SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
WAANO KU SOCOTA YAAN XIRSI
wq. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Jan 28, 2003

Asalamu aleykum,

Waraaqdaan waxey ku socotaa Ayaan Xiris Magan. Ayaan sida I soo gaartey waxaa maqlay in aad Diinta Islaamka ka baxdey, oo waliba aad af lagaadeysey xeerkeeda iyo qanuunka ay dajisey. Marka ayaan haddey arintaa run tahay, oo ay jirto, waxaa kuugu nasteexey lahaa in aad bal arintaas ka fiirsatid, oo hadda ayaa fursad heysataaye aad Ilaahey u noqon sida ugu dhaqsaha badan, ee fursadaa yeyna ku dhaafin, waayo haddaa sidaan ku dhimatid adigoo diinta islaamka banaanka ka taagan, runtii qatar weyn ayaa ku sugan tahay.Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 Marka walaashey soomaaliyeedey, yeyna kaa mashquulin in aad diintaada islaamka ku noqotid Gaalo qaa-qaawan, oo jecel in aad ayaga ka mid noqotid, ama xoogaa adduun ah oo heleysid haddaa iyaga saaxiib ka dhigatid. Wallaahi adiga ayey ku anfaceysaa haddii aad diintaada islaamka dib ugu noqotid, ee bal ka fiirso ficilka aad sameyneysid.

Ayan, see u gaaloobeysaa ama see baa saaxiib uga dhigan kartaa Gaal caga cad adigoo dhowrkaan arimood kulansadey, arimahaas oo kala ah:

SEE U GAALOOBEYSAA…..

  • 1. Adigoo Islaamnimo ku dhashay, oo lagugu soo barbaariyey dhul islaam ah?
  • 2. Adigoo ka dhashay qoys diinta islaamka si fiican u yaqaan, oo cilmi xod dheer u leh diinta islaamka?
  • 3. Adigoo og ama si fiican ula socda in diinta islaamka ay tahay diinta saxda ah, oo uu ilaahey SW soo dejiyey?
  • 4. Adigoo og kuwaa aad saaxiibada ka dhiganeysid in aad ka sharaf badan tahay, oo aad dhinac walba uga fiicantahay marka laga reebo xoogaa yar oo dhaldhalaalka adduuyada ureysa ah.
  • 5. Adigoo og in qof walba dhimanaayo, oo uu qabri labo mitir ah ku sugaayo, aan nal laheyn, aana wehel lahayn?

Runtii waxaa kugu wanaagsanaan laheyd inaa su’aalahaas si dhab ah isku weydiisid ayaaney, adigoona cid kale u aabe yeeleynin.

Ayan warkii oo kooban waxaa iga dardaaran ah in aad ilaahey ka baqdid, oo aad diintaada Islaamka ku soo noqotid. Haddii aad sidaa sameyn weydidna….ogow in aad haddalkii alle aad ku sifoobeysid, hadalkaas oo ahaa markuu Ilaahey u dardaarmaayey muslimiinta, waana kanaa hadalkiii…..

Wuxuu yiri Allaah kor ahaaye:

“KUWA (Diinta Islaamka) RUMEEYOW HADDAAD ADEECDAAN (maqashaan) KOOX KA MID AH KUWA LA SIIYEY KITAABKA (Yahuud iyo Nasaara) WAXAY IDIIN CELIN IIMAANKIINNA KA DIB GAALNIMO.”

“SEED U GAALOOBAYSAAN IDINKOO LAYDINKU KOR AKHRIN AAYADKA EEBE DHEXDIINNANA JOOGO RASUULKIISII, RUUXII CUSKADA EEBE (oo ka dhawrsada) WAXAA LAGU HANUUNIYEY JIDKA TOOSAN.”

“KUWA (Diinta Islaamka) RUMEEYOW KA DHAWRSADA EEBE DHAWRSASHADIISA XAQA AH, HANA DHIMANINA IDINKOON MUSLIM AHAYN.”

“QABSADA XADHIGGA EEBE (islaamka) DHAMAANTIIN HANA KALA TAGINA, XUSANA NICMADA EEBE EE KORKIINNA AH, MARKAAD COL AHAYDEEN OOS ISU DUMAY QULUUBTIINNA OOD NOQOTEEN NICMADA EEBE DARTEED WALAALO, IDNKOO AHAA QAR GOD NAAR AH, OOS IDINKA KORIYEY XAGGEEDA, SAASUU IDIINKU CADAYN EEBE AAYAADKIISII SI AAD U HANUUNTAAN.”

“HANA NOQONINA KUWA KALA TEGAY OO KALE EE ISKHILAAFAY INTAY U YIMAADEEN XUJOOYIN KA DIB KUWAASINA WAA KUWA CADAAB WEYN U SUGNAADAY.”

“(Xusuusu) MAALINTAY CADDAAN (nuuri) WAJIYAAL OYNA MADOOBAAN (doorsoomi) WAJIYAAL, KUWAY MADOOBAATO WAJIYADOODU (waxaa lagu dhihi) MIYAAD GAALOOWDEEN RUMEYNTIINII KA DIB, DHADHAMIYA CADAABKA GAALNIMADII DARTEED.”

“KUWUU CADDAADO (nuurto) WAJIGOODU NAXARIISTA EEBE DHEXDEEDAY KU WAARAYAAN.”

Bal u fiirso walaasheey soomaaliyeedey, Ilaahey SW oo bani’aadamka oo dhan abuuray, oo og waxa ay uurka ku qarinayaan iyo wax walba oo ay damacsanyihiin iney sameeyaan…Ilaahaas og, ayaa wuxuu inooga waramayaa kuwa gaaloobey waxa ay jecelyihiin…bal fiiri….kuwaas aad maanta naga raacdey waxa ay jecelyihiin inaad diintaada islaamka, oo jidka toosan ah, in ay kaa leexiyaan oo aad sidooda oo kale noqotid, waayo kuwaas aad maanta naga raacdey waxay hubaashii ku sugan yihiin baadi cad.

Ayan, ma waxaa maanta leedahay Ilaahey ayaa been sheegaya, oo gaaladaas ayaa run sheegaya? Ma waxaa leedahay Diinta Islaamka baadil waaye, oo tan gaalada ayaa jidka toosan ah?

Bal dhageyso mar labaad hadalkii Ilaahey iyo goodigiisii uu u goodinaayey gaaladaas aad maanta naga raacdey. Wuxuu yiri:

“(Gaaloy) HADDAAD SHAKISANTIHIIN WAXAAN KU DAJINAY ADDOONKANAGA (Nabi muhammed scw) KEENA SUURAD LA MID AH, UNA YEEDHA MARKHAATIYADIINN (kaalmeeyayaashiina) EE EEBE KA SOO HARAY HADDAAD RUNLOW TIHIIN.”

“HADDAYDAAN FALIN MANA FALAYSAANE KA DHAWRSADA NAAR LAGU SHIDO DADKA IYO DHAGAXA, LOONA DARBAY GAALADA.

“(naibyow) UGU BISHAAREE KUWA RUMEEYEY (diinta Islaamka) CAMAL FIICANNA FALAY INAY MUDAN JANOOYIN AY SOCOTO DHEXDEEDA WABIYAALKII, MARKASTOO LAGA ARZAAQO XAGGEEDA MIDHO WAXAY DHAHAANBA KANI WAA KII HORAY NALOOGU ARZUQAY, WAXAA LA SIIYEY ISAGOO ISU EG (araga) WAXAYNA DHEXDEEDA KU LEEYIHIIN HAWEEN (janno) OO NADIIF AH, DHEXDEEDANA WAY KU WAARI.”

Ayaaney! Ma ku caajis galineysaa barwaaqadaan Alle inoo sheegey, oo uu u bishareeyey dadka musliinta ah kaliya? Haddaba haddaa fursad heysataaye, ka faa’ideyso.

Haddaa sidoo kale ay kaa dhaadhacsan tahay in diinta islaamka ayna diin sax ah ayen, bal sidoo kale kaalay aan wada fiirinee wuxuu Allaah ka yiri arintaas. Wuxuu yiri Ilaahey:

“RUUXII DOONA DIIN AAN ISLAAMKA AHAYN LAGA AQBALI MAAYO, AAKHIRANA WUXUU NOQON KUWA KHASAARAY.”

“SIDEE U HANUUNIN EEBE QOOM GAALOOBAY RUMAYN KA DIB, OO QIRAY IN RASUULKU XAQ YAHAY UNA YIMAADEEN XUJOOYIN, EEBANA MA HANUUNIYO QOOM DAALIMIIN AH.”

Ilaahow qofkii diinta islaamka ka baxa maxaa ku sameyneysaa?

“KUWAAS ABAALKOODU WAA LACNAD EEBOO KORKOODA AH IYO MALAA’IGTA IYO DADKA DHAMMAANTIIS.”

“WAYNA KU WAARI (ciqaabtooda) DHEXDEEDA LAGAMANA FUDUDEEYO CADAABKA LAMANA SUGO.”

Ilaahow qaladkaa galay ma ka soo noqon karaa?

“KUWA TOOBAD KEENA INTAAS KA DIB MOOYEE OO WANAAJIYA EEBANA WAA DAMBI DHAAFE NAXARIISTA.”

Ilaahow qofkii diinta islaamka ka baxa oo aan ku soo noqon, oo ku adkeysa baadilkiisa ilaa uu ka dhinto, maxuu qofkaa xaalkiisu noqonayaa?

“KUWA GAALOOBA RUMAYN KA DIB, MARKAAS KORORSADA GAALNIMO LAGAMA AQBALO TOOBADOODA KUWAASINA WAA KUWA DHUMAY.”

“KUWII GAALOOBAY OO DHINTAY IYAGOO GAALO AH LAGAMA AQBALO MID KA MID AH DHULKA MUGGII OO DAHAB AH HADDUU ISKU FURTO, KUWAASINA WAXAA U SUGNAADAY CADAAB DARAN WAX U GARGAARANA MA LEH.”

Alla….. ilaahow hanaga bixin diinta islaamka uma adkeysan karnee cadaabkaas darane.

Ayan, miyaada u jeedan waxa uu Ilaahey u diyaariyey dadka diinta islaamka ka baxa, oo aana toobad keenin, oo sidaa ku dhinta? Ma cadaabka Alle baa raali ka noqotay? Mayee ku soo noqo diintaada inta ay naftu kaa bixin.

Ugu danbeyntii, ayaaney go’aanka adigaa iska leh, oo labadaa wado tii aad doonto ayaa qaadi kartaa laakiin ogow intaada labadaa wado (wadada islaamka iyo wadada kuwa cagaha cad) mid ka mid ah qaadin bal ka fiirso.

Ayaaneey! Ma adduun kaliya ayaa u jeeda, oo aakhiro rajo kama lihid miyaa? Haddaba qofkii sidaa sameeya, oo adduun kaliya xooga saara, ogow inuuna qofkaas aaqiro waxba ku laheyn.

Bal kaaley aan wada fiirinee hadalkii Allaah. Wuxuu yiri Allaah:

“RUUXII DOONI CAMALKA AAKHIRO WAAN U SIYAADINAA CAMALKIISA, RUUXIISE AH MID DOONI CAMAL ADDUUNYO WAAN KA SIINAA XAGGEEDA, KUMANA LEH AAKHIRO WAX NASIIB AH.”

Marka walaaleey teebaa dooneysaa adduun iyo aakhiro? Ma adduunkaa dhowrka maalmood ah, mise daarta danbe oo la joogayo waligeed? Haddaba haddaa dooneysid aakhiro iyo jannada rabigaa, ku soo noqo diintaada islaamka, oo ilaahey u toobad keen, oo danbi dhaaf weydiiso waa Alle u naxariista addoomadiisa u soo noqdee.

WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "DHALASHADA SOOMAALINIMADA AH OO NAGA DHAXEYSA."

wq. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

I  I  D  H  E  H

  »»Ayaan Xersi Magan dhib ka weyn ayaa jiree halala jihaado !

Weriyaha Xamar indhihiisu wax wanaagsan ma arkaan
dhegahiisuna wax san ma maqlaan  ..Jawaabtii Hassan Nur 22/1

AYAAN DARRADA AYAAN XIRSI MAGAN:
FAALLO: Ayaan waa gabadhii Soomaaliyeed qof Soomaali ah ayaa ku af-lagaadootey diinta Islaamka, faallo dheer oo kuisaabsan... GUJI 21/1


Salmaan Rushdie oo difaacay Ayaan Xersi Cali .... GUJI...
Qurbo Laguma Waaree Nolashaada Dabaqabo ...GABAY loo tiriyey Ayaan 
Ikraam Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay 
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay..   GUJI.. 22/11/2002

Ayan Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida : 32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI 12/11/2002 [C/raxman Ceynte]
Rev. Jerry Falwell oo ku sheegay inuu argagixiso ahaa Nabi Maxamed (nabad gelyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato).  GUJI 0ct/7 [wardheere]
»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey oo MN Booqday! GUJI

»»  Ninkii Beeniyey Dajaal oo Lasiiyey Jawaab Xaqiiqtusida GUJI 

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD