SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror
 MID EAST: IslamToday | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Dubai News 

VIDEO: ITV | Reuters TV  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII 9aad | 8aad | 7aad |  6aad   | 5aad  | 4aad3aad | 2aad & 1aad

ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE ABU-DHABI.TV | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA

 

DAGAALKA CIRAAQ OO SII DABA DHEERAANAYA

 

  • Duqeynta lagu hayo Ciraaq oo aan kala joogsi lahayn

  • Pentagon oo erisay weriye mareekan ah

  

WARAR KOOBAN

Kuwait: Dareewal Gaari Weyn ku qarxiyey Askar Maraykan ah:
Dareewal aan haybtiisa la sheegin ayaa gaari weyn oo watey ku qarxiyey askar Maraykan ah dalka Kuwait. 6 askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaas sida uu sheegay TVga Canada ee CBC... 

Wararka kale ee TV-ga Canada weriyey waxaa kamid ah in askari maraykan ah uu dhintay kaddib markii uu maray gaari ah nooca dagaalka ee loo yaqaan Humvee. Askari kale ayaa dhintay kadib markii gaari uu kula dhacay meel biya mareen ah (ama kanaal).  CBC...  

Ciraaq oo Sheegatay in ay soo ridey laba diyaaradood oo Marayku leeyahay:
Wasiirka saxaafada Ciraaq, Mohammed Saeed al-Sahaf, waxa uu saxaafada u sheegay in Ciraaq so ridey laba diyaaradod oo ah helicopter, mid waxaa lagu soo ridey Basra , tan kalena Khazaf
CBC.TV  

Ciraaq oo ka hadashay dadka isbiimaynaya, sheegtayna in ay bilowday dagaalkan cusub Daawo Halkan.. AbcTV Australia

ABU.DHABI.TV: VIDEO

Wargeyska Newsweek oo qoraal dheer ka qoray TV-ga Al Jazeera ka akhri NewsWeek

Rumsfeld's Role as War Strategist Under Scrutiny Reuters..

Rumsfeld Says No Plan for 'Pauses or Cease-Fires' Reuters.  

Duqeynta lagu hayo Ciraaq oo aan kala joogsi lahayn

 

Waa maalintii kow iyo tobanaad ee uu weli socdo duulaankii ay dagaalkii ciidamada Mareekanka iyo Britain ay ku wadeen magaalooyinka Ciraaq. Saacaddan oo aan qorayo warkan waxaa socda weeraradii sawaariikhda ahaa ee lala beegsanayay magaallada Baghdad.

 

“waxaa magaallada Baghdad gilgilaya sawaariikh aad u waaweyn, waan ka fogahay oo garan maayo khasaaraha ay gaysteen gantaalladaas” ayuu yiri weriyaha Abudhabi TV uga soo warama magaallada Baghdad. Goobihii sida daran ay ciidamada Mareekanka iyo Britain ay duqeeyeen ayaa ka mid ahaa koonfurta Baghdad, sidoo kale dhawaaq xoog leh ayaa isna laga maqlayay bartamaha Baghdad una dhow webiga Dijla ee mara magaallada.

 

Sida uu sheegay fiidkii caawa taleefishinka Aljazeera inay gantaallo dhowr ah lala beegsaday guriga madaxtooyada ee ku yaala Baghdad. Wuxuu taleefishinka wareystay goob joogayaal maqlayay dhimbilihii ka kacayay sawaariikhdii lidka diyaaradaha ahaa ee ay dhulka ka ridayeen ciidamada Ciraaq. Dhinaca kale habeenkii xaleey ahaa ayaa sidoo kale ciidamada isbahaysiga duqeeyeen xarunta wasaaradda warfaafinta Ciraaq ee ku taala Baghdad. Qiyaastii 8 qof ayaa goobtii la duqeeyay ku dhimatay, iyadoo intaas ay dheer tahay 55-kii qof ee shaleey ku naf waayay suuqii ku yaalay Baghdad.

 

Pentagon oo erisay weriye mareekan ah

 

Maadaama uu socdo dagaalkii dhabta ahaa ee dhexmarayay ciidamada Mareekanka iyo Britain oo dhinac ah iyo ciidamada Ciraaq, ayaa misna dhinaca kale labada dhinac midba dhinaciisa ka wadaa dagaal kale oo ka duwan kan aynu xusnay, kaasoo ah dagaalka merdia-ha ama warbaahinta. Sida aynu ogsoonahay, waxaa maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka ee mareekanka iyo ingiriiska la socda suxufiyiin tifaftirayayaal milateri ah, kuwaasoo goobaha dagaalka ka soo tebinaya halka uu marayo dagaalka iyo khasaaraha uu geysanayo dagaalka.

 

Haddaba, weriyaha u dhashay dalka Mareekanka ee magaciisa la yiraahdo Philip Smucker kana shaqeeya wargayska Christian Science Monitor dhinaca tifaftiridda arrimaha difaaca ayaa laga eryay ciidamadii marines-ka ee uu la joogay, kadib markii uu wargayskiisa u soo diray maqaal uu ku soo bandhigay cabsida iyo welwelka ciidamada Mareekanka ku soo korodhay arrinta dagaalka Ciraaq. Weriyahan oo horey sida uu wargayska Monitor boggiisa internetka ku sheegay wuxuu Philip Smucker horey maqaallo kala duwan wargayska uga soo tebin jiray dalal kale duwan sida dagaalladii ka dhacay Afghanistan, Kosovo iyo Bosnia. Wuxuu weriyaha maqaalkiisa ku sheegay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo aragtidooda la xidhiidha dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ciraaq iyo halka uu ku danbeyn doono. Smucker wuxuu qoraalkiisa ku sheegay welwelka ay ciidamada mareekanka ka qabaan sidii ay uga hortagi lahaayeen iska caabbinta daran! iyo geesinimada muuqata ee ay leeyihiin dagaalyahaniinta reer Ciraaq. Qoraalkaas oo mar aan sii fogeyn lagu daabacay wargayska Christian Science Monitor ee fadhigiisu yahay Boston, USA, waxay natiijadeedu noqotay inay ka caro geliso gaashaandhiga Mareekanka, dabadeedna ay eryaan weriyahaas, waxayna erintaas u cuskadeen inuu Philip khatar geliyay midnimadii milateri ee ciidamada mareekanka. "weriye la socday ciidamada marines-ka ayaa cabsi geliyay amaanka iyo midnimada milateri ee ciidamada mareekanka kadib wareysiga uu siiyay CNN subaxnimadii arbacada la soo dhaafay, maalintii khamiista ay taariikhdu ahayd 27.03.2003 ayaa dib loogu celiyay Kuweit" ayuu yiri nin u hadlay wasaaradda gaashaandhiga mareekanka.

 

Dhinaca kale, waxaa maanta isla wargayskaas boggiisa internetka lagu soo daabacay faallo uu qoray tifaftiraha wargayska Monitor Paul Van Slambrouck, wuxuuna faalladiisa cinwaan uga dhigay “Smucker oo ku sugan dibadda Ciraaq”. Tifaftiruhu wuxuu welwel ka muujiyay erinta weriyihiisa oo uu yiri wuxuu khibrad fiican u leeyahay maqaallada ku saabsan milateriga iyo dagaalka, isagoo intaas raaciyay inuu fahamsan yahay sababaha ka danbeeyay erinta Smucker.

 

Poul wuxuu kaloo tilmaamay inuu Smucker la socday ciidamada Mareekanka markii ay ka soo tagayeen Kuweit maalinimadii khamiista ee uu dagaalka Ciraaq  billawday, wuxuuna intaa raaciyay in weriyihiisa laga wareystay taleefishinka CNN isagoo sheegay inay ciidamada mareekanka welwel iyo cabsi ka haystaan sidii ay ugu hortagi lahaayeen ciidamada Ciraaq. “waxaan xaqiiqo ahayn ma uusan oran Smucker, inay ciidamada mareekanka cabsi ka qabeen iska caabbinta ciidamada Ciraaq” ayuu yiri Poul oo ah tifaftiraha wargayska Christian Sceince Monitor.

 

Waxaa jira weriyayaal boqolaal gaaraya oo reer galbeed ah oo la socda ciidamada Mareekanka iyo Britain, kuwaasoo laga yaabo inay ka weecdaan dhexdhexaadnimadii lafdhabarta u ahayd qodobbada u degsan saxaafadda.

 

Dhinaca kale dalalka barriga dhexe waxay maalmahan dadka aad u daawadaan taleefishinnada Abudhabi TV iyo Aljazeera oo ilaa xad iyagu dhexdhexaad  ka ah dowladaha carbeed, taasoo caro weyn ku beertay qaar ka mid ah maamullada dalalka galbeedka. Dagaalkii ugu danbeeyay ee ciidamada isbahaysiga ku qaadeen Ciraaq arrinku sidan aad ayuu uga duwanaa. Dowladaha carbeed ayaa intooda badan taageersanaa weeraradii lagu qaaday Ciraaq, dhinaca kale xogta warbaahinta ee dagaalka waxaa laga qaadan jiray taleefishinka Mareekanka ee CNN oo iyagu waqtigaasna la socday ciidamada Mareekanka.

 

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa si ula kac leh loo kharibay bogga internetka ee taleefishinka Aljazeera, kadib markii uu mar aan sii fogeyn ku soo bandhigay taleefishinka iyo boggiisa internetka sawiradii ciidamadii mareekanka ee ay qafaasheen ciidamada Ciraaq.

 
Isha maqaalka:

http://csmweb2.emcweb.com/search_content/0324/p08s02-wogn.html  
http://www.csmonitor.com/2003/0328/p06s02-woiq.html
www.aljazeera.net  

Diyaarintii: Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark | March 30, 2003

Rumsfeld oo Suuriya iyo Iiraan uga digey in aysan Caawin Ciraaq

Halkan Ka Daawo Hadalkii Rumsfeld:

Donald Rumsfeld, Xoghaya Difaaca Maraykanka: Daawo: Sawirka IOL 

Xoghaya Difaaca Maraykanka, Donald Rumsfeld, ayaa Jimcadii digniin adag u jeediyey dalalka Suuriya iyo Iiraan.

"Waxaan haynaa akhbaar ah in xamuul militari laga gudbiyey xadka Suuriya oo loo gudbiyey Ciraaq, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalabka habeenkii wax lagu arko" ayuu yiri Donald Rumsfeld oo warsaxaafadeed kuqabtay xarunta looga taliyo ciidanka maraykanka ee pentagon-ka. "alaabtaas la gudbinayo waxay halis toos ah ku yihiin ciidanka iskudhafka ah, waxaana u arkeynaa ficil cadaawadeed, waxaana mas'uulkeeda leh dawladda Suuriya" ayuu ku daray. Waxana uu sheegay in Suuriya ay mas'uul ka tahay xadkeeda. [Daawo].

Siiriya eedayntaas maraykanka aad ayey u beenisey, Abmaadoorka Siiriya u fadhiya UN-ka ayaana sheegay in eedayntaas uu Maraykanku ku qarinayo niyadjabka ciidanka Maraykanka kasoo gaarey dagaalka Ciraaq.  [ISHA]

  Bashar Assad, Madaxweynaha Suuriya. Sawirka IOL 

Madaxweynaha Suuriya, Bashar Assad, waxa uu dagaalka Maraykanka ee Ciraaq marsii horeysey ku tilmaamay "mid iska cad oo ah qabsi kasoo horjeeda xeerka qaramada midoobey".

Suuriya waa wadanka keliya oo Carbeed oo hadda kamid ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dhanka kale  Xoghaya Difaaca Maraykanka, Donald Rumsfeld waxa kale oo uu dalka Iiraan uga digey in aysan faragashan Ciraaq, waxana uu sheegay in iiraaniyiinta isku urursada gudaha Ciraaq loo arki doono dagaalyahaniin. Waxana uu yiri  ciidanka hubaysan ee loo yaqaan Badr Corps waxaa tababara oo hubeeya oo amarka siiya ilaalada kacaanka islaamiga ah ee iiraan, waxaana ficilkooda mas'uul ka ah dawlada Iiraan, waxyaabaha ay ka qabtaan gudaha Ciraaqna waxaa loo arkayaa mid sharci darro ah. [ISHA]. Iiraan arintaas waa beenisey. Afhayeen u hadlayey dawladda iiraan oo lagu magcaabo Abdollah Ramazanzadeh waxa uu yiri "Badr Brigade waa koox ka madax bannaan dawladda iiraan".  

Badr Brigade waa lagu tilmaamay koox la shaqeeya ciraaqiyiinta dalka dibada kaga maqan si ay xukunka uga tuuraan Saddaam Xuseen.  [ISHA].

"Faafiyayaasha Diinta Masiixiga ayaa daba socondoona Dagaalka Ciraaq": Sidaas waxaa qora shabakada IOL. 

Qoraal dheer oo maalintii Jimcada kusoo baxay shabakada IOL ayaa sheegay in dagaalka Ciraaq ay daba socon doonaan kuwa faafiya masiixiyada ee loo yaqaan "Missionaries". Akhri Qoraalkii IOL 

WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ... 

Ra'iisul wasraahada Australia, John Howard, oo sharaxaya gaaankiisii uu ciidanka Australia ugudiray dagaalka Ciraaq  (RealVideo).. DAAWO Australia ABC March 20, 2003 

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka, Simon Crean, oo u jawaabaya Hadalkii Ra'iisul wasaaraha Australia  uu ciidanka ugu diray Ciraaq. (RealVideo)... DAAWO Australia ABC March 21, 2003

 WIXII KUSOO KORDHA DAGAALKA KA AKHRI: 
IRAQ TODAY'S NEWS... | WORLD LATEST NEWS 
CIRAAQ MAALINTII: 5aad | 4aad3aad | 2aad & 1aad

<><><>TAARIIKHDA CIRAAQ... GUJI<><><> 

CIRAAQ: WARARKII MARCH 28
»» Gantaalo lala Beegsaday Magaalada Kurdish-ku gacanta ku hayaan ee Chamchamal 
»» Dagaalkii Nassiriya oo sii xoogeystey
»» Baqdaad oo Markale la duqeeyey Habeenimadii Jimcada
»» Japan oo ka welwelsan Dagaalak Ciraaq oo daba dheeraada
»» Dagaalo Xoogbadan oo kadhacay Koonfurta Ciraaq
»» Baarlamaanka Koonfurta Korea oo dib u dhigay Codbixin kusaabsanan Ciraaq
»» Diyaarad laga soo ridey USA
»» Interfax: Dadka Ruushka oo Diidan dagaalka Ciraaq.
»» Iimaamada Baqdaad oo kubaaqay Jihaad

Dhammaan ka akhri halkan  28/3

 

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <> 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD