SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - GERMANY

"QAXOOTIGII NOQONAAYA SIGAARA HALOO SII SAGOOTIYO" U.N

WQ. Xagar Yare

qaramada midoobay ayaa aaminsan in aan aad looga raja qabin in tirada dadka dalalkooda ka qaxayaa ay hoos xoog ugu dhacaan, laakiin waxay si cod dheer leh ugu baaqayaan in si quruxbadan loo siisagootiyo kuwa awooda inay dalkii ay ka soo bara kaceen dib ugu laabtaan.

madaxa xafiiska qaxootiga ee U.N mr Ruud Lubbers ayaa cadeeyay in tiro ku dhow 2 milyan oo reer afganistan ahi ay ku laabteen dhulkoodiii lixdii bilood ee ugu danbaysay.waxaa uu yiri kumannaan kun qaxooti ahaa ayaa ku laabtay bariga timoor(EAST TIMOR),Sierra Leone,iyo Eritrea.

laakiin waxaa uu ka digay in hadii aan gacanqabad xagga jeebka ah oo ay dib ugu degaan loo sii gaysanin in aanay noqoshadaasi waxba ka badalaynin noloshooda iyadoo ay xaqiiqtahay in ay aad isu dhibsanayaanba dadka ay ku dul noqdaan lana kulmayaan mid ka culusba tii markii hore soo bara kicisay.waxaa uu sheegay in xafiiskiisu ay la soo daristay hoos u dhac wayn oo gaaraya $ 48 million.

mr Ruud Lubbers oo lahadlayay golaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga kulan uu leeyahay iyo dalalka deeqda bixiya ayaa intaas ku daray in iyadoo ay noqoshada kooxaha qaarkood usuura galisay iyadoo dalalkooda ay ka yaraadeen carqaladaha siyaasadeed iyo isku dhacyadii horay usoo qaxiyay balse buu yiri ay meela kale ka aloosmayaan dhib bara kiciya kooxa kale sida Afrika iyo Bariga dhexe.waxaa uu farta ku fiiqay xeryaha qaxootiga reer Suudaan ee dalka Uganda(yugaandha)ee sida joogtada ah loogu weeraraayo xeryahooda,iyo ka hor istaag ba,an ee lagu hayo inay noqdaan ama si gaara wax u qabsadaan qaxootiga kongoleska (congolese)ee jooga Rwanda iyadoo qaar badan oo ka mida laguba qasbo inay ku biiraan kooxaha hubaysan ee mucaaradada.

kulanka xafiiskan qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa waxaa markiisii ugu horeeyay ka hadlay xoghayaha guud ee ururka jaamacadda carabta Mr.Caamir Muuse,

waxaa uu kulankaasi kaga digay in ayaan darro wayni kasoo indhacaddahay dalka ciraaq oo looga baqaayo buuyiri in dagaal ka oogmo,farta ayaan wadnaha ku hayaabuuyiri in qaxootibadani harqiyo dhamaan bariga dhexe iyo dunida kaleba hadii ay rumawdo dab ka holca ciraaq taasoo ayaan darro weyn dhalaysa.isagoo hadalkiisa siiwata Mr.Caamir Muuse waxaa uu ku tilmaamay degaal ka qarxa dalka ciraaq inay ayaan daro usoohoyatay noqonayso guud ahaan geyiga bariga dhexe oo ay haatanba Jab iyo Naasabeel laderistahay ka dhalatay xasarada maalinlaha ah ee u dhaxaysa shacabka reer falastiin iyo cutubyada israaiil,iyo xalin la,aanta qaxootiga reer falastiin ee laysku mari la,yahay sidii loogu suurta galin lahaa ku soonoqoshada baradoodii..

dhinaca kale mar aan maanta 02.10.2002 khadka telefoonka kula xiriiray xafiiska nabadsugidda iyo qaxootiga magaalada JIG-JIGA ayaa ii xaqiijiyay in qaxooti gaaraya 4000 ee soomaali ah ay iskood u dalbadeen laguna celiyay dalka soomaaliya todobaadkan.

waxaa uu maamulka xafiisku sheegay in 4,424 ee qaxooti soomaaliyeed oo ku noolaa xerada Kaam Abokor lagu celiyay dhowrkii cisho ee u danbeeyay woqooyiga dalka soomaaliya.waxaa lafilayaa in 29,650 oo kamida 35 000 qaxootiga soomaalida ah ee ku nool dalka ethipia lagu celiyo meelihii ay horay uga soobara keceen ka hor dhamaadka sanadkan 2002. waxaa haatan in laceliyo sugaaya iyaguna 41.758 kale oo ku jira xeryo ku kalayaalla magaalooyinka Harta Sheekha,Qabri-Bayax,Caysha,iyo Kaam-Abokor oo dhamaan ku yaalla Gobolka haatan loo yaqaan Kililka Shanaad ee Bariga Ethiopia.

wax fara qabsi muuqda oo lasiisiinaayo nalooma carabaabin naloomase dayrinin.

Xagar yare
xagar91@hotmail.com 
Germany

SOMALITALK.COM | October 5,  2002


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

QORAALADII HORE EE XAGARYARE


Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya
Qiyaastii 63% inkabadan ayaa Musliim ah 65ka milyan ee dadka Itoobiya.. GUJI..
Sept 30

XAGARYARE: Booliiska Jarmalka oo Heegan Galay 

"Sool iyo Sanaag waa qayb kamida Puntland"
Sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo katirsan DGPL oo u waramayey saxaafadda GUJI... 2/9

KOONFUR SOOMAALIYA SIDA HALOO DHAAMO

DOORASHADA UGAASKA BEESHA CIISE
Gudoomiyaha gudiga sare ee midawga qabiilka wayn ee Ciise, mudane maxamed Ugaas Xasan GUJI  16/8

Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
GERMANY - Faaladii Xagar Yare ee maanta ayaa kusaabsan "Ciidamada qalabkasida ee Jarmalka oo. GUJI..   Agosto 12

Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi GUJI.HALKAN  

Maqaaladii Hore ee Xagar Yare 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SomaliStar SomaliStar waa wargeys Soomaaliyeed oo kasoo baxa magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis, St. Paul ee gobolka Minnesota, USA, waa bille ee hamoogaan

 Kala xiriir halkan

DIGNIIN:

»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 

OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

 

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  
 
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD