SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAD COW
Waa Maxay Cudurka "Mad Cow"

Waxaa soo ururiyey bahda SomaliTalk.com | December 24, 2003

Cudurka loo yaqaan 'Mad Cow' ayaa markii ugu horeysey soo gaarey dalka Maraykanka, sida ay talaadadii (December 23, 2003) shaaca ka qaaday wakaalada beeraha ee dalka Maraykanku. Waxaa wararku sheegeen in hal lo' ah laga helay cudurkaas. Bishan December 9keedii ayaa halka lo'ada ah lagu qalay beer ku dhow magalada Yakima, ee gobolka Washington. Saraakiil Maraykan ah ayaa isla markiiba dadweynaha dejiyey, ayagoo sheegay in hilibka lo'da ee Maraykanku uu yahay ammaan [eeg halkan].


Waa gurga kuyaal beerta lagu tuhmayo neefkii lo'ada ahaa ee loo malaynayo in uu qabo cudurka 'mad cow': Sawirka CBC

Isla saacado gudohood ayaa siddeed dal joojiyeen hilibka lo'da ee ay kasoo dhoofsan jireen dalka Maraykanka, tiradaas oo hal maalin kaddib maraysa 11 dal, dalalkaas waxaa kamid ah: Japan, Russia, Mexico, Taiwan, Australia, Hong Kong, Malaysia, Singapore, South Africa, South Korea, Taiwan iyo Thailand. [Halkan ka daawo dalalka mamnuucay hilibka lo'da Maraykanka] Dalka Japan iyo Mexico waa labada dal oo Maraykanak ka iibsada hilibka lo'da ee ugu badan. Dalka Japan waxa uu sannadkii 2002 Maraykanka ka iibsadey hilib lagu qiyaasay $842 million. Waxaana wararku sheegayaan in dalalka ilaa 24kii saacadood ee lasoo dhaafay joojiyey hilibka lo'ada Maraykanka ay yihii kuwo dhoofsan jirey 60% hilibka lo'ada ee laga dhoofiyo Maraykanka.

Shirkad kamid ah kuwa hilibka qala ayaa (Arbac 24, 2003) waxa ay shaaca ka qaaday in ay dib usoo ceshan doonto hilib lo'aad ay horay ugu dirtay dukaamada, hilibkaas oo miisaankiisu dhan yahay 10,410 rodol (pounds), hilibkaas oo ah kii ay soo saareen December 9keedii, ayaadoo ay dhici karto in hilibkaasi uu saamayn karo halkii lo'da ee maalintaas la qalay.

Waxa kale oo wararku sheegeen in uu hoos u dhacay xadigii hilibkii saylada, gaar ahaan waxaa taas laga dareemay goobaha ay kamid yihiin: McDonald's, Wendy's  iyo Tyson Foods.

Hadaba cudurkan sidaas isla markiiba looga qayliyey waa maxay?

Waa Maxay "Mad Cow Disease"?

Cudurka 'Mad Cow' waxa uu weeraraa dareen-wadayaasha jirka iyo maskaxda, ilaa uu ku dhigo lo'ada uu ku dhaco mid hawl gab ah ilaa marka damba ay ka dhintaan. Waa cudur halis ah oo bini aadamka ugu soo gudbi kara haddii ay cunaan hilib qaba cudurkaas.

Cudurkan oo ah kii dalka Ingiriiska ku diley 143 qof iyo 10  qof oo uu ku diley meelo kale oo dunida kamid ah, waa cudur ku dhaca maskaxda. Magaca sayniska ee cudurkaas loo yaqaan waa BSE (Bovine Spongiform Encephalopathy) , waxana uu kamid yahay cudurada la isu gudbin karo ee loo yaqaan TSE (Transmissible Spongiform Encephalopathies). Waa cudur ku dhaca dareen-wadayaasha, taas oo uu si tartiib-tartiib ah u wiiqayo, asagoo curyaaminaya habka isku xiran ee dareen wadeenka ilaa uu ka dhigo mid hawl gab ah, taas oo qaadan karta bilo ama sanado. Cudurkani neefka lo'da ah ee uu ku dhaco waxa uu maskaxdiida ka dhigaa mid dal-daloosha, taas oo noqota sida isbuunyada, kaddib waxaa neefkii noqonayaa mid aan kici karayn ama wareersan ilaa uu ka dhinto. Wax dawo ahna ilaa hadda looma helin

Cudurkaan 'Mad Cow' waxaa markii ugu horeysey laga helay dalka Ingiriiska sannadkii 1986.

Sannadkii 1988 bishii July ayaa dawlada Ingiriisku ku dhawaaqday in ay cirib tireyso dhammaan lo'dii lagu tuhmey cudurkaas.

Sannadkii 1989 ayaa Ingiriisku mamnuucan cunitaanka qaar kamid ah hilibka sida: Maskaxda, xangulaha   dhuuxa shafka, beer-yarta, iyo qanjirada.

Sannadkii 1990 ayaa la sheegay in cudurkaasi uu u gudbiey Yurub qaybeheeda kale, taas oo markii ugu horeysey laga helay dalalka Portugal (hal lo'ah) iyo Switzerland (labo lo'ah), waxana uu cudurkaasi markii dambe ku faafay ilaa 20 dal oo ka tirsan qaarada Yurub.

Sidee Cudurka "Mad Cow" ugu Dhacaa Lo'da?

XOOLAHA OO LAGU QUUDIYO XOOLO

Habka xoolaha loogu quudiyo wax kasoo baxa xolo kale ayaa ah nidaam lagu cayilanayo xoolaha, waxaana tusaale ahaan la shiidayaa waxyaabaha kasoo baxa idaha sida: xayrta, lafaha, iwm, kaddibna waxaa lasiinayaa lo'ada ayadoo loogu darayo waxyaabaha lagu quudinayo, si loo cayiliyo. Waana meesha laga yaabo in cudurka "mad cow" asalkiisii ka yimid.

Waxaa la rumaysan yahay in cudurkani asalkiisu ka bilaabmo marka lo'da lagu quudiyo waxyaabaha kasoo baxa hilibka xoolaha kale. Waxaa cilmbi baarisyo la sameeyey lagu ogaadey in asalkii uu cudurkani ka bilaabmay kaddib markii lo'da lagu quudiyeen waxyaabo ka soo baxay idaha. Sida taariikhdu dhigeyso Yurub waxaa muddo 200 oo sano ah dhibaato ka haysatey caafimaadka idaha oo uu ku dhici jirey cudur gala dareen-wadayaasha xoolaha. Markii ido cudur qaba hilibkooda wixii kasoo haray lagu quudiyey lo'da, ayaa lo'dii qaaday cudurkan aan horay loo aqoon jirin.

Sidee Cudurkani usoo Gaaraa Dadka?

Cudurka 'Mad Cow' waxa uu dadka kusoo gaari karaa haddii ay cunaan hilib neef qaba cudurkaas.

Calaamadaha cudurkani waxaa la sheegay in aysan isla markiiba qofka kasoo baxayn ee ay qaadan karto ilaa sanado, mudadaas dheerna maskaxda ayuu tartiib tartiib u weerarayaa ilaa uu ka dhigo hawl gab.

Tilmaan ahaana waxa lagu tilmaamay in cudurkani u dhowyahay cudurka loo yaqaan CJD (Crueutzfeldt-Jakob Disease) kaas oo ah cudur xubnaha jirka soo laalaaba.

Dalalkee ilaa Hadda Cudurkaas Lagu Arkay?

Ilaa markii cudurka 'Mad Cow' la ogaadey sannadkii 1986, waxaa cudurkaas laga helay ama la ogaadey in ay qabeen lo' tiradeedu gaareyso 180,000 (waa adduunka oo dhan). Dalalka ilaa hadda cudurkaas laga helay waxaa kamid ah: Austria, Belgium, Czech Republic, Denmark, Finland, France, Germany, Greece, Ireland, Israel, Italy, Japan, Luxembourg, Liechtenstein, the Netherlands, Northern Ireland, Poland, Portugal, Slovakia, Slovenia, Spain iyo Switzerland. Dhowaan ayaana Canada lagu daray liiska wadama laga helay cudurkaan. Maraykankana waxaa loo malaynayaa in markii ugu horeysey laga helay shalay (Dec 23, 2003). Laakiin 95% lo'ada uu cudurkaasi aafeeyey waa lo'da dalka Ingiriiska.

Xanuunka Gommada iyo Gafuurka

Waxaa soo ururiyey bahda SomaliTalk.com | December 24, 2003

Isha: CBC: CBS, ABC

»Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay? [C/Fatax]
»DIRAASAD: QAADKA  IYO WAXYEELLOOYINKIISA [Prof.Yusuf]
»
MAXEEY YIHIIN VITAMINS-KA AAN U BAAHANNAHAY? [Boqor]
»Qaabka aad maal gallinta u samayn karto [Luqmaan]
CAAFIMAADKA: JABTADA | AIDS | CHOLERA | SOKOROW

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD