w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
Feb 17, 2004
CABADILLAHI YUUSUF WAXA UU HAYAA DHABIHII AY
MAREEN JOHNA SAVIMBI IYO GENERAL CAYDIID
Hassan
Salahudin
Leicester
Uk.
salahuddin100@hotmail.com
Mudane Cabdillahi Yuusuf Ahmed Yey waxa uu lahaa timo yar oo yix ah, nin
aamusni badan buu ahaa yaraantiisii, dhexgalka dadkana sidaa ugama sii
badnayn, wuxuu ku dhashay deegaan ka mid ah deegaanada dhulka
majeerteeniya, waxbarashada ayuu ka soo dhalaalay isla waagii uu
barbaarka ahaaba,geesi buu ahaa, aakhirkiina markii uu aqoonta milatariga
ku soo bartay kulayad caskari oo ku taalay Midowgii Soofiyati waxa uu
guursaday Marwo Xaawa oo ah naag aad u qurux badan, Yaa Salaam,
Erayadaasi waxaan ka soo dhambashay dhambaal mar sii horaysay uu
Cabdillahi Yuusuf ka qoray Wariye
Xagar-Yare
oo hadda ku sugan dalka Jarmallka horena warfidiyeen uga ahaan jiray
idaacadihii Radio-Kulmis, Radio Mogadisho, iyo Radio Hargeisa ka hor
dagaaladii ka qarxay Somalia, Xagar yare waxa uu ka mid yahay
wariyayaasha qalinkooda laga dheehdo baraha ay Soomaalidu ku leeyihiin
mareegta Internetka qoraaladiisuna waxay u badan yihin taariikh waxaanay
leeyihiin hal door aniguna si gaar ahba baan u xiiseeyaa.
Laakiin saaxiibkeen xagar yare waxaad moodaa inuu ku sifoobay FIQI TOLKII
KAMA JANO GALO oo uu noo soo bandhigay oo kali ah uun wajigii wanaagsanaa
ee kornaylka oo uu guud ahaanba isha kale naga mariyey dhoobo cas si
aanaan ugu eegin baalka mugdiga ah (Negative Side) ee uu kornaylku kaga
jiro diiwaanka taariikhda Soomalida qarnigan.
Qormanda aan ugu magac daray SAVIMBI, maaha dheelacayn iyo eedayn bilaash
ah oo aan kula dul dhacay kornaylka ee waa aragtida aan anigu shakhsi
ahaan ka qabo doorka mihiimka ah ee uu kornaylku ka ciyaarayo hurinta
colaadaha ka aloosan geeska Africa iyo xasilooni laáanta siyaasada
Soomalida, arrintaasna waxa ila dareensan shacbi fara badan oo Soomali ah
oo xataa qaarkood ay Kornaylka isku deegaan ka soo jeedaan.
Inbadan buu magaca kornaylku ka dhex muuqday hirdanka adag ee soo dhex
maray hogaamiyayaasha siyaasadeed ee soo maray wixii la odhan jiray
Jamhuuriyadii Somalia magaciisana waxa ay Soomaali badani maqleen markii
uu ka dhex muuqday koox ka tirsanaa saraakiishii millatariga Somalia
xilligii dawladii Siyaad barre wax yar ka dib markii laga kala faraxashay
dagaalkii taariikhiga ahaa ee dhex maray Xabashida iyo Soomalida
sanadihii 1977/1978-dii, saraakiishaas intoodii kale waa la laayey marka
laga reebo Cabdullahi oo isagu ku sugnaa dhulka Soomali galbeed ee ku
hoos jira gumaysiga taliska Tigreega, xiliyadaasi waxa uu Cabdullahi hor
kacay jabhad deegaan ahaan ka soo jeeda Majeerteeniya oo uu gabood iyo
taageero hub ba leh siiyey Mingiste Hayle Maryam oo xilligaa madax ka
ahaa taliskii Dargiga ee ka talinayey dalka Ethopia.
Mihiim iima aha inaan taariikhda Cabdullahi
yuusuf isku mashquuliyo ee si aanan uga bixin ciwaanka ay ku socoto
qormadaydu inta laga arkay Cabdullahi yuusuf waxa ku wayn oo meel uga
goán inuu mar uun madaxweyne noqdo ama xukumo riyo uu isku qufulay oo ah
Jamhuuriyada Somalia, cudurkaasi madaxwareerkiisa leh ee madaxtinimadu
wuxuu isaga hortii galaaftay rag inbadan ku soo jiray saaxada iyo
hirdanka siyaasadsa ha ahaadeen kuwo Soomaali ah ama ha ahaadeen kuwo
shisheeye ah, Kornayl Cabdillahi Yuusuf waxa laga nacay gudaha iyo dibada
Somaliyaba kuwa nacdasha dusha uga tuurayna waxa ugu sii daran reer
tolkiis kuwaasoo uu u horseeday jab iyo halaag ilaa intii uu horboodayey
hogaankooda siyaasadeed, jabka iyo hooga uu biday dadkiisa ee diiwaanka
Cabdullahi ku jira waxa ka mida fashilaadii ka soo gaadhay ku dhawaaqidii
jabhadii SSDDF oo markii ay dabayaaqadii sanadihii todobaatanaadkii iska
caabin kari wayday cutubyadii sida xoogan u hubaysnaa ee daacada u ahaa
ma naxe Siyaad barre ay kula kaceen shacbiga Majeerteeniya kufsi iyo
iyaga oo gubay baraagihii iyo guryihii shacbiga.
Inta Cabdullahi yuusuf hor booda iyo inta
durbaanada u garaacdaba waa in aan waxba kala socon taariikhda mugdiga ah
ee kornaylka oo dadkiisii iyo dadka Soomaaliyeedba u horseeday hoog iyo
burbur isagoo ay u cadahay dantiisa shakhsiga ah oo ah mar uun madaxweyne
noqo.
Madaxtinimoy ku nacay, Jona Savimbi waxa uu hogaaminayey dhaqdhaqaaqa
UNITA(National Union For The Total Independence Of Angola) ee ka
dagaalama wadanka Angola mudo ku siman ilaa 25 sanadood, wadanka Angola
oo ah wadan macdan leh ishana ay ku hayaan wadamada reer galbeedku waxa
inabadan la isku dayey in laga xasiliyo nabad waarta oo la soo afjaro
colaada gaamuurtay ee ay dhaqdhaqaaqa UNITA kula jirtay dawlada uu
hogaamiyo madaxweyne Edwardo Dojandos, Jona Savimbi xataa waxa loo soo
istaagay in uu tunka u rito jagada madaxweyne ku xigeenka, Savimbi waxa
laga hayaa inuu yidhi ama mar uun baan Angola madaxweyne ka noqon ama
waxaan naftayda ku waayi doonaa furimaha hore ee dagaalka. Lix iyo toban
xabadood oo sideed ka mid ahi ay wajiga ka cuskadeen ayaa Mr Jona Savimbi
ula kacay xaga aakhiro mar uu dagaal galinayey cutubyo ka tirsanaa
xoogagii jabhadii UNITA.
Mar uunbaan madaxweyne noqon! Waxay sahayatay inta aan ka xasuusto
marxuum General Maxamed Farah Aidid, oo ka dib markii ay fashilantay
dawladiisii SALBAAR isagana dhaawac halis ahi soo gaadhay isagoo dagaal
sadex geesood ah kaga jira xaafada Madiina ee magaalada Mogadisho
dabayaaqadii bishii July ee sanadkii 1996-kii.
shirka Kenya waxaa la
saadaalinayaa haddiiba doorasho ka dhacdo laba Cabdullaahi inay ku
guuleystaan midkood oo ah Cabdullaahi Axmed Caddow iyo Cabdullaahi
Yuusuf Axmed....
Guji...
|
Dadka isha ku haya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda
duleedka magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxay maalmahan sheegayaan in
hadiiba lagu heshiiyo shirka dib u heshiisiinta oo tirada baarlamaankiisa
hada la isku mari laayahay ay u sharaxan yihiin jagada madaxtinimada laba
Cabdullahi, oo midkood yahay Cabdullahi yuusuf, waxaad moodaa in ay
shacabka Soomaaliyeed mararka qaarkood masuul ka yihiin ama qayb libaax
ku leeyihiin burburka iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee haysta marka ay
isaga sacabiyaan mujrim kasta oo madaxtinimo isku soo sharaxa.
Haddii ay Cabdullahu Yuusuf lagu doorto shirka dib u heshiisiinta
Soomaalida ee ka socda duleedka magaalada Nairobi ee wadanka Kenya
xaalada Soomaalidu waxay noqon doontaa kud ka guur oo qanjo u guur waayo
Cabdullahi yuusuf waa laayaan kale oo ka hadhay kooxdii ku noolayd
booliga qaranka ee uu macalinka u ahaa Aabo Siyaadkii quxuuntinimada ku
dhintay.
Waa Walaalkii Hassan Salahuddin
Global Media Group
Uk.
salahuddin100@hotmail.com
QORAALKII
HORE EE SALAAXU DIIN
Feein: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan.
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|