SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
WARARKII WARDHEERE EE TODDOBAADKA 

wardheere Mahamoud N. Wardere 

  mwardere@oakwood.com  

 Musharaxii hore ee duqa Minnesota

 
 Jan 20, 2003

 

  • Senator Norm Colemanka Minnesota oo madax looga dhigay gudi hoosaadka baarista iyo daba galka guud ee dawladda Maraykanka..
  • Governorkii Illinois oo ka joojiyay dilkii ay ku xukunnaayeen dadkii dil sugayaasha ahaa.
  • Gobolka Minnesota oo dhumiyay rikoorkii iyo raadraacii 2000 oo qof oo ah kuwa wax kufsaday oo xabsigana dhamaystay.
  • Qaybtii labaad ee caruurta Soomaaliyeedow ilaah baad leedihiin!
  • Soomaalay waxaa nala gudboon:

(warka oo dhamaystitanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Senator Norm Coleman
Senator Norm Colemanka Minnesota oo madax looga dhigay gudi hoosaadka baarista iyo daba galka guud ee dawladda Maraykanka..

Coleman oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga waa markii labaad oo lagu daro gudiyada senateka ee u baahan waayo aragnimo dheer asagoo ku cusub golaha. Ilaa iyo hadda wuxuu xubin ka yahay gudiga arrimaha dibadda, ganacsiga yar yar, beeraha, gudiga  xiriirka dawladda dhexe iyo gobolada iyo magaalooyinka iyo habsami u socodsiinta hawlaha qaranka, Jimcihiina Jan 17 waxaa lagu dhawaaqay in madax looga dhigay gudi hoosaadka odayaasha ee baarista iyo daba galka musuqmaasuqa dawladda.

Coleman waa ninkii 10aad oo jagadaasi soo qabto tan iyo intii la aasaasay 1948. Dadkaas oo kala ahaa Homer Ferguson, Clyde Hoey, Joseph MaCarthy oo ka yimid Wisconsin oo ahaa senatorkii hay’adda u isticmaalay tuhunkii dadkii uu ku soo eedeeyay inay hanti wadaag ahaayeen qatarna ku ahaayeen USA bilowgii kontomeeyihii ilaa lagu fahmay, John McClellen, Harry jackson, Sam Nunn, William Roth, Jr, Susan Collins, Carl Levin, iyo Norm Coleman oo hadda madax ka ah. Dadkii gudigan baarista xubno ka soo noqday waxaa ka mid ah John Kennedy, Richard Nixon, Hubert Humphery, Al Gore, Edmund Muskie, Mark Dayton. Kiisaska waawayn ee ay baareen waxaa ka mid ah Teamesters, Enron, Duufsashada Mafia , kambaniyada Wall Street iwm
mlk iyo wardheere
Bidix: Martin Luther King III
, Maxamuud Nuur Wardheere: Photo WQ: Maxamed Cali / SomaliTalk.com | GUJI...

Coleman oo ka shaqayn jiray xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota mudo 17 sano ah intuusan noqonin mayorka St. Paul ayaa sheegay inuu isticmaali doono qibradiisa, arrintu si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin gudoomiyenida gudiga dabagalka iyo baarista inay ka dhigayso Senatorka cusub mid ka mid ah senatorada ugu awooda badan dalka Maraykanka.

Senator Coleman wuxuu la balansan yahay Soomaalida Minnesota inuu la kulmi doono mudo saddex bilood ah gudahood si ay ugu sheegtaan arrimo la xiriira danahooda..

Halkan ka akhri dhaarintii Norm Coleman ...

[ eeg kulankii Oct 19, 2002 iyo ballan qaadkii Soomaalida... 

Governorkii Illinois oo ka joojiyay dilkii ay ku xukunnaayeen dadkii dil sugayaasha ahaa.

Maraykanka waxyaabaha uu yurub uga duwan yahay waxaa ka mid ah in meesha Yurub dilka dadka danbiilayaasha ah laga mamnuucay in gobolada Maraykanka ka mid ah ay weli dilaan dadkaas, iyo in meesha kaniisadaha Yurub ay maran yihiin kuwa Maraykanku ay buuxaan axadaha. Laakiin maraykanku isku mid mahane waxaa ku jira kuwa sidii reer Yurub u fikira. Gonernorkan oo uu waqtigiisii dhamaaday labo maalin ka dib markii uu joojiyay dilkii dadka gobolkiisa,. Inkastuu helay saaxiibo cusub haddana cadaw badan ayuu yeeshay oo ay ka mid yihiin dad ku eedeeynaya inuusan cadaalad u samaynin reerihii dadkoodu ay dadkan dileen. Asagana wuxuu isku difaacayaa inuu dadkan inay ka buuxaan dad badan oo qalad ku xiray iyo ayagoo la masabitay ama ciqaabta denbi baarayaasha ka keensiisay inay qirtaan. Waxaa kale oo uu governorka oo awood dastuuri ah u leh inuu joojin karo dilkaas sheegay inaysan meesha ka marnayn midab takoor waayo marka la isku celceliyo maxaabiistaas cadaan iyo madaw waxay u badan yihiin madaw.

Gobolka Minnesota oo dhumiyay rikoorkii iyo raadraacii 2000 oo qof oo ah kuwa wax kufsaday oo xabsigana dhamaystay.

Arrintan oo walaac ku abuurtay waalidiin badan iyo mas’uuliyiin badan oo ku nool Minnesota waxay bilaabatay markii ay dawladda gobolka minnesota dhumisay raadraacii iyo meelihii lagu ogaa 2000 oo qof oo ah kuwa wax kufsado, kuwaas oo ay ku badan yihiin kuwa caruuraha qabsada. Sida caadada ah denbiilayaasha markay waqtigooda soo qaataan waxaa la ogaysiiyaa deriska ay la degi doonaan oo waa la ceebeeyaa oo inta buunka la yeeriyo ayaa deriska oo dhan la baraa oo xataa sawirkiisa la wareejiyaa si meesha dhan looga barto.

Waa kala daran yihiin oo qaarkood waxaa lagu xiraa qalab lagula socdo meeshii ay marayaanba, waxaana loo sheegaa inta ay u jirsan karaan caruurta iyo meelaha ka mamnuuca ah. Hase yeeshee Gobolka Minnesota nasiib daro ayaa ku dhacday oo waxaa ka dhumay 2000 oo dadka noocaas ah waxaase ka sii daran gobolka California oo ay ka baxsadeen in ka badan 33,000 oo dadka noocaas ah. Sanadkii na soo dhaafay ayaa wararka ku nuuxnuuxsadeen 1200 oo waddada kaniisada ah oo loo haysto in ka badan 4000 oo caruur ah in ay fara xumeeyeen.

Qaybtii labaad ee caruurta Soomaaliyeedow ilaah baad leedihiin! [ halkan ka akhri qaybtii 1aad

Soomaaliya: dal ku fashilmay daryeelka caruurtiisa!

Caruur Soomaaliyeed oo dhooban garoomada adduunka ama dooni kula degto badaha

Wax laga naxo ayay ahayd markii qalabka warbaahinta adduunka ku nuux nuuxsadeen maalmahan sida caruurta Soomaaliyeed u dayacan yihiin ama loogu iib geeyo dibadaha ayagoo la yiri waalidkood oo wanaag la doonayo ayaa sidaas samaynaya. Haddii dadka laga waayo wax garad badan oo ubadka ladaryeeli waayo dhinacyada waxbarshada, caafimaadka ammaanka iyo daryeelka guud waxaa qasab noqota in waalidku la qaxo oo caruurta ka tuuro meeshii ay isyiraahdaan lafahoodaa ugu nabad gelaya ama daryeel caafimaad iyo iyo mid waxbarasho. Dawladaha qaar daryeelka caruurta kuma haleeyaan waalidkii dhalay ee waa ay ku kontrolaan waayo waxay fahmeen in ubadku yahay xoogii maskaxdii berito. Dhaqaatiirta ayaa jirka caruurta baarta in wax la yeelay, macalimiinta ayaa baarta in wax la yeelay, nafaqo ayaa la siiyaa haddii ay u baahan yihiin waayo waa ubaxii wadanka waxaa kaloo laga ilaaliyaa niyad jab iyo in muraayadooda wax gaaraan. Dalka Yemen haddii qof la dilayo badanaa laguma dilo caruurtiisa iyo xaaskiisa agtooda xabadana waa laga ilaaliyaa in dhalaanka la maqashiiyo ama lagaga nixiyo

Caruurta Soomaaliyeedow Ilaah baad leedihiin!. GUJI - 23/9 

Soomaalay waxaa nala gudboon:

In aan ammaanka ku dadaalno, lafaheenana kala badbaadsano= DHIIGA QOFKA SOOMAAL:IGA AH LA QIIMEEYO.

Caruurta lafahooda iyo maankoodaba badbaadino

Qaxidda iyo dhibaatadaba u diidno. Dibin daabyo iyo guhaadba laga daayo.

Naxariis iyo ku dayasho wanaagsan aan tusno.

Inay ayaga yihiin kuwa sii huwan doona magaca sharafta wayn huwan ee Soomaali aan ogaano.

Caruurta Soomaaliyeedow Ilaahbaad leedihiin!. [GUJI..]

 Qofkii Aan Afingiriiska aqoon ma jaahilbaa

Mahamoud N. Wardere
mwardere@oakwood.com

Jan 20, 2003

Wardheere Archive...... 

Senatorka cusub ee Minnesota Norm Coleman oo la dhaariyay
Waa Senatorkii u ballanqaaday in uu la kulmi doono bulshada Soomaalida ee Minnesota saddexda bilood ee u horeysa gudaheeda haddii uu doorashada ku guulaysto GUJI..  9/1/3

I  I  D  H  E  H

 Waa latarxiilay, laguna banaanbaxay ee maxaa u diidey in ay Joogaan dalkooda
Wararka iyo Faalooyinkii Maxamuud Wardheere ee toddobaadkan oo ay ka mid yihiin...... GUJI.. 

Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso
MINNESOTA: shirweyne uu ka hadlay hormuud kasocda Jaamacada Boosaaso iyo aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed, sidii uu u dhacay  KA.AKHRI.HALKAN 

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12


 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD