Dhibaatooyinka Soomaalida waxaa ka midda in ay
caadifadooda ka hor mariyaan caqligooda taas oo inta badan keenta in ay xal
u heli kari waayaan dhibaatooyin ay si fudud u xalin kari lahaayeen. Dhibta
ka dhex aloosantay maalmahan Somaliland iyo Puntland ma aha mid maanta
kowsatay. Waa mid in muddo ah soo jiitamaysay laakiin waxa maanta cirka
gaadhsiiyay waa qaraarada iyo hadalada caadifada ku dhisan ee ka soo baxaya
dhamaanba darafyada uu khuseeyo arinkani. Su’aalo badan oo in si cilmiyaysan
looga jawaabo loogana doodo ay tahay ayaa waxaa ka midda: Maxaa u sabab ah
mushkilada maanta taagan? dagaal xal ma keenayaa? iyo maxaa la gudboon
madaxda iyo wax garadka Somaliland iyo Puntland. Su’aalahaas ayaan hadii
Ilaahay fududeeyo aan kaga faaloon doonaa maqaalkan.
Sababaha Khilaafka
Sida lala wada socdaba sababaha khilaafkani waa dhul.
Sool iyo Sanaag bari ma Somaliland baa mise waa Puntland weeye asaaska
khilaafka labada maamul. Ku dhawaaqidii Soomaliland iyo dhismihii dawlada
Puntland waxa ay dhaliyeen dood wayn oo ah: degaanadan la isku hayaa ma waxa
ay ka tirsanyihiin Puntland oo ay xagga qabiilka isku dhawyihiiin mise waxa
ay raacayaaan Somaliland oo xagga degaanka iyo dhaqanka ay wadaagaan. Dhibta
waxa sii xoojiyay waa in reer Sool iyo Sanaag bari ay ka qayb galeen
dhismaha labada maamulba. Waxaa suuggan in hogaankii dhaqan iyo siyaasadeed
ee sool iyo sanaag bari uu yeelan kari waayay mawqif midaysan. Labada
maamulba siyaasiyiintoodu waa ay ka qayb galeen walina si cad cad ayay ugu
dhex muuqdaan dawladaha labada maamul. Mawqifkan aan midaysnayn ee
siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada reer Sool weeye aragtidayda sabata ugu
wayn ee keentay in khilaafkani soo jiitamo maantana uu gaadho meel khatar
ah.
Maamulka Somaliland oo Fiddi Wayday
Ku dhawaaqidii Somaliland waxa ay ku salaysnayd go’aan ay
gaadheen beelaha wada degga degaanadan. Maamuladii iska danbeeyay ee soo
maray Somaliland marna aragtidayda kumay guulaysan in ay maamul xoogan oo
wax qabad leh u sameeyaan barigga Somaliland. In yar oo siyaasiyiina mooyee
badiba shacbiga degga degaanadani ma aysan arkin wax horumara oo uga yimaada
xukuumada Somaliland. Sidaa daraadeed waxa la odhan karaa in kasta oo
beelaha degga Sool iyo sanaagta bari ay ka qayb galeen shirarkii beelaha
Somaliland ay ku dhiseeen Somaliland hadana marna qadiyada gooni isu taagu
kuma waynayn agtooda. Sheegashada Somaliland ee mandaqadahan iyadoo aan
awood maamul ku lahayn waxa ay keenatay in dad aan yarayn oo degga
degaanadani ay u arkeen maamulka Somaliland mid beeli iska wadato waxa ayna
is tuseen in dantu ugu jirto in ay ku biiraan Puntland oo ay isku beel
yihiin. Sidaa daraadeed Somaliland oo sheeganaysa dhulkan oo aanay awood
dawladeed ku lahayn iyo dadka degga mandaqadan oo qaarkood ayna rabin kala
go’a, xidhiidhna la yeeshay Puntland weeye sababta labaad ee khilaafkan..
Puntland Oo soo durugtay
Mudadii ay labada maamul dhisnaayeen waxaa muuqatay in
heshiis lagu ahaa in Somaliland iyo Puntland midina aanay degaanadan la isku
haysto ciidan keensan. Ciidamadii soo galay Laascaanood waxa ay keeneen in
Somaliland looga arko gardaro iyo xadgudub lagu sameeyay Somaliland. Sidaa
daraadeed ciidamada Puntland ee yimid Laascaanood waxa ay door ka ciyaareen
in xasaasiyadu ay kor u kacdo waana sabab kale oo kor u sii qaaday
khilaafaadka labada maamul.
Dagaal Xal ma aha
Su’aasha labaad waaxa weeye dagaalku xal ma keenayaa?.
Xalka mushkiladani aragtidayda xabad ma aha. Soomaali badan ayaa isku dayday
in ay mushkiladahooda qori ku xaliyaan dhawr iyo tobonkii sanno ee la soo
dhaafay, qoriguna xal aan bur bur ahayn uma keenin. Dhulka la isku hasyto
waxa ka wayn dhawrida dhiiga Muslimiinta. Waxaa ka soo aroortay Nabi Maxamed
in uu yidhi in dhiig Muslim la daadiyo Ilaahay agtiisa waxaa ka fudud in
Kacbada la burburiyo. Sidaas oo kale waxa ku sugan Quraankeena in dilka qof
bani’aad mi ahi ay u dhiganto bani’aadmiga oo la dabar gooyay. Sidaa
daraadeed waxaan odhan lahaa yaan xal laga dhigin daadinta dhiiga masaakiin
badan oo aan waxba galabsan. Midda kale dagaal iminka la galaa shaki la’aan
waxa uu hoos u dhigi doonaa sumacada, dhaqaalaha Puntaland iyo Somaliland.
Sidaa daraadeed xalku aragtidayda waa in la wada hadlo,
wixii khilaafana lagu dhameeyo wada hadal. Dadka mandaqadahan daga waa in si
xor ah oo aan cadaadis lahayn ay u cabiraan codkooda waana in raali lagu
noqdaa wixii ay doonaan. Inta ka horaysa taana waxa waxa ay nabadu ku jirtaa
in labada ciidanba ay dibada ka ahaadaan manaadiqdahan la isku haysto
Doorka Waxgaradka
Waxaa la gudbooon waxgaradka in ay caadifada ka koraan,
hormoodna ka noqdaan sidii arinkan nabad loogu soo dabaali lahaa. Waana in
aanay qalinkooda , taladooda iyo afkooda dabka ku sii hurinin.
Ilaahay Ummada khayrka ha waafajiyo.
Waad mahadantihiin
Qoraalkii 10aad.... Guji....
Wixii talo ah iigu soo
hagaaji e-mailkayga.