SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
Shirka Qarsoon ee C/Qaasim iyo C/hi Yuusuf

Siyaasadda C/Qaasim iyo tan Kornaylka oo si qudbosireed ah kulan uu Zenawi qaalli ka yahay loogu qabanayo.

wq. cabdulwaaxid Khaliif 
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Wacadaraha aduunkana waxaa laga waraystaa ruuxii waxgaradee”. Waxaan xasuustaa abbaarihii bishii August 2002 in ay Somaltalk dood furan oo ku saabsan taageerayaasha C/hi oo sheegtay in September 2002 uu kornaylku Maraykan tagi doono oo uu ka qaybgali doono xuska qaraxyadii Newyork iyo Washington. Waxaan isha la raacay doodii oo in ka badan 100 fikradood laga soo dhiibtay. Waxaan markiiba fahmay in sufahada reer tolkay ay rabaan in ay visa u soo qaadaan si uu isbitaal halkaas u galo. Waxaan dadkii doodad ka qayb qaadanayey usheegay in uu ninkaani caafimaad u socdo haddii ay usuurtogasho. Aanna loo baahnay in waqti la isaga lumiyo laakiin dadka gobolka uu u socda jooga waa intay ka dhiidhiyaan arrintaas oo ay ka dacwoodaan. Waxaan u raaciyey haddii madaxda Maraykan uyeertay Seattle kama dageen ee waxaa uu ka dagi lahaa Washington DC oo halkaas madaxdu ku qaabili lahayd. Sheekadii halkaas baa lagu xiray. [qoraalka oo dhanHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  Sidaad la socotaan qofkii C/hi mucaaradaba waxaa lagu dhejiyey Carta ayaad tahay. Xasan Abshir ciidda Garoowe cagaha ma soo dhigi karo arrintaas darteed halka ay Ina Caydiid iyo Caato ka soo dhigeen. Rag kale oo Carta ushaqeeyana waa kuwa ukala dabqaadaya qudbosiradaas.

Ninkii Puntland u waynaa hadduu rabo inuu aabbihii Carta luuqluuqyada iyo huteeladda Addisababa kula shiro ka warrama isagoo raba inuu Xasan Abshir iyo Deeroow ka fogaysto. Qaalliga Zenawi waa nin khiyaamada kusoo takhasusay wuxuuna ku qanacsanyahay in labada siyaasadood meher isu qaban karo. Inkastoo siyaasaddo qudbosireed lagu dhisay oo Zenawi uu qaalli ka ahaa ay mar hore is qabanwaayeen oo ay shadaaftoodii kala qaateen. Siyaasaddii Muuse Suudi waa socotay. Tolow Xuseen Caydiid muxuu ka qabaa qudbosiradaa mise wuxuu la socdaa Kornaylka?

C/hi wuxuu isleeyahay dadweynaha Puntland iyo qowlaysatadiisa ka qarso laakiin waxaan leenahay “ogoow dhuumashada qaar uu dhabarku muuqdaa waa dhib iyo hadimee”. Ma maanta ayaa adduunyada arrintaas oo kale ka qarsoontaa.

Waxaa la iswaydiin karaa labada siyaasadood tee wax soo doonatay teese la soo doontay? Arrintaas warar na shaafiya ayaan ka haynaa. Waa isaga wasiir ku xigeenka C/Qaasim Gaalkacyo tagay oo ku qanciyey kornaylka inuu kulankaas aqbalo marka qofka siyaasadiisu sarrayso waa tan C/Qaasim.

War culumaa’udiinka, Isimmada, cuqaasha, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo haweenka Puntland miyeyna la gudboonayn in ay wax fahmaan oo ay kala gartaan muslix iyo mufsid? Kan u nasteexaynaya oo aan dan kale wadan iyo kuwa propoganda-da ku furay?

Teeda kale dadka siyaasiyiintoodii iyo dhalinyaradoodii qaarna cayrshay qaarna xabsi dhigay si ay C/hi u raaligaliyaanoow waxaa la soo gaaray waqtigii aad suuxitaanka kasoo baraarugi lahaydeen. Ninkii aan Carta rabinoow C/hi C/Qaasim buu u fadhiyaaye, ciyaalkiinaas maatada Qardho iyo Boosaaso ku cadaabaya kala cayrsha.

C/hi isagoo kaligiis ah buu dacay iyo bishintuur isagu kiin daray marka hadda oo ay C/Qaasim is afgartaan wallee belaayo ayaa ka soo socota. Marka foolxumadaan waa loo jeedaa ee hadhow hala adkaysto. In C/hi xukun meel kasta u galayo waa ogaa laakiin in shacaybkayga ay dullinimadu halkaas ka gaarayso waligay kuma fekerin.

“Nin kuu digay kuma dilin”.

wq. cabdulwaaxid Khaliif 
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Feb 3, 2003

Afeef: Aragtida qoraalka waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

-dhammaad-

»»Dirirdhaba: Maxaa Labada Professor Loogu kala eexan?!  

I  I  D  H  E  H

Sucuudiga oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa kale oo wasaaradu sheegtay in....  GUJI... Feb 2

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah

URURKA AFRIKA OO GALAYA TIJAABADII KOOBAAD
Midawga Afrika ayaa markiisii ugu horraysay kulankiisii koobaad kuyeelanaya magaalada ADDIS-ABABA  GUJI... feb 1 

Dhanbaal Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya: Wararka Radio Xoriyo GUJI...

WAR BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET
Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo...  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq.. 31/1 

WARARKA KALE EE JANAAYO

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD