| 
  Ragga toodii aragnaye 
 
 
 Dumar talo ma laga deyey
 
  
 
 
 Mohamed Hirsi |
 Sweden 
 
 Abdibashir@hotmail.com
 
 
 
 ”Dumar talo ma laga deyey”;
 
 
 waa sheeko maldahan oo macnaynaysa dhacdooyin run ah oo la xidhiidha taariikhda
 Soomaalida ee Casriga ah iyo wixii keenay dhacdooyinkaas. Sidoo kale waxay
 saadaalinysaa xal lagu nasto iyo wadooyinka lagu gaadhi karo mid ka mid ah. Nuxurka qisadu wuxu leeyahay
sidan: 
 
 
 ”Waxa jiray umad lagu magacabo reer Soofmaal oo ku noolaan jiray dhul lagu
 magacaabo Dalsan. Reer Soofmaal waxay ahaayeen xoolo dhaqato. Dadku waxay
 ahaayeen qaar is jecel oo isu naxariista. Lagama aqoon deegaankooda caydh iyo
 cuduratoona. Sidoo kale colaadaha ayaa ahaa waxa ay maqlaan uun. Barwaaqo ayey
 iskaga jireen weligood. Laakiin Biyaha ayaa qaliil ku ahaa. 
 
 
 Iyagoo sidaas isaga nool oo ku qanacsan noloshooda ayey maalin maalmaha ka mida
 ku soo dul degtay marti aan la garanaynin. Martidii waa la soo dhaweeyey, balse
 kun jeer ayaa laga qoomamooday aakhirkii. Waxay u horseedeen reer Soofmaal
 silic iyo saxariir aan laga sheekayn karin. Markasta oo laysku dayo in wax laga
 qabto dhibkaas, xaaladu way sii xumaanaysay. Markasta oo loo maleeyo in xal la
 gaadhayba, waxa soo baxda dhibaato tii hore lagu illaabo. Aakhirataankii
 dumarka reer Soofmaal ayaa lagu wareejinayaa xal raadinta umadooda. Waxanay ku
 guulaysteen arin ragu ku rafaaday hagaajinteeda 100 sano”. 
 
 
 Qoraalkan waxan u doortay magaca ah : ”Dumar talo ma laga deyey” oo
 aan ka soo dhex xulay magacyo badan oo ku wada haboon in loogu magac daro
 qisada buuga. Waxa ka mida magacyadaas: ”Qisadii reer Soofmaal” ama
 ” Qisadii yaxaasyada” ama ”Wadadii halaagga” ama ”Ardaydii
 geed-is-mariska” ama ” Martidii nuxuusta”.   Mohamed Hirsi
 Sweden
 Abdibashir@hotmail.com
 Faafin: Sept 13, 2002  AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan    
 WARARKA KALE 
 AGOOSTO  | WARARKii 
July» GUJI
»
 June |  MAY
APRIL | 
 MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001 
em@spam.com
 |