SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Salmaan Rushdie : Ninkii Qur'aanka & Nabiga (scw) Caayey oo Minnesota Soo Booqday!

St.Paul, MN- Tiyaatarka caanka ah ee ku yaal xarunta gobolkan Minnesota, magaakada St.paul ee Fitzgerald ayaa xalay lagu marti galiyey mid ka mid ah qorayaasha ugu caansan dunida, waa Salmaan Rushdi-ye.

 
Salmaan Rushdie

Halkan ka dhegeyso warbixintii Radio MPR- GUJI

Ammaanka ayaa aad loo ilaalinayey oo waxaa nala dhex marsiiyey mishiinada hubka sheega ee Airport-yada laga isticmaalo, taas oo daliil u aheyd in Rushdie uu wali fajac iyo anfariir ku jiro. walow uu isagu isku muujinayey sidii nin aan ishiisu libirsan.

DIGNIIN:

»» Virsuka Halista ah ee Goldfish
»» Virus cusub oo cinwaano badan wata
»» Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT

»» Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
»» Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka

 Dhammaan ka akhri halkan 

Ahmed Salmaan Rushdie, wuxuu ku dhashay magaalada Bombay, 19-kii june, 1947-dii waddanka India, qoys muslim ah oo hodan ah ayuuna ka dhashay, awoowgiis ayaana gabyaa ahaa, aabihiina wuxuu ahaa ganacsade wax ku bartay jaamacadda Cambridge ee qaaliga ah ee Ingiriiska, waxaana loo soo diray waddanka UK markuu 14 jir- ahaa. halkaas ayuuna shahaadada Masters Degree- kaga qaatay jaamacada Cambridge ee ingiriiska, markiiba waxaa uu shaqo ka bilaabay taleevision eey pakistaaniyiintu leeyihiin, ha yeeshee kuma aanuu nagaan, Mr Rushdie wuxuu u beyray dhanka xayeysiinta, halkaas oo soo saare ka ahaa shirkad wax xayeysiisa, markii ugu horeysay waxaa jabaqdiisa lamaqlay 1983 dii markii uu qoray buug soo jiidasho lahaa, laakiin Mr Rushdie wuxuu gacantiisa isku dilay 1988-dii markii uu qoray buuga noqday buuga ugu caansan dunida (aayadaha sheydaanka) oo uu qur'aanka kariimka ah ula jeedo, halkaas ayuuna ku muteystay fatwadii imaam khumayni soo saaray ee dhowrka Million ee Dollar lagu siinayey qofkii soo dila Mr Rushdie.

Mr Rushdie hal wiil oo Zafar la yiraahdo ayuu dhalay, walow uu xaaskiisii furay sanadkii 2000 xilligaas oo uu magaalada New York u soo guuray, wuxuuna heystaa dhalashada waddanka ingiriiska.

Haddaba caawa nasiib wanaag ayeey ii aheyd inaan dhowr doolar ku horfariisto ninka madixiisa dhowrka Million oo doollar lagu doondoonayey, aniguse dhanka dilka iskuma wanaagsanin.

Saacaddu markey aheyd 8-da fiidnimo waqtiga Minnesota ayaa lagu soo dhaweeyey Salman Rushdie codbaahiyaha, halkaas oo uu ka salaamay dad kor u dhaafayey 1,000 qofood. 

Barnaamijkan oo eey soo qabanqaabiyeen si wadajir ah : Raadiyaha Minnesota, Wargeyska Startribune iyo xarunta suugaanta ee Loft ayaa waxaa lagaga hadlayey buug uu dhawaan qoray Mr Rushdie oo uu ugu magac daray ( Step Across this Line), waana buug isku dhaf ah oo uu kaga hadlayo dhinacyo badan oo nolosha taabanaya oo eey ka mid yihiin; doorashooyinkii mareykanka 2000-kii, islaamka & weeraradii sept 11, Mr Rushdie Sept 11 -2001 wuxuu joogay magaalada Houston ee gobolka Texas, wuxuuna isku diyaaranayey inuu Minnesota yimaado maalintii xigtay. ha yeeshee ma suuroobin. wuxuuna aad qeyb buuga ka mid ah xooga u saaray " caburinta lagu hayo qorayaasha & saxaafadda caalamka islaamka" durbadiiba waxaan soo xusuustay midda hadda kala heysata DKMG ah & saxaafadda xamar oo indhawaalaba kacdoon & shaqo joojin ku jiray.  

I  I  D  H  E  H

Mr Rushdie ilaa iyo hadda 8 buug ayuu qoray, wuxuuna soo ifbaxay isagoo wata jaakadaha eey madaxdu qaataan, laakiin sidaan filayeyba Nektiin ama Tie ma uusan wadan, waa nin ifaya, oo bidaar weyna leh, si daggana u hadla. waxaa igala muuqatay inuu hadda gabowgii ku batay oo tintiiba cirra qarisay. qofkii aad u dhugtaa wuxuu horfariisadkiisa kala soo dhex bixi karay inuu yahay nin aad u maskax badan, laakiin eey talo ka xumaatay, maxaa yeelay hadalkiisa waxaa ka muuqatay inuu woxooga ka shalaaysan yahay buugii uu diinta islamka iyo nabi muxammad-ba NNKH ku aflagaadeeyey. Mr Rushdie wuxuu aad isaga ilaalinayey inuu dhex dabaasho arrimaha ku saabsan buugaas, walow uu mar kaga dhawaajiyey geeraar yar oo uu ku tilmaamayey sida noloshiisu u ba'asan tahay ka gadaal buugaas, wuxuuna yiri " ... runtii 10 sano oo mugdi ah ayeey i galisay Fatwadii Aayatullaahi Khumainy...." . isago hadalkiisii sii watana wuxuu yiri " xitaa Visa-da waddankeygii India waa la ii diiday" walow buu yiri eey u suura gashay inuu soo booqdo wadankiisa hooyo ee India laba sano ka hor, wuxuuna sheegtay in " si aad u wanaagsan loo soo dhaweeyey, iska daa inaan wargeysyada wajigooda hore ka muuqdee waxaan fool-ka fool ula kulmay madax iyo aqoon yahanno".

  rushi
Rushiii
buugiisii oo la gubayo 

Aniga iyo saaxiibkeey Cabdi dheere oo aan isgarab fadhinay ayaa sugi la'eyn in Mr rushdie arrimahaas ka hadlo, laakiin markii aan aragnay inuusan ka hadleyn ayaan go'aansaday bal inaan Mr Rushdie su'aal weydiiyo, 15-kii daqiiqo ee ugu danbeeyey ayaa loo oggolaaday in dhowr su'aalood la weydiiyo, laakiin nasiib xumo dadka meesha isugu yimid ayaa ku meereysanayey su'aalo aan aniga & saaxiibkeeyba xiiseyneyn. nasiib wanaag su'aashii ugu danbeysay ayaa fursad la ii siiyey inaan si toos ah qoraaga u weydiiyo, waxaanan weydiiyey " maxaa kuugu kalifay inaad qorto buugaaga - aayada sheeydaanka- ....? Mr Rushdie oo eey ka muuqato inuusan la dhicin su'aasheyda xanuunka badan ayaa la soo booday " .. een horta buugaba khalad baa laga fahmay, oo 95% kama aanan hadal wax diin ku saabsan, waxaan kaliyata doonayey inaan shactirooyo oo aan dadka ka qosliyo, laakiin nasiib xumo meel kale ayaa lala aaday .." Mr Rushdie ayaa inta kursigii dib isku janjeershay misana raaciyey isdifaacid waadix ah . isagoo ila hadlayana wuxuu raaciyey" .. een waxaa iiga kaa muuqata in waxa aad rumeysan tahay kuugu kaliftay inaad su'aashan i heybido... " waxaa ka muuqatay Mr Rushdie in uu difaac adag kaga jiray su'aalaha noocan oo kale ah, walow uu ku gunaanaday " dantii aan buuga u qoray ma aheyn inaan dad iyo diin toona ku caayo, inaan dad ka qosliyo ayaan rabay" qossolku mar mar buu halis yahaye, Mr Rushdie 1989-kii markii caalamka islaamka oo dhan kacdoomay ayuu isagoo BBC-da la hadlaya yiri " waan ka raali galinaa aqristayaasheyda in buugu dareen kacdoon dhaliyey" taas oo aanan runtii qancin caalamka islaamka oo u fahmay inuu " jees jees ka wado " .


Muslimiin bombay jooga oo gubaya sawirka Mr Rushdie.

Mr Rushdie oo ka hadlayey " wadani-nimada" ayaa yiri " anigu kumaba wanaagsani wadani-nimada, waxaanse aad u jeclaadaa magaalooyinka waaweyn si kasta oo eey wasakh iyo dacdarro uga muuqato; Bombay ayaan India oo dhan ka jeclahay, London-na Uk ayaan ka jeclahay, New York-na Mareykanka oo dhan ayaan ka jeclahay" inkastoo Mr Rushdie isu muujinayey inuu yahay nin aan laga nacbeyn caalamka, haddana shaki wuxuusan ku jirin in wali uu safka hore uu kaga jiro liiska loogu neceb yahay caalamka islaamka, sidaas awegeed ayuu indhawaalaba Mr Rushdie ku celcelinayey in diinta islaamka la afduubay oo eysan aheyn " argagixso" .

Mar la weydiiyey inuu wax ka sheego waxyaabaha ka dhigay qoraa " horumaray" wuxuu ku celiceliyey in loo baahan in qofka doonayaa inuu qoraa noqdaayi " go'aan " adag leeyahay, maxaa yeelay waa howl aad u adag, samirna u baahan.

Mr Rushdie waxaa ka muuqatay inuu aad u furfuran yahay, dhowr goor ayuuna ku guuleystay inuu dadweynihii ka qosliyo, laakiin si taxaddar iyo dhiifoonaani ku dheehan tahay ayuu su'aalaha uga jawaabayey.

C/raxman Ceynte

Fitzgerald Theater.

St.Paul, MN

ceyntejournalist@attbi.com

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.

AFEEF: Xusuuqda Sawirada ka eeg halkan 

Oct 3, 2002


DIGNIIN: VIRUS HALIS AH
WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

 

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya
 
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
Wiil Dhallinyaro ah oo Siweyn u Gubtey
wiiloo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta ah... GUJI..

 



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD