SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
XAYAYSIIS
XAFIISYADA XAWAALADA DALSAN
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga
Kulankii jaaliyada iyo Safaarada Soomaalida
GUJI
Jaamacadda camuud ee Boorame
Warbixin kusaabsan Jaamacada Camuud GUJI

Jaamacada EAU ee Boosaaso
Warbixin kusaabsan Jaamacada Bariga Afrika GUJI
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruuca Masjidka Abuubakar ee Minneapolis, Minnesota, USA GUJI
 
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: September 3, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Warka madaxdiisii

  • Ciidamada Gumaysiga Itobiya oo wali sii wada boobkii hantida dadwaynaha
  • Dagaal lagu jabiyay Ciidanka Gumaysiga Itoobiya
  • Ra,isul wasaaraha Ruushka oo tagay Itoobiya

1-Wariyaha Arimaha Bulshada maryama Ruun ayaa noo soo dirtay Ciidamada Nacabka Gumasiga Itobiya oo hanti Farbadan ka boobay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

20-30 08 2002 Ceelxaar oo ka tirsan Gobalka Dhagaxbuur waxay Ciidamada cadawgu si qasab ah kaga ueuursadeen dadkii halkaaas daganaa Adhi dhan 500 oo Neef, xoolahaas oo mushahaar looga dhigay ciidanka dagan Deegaanka Garigo,an.

27.8.2002 tuulada far-madaw oo ka tirsan Dagmada Awaare waxay ciidamada Gumaysigu boobeen Adhi dhan 70 Neef halkaaana ay ku qal qasheeyn waxaana Adhigaas lahaa C/hi Jaaamac Cilmi.

Ciidamada gimaysiga Itoobiya ayaa waxay xalaleesteen hantida dadwaynaha inay Boobaan ayagoo ujeedadoodu tahay in ay ku nugleeyaan Shacabka dulman ee Ogaadeenya,

Ciidamadan ayaa waxay hastaan Amar lagu siiyay in ay xoolaha dadka ku noo laan karaan iygoo hada kahorna loo fasaxay Baraagaha iyo Gaadiidka dad waynaha.

2- Dalaal Lagu Jabiyay Ciidanka Nacabka Gumaysiga Itoobiya

Wariyaha Xarunta dhexe ee JWXO Ibraahin Jeefad ayaa noo soo diray dagaal ba,an oo ay ku qadeen Cidanka wadaniga Xoreenta Ogadeenya, Ciidanka Nacabka Gumaysiga Itoobiya 25.08.2002 dagaaalkaas oo ka dhacay Magaalada Garigo,an waxaana halkaaas Cadawga lagaga dilay 5 Askari iyadoo 11 kalena lagaga dhaawacay.

3- Jaamacadda Carabta oo soo jeedisay hindise cusub oo ku aaddan shirka dib u heshiisiinta ee Soomaalida.

Warar lagu kalsoonyahay oo uu noo soo tabiyay wariyahanaga Soomaaaliya Ahmed yare Calasoow ayaa sheegaya in Jaamacada Carabtu soo jeedisay hindise cusub oo ku aaddan shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka dhaco dalka Kenya.

Jaamacadda carabta ayaa soo jeedisay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaalida uusan ku ekaan muddo labo todobaad gudohood ah, waxayna soo bandhigtay in shirka uu socdo muddo lix todobaad iyo kabadan,

waxayna Jaamacada Carabtu balan qaaday in ay bixinayso qarashka shirka wixii ka badan labo todobaad, taas oo ay si aad ah u soo dhaweeyeen Dawalado badan.

Dhinaca kale, waxaa go'aan ka garaya qeybinta kasoo qeyb galayaasha shirka kenya wasiirada arrimaha dibadda ee safka hore

4- Ra,isul wasaaraha Ruushaka oo tagay Itoobiya

Ra'sul wasaaraha dalka Ruushka Mikhail Kasyanov iyo wafdi u hogaaminayo ayaa 1dii bishan Septembar socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa isaga oo isla maalintaasi la kulmay Ra'sul wasaaraha dalka Itoobiya Melez Zenaawi.

Kulankaasi ayaa ahaa mid lagaga hadlay xiriirka Itoobiya iyo Ruushka ee dhinaca militariga madaama ciidanka Itoobiya uu inta badan adeegsado hubka Ruushka.

Waxaa kale oo la isku soo qaaday arrimo la xiriira shidaalka Ogaadeenya, iyada oo ay Itoobiyaanka Codsadeen in gacan laga siiyo dhinaca soo saarida shidaalka.

Itoobiya ayaa bilooyinkan dambe wadahadalo kula jirtay shirkad Ruush ah oo la yiraahdo Methanol S.C. wadahadaladaas ayaa loo xil saaray laba nin oo ka socda wasaarada uu wasiir ka yahay Maxamuud Dirir.

Wararku waxay intaas ku darayaan in uusan waxba kala socon wadahadalada shirkadaas lala galay Maxamuud dirir, taas oo ku tusaysa in ayna marnaba Itoobiya ku kalsooneen Masuul soomaliyeed darajo kasta oo uu Itoobiya ka gaadho.

Xukuumada Itoobiya ayaa markii hore heshiisyo la gashay Shirkado mareykan ah si loo soo saaro Shidaalka Ogadenya, shirkadahaaas ayaa dib uga noqday heshiskii, madaama aysan sugnen Amaanka Goobta shidaalka laga soo saarayo.

5- Dagaal ay Ururka EPPF ku Jabiyeen Ciidamada Taliska Maliz Zenawi

Waxaa Agagaarka Magaalada Tsegede oo ku taala waqooyiga galbeed Itoobiya bishii aynu soo dhaafnay ee August lagu dilay 86 ka mid ah ciidanka Woyanaha iyada oo u dhawaacuna kor u dhaafay 74 kale , Sidaa waxaa waraxafadeed ay soo saareen ku cadeeyay jabhada EPPF ee mucaaradka ku ah xukumada Melez Zenaawi.

Jabhadda EPPF oo ah jabhad ay uu badanyihiin dadka u dhashay qowmiyada Amxaarada ayaa intaasi ku dartay in ay hayaan 2 sarkaal oo ka tirsan ciidanka Woyanaha, isla markaasna in ay gacanta ku dhigeen qoryo iyo miinooyinka dhulka la galiyo oo ay ciidanka woyaanaha rabeen in ay galiyeen agagaarka Tsegede taas oo khatar weyn ku ayhed shacabka rayidka ah.

Jabhadda EPPF ayaa cadeeysay in ay wadi doonto halganka hubeysan ay kula jirto ciidanka Woyanaha ilaa ay dhacdo dowladda Melez Zenaawi.

6- Xoghayaha guud ee Jumciyada Quruumaha ka dhexeeysa oo Mgacaabay Gudi soo baadha dhaqan galka Qaraarkii Golaha Amaanka ee Cunaqabateenta Hubka Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Koffi Anan ayaa magacaabay guddi saddex xubnood ka kooban oo soo baarayawaxii ka dhaqan galay Go,ankii Golaha Amaanka ee Cunaqabateenta Hubka ee sanadkii 1992 ay ku soo rogtay Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Jimciyada Qarumaha ayaa 28 bisha August cadeeyay in Koffi Anaan magacaabay saddexdaasi qof oo u shaqeyn doona qaab guddi, kuwaas oo u kuur gali doona jabinta cunoqabteynta dhanka hubka ee Jimciyada Qarumaha ku soo rogtay Soomaaliya iyo in ay kasoo baaraan dagaan tallaabooyin ku haboon oo lagu hirgalinayo cunoqabteyntaas.

Guddiga uu magacabaay Koffi Anaan ayaa waxay kala yihiin Ernas Jam oo Naderland u dhashay, Maxamed C/laahi Irbaake oo Sinigal u dhashay iyo Benjal Mugash oo uu dhashay dalka Norway.

Waxaa la filayaa in guddigan saldhig in uu noqon doono magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya, iyaga oo howlgali doono mudo lix bilood gudahood ah.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya in arintani ay wal wal galisay dowladda itoobiya, iyada oo la filayo in ay Itoobiya tahay dalka ugu weyn ee jabiyay Sharcigaas, taas oo u dhiganto in ay Itoobiya jabisay sharci calami ah.

7- Dawlada masar oo masafurinaysa 11 nin oo u dhashay Itoobiya

Dowladda Masar ayaa 11 nin oo u dhashay Itoobiya tarxiishay ka dib marka la cadeeyay in ay nimankaasi si sharci daro ah ku soo galeen Masar.

Dowladda Masar ayaa cadeeysay in 11kaasi nin dib loogu celin doono dalkooda sida ugu deg degsan.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa uu arka in arintani timid ka dib markay Itoobiya bilowday dhismaha biyo xireenkii ugu weyn Qaarada Afrika, Dawlada masar ayaa u aragta dhismaha Biyo xireenkaas mid wax u dhimi kara biyaha wabiga Nile, kaas oo qayb kamid ah ay ka yimadaan dalka Itoobiya.

Waxaa la filaya in tarxiilka dadka u dhashay Itoobiya ee ku sugan dalkaasi masar uu sii badan doono haday Itoobiya iyo Masar isku afgaran wayaan khilaafka u dhaxeeya ee la xiriira biya xireenka ay Itoobiya dhismahiisa wado.

8- Maxabiis Itobiyaan ah oo diiday in ay dalkoodii ku laabtan kadib markay Eretrea Ogalaatay in ay sii dayso.

Maxabiis ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ay ciidanka Eritrea ku qabateen dagaalkii 2 sano ka hor dhexmaray ayaa haatan loo fasaxay in ay Itoobiya ku noqdaan, hasa yeshee waxaa diiday in ay ku laabtaan dalkooda sida ay sheegtay haweeynayda afhayeenka uu ah haayada ICRC oo maalmahan dambe waday barnaamij ay Itoobiya iyo Eritrea isku waydaarsanayaan maxabiista ay iska qabteen, 29 kamid ah maxabiistaas Itoobiya ee ay hayso Eritrea.

Haweeynayda oo la yiraahdo Isabelle Bourgeois ayaa sheegtay in 29 maxbuus ay uu muujiyeen hayadeeda in aysan rabin in ay Itoobiya ku noqdan iyaga oo ka wal walsan in si khasab ah loogu daro ciidanka mar labaad.

Maxaabiistaas diiday in ay noqdaan ayaa waxaa ku jiray qaar u dhashay Qomiyadda Tigreega kuwaas oo cadeeyay in markoodii horeba si khasab ah loogu daray ciidamada ka dibna loo kaxeeyay goobta dagaalka.

Hibaaq Samatar
Radio Xoriyo

  radioxoriyo@aol.com      
 radioxoriyo@ogaden.com 

 
Dhegeyso warkan oo Cod ah

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo ee Geeska Afrika.


WARARKA OGADEENYA:
September.3.2002August.30.2002 | August.27.2002August.23.2002August.16.2002 August.13.2002August.9.2002 | August.6.2002 | July.30.2002 | July.26.2002 | July.23.2002 | July.19.2002 | July.12.2002 | July.9.2002July.5.2002 | June.28.2002June.25.2002 | June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk

TALO, TUSAALE IYO SU'AAL KUSAABSAN QORAALADA SOMALITALK.COM WAXAA LAGALA SOO XIRIIRIKARAA TIFATIRAHA GUUD EE BOGGA [Editor-in-chief] OO LAGA HELO http://www.somalitalk.com/feedback


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD