SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Ardaydii Soomaaliyeed ee ka Qalin jabisay Jaamacadda Minnesota

May 20, 2002

SomaliG.jpg (45122 bytes)
Ka Billow Bidix:
Kays A. Ahmed (Cabdi Dheere) Wuxuu Bartay Dhaqaalaha. (Economic)

Ahmed Ali: Wuxuu bartay Culuumta arrimaha Bulshada, Sharciga iyo Danbiyada (Sociology, Law, Crime & Deviance)

Abdirizaq Abdi: Gudoomiyaha ururka ardayda soomaaliyeed ee Minnesota (MSSU). Wuxuu bartay Cilmiga Computer-ka (computer Sceince).

Jamal A. Abdullahi : Wuxuu bartay Sanceynta Tamarta (Electric Engineering).

Ardaydan affarta ah ayaa sanadkan u qalin jabiyey jaaliyada soomaaliyeed ee minnesota ee illaa & 80.000 lagu qiyaaso.

Dhamaantood waxaa ka muuqatay farxad, reyreyn iyo damaashaad. Inkastoo eey ku soo beegmeen xilli uu suuqa shaqooyinka iyo dhaqaalaha mareykankuba walbahaar ku jiro, haddana iyaga waxaa taa uga muhiimsanaa yoolka eey tiigsadeen oo qeyb ahaan la oran karo waa mid ku adag mujtamaca qoxootiga ah ee mareykanka yimaada.

Mid kamid ah ardaydan; Kays Ahmed oo loo yaqaan (Cabdi-dheere) ayaa ii sheegay inuu "aad ugu faraxsan yahay guusha uu gaaray" maxaa yeelay "waxaan isku dhex waday waxbarasho, shaqo iyo nolosheeyda kale ee caadiga ah". Cabdi-dheere waa xaasle, 3 caruur ahna leh. Dhamaan caruurtani wexeey u dhasheen intii uu "buuga iyo qalinka sitay" waa sida uu jecel yahay inuu u dhigee. Cabdi-dheere wuxuu kamid yahay soomaalidii ugu horeysay ee gobolkan Minnesota soo degta, 12 sano kahor. Wuxuu ii sheegay inuu Dugsi sare ka soo bilaabay markii uu Mareykanka yimid. Isagoo dhanna ka eryana nolol maalmeedkiisa ayuu ku guuleystay inuu "ugu danbeyntii waxbarashadiisa meel ka gaaro" ayuu yiri.

Arrinta sheegidda mudani waxa weeye in ardayda ka socota waddamada Sudan iyo Itoobiya ee qalin jabiyey sanadkan eey tiro ahaan la ekaayeen ama kayara badnaayeen soomaalida qalin jabisay, Sida uu sheegay arday goob joog ka ahaa goobta qalin-jabinta. Sida laga warhayana, Tira ahaan jaaliyadahaasi waa kuwo eey soomaalidu dhowr mar ku jibaaranto.

Si kasto oo arrinku ahaadaba, Sanadaha soo socda ayaa la filayaa tiro intan kabadan oo soomaali ah ineey ka qalin jabiyaan jaamacadaha Minnesota. Marba hadii tiradani eey tahay tiradii ugu badneyd ee soomali mar qura kawada qalin jabisa Jaamacada Minnesota.

C/raxman Ceynte

Carlson School of Mangment.

University of Minnesota.

Ceyntejournalist@attbi.com

May 20, 2003

ARDAYDA SOOMAALIYEEED EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

Habeenkii waxbarshada Soomaalida Minnesota 
warbixin ku saabsan xafladaas oo uu soo uu idiin soo gudbinayo Maxamuud Wardheere GUJI 14/5

Dhibaato Weyn ayaa Soo Martay
Laakiin wuxuu hadda higsanayaa Derejo sare
waa cabdinaasir haji-Bare oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota oo.. GUJI.. 9/5/3

Xafladii Ardayda Soomaaliyeed ee Dhigta Dugsiga Sare ee Edison, Minneapolis GUJI..... 

150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota 

HABEENKII SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA

Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin

<><>

Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD