SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo Taxaabay

SomaliTalk.com | Minneapolis | August 21, 2003

Waxaa xabsiga loo taxaabay 25-jir lagu magcaabo Salvador Anthony Pacheco oo reer Minnesota ah. Ninkaas oo lagu soo waramay in uu 8dii August diley taxi-wade Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Maxamed Axmed Saalax.

Sida ay sheegeen booliiska Minneapolis, Salvador A. Pacheco iyo laba qof oo kale ayaa qiyaastii 1:00dii habeenimo ee August 8 soo galay taxigii uu waday marxuum Maxamed Axmed Saalax. Pacheco iyo labada la socdey waxay taxiga u qaateen goob lagu gado khamriga, daqiiqado yar ka dib Pacheco ayaa laba-jeer madax ka toogtey taxi-wadihii.


Ahmed Hussein Axmed
Latoogtey: July 10, 03

Mohamed Ahmed Salah
Latoogtey: August 8, 03

Waxaa warku intaas ku daray in qof aan la magcaabin oo la socdey Salvador A. Pacheco uu sheegay in markii ay taxiga qaateen daqiiqado yar ka dib uu Pacheco madax ka toogtey tax-siilihii (Maxamed A. Saalax), kaddibna uu taxi-gii meel duqeeyey, markaasna ay saddexdii qof ee saaraa carareen.

Qofkaas la sheegay in uu Taxi-ga kujirey waxa uu sheegay in uu arkay Pacheco oo xabbada ku dhifanaya Maxamed Saalax ayadoo aysan jirin wax sabab ahna uu toogtey marxuumka.

Waxaa wararku intas ku dareen in cajalad kuwa sawirka duuba (surveillance tape) ee meel shidaalka laga qaato oo taxi-gu istaagay laga arkay Pacheco oo taxi-ga ka galaya dhanka ku beegnaa Maxamed Saalax gadaashiida.

Pacheco waxaa sannadkii 1997 lagu soo eedeeyey dil loo geystey 14-jir, dilkaas oo ka dhacay Hastings. Waxaa xabsiga damaanad looga soo daayey 1999. Waxaase xasbi lagu celiyey February, 2000 kaddib markii uu jebiyey damaanadii xabsiga looga soo daayey. Waxaase markale damaanad lagu soo daayey bishii June ee sannaadkan 2003. Waxana uu diley Maxamed Saalax markey taariikhdu ahayd 8dii Agoosto 2003.

Marxuum Maxamed A. Saalax waxay da'diisu ahayd 28-jir waxa uu lahaa xaas, waxaana xaaska hadda leedahay uur shan bilood ah.

Dilkaan waa kii labaad oo loo geysto Soomaalida Taxi-wadayaasha ah ee magaalada Minneapolis in kayar bil gudeheed, July 10keedii ayey ahayd markii Taxi lagu dhex toogtey Axmed Xuseen Axmed oo 38-jir ahaa, waxaana dilkaas loo xiray 20 jir lagu magcaabo Sylvester Leondo Scott. [Eeg Halkan....]

Waxaa taas ka horeeyey in Bishii Maarso 8, 1998 Minneapolis laga helay meydkii Siciid Cigaal oo Soomaali Taxi-wade ahaa oo la toogtey. Marxuum Siciid waxaa lagu dhex toogtey taxi uu wadey.

Qayb ka mid ah shirkadaha Taxi-yada ee Minneapolis ayaa hadda soo rogey ama khasab ka dhigay in qofku marka uu taxiga soo galo markiiba sawir laga qaadi doono, waxaana sawirka qaadaya sawir-qaade (camera) ku xiran taxiga.

SomaliTalk.com | Minneapolis, USA | ISHA: KSTP-TV | WCCO-TV | KARE11-TV | STarTRibune

Shir Dhexmaray Duqa Minneapolis & Soomaalida
Shirkan oo la xiriirey qadiyadda dilkii labada marxuum ee.. Guji...

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika

WARARKII HORE EE DILKII TAXI-WADAHA SOOMAALIYEED


TAXI-WADE SOOMAALIYEED OO LAGU TOOGTEY MINNEAPOLIS, USA

Maxruumka oo magaciisa la oran jirey Maxamed Axmed Saalax (oo ku magac dheeraa "Ina Januune"), waxa uu telefoon u soo diray xaaskiisa wax yar ka hor intii aan la toogan, waxana uu xaaska u sheegay in ugu yaraan qof uu ka shakiyey uu gaariga u saaran yaha uuna soo wici doono. Xaasku waxay leedahay uur shan-bilood.

SomaliTalk.com | Minneapolis | Minnesota | USA | August 8, 2003 | Updated 6:30pm  local


Marxuum: Mohamed Ahmed Salah
Sawirada waxaan ka qaadnay TV-ga Channel.5

Magaalada Minneapolis ayaa xalay lagu toogtey Taxi-wade Soomaaliyeed. Saacadu markii ay ahayd 1:20am  ayaa marxuumka lagu toogtey dhanka koonfureed ee magalada halka lagu magcaabo East Phillips Park oo u dhow is-goyska labada wado ee 24th St. iyo 18th Av. S. Nooca taxi-guna waxa uu ahaa shirkadda  Red & White.

Sida uu weriyey TV-ga Channel.5 ee magaalada Minneapolis, Taxi-wadaha la toogtey magaciisa waxaa la oran jirey Maxamed Axmed Saalax.

Warar kale ayaa sheegayin marxuumka lagu naanaysi jirey  (Ina Januune)

Marxuumka oo da'diisu ahayd 28-jir waxa uu lahaa xaas, waxaana xaaska hadda leedahay ay ka dhiman tahay afar-bilood [yacni waxay leedahay uur shan bilood ah]

Xaaska marxuumka magaceeda waxaa layraahdaa Ruqiyo Cusmaan.

Waxa warku intaas ku daray in uu marxuumku xaaskiisa soo wacay asagoo u sheegay in uu Taxi-ga kuwado ugu yaraan qof uu ka shakisan yahay, waxana xaaska kusoo wacay telefoonka gacanta  asagoo u sheegay in uu soo wici doono, dib dambe uma soo wicin, hadalkaas uu xaaskiisa u sheegay ayaana ugu dambeey wax laga maqlo marxuumka.

Waxaana hadda baaritaan lagu wadaa raad lagu arkay meeshii gaariga marxumka loogu yimid.

Dilkan xalay waa kii labaad oo loo geysto Soomaalida Taxi-wadayaasha ah ee magaalada Minneapolis in kayar bil gudeheed, July 10keedii ayey ahayd markii Taxi noociisu yahay shirkada Blue & White lagu dhex toogtey Axmed Xuseen Axmed oo 38-jir ahaa, asagoo markaas marayey dhanka woqooyi ee magaalada Minneapolis, waxaana dilkaas loo xiray 20 jir lagu magcaabo Sylvester Leondo Scott. [Eeg Halkan....]

Waxaa taas ka horeeyey in Bishii Maarso 8, 1998 Minneapolis laga helay Siciid Cigaal oo Soomaali Taxi-wade ahaa oo la toogtey. Marxuum Siciid waxaa lagu dhex toogtey tax uu wadey oo ahaa shirkada Blue & White.

ilaa hadda ma jiraan cid loo xiray dilka u dambeeyey. Dhanka kale taxi-wadayaal badan ayaa dalbanaya in lasoo rogo nidaam lagu ilaalinayo ammaanka taxii-layaasha, sida in kaamaro lagu xiro taxiyada.

Taxi-wadayaasha ugu badan magaalada Minneapolis waa Soomaali.



Sawirada waxaan ka qaadnay TV-ga Channel.5

Taxi-wade Soomaali ah ayaa TV-ga u sheegay in Maraykan ay u yimaadeen nolo wanaagsan oo aysan soo raadsan in halkan lagu laayo.

Shariif Mooge ayaa tacsi u diray ehelkii Marxuumka, tacsidaas oo uu soo gaarsiiyey SomaliTalk waxa uu ku sheegay in uu aad uga naxay geerida marxuumka uuna ehelkiisii Allah uga baryayo in uu ka samir siiyo.

Dad badan ayaa maanta isugu soo baxay goobtii marxuumka lagu diley, waxayna gaar ahaan la weydiistey in dawladdu ay wax ka qabato ammaanka taxi-wadayaasha.

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | Aug 8, 2003

ISHA: Channel.5

-dhammad-


20 Jir Loo Xiray Dilkii Axmed Xuseen.. Minneapolis
Qareenada u doodaya marxuumka ayaa sheegay in.. GUJI... July 29

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.
 GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

Nin Soomaaliyeed oo Lagu toogtey Maxkamad Dhexdeed - Yemen
Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegay in ladiley Soomaali lagu magcaabo C/Shakuur Aadan kadib markii lagu dhex toogtey.. GUJI.  30/6/2002

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001

.... MAXKAMADII DILKII SHIDANE.... CANADA

.... DILKII ABU-QAASIM.... MINNESOTA   


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD