutaysanayso xarig iyo hubka oo lagala wareego dhamaantiis.

Wareegtadaan ka soo baxday xafiiska gudoomiyha Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa waxaa ay ka danbeysay kadib markii ay dhamaatay carqalado xaga amaanka ah oo ka jirtay magaalada kismayo iyo waliba 115 maalmood oo magaalada kismayo amaankeedu uu ahaa mid aad u liita waxaana haatan soconaya howlo amaan sugid ah oo ay wadaan cidanka amaanka ee maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba kuwaasoo bartilmaadeedsanaya maleshiyadka hubaysan ee aan cidina ka amar qaadan ayadoo dhowrkii habeen ee la soo dhaafay ay ciidanka amaanka ay roondo ku sameynayeeen xaafadaha magaalada kismayo taasoo ay ku soo qabteen ilaa 11 qori sida uu inoo xaqiijiyay taliyaha cidanka amaanka mr Maxamed Cabdulahi Fanax.

Waxaa sidoo kale wareegtadaan lagu cadeeyay in shirkadaha isgaarisiinta iyo kuwa xawaaladaha loo ogolaaday min labo qori oo ay ku ilaashadaan hantidooda waxaan qoryahaas laga soo sharciyeendoonaa saldhiga booliska ayadoo qoryahaasna ay ku ekaan doonaan goobaha loogu tala galay oo kaliya hadii lagu arko meel ka baxsana ay la wareegi doonaan ciidanka amaanka

cabdi qadar nur maxamed (filipiin)
kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com 

Magaalada Baydhabo oo laga yaabo in ay martigeliso kulanka ugu horeeya..

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa iyagu ku heshiiyay in mudo sodon maalmood gudahood ah kulan isugu yimaadaan xubnaha Baarlamaanka oo ka kooban 275 xildhibaan, waxaana haatan soo muuqanaya isu tanaasul ay isku sameynayaan xubnaha labada Gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar. Xubnaha ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa iyagu Guddoomiyaha Baarlamaanka u sheegay in ay soo dhaweynayaan halka uu Guddoomiyuhu go’aamiyo ee kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, halka Xubnaha ku sugan Magaalada Jowhar iyana ay sheegeen in ay si aad ah u soo dhaweynayaan go’aan kasta oo uu qaato Guddoomiyaha oo ku aadan halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka. Warar hoose oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanku uu qorsheynayo in Magaaalada Baydhabo ay noqoto halka uu ka dhacayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, waayo Guddoomiyaha waxa uu haatan u dhexeeyaa Xubnaha labada Gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, waxaana la filayaa in uu Magaalada Nairobi isku arkaan Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade si uu uga dhaadhiciyo in Magaalada Baydhabo ay noqoto halka ay isugu imaanayaan Golaha Baarlamaanka. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in magaalada Kismaayo ay iyana u xusul duubeyso sidii uu uga dhici lahaa kulanka ugu horeeya ee Golaha Baarlamaanka, inkastoo ay dhawaan ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay Barre Hiiraale iy Col. Cabdi Cigaal.    

Golaha Garyaqaanada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey heshiiska dhexmarey ….

Golaha Garyaqaanada Soomaaliyeed ee Somali Law society (SLS) ayaa soo dhaweeyey heshiiskii Madax-weynaha dowladda KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay dhawaan ku gaareen dalka Yemen iyo ayidaadii ay ayideen golayaasha dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar.

Guddoomiyaha Golaha Garyaqaanada Soomaaliyeed Prof: Max’ud Cali Daahir {Prof: Guure} ayaa ka warramay sida uu u arko iyo muhiimadda ay leedahay in heshiis laga gaaro khilaafaadkii u dhaxeeyey dowladda KMG ah muddada sannadka iyo barka ka badan, waxaa uuna yiri, “Shacbiga Soomaaliyeed wuxuu ka daalay dagaal iyo dhibaato ay dad badan ku hoobteen, waxeyna rajeynayaan in si deg deg ah u soo noqoto nidaamkii iyo kala dambeytnii guud ee dalka”.

Prof: Guure, oo ka hadlaya rajada uu ka qabo in mar kale aysan dib u soo laaban khilaafkii  horay u jiray ayaa sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in lagu dhaqmo qaanuunka, lana dhawro xuduudaha u dhaxeeya hay’adaha dastuuriga ah, madaxbanaanida iyo awoodda ay leedahay Hay’ad walba uuna siinayo dastuurka, si looga badbaado ismaan-dhaaf dambe.

Dowladda Talyaaniga oo soo dhaweysay isu tanaasulka ka muuqda xubnaha …

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Talyaaniga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay tanaasulka ka muuqda xubnaha Dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar lagu dhameynayo khilaafka u dhexeeya Xubnaha Dowladda.

“Dhameynta khilaafka waxa uu keenayaa in beesha caalamka ay si wadajir ah u taageerto Dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri warkaas ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Talyaaniga.

Dowlada Talyaaniga waxa ay sheegtay in ay ka qayb-qaadan doonto dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo sidii loo soo nooleyn lahaa hay’adihii Dowladda ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Dowladda Talyaaniga waxay si weyn u taageereysay xubnaha Dowladda ee ku sunga Magaalada Jowhar, iyadoo dhowr jeer gaarsiisay mucaawi-nooyin kala duwan, waxaana taageeradaasi si weyn uga xumaaday xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo sheegay in Dowladda Talyaaniga aysan dhex dhexaad ka ahayn ishaysiga xubnaha Dowladda ee ku kala sugna Muqdisho iyo Jowhar.  

Labo Sarkaal oo lagu  dilay Magaalada Muqdisho..

Maalintii shalay ahayd ayaa isgooska kaasa Balbalaare ladu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Max’ed Xasan Max’ed oo ku magac dheeraa Caddaawe waxaana dilkiisa gaystay kooxo dabley ah oo la saarnaa gaari BL ah, sidoo kale Xaafadda Wardhiigley ayaa isna lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Salaad Cali dhoore, waxaana dilkiisa gaystay kooxo dhallinyaro ah oo ugu yimid gurigiisa.

Saraakiishaan dilalkooda waxaa si aad ah uga xumaaday bulshada Soomaaliyed ee ku nool Magaalada Muqdisho waxayna ku tilmaameen kuwo ka baxsan bini’aadannimada, iyagoo dalbaday in gacanta lagu soo dhigo kooxii ka dambeeyay falalkaasi, sidoo kale kooxaha xaquuqda aadanaha ayaa iyana cambaareeyay dilkaasi, kuna tilmaamay mid ka baxsan shareecadda Islaamka, dhaqanka soo jireenka Soomaaliyeed iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha qodobkiisa saddexaad oo oronaya qof waba waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo. 

Dadka reer Baydhabo oo farriin soo gaarsiiyey Gudoomiyaha  Baarlamaan.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa waxey sheegayaan in shirar gooni gooni ah, oo ay yeesheen waxgaradka, odayaasha, ganacsatada, aqoonyahanada iyo qeybaha bulshada eek u dhaqan magaalada Baydhabo ay kaga wada hadleen sidii magaalada Baydhabo ay u noqon laheyd goobta uu ka dhacayo kulanka ugu horreeya ee Golaha Baarlamanka Soomaaliyeed.

Kulankaas kaddib, ayaa waxaa si wadajir ah ay uga codsadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu ka dhigo goobta kulanka magaalada Baydhabo iyagoo sheegay in magaalada Baydhabo ay tahay meel qaadi karta xubanaha Baarlamaanka isla markaana ah meel ammaankeedu uu wanaagsan yahay lagana heli karo tasiilaadka loo baahan yahay, ayna tahay meel dhex dhexaad ka ah magaalooyinka Muqdisho iyo jowhar oo isku heysta siyaasad.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
Email:amiinkhasaaro@hotmail.com 

Maalinta xoriyadda Saxaafadda Soomaaliyeed oo laga xusay Magaalada Muqdisho


WARARKA JAN 21, 2006

  • Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo heshiis ka kooban dhowr qodob ku gaarey Magaalada..

  • Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sheegay in uusan marnaba ka daali doonin

  • Xildhibaan Max’uud Barre oo ka hadlay halka ku haboon in lagu qabto..

  • Dowladda Yemen oo la filayo in ay ergay u soo dirto wasiirada ka biyo diidsan..


Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo heshiis ka kooban dhowr qodob ku gaarey Magaalada..

Maalintii shalay ahayd ayaa hotelka Nabadda waxaa isugu yimid xubnaha labada Gole ee ay ka soo kala jeedaan beelaha Sacad iyo Suleymaan, waxgarad, Culuma’udiin iyo Nabadoono ka kala tirsan labadaasi beelood, waxaana halkaasi lagu kala saxiixday heshiis ay goob joog ka ahaayeen beelaha kalae ee Soomaaliyeed, waxaa ka mid ah heshiiskaasi in ciidamadii isku hor fadhiyay deegaanka Hobyo la kala geeyo, Beesha Sacad waxay geyneysaa ciidankeeda Tuulada  Wisil, Beesha Suleymaanna waxay geyneysaa Qosoltira, Ciidankii isku hor fadhiyay deegaanka Gelinsoor Beesha Sacad waxay gayneysaa Bandiiradley, Beesha Suleymaana waxay gayneysaa degmada Cadaado.

Heshiiskaan ayaa waxaa kor meeraya guddi ka madax-banaan labada beelood, wuxuuna dhaqangeliyaa mudo todobo maalmood gudaheed ah, iyadoo mudo saddex bilood gudahood ah la isugu imaan doono kulan guud oo dhex mara labadaasi beelood.

Wixii haatan ka dambeeya wixii ka dhex dhaca waxay iskula laabanayaan shareecadda Islaamka, iyadoo ciddii ku xadgudubtana la ganaaxi doono 10-Kun oo Doolar wixii khasaaro ahna ay bixin doonto.

 Meelaha la kala geeyay ciidanka ciddii ku xadgudubta ama jabisa waxaa la ganaaxayaa 20-Kun oo Doolar, sidoo kale Tiknikadii ku xadgudubta Heshiiskaas waxaa la ganaaxayaa Kun Doolar.  

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sheegay in uusan marnaba ka daali doonin

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa weli wada kulamadii uu la yeelanayay Wasiirada ka biyo diidsan shirkii Cadan ay ku yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, waxa uuna Guddoomiyuhu wadaa sidii uu wasiiradaasi uga dhaadhicin lahaa in ay qaataan heshiiskaasi oo uu sheegay in ay dan weyn ugu fadhido shacabka Soomaaliyeed oo u baahan dowladnimo iyo kala dambeyn. Kulankii ugu horeeyay ee uu Guddoomiyuhu la yeesho Wasiirada hubeysan ayaa noqday mid aan miro dhal ahayn kaddib markii wasiirada qaarkood ay Guddoomiyaha u sheegeen in heshiiskii uu la galay C/llaahi Yuusuf uu ahaa mid aysan ka warqabin loona baahnaa in Guddoomiyuhu heshiiskaasi uu u dad badsado si loo gaaro xaqiiqada dhabta ah. Maanta ayaa la filayaa in Guddoomiyaha uu xarumahooda ugu tago Wasiirada hubeysan si uu uga dhaadhicyo heshiiskaasi. Guddoomiyaha keligii kuma ahan ka dhaadhicinta heshiiskii Cadan ee waxaa ku wehliya siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed. Guddoomiyaha waxaa gabaabsi ku sii aha waqtigii uu iclaamiyay oo ahaa in mudo sodon maalmood ah in kulan la isugu keeno Golaha Baarlamaanka oo ka koobana 275 xildhibaan. Guddoomiyaha mar la wareystay waxna laga weydiiyay in haddii xubnaha Wasiirada ay diidaan heshiiskaasi waxa uu sameyn doono waxa uu yiri “ka daali maayo arrintaasi, waxaana la rajeynayaan in Wasiiradaasi ay aqbalaan heshiiskii Cadan”. Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa kalloo maanta uu la kulmo doonaan xildhibaanada Baarlamaanka oo uu horey taageero uga helay heshiiskii Cadan ay ku yeesheen isaga iyo madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Xildhibaan Max’uud Barre oo ka hadlay halka ku haboon in lagu qabto..

Xildhibaan Maxamuud Barre Xuseen oo ka mid ah xildhibaanada ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay halka lagu qaban doono Shirka dib u heshiisiinta xubnaha labada Gole ee Dowladda, hubka dhawaan soo gaaray Magaalada Jowhar iyo abaaraha ka jira dalka guud ahaan.

Xildhibaan Maxamuud Barre isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yiri “dalka Soomaaliya lamaga weyn karo meel lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Dowladda, wax kastana waxay ku xiran yihiin go’aanka Baarlamaanka, inakstoo hadda ka hor la timaamay halkii lagu qaban lahaa sida Magaalada Kismaayo ama Muqdisho, waxaase maalmahan Magaalada Kismaayo ka jiray dagaalo, haddana anigu waxaana is leeyahay Magaalad Kismaayo waa meesha keliya ee aan is leeyahay in lagu qaban karo shirka”.

Mar uu ka hadlaayay hubka dhawaan soo gaaray Gobalka Sh/hoose gaar ahaan Magaalada Jowhar ayaa waxa uu yiri  “wax dhabarjab ah oo uu u keeni karo ma jiro hubkaasi heshiiska labada labada Gole, sababtoo ah Dowladda Itoobiya mar kasta ayay ku soo xadgudubi jirtay Soomaaliya loogamana baran wax dan u aha Ummadda Soomaaliyeed”.

Xildhibaanku waxaa kalloo sheegay in abaaraha ka jira dalka ay haatan dhibaato ba’an ku hayaan Xoolaha iyo dadka ku nool Gobalada Dalka, waxa uuna sheegay in haddii dadkaasi gurmad lala gaari tago aysan suuragal noqon Karin maadaama ayuu yiri ay ka soo horeeyaan dad caado qaatayaal ah oo dhac u gaysanaya deeqda dadkaasi tabaaleysan loogu talagalay, sidaas darteedna loo baahan yahay in marka hore wax laga qabto burcaddaas caddeysatay falalka noocaas ah.   

Dowladda Yemen oo la filayo in ay ergay u soo dirto wasiirada ka biyo diidsan..

Dowladda Yemen oo iyadu gacan ka gaysatay heshiiskii dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa warar aanu ka helnay Cadan waxay sheegayaan in Dowladda Yemen ay qorsheyneyso in ay ergay u soo dirto Wasiirada hubeysan eek u sugan Magaalada Muqdisho haddii ay diidaan heshiiskii dhex maray Guddoomiyaha iyo Madaxwey-naha Dowladda Federaalka iyadoo Dowladda Yemen ay dooneyso in mirodhal uu noqdo heshiiskaasi.

Warar ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo n Dowladad Yemen ay wadankeeda ku martiqaado wasiirada hubeysan ee aan ku qanacsaneyn heshiiskii Yemen.

 Qaar ka mid ah Wasiirada hubeysan ayaa iyagu ku doodaya in Dowladda Yemen aysan dhex dhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan ishaysigii u dhexeeyay xubnaha Dowladda kaddib markii ay kal hore Xubanaha Dowladda ee ku sugan Jowhar ay soo siisay hub iyo saanad lagana soo dejiyay Boosaaso.

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2006

Madaxweynaha DFKMG oo Transit Ku Maray magaalada Boosaaso
»Muqdisho: Xaflad Dhiirigelin ah ee ardeyda Indhoolyaasha
»Kismaayo: shahaadooyin la gudoosiyay 40 arday...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jan 20