SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNESOTA
In ardada la tookto waa meesha ugu hooseysa ee ay umadi gaari karto!

wardheere Mahamoud N. Wardere 

  mwardere@oakwood.com  

 Musharaxii hore ee duqa Minnesota

 Faafin: SomaliTalk Minnesota, USA
 Jan 5, 2003

Marka ugu horeysa tacsi ha iga hantiyaan waalidiintii iyo macalimiintii ardadii lagu dilay Muqdisho iyo kuwii la dhaawacayba, sidoo kale tacsi ha iga hantiyaan ehelada labada nin ee ardada ilaalinaysay. Waxaan ilaahay uga baryayaa in dhammaantood uu jannadii ka waraabiyo eheladoodana samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa dhaawaca ahna ilaahay ha ka bogsiiyo. AAMIIN.. (warka qaybtiisa kaleHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Dhibtani waa dhib soo gaartay dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta ha joogaane. Haddii ay umad qiimayn wayso dhiigeeda oo iska qaban wayso kii xumaanta waday oo uu hubkana gacanta u galo wax ma garadka waxaas iyo wax ka xun ayaa la filayaa inay dhacaan.

Waxa ka dhacay iskuulka Axmed Guray oo ah in la xabadeeyo gaari sida arday yar yar oo iskuulay ah waa meesha ugu hoosaysa ee ammaan daro wadan gaari karo. Haddii ay jirto dawlad xoog leh oo meeshaas ka talisa waxaa cad inay qaadi lahayd dagaal adag oo la la galo argagixisada noocaas oo kale ah. Haddase waxaan leeyahay CARUURTA SOOMAALIYEEDOW ILAAH BAAD LEEDIHIIN!.

Ummad walba horumarkeeda iyo nidaam jiritaankeeda waxa uu ku xiran yahay sida ay u dhaqaalayso ubadkeeda dhinaca amniga, caafimaadka, dhaqaalaha, iyo waxbarashada ardada (miisaaniyadda dalalka qaar ee xagga waxbarashada iyo barbaarinta waxay gaaraysaa in ka badan 50%).

OGEYSIIS: Shirweyne Soomaaliyeed oo ku saabsan Horumarinta iyo taageerista East Africn University , Boosaaso, Soomaaliya, oo lagu Qabanayo Jaamacada Minnesota, USA GUJI.... 

Wadamada qaar ardayga sida loo qiimeeyo waxaad ka fahmaysaa sida wax looga dhimo (discount) tusaale: Tikidhada dayuuradaha, tareenada, basaska iwm. Waxaa kale oo qasab ah inay dhalaanka helaan iskuulo bilaash ah iyo inay qasab tahay in ay dhigtaan ilaa ay ka gaarayaan 18 jir waayo waxbarashada waxay kor u qaadaa mooraalka qofka, qiimahiisa dadnimo, wax soosaarkiisa, dad la dhaqankiisa, ixtiramkiisa waalidka iyo dadka kaleba,u hogaansanaanta qawaaniinta sharciga iyo cibaadadiisaba.

Dhalaanka Soomaaliyeed waa kuwa dhibta ugu badan ku dhacday intii dawlad la’aanta la ahaa. Waa ayaga kuwa waxbarshada ugu baahi badan, markii uu dagaal sokeeye dilaaco waa ayaga kuwa ku dad la’ waaba haddayba ka badbaadaane ama aanay maskaxda wax ka gaarin!. Marka la qaxayo dadka qaxayo ayagaa ugu badan. Diinta , afka soomaaliga, iyo dhaqankaba kuwa ay ka lumayaan ayagaa ugu horeeya.

Dadwaynaha Soomaaliyeed guud ahaan waxaa la gudboon inay meel uga soo wada jeestaan argagixisada, burcadda, iyo dagaal sokeeye, waana inay iska kaashadaan ammaanka ubadkeena iyo daryeelidda ama waxbaridda iyo barbaarinta ubadkeena.

Ma aha in aan sugno dawlad lagu soo dhisayo Eldoret ( oo uu ilaah uun og yahay xaaladeeda)ama quwado shisheye ee waa in aan nafteena ku tashanaa!.

Dhalaanka Soomaaliyeed ma dhaxlayaan dhismayaal taariikhi ah wadooyin fiican iyo wadan horumar leh ee waxay dhaxlayaan waddan kas loo burburiyay iyo inay eber ka soo bilaabaan waxaa intaas ka sii daran inay facooda ka haraan oo laga yaabo in kuwo ay isku filyihiin oo dalkoodoo horumarsan dhaxlay ay mustaqbalka cunoqabatayn ku soo rogi karaan.

Dadkeena waawayn waxaan ognahay in adduunku jiilba jiil bedelo mar hadday iyagu yihin kuwii sii xambaari lahaa magaca sharafta wayn huwan ee SOOMAALI waa in aan u roonaanaa cunug kasta oo Soomaaliyeed aan ka soo qaadnaa in uu yahay kii aan dhalnay oo kale!.

Waa in aynu u muujinaa ixtiraamka iyo sharafta ama maamuuska aan u hayno diinteena, dhaqankeena, iyo SOOMAALINIM ADABA si ay ugu muuqato inay haystaan wax ay ku faani karaan!.

QIIMAHA DHIIGGA SOOMAALIYEED HA LA QIIMEEYO OO WAA INUU AAD QAALI U NOQDAA!

Mahamoud N. Wardere

Murashaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis, Minnesota

mwardere@oakwood.com 

Jan 5, 2003om

--dhamaad-

Labo Ka mid ah Ardaydii lagu dhaawacay Muqdisho oo lakeenay Nairobi
Fadumo Cabdulahi Jaamac oo 16sano jirta iyo Shariif Xasan Maxamed oo 15sano jira waxaa cisbitaalka Kenyatta kusoo booqday Ridwaan Xaaji, warbixin xaaladooda.. GUJI..  4/1/3

-I  I  D  H  E  H

 SIIRADII RASUULKA (scw): DUULLAANKII SUWEYQ
Qaybtii 41aad ee taxanaha Siiradii rasuulka [Wq. Cusman Bilaad]

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12 

Baaq Kasoo Baxay U.H.G.J/Hoose
Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose ayaa soo saaray baaq uu ku bilaabay... GUJI.... 30/12

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara isha nasoo gaasiisey. 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD