Waxaa la qiyaasayaa in dhamaadka aduunkan uusan noqoneyn mid farxad ku 
   dhamaada, sadaashuna waxey tilmaameysaa cabsida laga qabo circa, dadka, iyo 
   islaweynida dowlad xoog weyn. Sababaha keeni kara halista aduunyo gadoonka 
   ayaa ku saleysan aqoonta inta heerkeedu gaarsiisan yahay maanta. Marka haddii 
   aad aragtid wax kaa yaabiya ama ku naxdin geliya ama aad qaadan kari weysid, 
   ogsoonow in ujeedu tahay in wax yar lagu kordhiyo aqoontaada, wax walbana ay 
   ka weyntahay waxaad aaminsan tahay.
   
   Jiritaanka Cirka(universe): dhulalka ku dhex 
   jira cirka waxay ka bilowdeen meel yar oo kooban, waxeyna ku bilowdeen garax 
   la magac baxay Big Bang, waxaana halkaas looga haray wixii qaraxaas keenay 
   iyo wixii ka horeeyey. Qaraxaas wuxuu socdey waqti hal malyan oo jeer ka yar 
   ilbiriqsi, kaas oo heerkulkiisu gaarey qiyaasta malayiin bilyan oo ah cabirka 
   kuleylka. Isla wahktigaas yarna waxaa iftiin aad u xoogan ka abuurmay 
   waxyaabihii saldhiga u noqon lahaa abuuritaanka waxyaabaha maadigaa, kuwaas 
   oo ay ka mid yihiin Protone, electrone, neutrone iyo waxyaabo ka sii yaryar. 
   Waxey qaadatay 300.000 oo sanno sidii uu u qaboobi lahaa si ay u sameysmaan 
   atamyada kala duwan oo shey walba nuuciisu ka abuurmo, waxaana ugu horeeyey 
   dhalashada hawooyinka fudud. Qaraxaaas waxaa ka dhashay wixii u horeeyey oo 
   miisaan iyo culaab leh, sidoo kale waxaa la bilowday cabirka wakhtiga iyo 
   dhererka sheykasta mug ahaan uu qaato(time & space). Cirka da`diisa waxaa 
   maanta lagu qiyaasaa inuu jiro 13 bilyan oo sanno. Sidaas oo ay tahay ayuu 
   weli yahay wax kooban oo aan ka badneyn bar yar oo iftiimeysa oo ku dhex 
   jirta hawo maran oo mugdiya oo aan lahayn dhamaad. Taas waxey weli kuu 
   muujineysaa in da`da cirku uu yaryahay oo aysan weli fari ka qodneyn. Waxa 
   aad aragtid marka aad cirka fiirisid waxa ay tahay qeyb ahaan dariishad 
   kooban oo cirka ka mida.
   Albert Einstein ayaa 1916 wuxuu soo saaray murti ah haddii la helo kul aad 
   u badan waxyaabaha culeyska leh waxey ku ordi karaan xawaaraha ifka oo ah 
   300.000 kilomitir(km) ilbiriqsigii, qeyb ka mida miisaankiisuna waa uu 
   dhumayaa oo waxey isku rogeysaa iftiin. Sidoo kalana ay dhacayso marka iftiin 
   xoogan uu aad u kululaado in wax miisaan leh uu ka dhasho. Waxyaabihii u 
   horeeyey oo cirka ka sameysmay iyo duufanadii la abuurmay waxey sababeen iney 
   kala baxaan oo ku fidaan hawada mugdigaa ee ku wareegsan. Isku dhacooda iyo 
   isqabsigooduna wuxuu abuuray iney dhashaan goobo aad u fara badan oo wax 
   yaabahaas ay isku urursadaan, waxaana sidaas ku bilowday bilowgii 
   abuuritaanka waxa loo yaqaan Galaxy oo ah balaayiin xidigood oo dhul kooban 
   ku aruursan. Kuwaas waxey la mid yihiin jasiirado urursan oo koox koox ugu 
   dhex fidsan badweyn madow. Ilaa iyo hadda galaxsiyadaas waa fidayaan oo 
   dhexdooda ayaa sii kala jabaya oo sii fidaya, welina ma muuqato mar ay circa 
   wada iftiimin doonaan oo wada gaarayaan. Waxaa la cabiray in 65 km oo dherera 
   ay daqiiqadiiba ku kordheyso kalabaxa ay ku fidayaan dhulka ay ku aruursan 
   yihiin xidigahaas. Galaxsiyadaas waxey maanta ku fadhiyaan dhul dhererkiisu 
   uusan caqliga aadamigu soo koobi karin, sidaas oo ay tahay weli waa cirbad 
   caaradeed marka loo qiyaaso weynanta circa madow. Midabka madow ee circa ayaa 
   astaan u ah in cirku uu ka soo dhashay dhul kooban, uuna leeyahay cimri 
   kooban., maxaa yeelay weli da`diisu ma gaarin in iftiinka xidigaha ay kuwada 
   fidaan dhamaan circa. Cirku waa mugdi damaashaad badan, oo intaas waxaa 
   dhalanaya xidigo cusub, waxaana dhimanaya kuwo kale. Dhulalka cirku waxey u 
   dhashaan si isku eg, oo marka uu sameysmayo xidig cusub waxaa marka hore is 
   urursada daruuro ay ka buuxaan hawooyinka shidaalka qumbulada curiya(hydrogen), 
   cadaadiska isku haya oo xoogan iyo kulka oo badan ayaa waxaa ka dhalanaya 
   qaraxa qumbulada, waxaana si isdaba jooga markaas ka dib si silsilada u 
   soconaya qaraxaas oo dibeda u soo tuuraya kul iyo iftiin.kumanyaal malyan oo 
   sanno ayuu xidig bixiyaa iftiin ilaa inta uu ka dhamaanayo shidaalka, oo 
   marka uu cusub yahay iftiinka uu bixinayo wuxuu xigaa buluug, taas oo 
   muujineysa kulka korkiisa ka baxaya oo aad u badan. Marka ay dhacdo in xidig 
   uu ka dhamaan rabo hawoooyinka uu shidaalka u isticmaalo, iftiinka uu bixiyo 
   waa mid xiga gaduud, kaas oo muujinaya in uu duqoobey oo uu korkiisu qaboobey. 
   Marka uu ka dhamaado shidaalka wuxuu bixiyaa iftiin kala duwan oo marna 
   shidmaya marna demaya, biligbiligtaas xoogan wakhti ka dib waa dhimanaya, 
   wuuna burburayaaa. 
   Marka ay dhacdo wakhti dheer ka dib in xidiguhu ay ku kala firdhaan inta 
   ay gaari karaan circa oo lawaayo xidig xidig u dhow, haddana ay dhamaato 
   shidaalka ku keydsan hawooyinkaas oo dhamaan la isticmaalo, circa waxaa ku 
   imaanya dhimashada kulka, waxaana meel walba gaaraya qabow aad u daran iyo 
   mugdi, wax walbana waxey u noqonayaan waxyaabihii saldhiga u ahaa 
   abuuristooda, waxaana dib u adkaaneysa kuleyl la`aan in waxyabihii jirey dib 
   u dhashaan.
   
   Dhulalka Qorraxda(solar system): qorraxdu waa xidig weynaantiisu tahay 
   dhexdhexaad, wuxuuna ka mid yahay bahda xidigaha ururay ee loo yaqaan Milky 
   Way Galaxy, kaas oo ah qeybta aan uga jirno cirka. 4.6 bilyan oo sanno ka hor 
   ayey sida xidigaha kale ka soo abuurantay hawo iyo bus aad u badan oo isku 
   timid. Waxey qaadatay iney ku dhameystiranto 10 malyan oo sanno. Waxaa la 
   aaminsan yahay in qorraxdu ka dhalatay xidig u dhow oo isagoo nool burburay. 
   Nolasha da`deedu waa dhexdhexaad oo shidaalkeedii kalabarkiis waa ay soo 
   isticmaashay. Qorraxdu aad ayey noogu dhowdahay, waana taas mida keentay iney 
   u muuqato mid ka weyn xidigaha kale ee fog. Waxey dhulka u jirtaa 150 malyan 
   oo kilomitir, ifkana waxey ku qaadataa 8 1/ 2 daqiiqo inuu dhulka 
   ku soo gaaro. Dhererkeeda waxaa lagu cabiray 1,4 malyan oo km, kuleylka 
   korkeeduna waa 5.500° C. Waxey isticmaashaa 
   shidaal dhan 4,3 malyan oo tan daqiiqadii si ay u soo gudbiso iftiin. Xooga 
   ay wax ku soo jiidato wuxuu 30 jeer ka weyn yahay kan dhulka. Waxey isku 
   rogtaa meesha ay ku fadhiso 25 1 / 2 maalmood markiiba. Qorraxda labaad ee 
   xigta qorraxdeena waxey noo jirtaa 275.000 jeer inta ay noo jirto qorraxdan. 
   Sidaas ayey qorraxdeenu ku tahay mid keli ahaan u taagan(single) oo aan 
   lahayn lamaan u dhow. Keli ahaanta qorraxda iyo da`deeda weyn waxey waxtar 
   weyn u leedahay jiritaanka nolosha ka jirta aduunyada dhulkeena. Qorraxda 
   kulkeeda oo aan badneyn iyo da`deeda oo meel dhexaada awgeed, ayaa ah mid 
   noloshu qaadan karto. Kulka qorraxda wuxuu door weyn ka qataa socodka hawada 
   iyo biyaha badaha kuwaas oo kuleylka dhulka heerkiisa caadi ka dhiga. 
   Kuleylka badan oo qorraxda wuxuu sababayaa duufaano iyo daadad waaweyn oo ka 
   dhaca dhulka, kuwaas oo dhulka ka dhaqaya caradasan ee geeduhu ku baxaan, 
   nolosha dadka iyo xoolahana suurtogal ma noqonayaan duufaanada iyo dhulgariir 
   isdaba jooga awgeed. Haddii qorraxdu lahaan lahayd qorrax kale oo lamaanisa, 
   dhulku waa hore ayuu ka faniini lahaa dhexdooda, sida ka dhacda xidigaha kale 
   oo lamaanan marka ay isku qabsadaan iney kala jiitaan dhulka u dhexeeya. 
   Qorraxda iftiinkeeda waxaa daboola wakhti yar marka dayaxa uu soo kala dhex 
   galo dhulka iyo qorraxda dhexdooda, waxaan sidaas ku dhaca qorraxmadoobaad, 
   waxaana la saadaaliyey in 2002 diseember 4teeda, saacadu marka ay tahy 1:57 
   inuu qorraxmadoobaad dhacayo. Qorraxda waxaa ku wareegta 9 dhul oo waaweyn 
   iyo tiro aan xad lahayn oo ka kooban dhagaxyo waaweyn, dhulal yar oo ka 
   sameysan baraf, iyo bus aad u badan oo ka ag dhow. Mercury, Venus, Earth iyo 
   Mars waa dhulalka ugu dhow marka cabirka fogaantooda laga soo bilaabo 
   qorraxda. Dhulalkaas waxey ka sameysan yihiin kor adag oo dhagaxa, 
   xuduntoodana waxaa ku duugan bir dhalaalsan, waxaana ka jira dhamaantood 
   nuucyo kala duwan oo hawaa. Dhulalka kale sida: Jupiter, Saturn, Uranus, 
   Neptune iyo Pluto waa kuwo aad u qabow oo waaweyn, miisaan culusna leh. 
   Dhulalkan waxey dhamaantood leeyihiin kor aan adkeyn oo ka sameysan daruuro 
   is heysta oo qaac, bus iyo hawo ka kooban. Dhagaxda waaweyn oo ku agwareegta 
   qorraxda(asteroids) waxey ka sameysan yihiin dhagax iyo bir. Waxaa qoraxda ku 
   wareegta oo kale balayiin daruuro yaryara oo ah bus,uumiga biyaha iyo neef 
   isku aruurtay oo adkaatay(comet), kuwaas oo sida ay qorraxda ugu sii sikayaan 
   ay kulka qorraxdu gaarsiiso in neefta ku aruursan ay furka tuurto oo ka soo 
   fakato dhinaca qorraxda xiga una soo baxsato dhanka dhulalka u dhow qorraxda. 
   Orodkooda oo aad u sareeya awgeed inta ay soo socdaan waxey bixiyaan iftiin 
   seyn leh. Marka ay soo gaarto dhulka inta badan neeftaas waxey ku gubataa 
   hawada sare eee dhulka, waxaana mar mar dhacda in dhagax yar oo ka haray ay 
   soo gaarto dhulka korkiisa(meteorite), meesha uu ku dhaco dhulkana wuxuu ku 
   reebaa bohol ka dhalata. Waa dhagaxyadaas cirka ka soo dhaca kuwa sida 
   cilmigaa looga ogaado da`da qorraxda iyo xidigaha kale.
   Dhulka aan ku noolnahay waa dhulka 3aad marka laga soo tiriyo dhinaca 
   qorraxda. Inta la ogyahay waa dhulka keliya oo nolol ka jirto, oo leh hawo 
   lagu noolaan karo iyo biyo 70% korkiisa fadhiya. Dhulku wuxuu isla mar la 
   abuurmay qorraxda, waxaana dhulka isbedel joogtaa ka abuura dhulgariirka iyo 
   buuraha dabka tufa( earthquak & volcano). Dhulka dhererkiisa waxaa lagu 
   cabiray 12.756 km, wuxuuna salkiisa ku wareegtaa orod dhan 1.600 km saacadii, 
   waxeyna ku qaadataa 24 saac meesha uu ku fadhiyo inuu hal mar isku rogo, 
   sidaasna waxaa ku dhasha habeenka iyo maalinta. Waxey ku qaadataa inuu hal 
   mar qorraxda ku wareego 365 maalmood oo ah hal sanno. Wuxuu dhan yahay orodka 
   uu ku wareegayo 108.000 km saacadii. Marka uu ku wareeganayo mariinkiisu si 
   qotoma oo siman uguma wareegto qorraxda oo wuxuu wareegtaa isagoojaleeca 23°. 
   Maalmaha uu marayo qeyb ka mida jidkiisa jaleecsan, cirifka waqooyi wuxuu u 
   jaleecdaa dhanka qorraxda, waxaana sidaas ku abuurma xiliga kululaha(summer) 
   oo iftiin maalmeedku uu dheer yahay, maalintiina ay saacadeheedu ay dheer 
   yihiin. 6 bilood kadib mariinkaas wuxuuu jaleeciisu keenayaa in cirifka 
   waqooyi ka sii jeesto qorraxda, waxaana sidaas ku dhasha xiliga 
   qaboobaha(winter) oo uu iftiin maalmeedku gaaban yahay, saacadaha maalintiina 
   ay yar yihiin. Dhulka waxaa ku wareegsan hawo ay dhaqaajiyaan isku taga kulka 
   qorraxda iyo wareega dhulka. Hawada sare ee dhulka waxey ka celisaa kulka 
   badan iyo iftiinka halistaa ee qorraxda uga yimaada, waxyaabaha circa kaga 
   soo dhaca oo inta badan ay gubto, kana reebto inta badan waxyaabaha halistaa 
   oo wehliya, waxeyna hodon ku tahay hawada dadku ku neefsado(oxygen). 75% 
   hawada wanaagsan waxey ku dhex jirta inta u dhexeysa dhulka ilaa 12 km 
   dhinaca circa, waxaana meel dhulka u jirta 50 km hawada dul saran daboolka 
   loo yaqaan Ozone layer, oo ka sameysan hawo gaara, kaas oo dhulka iftiinka 
   soo aadaya ka reeba kuwooda halistaa. Nasiibdarro, haddda daboolkaas qiimaha 
   badan waxaa dhiniica ku aadan cirfka koofurta laga arkay dalool weyn oo ay 
   sababtay wasaqda hawada uga yimaada neefta loo adeegsado qaboojiyeyaasha. 
   Saddexmeelood oo meel dhulka waxaa fadhiya biyo u badan badaha waaweyn, 
   waxeyna biyahaas caadiyeeyaan inuusan kulka dhulka uusan faraha ka bixin. 
   Dhulku wuxuu leeyahay hal dayax oo keliya oo u jir dherer dhan 384.000 km, 
   waxaana la qiyaasay inuu ahaa qeb ka mida dhulka , kaas oo ka go`ay kadib 
   markii uu dhulka ku soo dhacay dhul aan ka yareyn Mars wakhtigii dhuku 
   da`diisu yareyd oo uu jirey hal bilyano sanno. Dayaxu wuxuu la egyahay 
   afarmeelood meel ka mida dhulka, oo waxaa dhererkiisa laguqiyaasaa 3.475 km, 
   waxey ku qaadataa 4 usbuuc inta uu hal mar ku wareeganayo dhulka, waxaana 
   halkaas ka dhasha bilaha. Dhalashada bisha waxey ku timaadaa marka dayaxa u 
   soo kala dhexgalo inta u dhexeysa iftiinka qorraxda iyo dhulka, kaas oo si 
   tartiiba uga soo dhexbaxaya dhexdooda. Waxaa mararka qaar dhacda marka uu 
   dayaxu dhexmarayo dhulka iyo qorraxda dhexdooda inuu dhamaanba ku daboolmo 
   iftiinka qorraxda, waxaana sidaas ku dhaca qorraxmadoobaad, waxaa sidoo kale 
   dhaca dayaxmadoobaad marka uu dhulka soo kala dhexgalo qorraxda iyo dayaxa 
   dhexdooda, waxaana la saadaaliyey in dayaxmadoobaad uu dhacayo 2003, nofember 
   9keeda, saacadu marka ay tahay 1:18 saqda dhexe, waxeyna qaadaneysaa wakhti 
   dhan 212 daqiiqadood. Dhawaanshaha uu dhulka u dhow yahay ayaa keenta inuu u 
   muuqdo wax weyn oo dabooli kara qorraxda. Waxey kaloo dhowaantiisa iyo 
   weynaantiisuba ay dayaxa siisaa awood lixaad leh inuu ku soo jiito biyah 
   dhulka korkooda sare, waana taas mida sababta hirarka ka dhaca badaha waaweyn.
   
   Cabsida Cirka Laga Qabo
   
   Dhagaxda cirka Ka Soo Dhaca: sida badan waa dhagax soo gubtey oo aad u 
   madow, waxeyna hodon ku yihiin dhuxul iyo bir. Waxey asal ahaan ka soo 
   jeedaan waxyaabo si kala duwan circa uga soo qarxay, orodka ay ku socdaan aad 
   ayuu u dheer yahay, waxeyna socdaan malayiin sanno inta ay ka helayaan meel 
   ay ku dhacaan. Midabkooda madow awgeed iftiinka ku soo dhaca iyo midka 
   orodkooda ka dhasha midna ma muuqdaan. Sidaas ayaan aad loogu arki karin 
   marka ay soo dhacayaan. Dhagaxyadaas kuwa ugu waaweyn waxey la egyihiin 
   qiyaas la mida dhulka uu ku fadhiyo gobolka Banaadir(20 km), kuwa xigana 
   qiyaasta degmada Madiina(2.5 km). Dadku waxey cabsi weyn ka qabaan dhagaxdaas 
   cirka uga soo daadaneysa oo haddii ay dhacdo orodkaas xooga leh iney dhulka 
   kula dhacaan ay hubaal tahay in waxa nool ay tirtirmayaan, dhulkana ay ku 
   qaadan doonto malayiin sanno sidii loogu noolaan lahaa mar kale. Hadda ka hor 
   mar laga joogo 65 milyan oo sanno ayaa lagu cabiray inuu dhulka ku soo dhacay 
   dhul dhan 10 km, kaas oo qaraxii ka dhashay uu dhulka korkiisa oo dhan ka 
   dhigay bus uu circa geliyey, waxaana sidaas lagu aaminsan yahay in noloshii 
   ka jirtey dhulka inta badan ay tirtirantay, sida xoolihii waaweynaa ee 
   looyaqaan Dinosaur. Dhulka korkiisa dadku waxey ku noolyihiin 8 malyan oo 
   sanno, taas oo aad uga fog xiliga qaraxaas. 14ka luuliyo 2002, Waxaa ay 
   ogaadeen aqoonyahanada cirka Mareykanka ee NASA in marka taariikhdu tahay 
   18ka agoosto 2002, saacadu marka ay tahay 3:00 a.m ee saqda dhexe maalinta 
   axada in dhul dhan 1 km uu meel u dhow marayo dhulka. Dhagaxaas oo loo 
   bixiyey 2002 NY40 wuxuu dhinac maray dhulka meel u jirta 600.000 km, waxaana 
   si fiican looga diiwaan geliyey, muqaalkiisa, socodkiisa, iyo guuxa 
   gulufkiisa qalabka sahmiya cirka sida Chandra x-ray Observatory, Compton 
   Gamma ray Observatory iyo 305-m Radio Dish oo dhamaan ku rakiban magaalada 
   Arcibo ee dalka Puerto Rico. Dhagaxyadaas duulaya oo dhulka dhinac mara waa 
   dhacdooyin 50 sannaba hal mar la arko, sidoo kale waxaa ah dhacdo dhifa 
   dhagaxda ku soo dhacda dhulka korkiisa oo dhacda markiiba 2 malyan oo sanno. 
   Waxaa hadda cabsi weyn laga qabaa sadaal dhowaan laga helay qoloyinka New 
   Mexico Linear Observatory oo saadaliyey in dhagax dhan dhul ah 3 km oo loo 
   bixiyey 2002 NT7 oo ku socda orod dhan 169.000 km saacadii uu ku soo aadan 
   yahay dhulka maalinta jimcaha, feberaayo 1deeda, 2019. Waxey cadeysey 
   cilmibaaris laga helay dhagax la socotey dhagaxaas oo ka soo horeysy lagana 
   helay iyagoo maraya inta u dhexeysa Mars iyo Jupiter oo lagu ogaadey in 
   dhagaxaas soo socda uu jidka ku soo jirey 5,8 malyan oo sanno kadib markii uu 
   ka soo qarxay dhulkii uu ka tirsanaa. Inkasto saadaasha dhabtaa la ogaan karo 
   marka uu soo dhowaado dhagaxaas, haddana aadamiga maanta jira awood farsamo 
   uma laha wax ay isaga leexin karaan dhagaxaas ku soo socda. Waxa ugu weyn oo 
   hadda la heysto waa gantaalaha ay ku rakiban yihiin qumbuladu, iyaguna waxey 
   noqonayaan tixsi ku dhacay derbi.
   Inta aad ku fogaatid fiirinta cirka oo ishu aysan gaari karin dhamaadkeeda, 
   waxaa adigana kugu fogaanaya la yaabka cirka iyo cabsidiisa. Dadka qaar ayaa 
   isweydiinaya waxa cirka looga cabsanayo oo kor naga jira. Waxaa xusid mudan 
   in dhulkeenu ka tirsan yahay cirka oo uu dhexheehaabayo cir maran, nolosha 
   aduunyada dhulkuna ay dhamaadkeedu ku xiran tahay mida guud ee cirka, gaar 
   ahaan qorraxdaeena. Waxaa la ogaadey in qorraxda dusheeda ay meelo badan ka 
   madoobaatey oo ay ka qabowdey, kadib meelahaas markii ay ka dhamaadeen 
   shidaalkii ka gubanayey. Waxaa aqoon ahaan la saadaaliyey in 5 biyan oo sanno 
   kadib ay qorraxdu wada madoobaaneyso marka uu ka dhamaado shidaalkeedu, 
   sidaasna ay ku dumeyso. Xidiga Viga oo sida weyn loo arko fiidkii, 
   iftiinkiisa ku dhacaya ishaada wuxuu jidka ku soo jirey 25 sanno, waana 
   sababtaas mida keentay in iftiinkiisu biligleeyo. Waxaa aad u yaab badan in 
   xidigahaas waaweyn oo aadka u kala fog, haddana ay dhexheehaabayaan cir maran, 
   oo haddii waxa u dhexeeya oo dhan waxa ku dhex jira la isku keeno aysan 
   dhameyn culaabtoodu hal xabo oo mesego ah.
   
   Godka Madow(black hole): dayaxgacmeedka loo yaqaan X-ray Satellite 
   Telescope Xmm-Newton oo uu ku rakiban yahay qalabka meelaha fog soo dhoweeya 
   oo la yiraahdo Hubble Space Telescope ayaa cirka ka sareeya dhulka waxaa lagu 
   tuuray luuliyo 1999, wuxuuna si dhaqso ah u keenay sawir uu ka sameeyey 
   iftiin jidka ku soo socdey 130 milyan oo sanno, kaas oo ka yimid xidigaha 
   galaxsiga dheriskeena ah oo cirka noogu dhow ku jira. Bartamaha xidigahaas 
   urursan ee na soo xiga waxaa laga helay god weyn oo madow. Afka godkaas waxey 
   iftiinka ku qaadaneysaa 6000 sanno inuu gees ilaa geeska kale isaga gudbo. 
   Godkaas wuxuu u wareegayaa sida orodka iftiinka, kulka dhexdiisa ka jirana 
   wuxuu gaarayaa balayiin heerka kulka, wuxuuna leeyahay awood xad dhaafa oo uu 
   wax kasta oo ku soo dhowaada uu ku soo jiito. Godkaas waxaa la wareeganaya 
   dhulal soo burburay oo noqday bus iyo daruur iyo xidigo nool oo soo jidashada 
   godku ay sidato, kuwaas oo kulkoodu gaarayo malayiin heerka kulka. Awooda soo 
   jiidashada godkaas oo aad u weyn, wuxuu laqayaa wax kasta oo ka soo 
   agdhowaada afkiisa, wuxuuna laqaaa xidigo nool oo ka weyn qorraxdeena. Ma 
   jiraan wax ka fakan kara marka ay ku soo dhowadaan wareega waalan ee godkaas. 
   Marka uu laqayo dhulalka waaweyn waa uu isku dhexduminayaa, wuxuuna ilbiriqsi 
   wax ka yar uga dhigayaa bus culaabtooda oo dhan uu ku u soo koobayo wax ka 
   yar gacan mugeed. Haddii uu qof ku dhaco godkaas waxaa culaabtiisa la isugu 
   keenayaa wax ka yar muqaalka jeermiska aysan ishu arki karin. Waxaa la 
   maleynayaa in godkaas uu ka dhashay xidig aad u weyn oo ay ka dhamaatay 
   shidaalkii, dabadeedna taas ay keentay inuu isku gudodhaco, miisaankiisii oo 
   dhana uu ku soo aruuro dhul yar oo kooban(singularity). Waxey taas la mid 
   tahay dhulka aan ku noolnahay oo lagu soo aruuriyey kubada cagta mugeed, taas 
   oo aysan jirin cid qaadi karta, xoogeeda soo jiidashada oo urusan awgeedna ay 
   sida orodka biriqda u dafeyso wixii ka soo ag dhowaada. Sidoo kale waxaa 
   suurto gala in godkaas uu ka dhashay isku dhaca xidigo aad u waaweyn oo ku 
   wada aruursan meel isku dhow, taas oo iskudarsankooda uu ka dhashay cufjiid 
   xad dhaafa. Godkaas waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay duleel duun madow oo aad 
   u dheer, waana meesha ay ku dhamaadaan cabirka wakhtiga, dhererka, iyo 
   jiritaanka wax kasta oo leh mug. Godkaas wuxuu la madow yahay awoodiisa uu 
   wax ku jiidanayo xataa iftiinka oo ah shey aad u fudud kama soo fakan karo. 
   Godkaas sida biyo wareeganaya ayuu sannooyin u wareejinaya waxyaabaha u dhow 
   inta uusan liqin ka hor. Markasta ee uu godkaas laqo dhul aad u weyn waxaa 
   sii kordha xoogiisa soo jiidashada oo xidigo waaweyn inta isku gudo jebiyo ka 
   soo reebaya budo yar oo aad u culaab badan(neutron star). Wixii ku dhaca 
   godkaas jiritaanka noloshiisii waa dhamaatay, dib u soo noqosho dambana ma 
   leh. Qorraxdeenu xidigaha ay la bahda tahay cirka ay ku jiraan(Milky way 
   galaxy) waxaa la saadaalinaya iney ku dhex jiraan godad yar yar oo madow oo 
   qiyaasta kiiba 10 jeer ka weyn yahay qorraxdeena, waxeyna isrogayaan markiiba 
   in ka yar kun jeer ilbiriqsigii, kuwaas oo isu tagooda u ka dhalan kara god 
   madow oo weyn, kaas oo u dambeystii noqon kara midka laalaabaya dhamaan 
   xidigaha ku dhex jira cirka ay ku jirto qorraxdeenu. Waxaa la rumeysan yahay 
   in godkaas aan ka soo noqoshada lahayn uu bartamaha uga yaalo xidigo kasta oo 
   urursan, uuna yahay kii dili lahaa nolosha aduunyadooda. Isaac Newton oo ahaa 
   aqoon yahankii soo saaray cabirka orodka waxyaabaha socda ayaa wuxuu 
   saadaaliyey mar hore waxa uu noqon karo godka madow oo ay dhici karto inuu 
   yahay xidig 500 oo jeer ka weyn qorraxdeena oo xooga soo jiidashadiisa oo aad 
   u weyn awgeed in iftiinka ka soo baxaya uusan soo gaari karin indhaheena, 
   maxaa yeelay sida falaar cirka loo tuuray oo kale ayuu iftiinka xidigaas dib 
   ugu soo noqonayo, sidaasna uu ugu muuqanayo indheheena sida xidig madow. 
   Madowga cirku wuxuu muujinayaa inuusan dhamaad lahayn cirku, dhulalka cirka 
   oo dhan haddii la isku geeyana waxey noqonayaan dhibic biyaa oo badweyn 
   mugdiya ku dhex jirta. Cirka baaxadaas weyn leh intiisa badan waa maran yahay, 
   inta u muuqata dhulal adagna waxaa ka dhex buuxa meelo maran. Haddii la helo 
   cadaadis aad u xoog badan, dhulalka ku jira cirka oo dhan waxaa lagu soo 
   koobi karaa dhul ka yar aduunka aan ku noolnahay sida hawada ku jirta hal qol 
   haddii la isku cadaadiyo loogu soo koobi karo wax ka yar koombo mugeed.Waxaa 
   la ogaadey in godka madow oo loo bixiyey GRO J1655-40 oo afar jeer qiyaasta 
   ka weyn qorraxdeena oo dhererkeedu la egyahay 865 kun oo mile, uu ku soo 
   aadan yahay cirka uu ku jiro aduunkeena, kaas oo ku socda xawaaraha 250 kun 
   oo mile, kaas oo ka dhasahay kana soo faniinay xidig weyn oo dumey. Waxaa 
   lagu qiyaasayaa inuu noo soo dhawaanayo waqti lagu qiyaasay inuu noo jiro 
   hadda 200 milyan oo sanno.
   
   Dhamaadka Nolosha Dhulkeena
   
   Waxaa la qiyaasayaa in masiibo cirka ka timaada ay fog tahay, laakin in 
   dadku yahay ka gedinaya nolosha dhulkan oo ah aduunka aan ku noolnahay. Waxaa 
   la isweydiinayaa wakhtigii ay kulmi lahayeen dhamaadka nolosha dhulka iyo 
   sababtii dhalin lahayd dhamaadkaas. Dhulka aduunkan wuxuu ku gadoomi karaa 
   laba siyaabood oo ah ama in waxa nool ay soo gaarto waxyeelo culus ama in 
   dhulka ay ku timaado waxyeelo sababta in lagu noolaan waayo. Waxaa la 
   saadaaliyey in aduunyo gadoonka ay sababi karaan waxyaabo badan oo ay ka mid 
   yihiin:
   
   Cudurada Sida Dhaqsahaa U Fida: Waxaa dhulka ku soo badanaya cudurada 
   halistaa oo wax dila, kuwaas oo aan loo hayn dawo. Aidska oo uu sababo 
   viruska HIV qofkana ka dila difaaca jirka(immune system) wuxuu dilayaa 2002 
   dad dhan 68 malyan, oo 55 milyan oo ka mida ay yihiin Afrikaan.West Nile 
   Virus oo markii kowaad lagu arkay New York 1999 oo uu ku laayey dad badan 
   ayaa ah cudur ku dhaca xoolaha oo ay dadka u soo gudbiso kaneecada soo 
   qaniinta xoolahaas. Cudurkaas wuxuu dhaliyaa maskaxbarar(encephalitis) dadku 
   ay u dhintaan , cidii dhimashadiisa ka badbaada waxey ka dhaxashaa jahwareer 
   ku yimaada dareenkiisa iyo isagoo aan socon karin. Viruska Marburg iyo Ebola 
   waxey keenaan dhiig bax ku yimaada gudaha oo ay sababto garax ku yimaada 
   xubnaha waaweyn ee uur- ku-jirkaa. Furuqa(Smallpox) oo ah virus dila dadka, 
   ayaa waxyeelo u geysta xubnaha ku jira gudha, maqaarkana ku reeba baro 
   foolxun oo naxdin leh. Anthrax oo ah jeermis leh xumad, qufac iyo neefta oo 
   qofka ku xiranta, ayaa dadka ku disha in ka yar 36 saacadood. Waxaa kaloo 
   jira jeermisyo sidass oo kale u halisa sida Brucellosis iyo Tulaemia. 
   Cudurada sida aadkaa looga cabsado ma aha kuwa halistaa oo wakhtiga dheer wax 
   ku dila. Waxaase aad looga baqaa waa kuwa dhaqsaha u faafa oo dad badan 
   wakhti gaaban noloshooda dila ama halis geliya naftooda. Waxaa cabsi weyn 
   laga qabaa mustaqbalka inuu noqdo hergeb ama durey kan ciribtira nolosha 
   dhulka. 1918 waxaa Yurub iyo Ameerika ku fidey hergebka loo yaqaan Spanish 
   Flu, kaas oo wadamadaas ka diley dad gaaraya 20 milyan oo ruux. Tiradaas 
   ugama dhiman wadamadaas dagaaladii aduunka. Halistu meel aan loo maleyneyn 
   ayey ku jirtaa. 1997 Hong Kong waxaa ka dilaacay hergeb ku dhaca shimbiraha, 
   kaas oo diley 6 ruux. Hergebkaas nuuciisa oo halisa ayaa si dhaqso leh dadku 
   uga qaadaa digaaga, laakiin nasiib wanaag dhaqso dadku isuguma gudbiyaan. 
   Hergebka nuucaasa haddii ay dhici lahayd in dadku dhaqso u kala qaado, wuxuu 
   kii Spansih Flu noqon lahaa fara ku dhuuqdhuuq. Dhibaatada ugu weyn oo aan 
   loo joojin karin hergebyada wax dila waa iyaga oo adkeysimo xoog leh u yeesha 
   dawooyinka waxyeelada jeermiska iyo viruska lagula dagaalamo(antibiotics). 
   Isku socodka aduunka oo fududaaday waxey sahashey dhaqso isku gudbinta 
   cuduradaas. Haddii ay dhacdo hal ka mida garoonada caalamka ee dayaaradaha in 
   lagu sii daayo cudurka Furuqa oo qaata ilaa 14 beri inuu qofka uga soo baxo, 
   waxaa dhaceysa in dadka cudurkaas qaba oo isag gudbaya garoonada kale ay ku 
   fidiyaan dhamaan aduunka kale oo dhan mudo 14 berri gudaheeda. Sidaas ayaa 
   cabsi weyn looga qabaa cuduradaas faafa, maxaayeelay cudurka maanta fida ma 
   noqonayo sidii berigii hore mid waxyeeladiisu ku kooban tahay meesha uu ka 
   dilaacay, balse wuxuu noqonayaa mid aduunka oo dhan dhaqso ugu fida.
   
   Dagaalka Jeermiska(germ warfare): Wadamo badan oo aduunka ka mida 
   waxaa u keydsan waxyaabo halisa oo ay ku dagaalamaan. Waxey leeyihiin 
   sheybaaro qarsoodiya oo ay ku abuuraan virus iyo jeermisyo halisa oo weliba 
   ay ku kobciyaan sidii ay isaga caabin lahayeen dawooyinka loo adeegsado la 
   dagaalankooda. Waxey kaloo is bedel ku sameynayaan sinjigooda, waxeyna ka 
   dhex sameyaan taran si uu uga soo dhexbaxo kuwo aysan jirin talaal iyo dawo 
   wax celin kara. Waxey cudurkeenayaashaas nuucyadooda kala duwan loogu tala 
   galay leynta dad badan, baabi`nta geedmiroodka(anti-corp) iyo xoolahaba. 
   Waxaa dalaka abuurta cudurkeenayaashaas u qorsheysan iney madaxyo ay ka 
   buuxaan virusyada iyo jeermisyadaas ay ku rakibaan gantaalo meel dheer wax 
   gaarsiiya, sidoo kale waxaa jira qalabyo kale oo xambaari kara 
   cudurkeenayaashaas oo cirka si sahlan loogu duulinayo, meeshii la doonana 
   lagu soo daadiyo iyada oo aan la dareemi karin. Cudursidayaasha dagaalka loo 
   adegsado waxaa ka mida: Anthrax, Cholera, Plague, Botulinum Toxin, Tularemia, 
   Smallpox, Ricin, Qfever, Staphylococcal, Enterotoxin B, Brucellosis 
   Venezuelan, Equine, Encephalitis Tricothecene. 
   Waxaa sidoo kale jira sheybaaro sameeya waxyaabaha kimikadaa oo dad badan 
   gumaada sida: Nerve Agents(Sarin, Cynide, GF, VX Nervegas, tabun, Soman, iyo 
   Toxins), Choking Agents( Chlorine, Phosgene), Blister Agents( Mustard gas, 
   Lewisite) iyo kuwa dadka suuxiya sida Fentanyl oo dal si fudud loogu qabsan 
   karo.
   
   Dagaalka Qumbulada(nuclear war): wadamo badan waxey sameysteen 
   qumbulad ka sameysan bambaano aad u culus oo qaraxeedu uu keeni karo in bus 
   fara badan ay ka kacdo dhulka korkiisa, waxaana sidaas ku dhalanaya daruur 
   xirta hawada cirka ku wareegsan, taas oo ay ka dhalaneyso in ifka qorraxda uu 
   soo gaari waayo dhulka, sidaasna uu dhulka uga dhasho qabow aad u 
   daran(nuclear winter). Iftiinka dilaagaa ee ka dhasha qaraxa qumbulada iyo 
   iftiin la`aanta qorraxda waxey dileyaan dadka, xoolaha iyo inta badan geedaha. 
   Haddii ay dhacdo in la isweydaarsado sawaariiqda xambaarsan qumbulada 
   nuuceeda waaweyn, waxyeeladu waxey ku fideysaa dhulka oo dhan. Cidii ka 
   badbaada dilkeeda waxey dhaxleysaa sinjirogid ku timaada hiddosidayaashooda 
   oo waxeysan hureyn ilmahooda oo dhasha iyagoon dhameyn, cuduro, iyo gaajo 
   baahsan. Walaaca ugu weyn wuxuu ka jiraa marka qumbuladahaas lagu rakibo 
   dayaxgacameedyo cirka sare heehaabaya kuwaas oo computer dhulka yaala looga 
   hagayo meesha la doonayo in lagu dul tuuro. Qumbulada cirka laga soo rido waa 
   ka waxyeelo badan tahay tan dhulka laga rido, sidoo kale is hertiga hawada 
   sare ku dhexmara dayaxgacmeedyada ku hubeysan qumbulada waa mid guud oo 
   dhulka dhan wada gaareysa.
   
   Wasaqeynta Deegaanka Dhulka: Ma jiro aduun cusub oo noo bedelaya 
   dhulka hadda aan ku noolnahay, sidaas oo ay tahay ayaa dayac weyn uu ku 
   dhacaa degaanka dhulka, kaas oo ku yimaada sumeynta hawada, carrada, iyo 
   biyaha, waxeyna suntaas ay dhalisaa in sannadba sannadka ka dambeeya uu 
   aduunku soo kululaado(global warming). Waxaa lagu qiyaasay in 10kii sannaba 
   uu kulka aduunka heerkiisu 3 kor u kacayo. Koriinka kulka aduunka kor u sii 
   kacaya waxaa ka dhalanaya biyaha badweynta degen inuu ka dhaliyo duufaano 
   isdabajooga oo geysta qasaarooyin waaweyn. Waxey kaloo dhalineysaa iney 
   dhalaalaan buuraha barafkaa ee ku yaala cirifyada aduunka, kuwaas oo biyaha 
   bada joogooda soo gaarsiinaysa dhulka. Waxey sidoo kale dhalinayaan abaaro 
   iyo roob la`aan isdabajoogta, waxaana xiliyada loo bartay roobka bedelaya dab 
   weyn oo guba geedaha ku yaala dhulka keyntaa oo aysan jirin roob demiya. 
   Waxaa sidoo kale dadka ku soo badanaya cudurka kansarka ee ku dhaca maqaarka, 
   kadib marka ay dhulka ku soo bataan iftiinka qorraxda nuuciisa waxyeelada 
   leh(Solar UV Radiation), taas oo ay sabab u tahay daboolkii celin lahaa oo ay 
   baabi`yaan wasaqda hawada lagu daayo.
   
   Koriinka Tirada Dadka(overpopulation): Waxaa la qiyaasay in Afrika ay 
   cudurka Aidska ay maalin walba uga dhimato 6000 oo qofood, sidaas oo ay tahay 
   looma arko masiiboweyn marka la dhinac dhigo tariinka dadkeeda. Dadka aduunka 
   maanta waxaa lagu qiyaasaa 6.1 bilyan, waxaana la xisaabiyey in 1950 ilaa 
   2000 uu dadka tiradiisu kordhay 50%. 2050 waxaa lagu qiyaasay in tirada dadku 
   gaareyso 11 bilyan, oo Indiya oo keliya ayaa dadkeedu gaareya xadka 1.5 
   bilyan. Dadka faraha badan ee aduunka ku soo kordhaya waxey hodantinimda 
   dhulka u reexayaan heer uusan qaadi karin heerka wax soo saarkiisu si ku 
   filan inuu u haqabtiro baaahida dadkaas oo dhan. Dheelitir la`aanta nuucaasa 
   waxey dhulka dhaxalsiineysaa in culaabta saaran oo ka baxsan xadkiisa iney u 
   keento nabaadguur dhulka ku yimaada, kaas oo dhulka ka dhiga midaan lagu 
   noolaan karin. Kheyraadka dhulka korkiisa laga helo ayaa dalalka qaar u 
   isticmaalaan si aan qiyaas lahayn, meesha dalal kale ay ka qadsan yihiin, oo 
   sabool ka yihiin adeegsigooda. In kasto sida Mareykanka ay dalalka qaar 
   yaraatay tirada koriinka dadkooda, haddana waxey 200 jeer ka isticmaal badan 
   yihiin dalalka saboolkaa oo taranka dadku ku badan yahay, sidaas daradeed 
   wasaqda ay soo saaraan wadamadaas horay u maray ayaa ah mida ugu badan oo 
   waxyeelada halistaa u geysata dhulka marka la barbar dhigo tan ay geystaan 
   wadamada saboolkaa oo aan helin fursad ay waxyaabo badan ku isticmaali 
   karaan(consumption). Waxyeelada ugu weyn waxey ka imaaneysa dhinaca biyaha. 
   Waagii hore dadku wuxuu biyaha dhulka ku hoos jira kula soo bixi jirey 
   isticmaalka muruqooda, sidaasna uma badneyn biyaha ay soo saarayeen, haddase 
   dadku wuxuu isticmalaa kumanaan milyan oo matoorada biyaha dhulka ka soo 
   saara, waxaana sidaas lagu soo saraa biyo fara badan. Waxaa lagu qiyaasay 
   biyaha ay dadku dhulka ka soo saraan iyo kuwa ay ka leexiyaan webiyada in 70% 
   ay u isticmalaan dhinaca waraabka beeraha, 20% ay u isticmalaan dhinaca wax 
   soo saarka wershedaha, 9% adeega guriga iyo wax ka yar 1% oo loo isticmaalo 
   cabida. Marka in aad u yar ayaa biyahaas aduunka ah wax laga cabi karo oo 
   waxaa hadda la qiyaasayaa in 2.4 bilyan oo dada aysan aduunka ku haysan biyo 
   nadiifa oo ay cabaan. Dhinaca kale 70% marka biyaha loo adeegsado soo saarida 
   cunto, haddii ay dhacdo biyo la`aan waxey taasu sababeysaa cunto yari aad u 
   xun. Haddii ay sidaas dhacdo waxaa aduunka ka dhamaanaya siyaasadihii degenaa 
   oo diplomaasiyada ku saleysnaa, waxaana curanaya kacdoono gilgila noloshii 
   degeneyd ee dadka(political upheavals). Wadan walbana waxaa wax walba kala 
   weynaanaya jiritaanka dadkiisa oo keliya iyo sidii keligood ay aduunka ugu 
   noolaan lahayeen, dadka kalena ay aduunka uga diri lahayeen maadaama uusan 
   dhulku wada qaadi karin culaabta wadajirkooda. Waxaa la saadaaliyey in 
   qarnigan dhamaadkiisa biyo xumo iyo cunto la`aan ay u nafwaayayaan dad dhan 2 
   bilyan, sidoo kale waxaa inta badan la xaalufinayaa kheyraadka bada, waxaana 
   aduunka sannad walba ka baaba`ya dhulkeymeed dhan 36 malyan oo hektar, waxaa 
   sidoo kale la weynayaa 11 kun oo nuucyada isugu jira geedaha iyo xoolaha oo 
   uu ku dhacayo dabar go`, kuwaas oo uu dadku ka heli daawo iyo cuntaba.
   
   Qaska Siyaasada Guud(political chaos): wadamada xooga weyn sida 
   Mareykanka marka ay dhacdo inuu maamulkooda gacanta u galo koox ay ku fog 
   tahay naceybka diin aad u weyn oo ka gedisan tooda, kuwaas oo doonaya inta 
   tabartooda iyo maaliyadoodu ay gaarsiin karto iney dagaal furan la galaan 
   dadka ku nool wadamada ay u arkaan iney lid ku yihiin aragtida 
   diintooda(anti-christian cause), waxay aragtida nuucaasa aduunka ku keeneysaa 
   dufaano siyaasadeed oo qaskeedu aduunka wada gaarayo. Marka ay dhacdo in hal 
   dal oo keliya uu aduunka ugu xoogweynaado, waxa uu rabo waxey noqonayaan amar 
   ay sharci tahay in la raaco(New World Order). Warbaahinta aduunka waxey 
   noqoneysaa mid gacantiisa ku soo aruurta si danahiisa ay ugu adeegto, waxaana 
   meel kasta hanti gashanaya shirkadihiisa waaweyn oo aysan jirin cid ku dhici 
   karta iney dhaqaalo kula tartanto. Waxaa jireysa maalin uu burbur ku imaanayo 
   dhaqaalaha dowladaas isbalaarisay, aysana suurtogal noqonayn in wax uga soo 
   noqdaan dhaqaalihii faraha badnaa oo uga baxay isbalaarintooda ay aduunka ku 
   maalgeliyeen, waxaa sidaas uu burburka dhaqaalaha shirkadaha 
   waaweyn(corporate kingdoms) ku dhalinayaa dhaqaale jab ku dhacda dalkaas, 
   sida haddaba ku bilaabantay shirkadihii waaweynaa ee Mareykana sida: 
   Kenthlay, Enron, Em Clone, World.com iyo kuwo kale oo jidka ku soo jira. 
   Marka dhaqaaluhu aad u burburo lacagtu waxey noqoneysaa xaashi aan wax qiima 
   lahayn, waxaana sidaas ku istaagaya isticmaalkeeda, waxaa sidoo kale 
   istaagaya wax soo saarkii wershedaha, oo wershedihii aysan jirin cid ay 
   mushaar siin karto iyo cid awooda iney gadato badeecadooda. Sidaasna waxaa ku 
   istaagaya soo saaridii biyaha, cuntada iyo daawooyinka. Waxaana intaas 
   dabadeed si lama filaana u dilaacaya qas weyn oo soo gabagabeeya kala 
   dambeyntii iyo xukunkii ku saleysnaa sharciga. Burburkii ku yimid siyaasadii 
   Ruushka iyo wadamadii la ahaa isbaheysiga wuxuu noqonayaa mid aan waxba ahayn 
   marka loo qiyaaso burbur nuucaasa oo ku yimaada wadan aad iskula weyn. 
   Burburka ku habsada wadankaas wuxuu sababayaa burbur ku yimaada wadamada ay 
   isbaheystaan, tusaale ahaan sida reer galbeedka, taas oo iyana saameyn weyn 
   ku yeelaneysa aduunka intiisa kale oo danahoodu ay wadamadaas ku xirnayeen, 
   waxaana sidaas ku dhalaneysa isdhexyaac iyi jahwareer weyn oo dunida oo dhan 
   saameeya. Dalka Mareykanka waxaa 1929 ku dhacay dhaqaalo jab weyn(Great 
   Depression), islamarkiina wuxuu saameeyey wadamada reer galbeedka, waxeyna ku 
   qaadatay 25 sanno iney uga soo baxaan burburkaas dhaqaale, waxaana ka soo 
   saartay fursadii dagaalkii 2aad ee aduunka oo horseeday farsamooyin cusub. 
   Dagaalka maanta dhaca dhibkiisu wax badan waa ka tiro badan yahay dheeftiisa. 
   Horay aduunka waxaa u soo maray dowlado islaweyn sida kii Romaanka ee Julies 
   Casaer, kii Fransiiska ee Napoleon iyo kii Jarmalka ee Adolf Hitler. Dhamaan 
   burburkooda waxaa dhaliyey dhaqaalahooda iyo cududooda oo ay ku balaariyeen 
   dhul weyn oo awoodoodu aysan u qeybsami karin. Waxaa qaska siyaasada aduunka 
   meelo badan oo ka mida inuu furka tuuro ka hortaga dadka nabada jecel sida 
   kuwii M. Gandhi, Mandela, iyo M.L. King, kuwaas oo tanasulaad ku keena marka 
   ay timaado xaalad murugeysan si dadku aysan u raacin degdega ay dagaalka u 
   qabaan dadka aduunka ka rejo dhigay. Ugu dambeystii dhamaadka aduunka ma 
   dhowa oo ma dheera.
   Dr. Saciid Ciise
   Maine, USA
   Saciidciise258@aol.com 
    QORAALDII HORE EE DR. SACIID