Kaligii taliye Meles oo wakhtigiisii dhamaaday
Xassan .M. Moalin
Hasmoa@yahoo.com
May 12, 2003
kadib markii ay xukuumadii dhergigu dhacday
1991kii ee ay wayaanahu xukunka qabsadeen ayaa waxa uu kaligii talye Meles dadka
Ethiopianka ah uugu balan qaaday in uu dimoqraadiyad iyo cadaalad ku maamuli
doono xataa ilaa iyo heer aayo katalin oo uu dhigayo tastuurka Ethiopia qodobka
39 aad. Waxa lawada ogsoonyahay in uu kaligii taliye Meles markii uu xukunka
qabsaday wax yarba kadib uu si wayn isu badalay gaar ahaan waxii kadanbeeyay
1994kii oo uu wax walba oo uu horay uugu balan qaaday dadwayanha Ethiopia uu
waxba ka hirgalinwaayay.
Waxa uuna bilaabay in uu urur walba oo qoomiyad
matala uu urur kale oo isaga dabo dhilif u ah oo siyaasadihiisa fuliya ka
garabsamysatay, waxa aana miitaal loo sooqdan karaa ururka OLFta oo ay dadka
Oromadu si wayn u taageersantahay ayaa waxa uu ka garab sameeyay ururka OPDOda
oo lagu tilmaamo mid dadka Oromda matala lakiin fuliya siyaada dhiigyo cabka
Meles Zenawi. Waxa kale oo uu urur lifaaq ah u samaysatay ururka xabashida oo
siyaasadiisa fuliya, ayadoo la ogyahay in uu san habayaraatee waxa taageera ah
ku lahayn qoomiyada xabashida. Xataa kaligii taliyahani muusan dhaafin
qoomiyadaha yaryar ee Ethiopianka ah sida Hararida, Canfarta iyo waliba
Benushaangul. Taasuna waxa ay ku tusinaysaa in uuna ogolayn in ay wadanka ka
socdaan waxa uunan ogayn.
Hadaba hadii aan u soo laabto dhinaca Somalida
Ogadeniya oo uu ururka ONLFtu ku guulaystay 80% doorashadii 1992dii taas oo
kutusinayasa sida wayn ee ururkaas looga taageersanyahay wadanka Ogadeniya ayaa,
waxa uu kaligii taliye Meles samaystay urur la dhihi jiray Lige 1994tii oo uu
kusamaysatay tuulo yar oo Hurso layidhaahdo oo kutaala meel u dhaw magaalada
Diridhabo . Siwalba uu yeelaba, mar hayidhaahdaan ururka ONLF baanu lamidownay
marbana hayidhaahdaan sharci ma ah ONLF, marna wax kale ha ku sheekeeyaane taasi
way u socon wayday ilaa uu aakhiritaankii ururkii uu iskii u baaba’o, ileen
urur dhoodhoob ah oo aan umad taageersan lahayn oo larabo siyaasad shisheeye in
lagu fushado masoconayo ee.
Qarnigan aan maanta ku jiro ee 21aad ee casriga
ah ee aduunku wax gumaysi layidhaahdo ka dhamaaday oo wadanadii uugu danbeeyay
ay xoroobeen sida South Afrika, Namibia, Eritrea iyo wadamo badan oo katirsaan
jiray midawgii soofiyeed ee burburay iyo waliba wadamada balkanka, waxaana hada
uugu danbaysa Falastiin oo hada loogu balan qaaday in dawlad kaamil ah ay
dhistaan 2005ta. Markaas ayaa waxa uu rabaa kaligii taliye Mele Zenawi oo ka soo
jeeda qoomiyada Tigreerga oo 5% ka ah dadka Ethiopia in ay sii gumaystaan
Somalida Ogadeniya. ”Waxa aan rabaa in aan halakan hoosta ka xariiqo umada
Somalida reer Ogadeniya waligeed Ethiopiaan nimo maynan aqbalin, ilaa iyo
maalintii ay dawlada Ingiriisku kuwareejisay Ethiopia wadanka Ogadeniya
1898-1948kii, ilaa iyo hadda habayaraato ee dadka reer Ogadeniya hubka maynan
dhigin, hadana habka cusub ee gumaysiga ee uu Tigreegu wado ee qaybi oo
xukunka(divider and rule) ah wax ka soconaya wadanka Ogadeniya ma aha”. Hadaba
waxa is waydiin leh kaligii taliye Meles srtarijiyada uu isticmaalayo ma mid u
hir galaysaa, mise ruumad buu dadayaa?. Umada reer Ogadeniya oo maanta wada
halgan hubaysan oo wadanka dhexdiisa laga dhex aasaasay oo aynan wadamo
shisheeya ahi gacanata ku haynin , ayaa waxa xusid mudan in halgankan maanta
gumasiga Tigreega lagulajiro, uu socdo hadda mudo 10 sano ah, oo waliba siyaasda
dibada iyo tan halganka hubaysan ee gudaha ka socdaa ay si fiican isula
jaanqaadayaan, oo waliba heerka lagaadhay waxa la saadaaliyaa (Prediction) la gu
sameeyaa, si looga hortago tabaha ama siyaasadaha foosha xunxun ee uu cadowgu
adeegsado.
Kaligii taliye Meles oo ku caanbaxay kaligii
taliyenimo ayaa ururada xaquuqul insaanka ee Afrika, Europe, marykanka iyo kuwo
madax bannaana oo calmi ah ayaa waxa ay cadeeyeen in ay dawlada wayaanahu tahay
wadanka Afrika maamul ahaan uugu liita, waxa kale oo ay sheegayaan in xaquuqal
insaanka si xun loogu tunto.
Warar kale oo lagu kalsoonyahay ayaa waxa ay
sheegayaan in uu kaligii taliye Meles uu yahay kaligii taliyaha 1aad ee Africa
aduunkana uu kujiro 10 uugu horeeya ee kaligood taliyayaasha ah.
Ninkan dhiigyacbka ah ayaa waxa lagu naanaysaa
mashiinka dilaaga ah(a killing machine) oo aan cidnaba u kala aabo yeelin xataa
xisbiga uu madax ku sheega ka yahay ayuu qaarna laayay qaar kalena uu xabsiga u
taxaabay, qaar kalena uu shaqadii ka eryay. Taas uu waliba tastuurkii xibigiisa
ka leexday si uu xukunka u sii haysto. Waxa la ogsoon yahay kuwii uu eray ee
13kii golaha dhexe ee TPLFta karirsanaa kuwii ka soo hadhay khilaafkii TPLFta
dhexmaray 2001 bishii mars shirkii ay magaalda makale, ay golaha dhexe ee TPLFta
ku yeesheen, ayaa maanta intii yarayd ee khilaafkaas ka gasoo hadhay waxa ay
iskaga hor yimaadeen go’aankii gudida suuhdinta ee Ethio-Ertrea oo tuuladii
muranku ka tagnaa ee Badame, Eritrea loo xu kumay. Hadaba waxa ay su’aashu
tahay haddii uu dadkii Ethiopoanka ahaa sidaas uu u kala dilay uunan xataa
qoomiyadii uu isagu ka dhashay uuna waxba ka reebin , sideebuu wadanka ku sii
haysan karaa?
Waxa aad moodaa fursadihii kaligii taliye Meles
in ay dhamaadtay, waxa uuna soo maray marxalado kaladuduwan oo la odhan karo
waxa uu ka helay cimri dheerer si uu xukunka u sii haysto, taas oo uu sanadadii
uugu horaysay dadka Ethiopianka ah ku siray in uu hab dimuqraadiyayd ah oo
cadaalad ku dhisan uu wax ugu qabanayo, taas oo uuna waxba ka hir galinin.
Kadibna waxa uu bilaabay in uu ka faaiidaysto
ururadii maqaarsaarka ahaa ee uu isagu samaystay si uu uugu fushado
siyaasadihiisa, taas oo aad hadda moodo in ay qoomiyadaha Ethiopia oo dhani
fahmeen tabaha iyo beenaha uu rabo in uu cimri dherer ka dhigto.
Waxa kale uu ka yar faaiidaystay waxa ay reer
galbeedku uugu yeedhaan la dagaalanka argagixisada si uu u weeraro wadamada
dariska la ah, tanina way soo dhamaatay oo marykanka ayaa soo cadeeyay in aynan
ururo argaixiso ah oo xidhiidh la leh alqaciida oo Somaliya joogaa aynan jirin,
laakiin isagu waxa uu ku ad kaystay in ay Somaliya kajiraan ururo xidhiidh la
leh alqaciida ,si uu dhaqaale iyo qalab askari uu uga helo wadamada reer
galbeedka, taasuna hada waxa aad moodaa in ay dawladadihii reer galbeedku
fahmeen oo ay iyaguba ilaa iyo Muqdisho si toos ah u tagaan, taasuna waxa ay
keentay in si fiican loo fahmo tabahiisa dhaqaale uruursiga ah iyo gurashada
midho uusan beeranin.
Abaarha wadanka Ethiopia kajira oo ayaguna had
iyo jeer soo noqnoqanaya , oo uu kaligii talieye Meles Zenawi kadhigtay in uu
siyaasadiihiisa ku fuliyo kuna aruursado dhaqaale ayaa waxa jirta ururo caalami
ah oo kuwa deeqda bixiya iyo dawladahii awalka aadka u taageerijiray ay ku
eedeeyeen in abaaraha Ethiopia kajira ee soo noqnoqonayaa aynan ahayn mid
dabiici ah ee ay tahay mid ay abuurtay siyaasad xumida dhiigyacabka Meles iyo
wixii dhaqaalo ahaa ee aduunyadu uugu deeqday dadkaas abaaruhu wax yeeleeyeen oo
uu u adeegsado hab uu siyaasadihiisa ku fushado , si uu ugu gato qalab military
oo casri ah iyo si uu u weeraro dawladaha dariska la ah iyo waliba si dii uu
uugu cadaadin la haa ururada macaaridka ku ah iyo kuwa kale ee raba in ay
aayahooda kataliyaan sida Oromada iyo Somalida Ogadeniya.
Adeegsiga noocaas ah ee uu kaligii taliye Meles
u adeegsanayo waxa aad moodaa in ay ururada caalamiga ah ee deeqda bixiyaa iyo
dawladha reer galbeedku sifiican uga dhargeen tabaha foosha xun ee uu dilaaga
Meles isticmaalo, taana waxa makhraati u ah eedo badan oo ay ururada caalmaiga
ah ee deeqda bixiyaa iyo dawladaha reer galbeedku ay soo jeediyeen iyo taliska
wayaanaha oo ku caanbaxay maamulxumo iyo hayadihii samafalka oo ayagu xaqiiqda
ogaaday oo ay qaarkood bilaabeen in ay ayagu toos u geeyaan meelaha ay abaaruhu
ka jiraan.
Dhurwaa
Godkiisa Hilib Ugu Garnaqaya! GUJI.....
Burhan
Jama |
Waxana lawada ogsoonyahay in uu kaligii taliye
Meles Zenawi ay arinta Badame, jiritaankiisa halis galinayso, waxa aad moodaa in
ay haysato laba daran mid dooro, taas oo ah in uu raaco go’aankii gudida
soohdinta oo dunida oo dhani taageersantahay oo dagmada Badame, raaciyay wadanka
Eritrea, hadii taas uu yeeli waayona, waxa uu wayayaa taageerada dunida,
islamarkaana waa in uu dagaal u diyaar garoobo tan kalana, waa in uu dhabarka u
jeediyo dadkii Tigreega ahaa ee uu isagu ka soo jeeday oo uu aqbalo go’aanka
gudida soohdinta oo uu raali galiyo dawladaha aaduunka oo ku cadaadinaya in uu
go’aankaas aqbalo, waxa la ogyahay in dagaalkii labadan wadan dhexmaray
1998dii-2000 kii uu Ethiopia ka soo gaadhay khasaaro aad iyo aad u balaadhan oo
mood iyo nool ba leh, waxaana Ethiopia lagaga dilay ilaa iyo 60,000 oo askari oo
dadka Tigreega u badnaa, taasuna, way adagtahay in uu dadka Tigreegu aqbalo go’aankaas.
Hadaba dad badan oo Tigreer ah oo ay
kamidyihiin nimankii ugu dhadhawaa kaligii taliye Meles ayaa banaanka kaga
dhaqaaqeen kuwaas oo kala ah (1) Seyum Mesfin oo ah wasiirka arimaha dibada oo
hada isku dhacaa awgii wasaaradiisii masuu’l lagu magacaabay ninn layidhaahdo
Dr. Kinfe ( 2) Madaxwayne ku sheega gobalka Tigreega( 3) kuxigeenka gobolka
Tigreega markii ay ogaadeen in uu Meles diyaar u yahay in uu aqbalo go’aanka
gudida soohdintu soo saartay, taas oo uu ku waayayo taageeradii dadka Tigreega.”caana
tufid leh macabaa liquid leh”
Maalin dhawayd oo uu Meles magaalada Makale,
booqday waxa uu galay habeenimo ayadoo gaadh adag la saaray jaamacada Makale ,
dugsiyada sare iyo kuwa dhaxaba waxa uu ka soo baxay subax hore oo ayna dadkuba
soo toosin si aynan carqalad ugu kicinin. Ciidamada isaga gaadhka kahayayna wax
yar umbaa qoomiyada Tigreega ka ahaa ,taasuna waxa ay kutusinaysaa in ay isaamin
daradii isaga iyo Tigreega u dhaxaysay ay sii korodhay.
Dad u dhuun duleela arimahaas ayaa waxa ay
sheegayaan in shir dagdag ah oo ay gudida fulinta ee TPLFta ay ku yeelatay
xafiiska Ra’iisul wasaare ku sheega oo ay albaabada u xidhanaayeen,ayaa waxa
la sheegay in ayna wax heshiis ahi ka soo bixin, taasuna waxa ay kaligii taliye
Meles ku dhalisay shakiwayn oo xaga amaankiisa ah, taas oo uu ka baqanayo
saraakiisha Tigreegu in ay afganbiyaan iyo waliba macaaradka xabashida oo awal
fadhi ku dirir ahaa oo hada raba in ay ka faaiidaysaatn khilaafka Tigreega
dhexdiisa ka taagan.
Soomaaliya
iyo Itoobiya dan ma wadaagi karaan?
GUJI...
Axmed Yaasiin |
Markaas kaligii talie Meles si uu amaankiisa u
sugo talaabooyin badan ayuu qaaday, waxa uu ciidamo khaas ah dajiyay meelo
Addis-Abeba katirsan, saraakiisha ciidamada oo uu kala badalay, qalab khaas ah
oo uu kadalbaday wadanka Ukrain iyo waqooyiga Kuriya qalabkaasoo lagu soo gaday
lacag dhan 12 milyan oo doolar. Haddaba Ayada oo lawada ogsoonyahay xaalada
abaareed ee ba’an ee Itoobiya ka taagan, caalamkuna uu ku mashquulsanyahay
sidii ay u badbaadin lahayeen Malaayiinta ruux oo Itoobiya ku gaajoonaya, ayaa
waxa yaab ku noqtay ururda caalamiga ah iyo wadamada deeqda bixiyaba in hanti
dhan intaas oo quudin kari lahayd mudo Hal Bil ka badan dad lugu qiyaasay
500,000 uu ku gato qalab uu amaankiisa ku ilaalinayo, shaqsi sheeganay in uu
umadaas mas’uul ka yahay. Sarkiishii sare ee ay isaga isugu dhawaayeen oo ay
kamidiyihiin Sibhat Nega iyo Abay Tsehaye oo awal bilaa balan uugu tagi jirtay
oo hadda laga mamnuucay in aynan balan la’aan u gali karin.
Ha’ogaadaan
Soomaalidu iney Soomaaliya Necebyihiin, ka hor inta aan Itoobiya la dhihin
wey neceb tahay Soomaalida
GujI
Waraysigii Xagar
ee Fahad |
Hadaba iyada oo uu kaligii taliye Meles
fursadihii oo dhan uu soo cunay ayaa hada uu isku dayayaa in uu sii cimri
dherersado ayadoo ay dawlada wayaanahu wakhtigeedii uu dhamaaday oo ay ka
muuqdaan calaamadihii dawladihii hore ee Afirkanka ahaa ee soo burburi jiray oo
ay ka mid yihii (a) baxsasho xad dhaaf ah oo ay saraakiisha ciidamada sare
baxasnayaan markii ay dibada tababar u soo aadan ama arin cafimaad awgeed u soo
baxaan (b)hantida dadwaynaha oo sidii loo dhici lahaa ay u kala baratamayaan
madax ku sheega sare ee dawlada wayaanaha (c) ururo isku sheegay in ay macaarid
yihiin oo wakhtigii uu awood lahaa aan hadli karin ayaa maalin walba waxa ay soo
saaraan baaq oo ay kaga codsanayaan in ay dawlada wayaanahu ay is casisho
ayadoon aan wax dhiig ahi ku daadan (d) ayadoo dadk la gu tuhmayo in ay
siyaasada Meles ka soo hor jeedaan habeen iyo maalinba la af duubo (e) xabadaha
ka dhaca magaalada Addis Abeba oo marka ay habeen noqoto sii badanysa (f )
amarka iyo kala danbaynta oo lumay, (g) xidhiidhka ka dhaxeeya maamulka Addis
Abeba iyo kan kililda oo kala go’ay.
Hadaba iyadoo maanta kaligii taliyeyaashii
aduunku uu wakhtigoodii dhamaaday, ayaa dhiigyacab Meles uu rabaa in ciidan yar
oo yabayab ah ama isu keen ah oo ay adag tahay in ay is afgartaan ayuu rabaa in
uu awood kusii haysto, taasna hadii uu mooday mid la isku halayn karo, miyuu ku
quus qaato Saddam Xuseen, oo ciidan iyo hub nooc walba ka haystay, taasuna waxa
ay makhraati u noqonaysaa in kaligii taliye waliba hadii uu hub kasta iyo ciidan
kasata haysto oo aynan dadku rabin in uunan xukun sii haysanay. Hadab kaligii
taliye Meles oo soo qaatay jaanisjadiisii oo dhan ayaad hada moodaa maanta in uu
wakhtigiisii dhamaaday.
Xassan .M. Moalin
Hasmoa@yahoo.com
May 12, 2003
Kulaabo Bogga
Hore....
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo ay gaar
u tahay qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk
|