SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

C/Qaasim

Xasan Abshir
deerow Deerow galaydh Galayr
Ergo ka kooban 3 xubnood oo C/qaasim u dirayo Mr. Kipligat

Mogadishu Weekly Reporter A. D
weekly@somalitalk.com

April 29, 2003

Ergo saddex xubnood ka kooban oo ka socda C/Qaasim oo u ambabaxaya kenya.

C/dalla Deeroow Isaaq oo laga yaabo in xilka laga qaado iyo  xukkuumadda Xasan Abshir Faarax oo laga yaabo in kalsoonida lagala laabto, lana marsiindoono wadadii xukuumadii Galayr.

Madaxweynaha dawladda KMG ah Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa kalfadhigii 5-aad ee shalay u furmay golaha Baarlimaanka KMG ah, ka sheegay inuu ergo khaas ah u diri doono wakiilka dawladda Kenya u qaabilsan shirka dib u heshiisiinta Mr. Kipligat oo uu ka codsan doono in ilaa 7 cisho dib loogu dhigo shirka Mpegathi, si ay wada tashi u yeeshaan golayaasha TNG-da, inkastoo uusan madaxweynuhu sheegin shalay xilli cayiman oo la dirayo ergadan xambaarsan codsigiisa, waxaanse ilo lagu kalsoonaan karo oo u dhow madaxtooyada C/Qaasim ay Somalitalk u sheegeen in ergadaasi ay ambabaxayaan maalinnimada berri ah ee nagu soo fool leh, iyadoo la sheegay in ergadaasi ay ka koobnaan doonaan 3 xubnood, inkastoo aan la magacaabin.

C/qaasim wuxuu furay kalfadhigii shalay, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad taabanaysay dhinacyo badan, hase ahaatee madaxweynuha DKMG marna ma uusan xusin khilaafka issa soo taraya ee kala dhexeeya guddoomiyaha golaha Baarlimaanka C/dalla Deeroow Isaaq iyo waliba Ra'iisul wassaaraha dawladda KMG ah Xasan Abshir Faarax, isagoo ku dheeraaday ka hadlidda arimaha gobolka Benaadir iyo shirka Mpegathi oo uu rajo xumo ka muujiyay.


 I   I  D  H  E  H  

Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga: km-5 Mogadishu


Kalfadhigii shalay waxa uu u dhacay si caadi ah, laakiin dad badan ayaa aaminsan inuu kalfadhigani wax badan ka duwanaan doono kuwii noociisa ahaa ee hore loo qabtay, dadka siyaasadda indha indheeya ayaa sheegaya in Kalfadhigan 5-aad oo si toos ah u furmaya Arbacada in loola jeedo sidii xil ka qaadis loogu samayn lahaa guddoomiyaha golaha Baarlimaanka KMG ah C/dalla Deeroow Isaaq iyo waliba sidii kalsoonida loogala laaban lahaa xukkuumadda Xasan Abshir Faarax, oo la doonayo in la marsiiyo dhabaddii ay martay kal hore tii Dr. Cali Khaliif Galayr.

Dhinaca kale waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Xasan Abshir iyo C/dalla Deeroow ay iyaguna dhinacooda ka wadaan, sidii ay Kipligat uga dhaadhicin lahaayeen inuu gabi ahaanba soo raro xildhibaanada ku shirsan Muqdisho oo la keeno halka shirku ka socdo ee Mpegathi, codsigaas oo la sheegay in isla shalay galabba ay u gudbiyeen Mr. Kipligat, inkastoo aan la ogayn waxa uu Kipligat ugu jawaabay mas'uuliyiintaas, waxayna arintu u muuqataa in ragga ugu sareeya dawladda Carte ay xarig jiid ku jiraan, xilli waliba uu waqtigoodii sii idlaanayo.

 Xasan Abshir iyo C/dalla Deerow oo Shir Jaraa'id ku qabtay Nairobi [30/4/2003]

Mogadishu Weekly Reporter A. D

weekly@somalitalk.com

Qoraaladii hore ee Mogadishu Weekly

<><><>

IIDHEH: Machadka Beder ee Boosaaso... Soo Booqo Maanta 

<><><>

Baarlamaanka KMG ah oo uu u furmay kalfadhigii 5aad 
iyo min $1000 Doolar oo loo qaybiyay xildhibaan walba.. GUJI..  29/4

KAAH

Maxaa ka dhalan kara shirka Nairobi?
waa faallo dheer oo Ibraahim Maxameddeeq ka qoray shirka  Soomaalida ka socda Kenya.... GUJI..  

Dhoobley oo lagu diley Saddex Walaalo ah
7 qof ayaa ku dhintay falal dil ah oo si gaar-gaar ah uga kala dhacay Dhoobley, Muqdisha iyo degmada Lafoole... GUJI..  28/4

Masaajidka Muslimiinta Sweden Oo Gubtay
Masaajidka ugu weyn ee ay leeyihiin muslimiinta ku dhaqan dalalka waqooyiga Yurub ee Iskaandaneefiyanka ayaa GUJI..  28/4

Go’aankii Ergada DKMG uga Qeybgaleysa Shirka NRB
Shir ay ergayda DKM ku yeesheen Hotel 680 Nairobi ayaa qodobadii ay ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa in.. GUJI..  28/4

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Shaar Guduud oo shaarkii Bedeshay »»Siilaanyo iyo Riyaale Kumaa Madaxweyne ah? »»Xaaji Muuse &  Col.C/laahi waa.. GUJI..

Qodobo ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee ku shiraya Mbagathi
warbixintii IQRA FM.... GUJI 28/4
 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii Dagaalka


Soomaaliya Shalay iyo Maanta  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD