SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - INDIA
 CUDURKA AIDS-KA

Muxuu yahay, sidee lagu kala qaadaa, maxaana looga hortagi karaa?

W.Q. Faarax Axmed Muuse, (colow30@hotmail.com
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi

Cudarka Aids-ka waxa uu fara ba’an ku hayaa malaayiin qof oo dunida guudkeeda ku nool, waxaana u nafwaaya dad aan yareyn maalin walba. Cudarkan oo mashquuliyay maskaxda khubaro badan oo cilmiga sayniska ku takhasusay sidii ay xal ugu heli lahaayeen, dowlado badan iyo hay’ado samafaleedna ay geliyeen maalaayiin doolar oo lacag ah sidii loo xakameyn lahaa cudarkan dilaaga ah. Hadaba waxaa lama-huraan ah inuu qof waliba fikrad ka haysto waxa uu yahay Aids, waxa keena, heerarka uu maro bukaanka cudarkan qabaa, calaamadaha lagu garto iyo siyaabaha kala duwan ee la isugu gudbiyo feyruska keena Cudurkan.

Cudurkan waxaa keena nooc ka mid fayraska oo loo yaqaan HIV (Human Immunodifeciency Virus), feyraska noocani waxa uu toos u weeraraa unugyada difaaca jirka Aadamiga, weerarkaas kadib hidda-sidaha Feyraska HIV-ga (DNA) waxa uu toos ula midoobaa hidda-sidaha qofka bukaanka (DNA of the host), waxaana dhacda in ay mideysnaadaan muddo aan yareyn inta badana lagu qiyaaso 5-10 sanadood, xilligaas oo qofka bukaanka ahi uusan muujin wax calaamado cudur ah (Assymptomatic period). Muddadan kadib waxaa dhacda inuu feyras badani ka soo tarmado hidda-sidayaashii mideysnaa, dabadeedna weeraro unugyada kale ee jirka, gaar ahaan unugyada difaaca ee loo yaqaan 'T4 cells' oo ah qeyb ka mid ah unugyaada cad-cad ee dhiigga (WBCs), hoos u dhaca ama baaba’a ku yimaada unugyada difaaca ayaa sababa inuu qofku u nugloonaado cudaro badan oo qofka caafimaadka qaba aan waxba ku aheyn sida Hargabka, Qaaxada, dhaawacyada, iwm, kuwan oo inta badan sababa dhimashada qofka cudurka Aids-ka qaba.

CALAAMAADAHA LAGU GARTO BUKAHA CUDARKA AIDSKA

Calaamadaha lagu arko bukaha cudurka Aids-ka qaba waxaa loo kala saaraa saddex marxaladood oo kala duwan.

Calaamadaha la arko xiliga bilowga qaadida Feyraska HIV-ga (Period of Acute Infection).

Muddo ku siman toddobaadyo ama ugu badnaan sanad, taasoo ka billaabaneysa xilliga u horreysa ee uu bukuhu qaado feyraska HIV-ga ayaa ah xilliga u horreeya ee qofku muujiyo calaamado cudur, waana xilliga ugu horreeya ee baaris cudurkan ku saabsan la sameyn karo, si kastaba ha ahaatee caalamadaha uu muujiyo bukuhu marka uu marxaladan joogo waxaa ka mid ah:

1. Qandho (fever)
2. Madax xanuun (headache)
3. Barar iyo xanuun ku yimaada qanjirada difaaca (lyphadenopathy)
4. Caabuq ku yimaada gudaha dhuunta (pharyngitis)
5. Murqo xanuun (myalgia)
6. Daal (fatigue)
7. Xanuun ku yimaada kala-goysyada (arthratgia)
8. Finan yar-yar oo jirka ka soo yaaca (Macular rash).

Xilliga calaamad la’aanta (Assymptomatic period) Calaamadahaas aan soo sheegnay waxa ay bukaha ka muuqdaan muddo aan badneyn oo ku siman maalmo ama toddobaadyo, kadibna bukuhu waxa uu u muuqdaa qof ladan oo caafimaad qaba xataa waxaa adkaata in baaris lagu ogaado inuu qabo cudurkan iyo in kale in la isticmaalo qalab horumarsan mooyee, taasna waxaa ugu wacan hidda-sidaha Feyraska HIV-ga (DNA) iyo midda bukaha ayaa midooba, taas oo keenta inuusan feyrasku muujin taran ah, taas oo macnaheedu yahay inuusan jirin wax feyras (HIV) ah oo weerar ku haya unugyada difaaca jirka. Sidaa darteed ayuusan bukuhu muujin wax calaamado cudur ah. Maraxaladdan calaamad la’aanta ah ayaa inta badan lagu qiyaasaa in ay ku sinnaan karto 5-10 sanadood, balse ogow qofkani waxa uu awood u leeyahay inuu cudurkan gudbiyo.

Calaamadaha la arko xiliga u danbeya ee cudarka (crisis stage or Aids) Muddadaa dheer ee uusan bukuhu muujineyn wax calaamado cudur ah kadib, ayuu feyraska (HIV)-gu bilaabaa inuu tarmo (replication), uuna weerero unugyada difaaca jirka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan "T4 cells", kuwaasoo ka mid ah unugyada cad-cad ee dhiigga (WBCs), taas oo ugu dambeynta keenta inuu difaaca jirka hoos u dhaco amaba howl gabo gebi ahaanba. Marxaladan marka uu gaaro bukuhu waxaa dhib ugu filan cudur yar oo ku dhaca sida hargab, iwm, kaas oo keeni kara dhimashada bukuha, calaamadaha inta badan lagu arko dhibbanaha cudurkan qaba ayaa waxaa ka mid ah.

1. Barbaro cad-cad (finan) ka soo yaaca carabka, cirridka iyo gudaha dhabanada (oral hairy leukoplakia)
2. Miisanka qofka oo si joogta ah isu dhima (weight loss)
3. Daal badan (fatigue)
4. Dhidid habeenkii ah (Night sweats)
5. Shuban joogta ah.
6. Nabarro maqaarka sare ka soo baxa (koposis sarcoma)

Inta badan qofku marka uu marxaladan joogo waxa uu nuglaanaadaa cudarrada ay keenaan Bagteeriyada , fungaska, iyo qeybaha kale ee feyras-ka, kuwaas oo inta badan soo dedejiya dhimashada bukaha.

SIYAABAHA LA ISUGU GUDBIYO FEYRASKA (HIV) EE SABABA CUDURKA AIDS-KA

Feyraska HIV-ga waxaa la isugu gudbin karaa siyaabo fara badan sida: 

1. Galmo lala sameeyo qof qaba cudurka Aids-ka.
2. Hooyo cudurka qabtaana waxa ay u gudbin kartaa ilmaha ay uurkiisa yeelato, kaas oo ku dhasha cudurkan laayaanka ah.
3. Dhiigga laga soo qaaday qof cudurka qaba oo lagu shubo qof kale ama la taabsiiyo nabar ama dhaawac jirkiisa ka mid ah.
4. Makiinad, qalabka qalliinka, iyo qalabka loo adeegsado ilkaha oo loogu adeegay qof cudurka Aids-ka qaba, qalabkaas oo loo adeegsado qof aan qabin fayruska.
5. Waxaa kale oo cudurkan la isugu gudbin karaa feyraska HIV-ga, caanaha, candhuufta, iyo dheecaanada kale ee jirka qofka Aids-ka qaba.

KA-HORTAGGA, XAKAMEYNTA IYO DAAWEYNTA CUDURKA AIDS-KA.

Ka hortagga iyo xakameynta faafidda cudurkan ayaa ah mid sahlan haddii aragti islaami ah lagu fiirsho, noqon kartana mid aan sahlanayn haddii dhaqanka reer galbeedka loo fiiriyo, sababtuna waxay tahay faafidda cudurka AIDS-ka ayaa ah mid ku salaysan gogol-dhaaf (sino) iyo anshax-xumo (fuxshi) inta badan, dadka uu ku dhaco ayaa intooda badani yihiin ragga-ragga u taga (khaniisiin) iyo dumarka iyo ragga gogol-dhaafka sameeya. Ka-hortagga cudurkan ayaa qoloba si u aragtaa, tusaale ahaan Reer Galbeedka ayaa aaminsan ku-barbaarinta iyo baridda carruurta qaababka galmada (Sexual education) iyo isticmaalka cinjirada (condoms) inay tahay qaabka ugu wanaagsan ee cudurkaan looga hortegi karo, balse waxaa la oran karaa waxay ka taliyeen oo kaliya faafiddiisa, waayo fayraska (HIV)ayaa ah mid laysugu gudbin karo candhuufta iyo dhunkashada .

Si kastaba xaaladdu ha ahaatee siyaabaha ugu wanaagsan ee cudurkan looga hortegi karo ayaa ah

1) Qofka oo ku ekaada gurigiisa xalaasha ah.
2) Wacyi-gelin dadka lagu wacyi geliyo waxa uu yahay cudurkani.
3) Dhiigagga la deeqo oo baaris lagu sameeyo intaan qofka kale lagu shubin.
4) Sirinjiga qof lagu duro inaan qof kale loo isticmaalin.

Dhanka kale, haddii aan ka eegno ma jirto illaa hadda wax tallaal ah oo cudurka AIDS-ka looga hortegi karo, taasna waxaa ugu wacan borotiinada loo yaqaan (antigens) ee ku dahaaran fayraska HIV-ga ee uu ku weeraro unugyada difaaca jirka ayaa ah kuwa isbeddelid badan, waxaana la arkaa qof kaliya in laga helo boqollaal fayraska HIV-ga ah oo leh borotiinadaas oo kala duwan. Wuxuu qofku is weydiin kara maxay tahay xiriirka ka dhexeyn kara tallaalka (vaccine) iyo borotiinadaan (antigens)? Tallaalka ayaa ah jeermis (Bacteria ama Virus) la dilay ama awooddiisii cudur-keenid la wiiqay amaba borotiinada (antigens) ku dheehan jeermiska mid ka mid ah, kadibna lagu duro ama afka laga siiyo qof caafimaad qaba si uu unugyada difaaca jirkiisa uu cariyo si ay isaga difaaci lahaayeen weerar kaga yimaada jeermiska tallaalkan laga samayay. Mar haddii uu fayraska HIV-da uu yahay mid is beddelid badan waxaan suuragal ahayn in loo helo tallaal rasmi ah.

Waxaa iyana dhibaata badani ka taagan tahay sidii daawo loogu heli lahaa bukaha cudurkan qaba, maxaa yeelay daawooyinka illaa hadda la soo saaray ayaa noqday kuwa aan waxtar badan lahayn, balse dhibaataba u geysta hidda-sidayaasha dhibbanaha (genome of the patient).

Si kastaba ha ahaatee, cudurka AIDS-ka ayaa caalamku heegan ugu jireeen illaa iyo siddeetamaadkii sidii ay xal ugu heli lahaayeen, illaa iyo haddana wax xal ah looma hayo daawayntiisa iyo ka-hortaggiisa midnaba. Qoraalkaygan ayaan waxaan doorbiday inaan ku soo gabagabeeyo sida uu islaamku u arko cudurkan AIDS-ka .

ISLAAMKA IYO CUDURKA AIDS-ka

Diinta islaamka ayaa si wanaagsan uga hadashay dhinacyada nolosha aadanaha oo dhan, iyada ayaana ah dastuurka casri walbaba la jaan-qaadi karta. Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday Nabiga (SCW) ayaa macnihiisu yahay (SINADA IYO FAAXISHADU KUMA FAAFTO UMMAD HADDII AY KU FAAFTANA RABI WUXUU KU IBTILAYAA CUDURO AYSAN AABAYAASHOOD HORAY U AQOON). Xadiiskan ayaa ah mid ka turjumaaya xaaladda aynu maantay joogno. Haddaba cudurka AIDS-ku miyuusan ahayn mid ka yimi gogol-dhaaf (sino) iyo anshax-xumo (fuxshi) la sameeyay? Miyeysan dalal badan oo dunida ka mid ahi u ololaynayn inay raggu ragga guursan karaan, dumarkuna dumarka guursan karaan?

Saynis ahaan iyo islaaami ahaan markaanu ku fiirinnay cudurkan AIDS-ka ah waxaa inoo caddaatay ibtilo uu Ilaahay aadanaha ku ibtileeyay kadib markii ay marin-habaabeen, daawadiisa rasmiga ah ayaana ah dastuurka Rabbi soo dejiyay (Quraanka iyo Sunnaha) oo sida uu yahay loogu dhaqmo.

W.Q. Faarax Axmed Muuse, (colow30@hotmail.com
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi

Feb 3, 2003

Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  
Dayax Gacmeedkii Columbia ee Maraykanka oo Burburay
Toddobadii cirbixiyeen ee saarnaa dayaxgacmeedkaas waa dhinteen kadib markii uu ku burburay hawada Texas GUJI feb 1

Sucuudiga oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa kale oo wasaaradu sheegtay in....  GUJI... Feb 2

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah

URURKA AFRIKA OO GALAYA TIJAABADII KOOBAAD
Midawga Afrika ayaa markiisii ugu horraysay kulankiisii koobaad kuyeelanaya magaalada ADDIS-ABABA  GUJI... feb 1 

Dhanbaal Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya: Wararka Radio Xoriyo GUJI...

WAR BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET
Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo...  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq.. 31/1

DUULLAANKII AXSAAB 
Waa qaybtii 54aad ee silsiladii siiradii nebi Muxamed GUJI 31/1

FADLIGA 10KA HORE EE BISHA CARAFO
Sideese uga faa'iideysan karaa 10kan maalmood?... GUJI

»»Qaabka Loo Bixiyo Sakada Geela, Lo'da iyo Ariga

DHULKA: Qiimaha iyo sharafta dhulku leeyahay
Waa taxanihii qoraalada Cabdulwaaxid Khaliif GUJI... 31/1 

»»Warbaahinta Maraykanka iyo Caalamka
 
»»Denmark oo badhifurtay siyaasadii Europe ee Ciraaq

I  I  D  H  E  H

Shirkadda Xawaalada Amal Express oo Tacsi u dirtay
 
Shiikh C/laahi oo Laba Gabdhood  ee uu dhalay ku Geeriyoodeen Bas-kii Xasuuqa ka dhacay ee magalada Muqdisho GUJI...30/1

WARARKA KALE EE JANAAYO


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD