SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

March 26, 2004  

WARARKA MAANTA

  •  Isbitaal Loogu Magac daray Istarliin Oo Laga Furay Guriceel iyo Warbixin ku saabsan Guud ahaan Magaaladda Guriceel.
  • Masaajidda Magaaladda Muqdisho Oo Maanta laga cambaareeyay Go’aankii uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka.
  • Aadan Saransoor oo sheegay inay ka hortagayaan Waxa uu ugu yeeray Fidnadda uu Moorgan la dhex wareegayo Deegaanadadooda.
  • Dad Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan.
  • Daahir Riyaale oo sheegay inay qabteen rag ka tirsan Al_Qaacidda.
  • Munaasibad lagu maamuusayo Maalintii la aas aasay Xarumaha Agoonta Wiilasha Lafoole Iyo Gabdhaha Afgooye oo Maanta lagu qabtay Xarunta Wiilasha Lafoole,
  • Maraykanka oo Codka Diidmadda Qayaxan u adeegsaday Qaraar lagu Cambaarayn Lahaa Isreal.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Masaajidda Magaaladda Muqdisho Oo Maanta laga cambaareeyay Go’aankii uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka.

BUUG CUSUB


Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com

Masaajidda Magaaladda Muqdisho ayaa qudbooyinkii Jimcaha ee Maanta laga aqriyay waxaa dhamaantood lagu cambaareeyay go’aankii Maxamed Dheere uu ku mamnuucay Xujaabka Indhashareerka ah ee ay xirtaan Gabdhaha Muslimiinta ah,

Qudbadaha Jimcaha ayaa maanta waxaa laga aqriyay qudbado aad u kul kulul oo lagu cambaaraynayay Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere, Waxaana lagu sheegay qudbooyinkaasi inay alla ka fogaansho tahay go’aanka Maxamed Dheere,

Shiiq Nuur Baaruud oo u hadlay Dallada Culumadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Xijaabka ay jidaysay Diinta Islaamka sidaas darteedna go’aan kasta oo lagu mamnuuco Xirashadda Xijaabku ay tahay mid ka hor imaanaya Aayad ka mida Aayadaha Quraanka oo qeexaysa Xirashada Xijaabka,

Shiiq Nuur Baaruud waxa uu sheegay inay guddi u diri doonaan Maxamed Dheere si ay ugala soo xaajoodaan inuu ka noqdo go’aanka qaldan ee uu gaaray, Wuxuuna sheegay in haddii uu ku gacan sayro dalabkoodu ay Culumadda Islaamku Fadwo ka soo saari doonaan Maxamed Dheere, isagoo dhinaca kalana sheegay in haddii sida uu Maxamed dheere sheegay ay jiran rag ku gambaday Xijaabka ay taasi tahay qalad laakiin aan loo cuskan Karin in la mamnuuco xijaabka,

KHIMAARKA & FRANSIISKA
Siyaabihii dunida looga arkay faransiiska oo soo rogey in aan gabdhuha Muslimku iskoolada ku xiran karin Khimaarka Islaamka... Guji....

Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere ayaa wareegto uu shalay soo saaray waxa uu deegaanadda uu ka taliyo uga mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indhashareerka ama Niqaabka, Wuxuuna sheegay in cid kasta oo lagu arko iyada oo wadata xijaabkaasi la ciqaabi doono isla markaana loo aqoonsan doono inay tahay argagixiso,

Horay ayaa qaar ka mida Dawladaha Yurub waxay u mamnuuceen Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka, laakiin waa markii ugu horaysay ee Maamul Islaamiya uu Mamnuuco Indhashareerka,

Isbitaal Loogu Magac daray Istarliin Oo Laga Furay Guriceel iyo Warbixin ku saabsan Guud ahaan Magaaladda Guriceel.

Isbitaalkii Caalamiya ayaa markii ugu horaysay laga furay Toddobaadkan Magaaladda Guriceel oo ka tirsan Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Somalia,

DILKII ISTARLIIN
Dilka Istarliin waa baaq kale oo xaq aamusin ah

Istarliin oo  Lagu Aasay Marka
 

Isbitaalkan oo ah kii ugu horeeyay ee laga furo inta la ogyahay Taariikhda Magaaladda Guriceel ayaa waxa hirgalintiisa iska kaashaday Qaybaha Bulshadda ee Magaaladda Guriceel, Waxaana loogu Magac daray Isbitaalkaasi Istarliin oo ahayd Samafal ka shaqayn jirtay Gobalka Shabeeladda Hoose oo lagu dilay Sannadkii 2002-da Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya,

Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Axmed Macalin Xuseen oo ka hadlayay sababta ay ugu magac dareen Istarliin Isbitaalka ayaa sheegay in dadka deegaanku ay garteen inay ku maamuseen Istarliin in loogu magac daro Isbitalka Magaaladooda laga furayo maadaama ay ahayd Samafalad si wayn ugu adeegi jirtay Bulshadda Soomaaliyeed, inkastoo uu sheegay in Istarliin aysan ka hawl gali jirin Guriceel haddana waxa uu qiray in qofkasta oo wax u qabta Shacabka Soomaaliyeed aan marnaba magiciisu la hilmaami doonin,

Isbitaalkan oo ku shaqayn doono qalab casriya ayaa waxaa ka hawl galaya 1 Dhaqtar iyo shan kalkaaliye, sida uu noo xaqiijiyay Dr Cabaas Xasan Warsame oo ah Khabiir ku taqasusay Cuduradda guud iyo qaliinka isla markaana ah dhaqtarka kaliya ee ka hawl galaya Isbitalkaasi,

Dr Cabaas waxa uu sheegay in dhibaatadda ugu wayn ay Shacabka Guriceel ka haysato Cudurka Maleeriyadda oo ay sannad kasta ugu dhintaan Magaaladaasi Tiro dad ah, wuxuuna u sababeeyo faafidda Cudurkaas biyaha ay dadku ku kaydsadaan Baraagaha guryaha dhexdooda ku yaala iyo adeegyadda caafimaadka oo aad u liitay ka hor furista Isbitalka Istarliin,

Magaaladda Guriceel oo ku taala Xudunta Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Somalia waa Magaalo carro san oo dhul gaduud ah isla markaana ka mida Magaalooyinka ku tallaabsaday Horumarka kadib riditaankii Xukuumadii Milatariga ee Somalia,

Guriceel waa Magaalo Nabadeed oo aysan ka dhicin dagaaladda ku salaysan qabaa’ilka, Waxaana dadku ay inta badan ku mashquulsan yihiin kobcinta Ilaha Dhaqaalaha ee Magaaladda,

Guriceel waxaa ka socda Ganacsi xoogan marka loo eego Magaalooyinka kale ee Somalia, Waxayna u muuqataa Magaaladda mid sii ballaaranaysa, iyadoo ay ka socdaan gudaha iyo daafaha Magaaladda Daaro dhaadheer oo ay Bilic xoogani ka muuqato.

Magaaladda Waxaa ka hawl gala Shirkadaha ugu waawayn Isgaarsiinta Somalia oo ay ka midka yihiin Shirkadaha Taleefoonadda Nation Link, Telcom Somalia, Hormuud Telecom oo imminka xarunteeda laga hirgaliyay Magaaladaasi,

Bartamaha Magaaladda Guriceel waxaa ku yaala dhismayaal isdaba tixan oo isugu jira Hoteel wayn oo la jiifto, Mini Market, Maqaayad Cunto, Kawaan, Kafateeriyo, oo ay hirgalisay Shirkadda Beder Guriceel, Waxaana ay shirkadaasi keentay Guriceel Horumar la taaban karo iyadoo dadku ay inta badan ka maareen baahidii ay u qabeen inay Muqdisho u soo doontaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah Nolosha Aadanaha,

Dhinaca Waxbarashadda waxaa Magaaladda ka jira labo Dugsi Hoose/Dhexe oo midkood lagu barto Manhaj Carabiya halka kan kalana lagu barto Manhajkii hore ee Somalia waxaana maal galisa hay’adda ADRA Saacid oo ah NGO wadani ah,

Inta badan Khilaafyada waxaa ay dadka Magaaladdu ku xalistaan Geed Hoostiis waxayna Taladu gacantooda ku jirtaa odayaasha Dhaqanka oo ah Maxkamadda u dambaysa ee loo gudbiyo Arrimaha la isku mari waayo, iyadoo loo maro xalinta Khilaafaadka Xeerarkii soo jireenka ahaa ee Ab ka Ab la iska soo gaaray marka laga reebo arrimaha Ugubka ah ee aan horay xal looga gaari jirin,

Magaaladda Guriceel waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mida inay noqotay Magaaladii ugu horaysay Somalia ee nasiib u yeelata inay marti galiso Madal lagu heshiisiinayo Beelo Soomaaliyeed oo dagaalamay, Waliba mid ka mida dagaaladii ugu dabada dheeraa ee ka dhaca Somalia.

In ka badan Dhawr bilood ayaa waxaa ka socday Guriceel shir lagu heshiisiinayay Beelo ku dagaalamay Ceelbuur, Waxaana ugu dambayntii shirkaasi lagu gaaray heshiis taariikhiya oo nabadii ku soo celiyay Ceelbuur,

Reer Guriceel waxay sidoo kale u fidiyeen Gogol Nabadeed Beelaha isku haysta Xeraale, waxaana socda wali dadaalo ay ku doonayaan inay Guriceel isugu keenaan labada dhinac,

Si kastaba ha ahaatee Guriceel waxay Imminka u muuqataa Magaalo ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan taabanaya, Waana Magaalada kaliya ee ku guulaysatay Somalia inay ka madax banaanaato Garabyadda Siyaasadda ee dalka ka jira, Waxayna maamul ahaan hoos tagnaa Maamulka Gobalka Galgaduud ee uu Madaxda ka yahay Yuusuf Xasan Ciyoow "Yuusuf Goobe"

Aadan Saransoor oo sheegay inay ka hortagayaan Waxa uu ugu yeeray Fidnadda uu Moorgan la dhex wareegayo Deegaanadadooda.

Aadan Saran Soor, Xoghayaha Guud ee Jabhadda Wax Iska Caabinta RRA-da ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan Meel kasta oo ka taggo Gen Moorgan Gobaladda Bay iyo Bakool,

Saransoor oo xalay Qadka Taleefoonka ugu waramayay Warbaahintaayaa sheegay in imaanshaha Moorgan ee Xudur ay tahay tallaabo dagaal huris ah oo uu ku doonayo inuu isaga hor keeno Jabhadda RRA-da, Wuxuuna ugu eedeeyay Moorgan inuu masuul ka ahaa kala jabkii ku yimid RRA-dii uu hogaamin jiray Shaatigaduud,

Saransoor waxa kale oo uu ku eedeeyay Moorgan inuu sidoo kale lug ku leeyahay khilaafka soo kala dhex galay Shiiq Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wuxuuna sheegay in go’aan ay ku gaareen Guddiga Fulinta RRA inay ka hortagaan Qaska uu Moorgan la damacsan yahay Gobaladooda, Waa sida uu hadalka u dhigayee,

Saransoor waxa uu dhinaca kale sheegay in dhawaan la qaban doono shir wayne lagu dooranayo Guddoomiye ay yeelato Jabhada RRA kadib markii uu dhamaaday xilligii uu xafiiska hayay Shiiq Aadan Madoobe, Wuxuuse ka gaabsaday inuu ka hordhaco shaqsiyaadka ay hadda is leeyihiin waa lagu badali karaa Shiiq Aadan Madoobe,

Jabhadda RRA garabka uu hadda horkaco Maxamed Ibraahim Xaabsade oo gacanta ku haya Baydhabo ayaa si wayn u diidan in Moorgan iyo Shiiq Aadan Madoobe ay wada yimaadaan Gobaladda Bay iyo Bakool, waxayna ka hor imaanshahooda Xudur ku cel celin jireen inuusan imaan Karin gobaladooda Shiiq Aadan Madoobe oo ay la socdaan Moorgan iyo C/laahi Shiiq Ismaaciil, Laakiin imaanshahooda xilligan ayaa cabsi wayn ka dhalisay Gobalka waxaana laga wal walsan yahay in Rabshado ay ka dhashaan Imaanshaha Gobalka ee hogaamiyayaashan wada socda,

Dad Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan.

 Warbixin Soomaalida Suudaan... GUJI

Soomaalidii Ku dhintay Xeebaha Talyaaniga....

Warar is khilaafsan ayaa waxa ay ka soo baxayaan dad Soomaali ah oo tahriibayaal ah oo la sheegay inay dhinteen qaarkood, halka qaarka kalena iyagoo dhibaateysan ay gaareen xadka Libiya iyo Suudaan.

Inkastoo aan warar rasmiya laga hayn xaaladda dhabta ah ee ay dadkaasi ku nool yihiin ayaa haddana warar aan ka helnay Soomaalida Joogta Libya waxay sheegayaan inay dadkaasi intooda badan iyaga oo bad qaba soo gaareen tuulada Kufru oo ku taala xadka Libya,

Dadka dhintay ayaa la rumaysan yahay inay gaarayaan Labo qof inkastoo wararka qaar ay tiradda dhimashadda intaasi ka badaniyaan, iyadoo dadka bad baadayna la sheegay inay ku biireen Soomaali iyo Ajaaniib kale oo Tahriibayaal ah isla markaana ku xiran Xabsiga Kufra, Waxayna wararku sheegayaan in Xabsiyadda Kufra ay buux dhaafiyaan Tahriibayaal u badan Soomaali,

Soomaalidan Tahriibayaasha ah oo in muddo ah lagu la’aa saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan ayaa waxaa bad baadiyay Ciidamadda Xuduudaha illaaliya ee Libya iyaga oo qarka u saaran in intooda nool ay u dhintaan oon iyo Gaajo, Waxayna ciidamaddu markii ay xaaladda dadkaasi caadi ku soo noqotay u dhaadhiciyeen Xabsiga Kufra,

Warkan ayaa soo baxay xilli la qorshaynayay in Libya laga soo daad gureeyo Soomaali Tahriibayaal ah oo ku xir xiran Xabsiyadda Libya kadib markii ay wadahadal Tripoli ku yeesheen Madaxwaynaha Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia, C/qaasim Salaad Xasan, iyo Hogaamiyaha Libya, Col Moamar Al-Qadaafi,

Daahir Riyaale oo sheegay inay qabteen rag ka tirsan Al_Qaacidda.

Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, ayaa sheegay in maamulkiisu ay xireen shan qof oo Soomaali ah oo uu sheegay inay xiriir la leeyihiin Al-qaacidda.

Riyaale oo waraysi dheer siiyay Jariiradda Al- Xayaat ee ka soo baxda Magaaladda London ayaa sheegay inay qabteen shan nin oo argagixiso ah isla markaana falal qarbudaad ah ka waday Deegaanada Somali Land, Wuxuuna sheegay inay rumaysan yihiin in ragaasi ay xubno ka ahaayeen Ururka Al-Itixaad oo ka mida Kooxaha Xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacidda,

Riyaale waxa uu ku eedeeyay ragga la qab qabtay inay si gaar ah u ugaarsanayeen Ajaaniibta hawlaha samafalka iyo ganacsiga ka wadda Somali Land, Wuxuuna sheegay in hawlaha argagixisadda laga soo abaabulo inta badan Gobaladda Somalia, Waa sida uu hadalka u dhigayee,

Riyaale waxa uu dhinaca kale qiray in Maamulkiisa uusan aqoonsi ka helin Beesha Caalamka laakiin waxa uu sheegay in mar kasta ay iyagu isku yaqaanaan inay yihiin Qaran Madax banaan,

Daahir Riyaale oo imminka socdaal ku jooga Brussels waxa uu sidoo kale sheegay in Sool iyo Sanaag ay ka tirsan yihiin Somali Land, Wuxuuna meesha ka saaray sheegashadda Punt Land ee ah inay gobaladaasi maamulkeeda ka tirsan yihiin, isagoo si gaara uga dalbaday Wariyihii waraysanayay inuu waydiiyo dadka u dhashay deegaanadaasi halka ay ka tirsan yihin,

Mar la waydiiyay Riyaale mawqifka Somali Land ee ku aadan Shirka Kenya waxa uu sheegay inuusan shirkaasi iyaga qusayn isla markaana aysan ahayn cidda la heshiisiinayo Somali Land balse la dhex dhexaadinayo Kooxaha Hubaysan ee Koonfurta Somalia,

Riyaale waxa uu sidoo kale sheegay in xiriir Sokeeyanimo ay la leeyihiin Dalalka Ethiopia iyo Jabuuti, Wuxuuna sheegay in Ethiopia ay u ballan qaaday inay noqonayso Dalka Labaad ee aqoonsada Somali Land,

Munaasibad lagu maamuusayo Maalintii la aas aasay Xarumaha Agoonta Wiilasha Lafoole Iyo Gabdhaha Afgooye oo Maanta lagu qabtay Xarunta Wiilasha Lafoole,

Munaasibad lagu maamuusayo Maalintii la aas aasay Xarumaha Agoonta Wiilasha Lafoole iyo Gabdhaha Afgooye ayaa maanta ka dhacday Xarunta Wiilasha Agoonta oo ku taala Agagaarka Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed,

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin kala duwan oo kala socday qaybaha Bulshada ayaa waxaa Mehrajaan qurux badan ku soo bandhigay Wiilasha Agoonta Lafoole oo ay ka muuqatay diif aad u daran kadib markii laga joojiyay kaalmooyinkii ay ka heli jireen hay’adaha samafalka,

Agaasimaha Xarunta Wiilasha Lafoole, C/qadir Awliyo oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay muujiyeen dhabar adayg mudadii adkayd ee dalka ka jirtay dhibaataddu, Wuxuuna sheegay inay ku shaqaynayeen si iskaa wax u qabso ah.

Awliyo waxa uu sidoo kale sheegay in waxoogaa kaalmooyin ah ay ka heli jireen Hay’adaha Samafalka, laakiin waxa uu sheegay in kaalmooyinkaasi laga joojiyay markii Tuuladda Carta ee dalka Jabuuti lagu soo dhisay Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia, Wuxuuna sheegay in hadda ay Raashin aan sidaas u badnayn ka helaan Dawladda Ku Meel Gaarka Ah,

Xarumaha Agoonta Gabdhaha Afgooye iyo Wiilasha Lafoole oo 34 jirsaday ayaa waxa gacanta ku haya Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed, Waana xarumaha fara ku tiriska ah ee ka bad baaday Bur burkii xooganaa ee ku habsaday Dalka inkastoo laga dareemayo in saamayn ay ku yeelatay Xaaladda adag ee dalku marayo,

Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed oo aan sidaa uga fogayn Xarunta Agoonta Wiilasha Lafoole ayaa waxaa ka muuqda bur bur xoogan, waxayna isku badashay deegaan ay ku nool yihiin dadkii ku soo barakacay dagaaladda Sokeeye, iyado inta badan Buugaagtii iyo qalabkii kale ee ay Jaamacaddu ku shaqayn jirtay la bililiqaystay inkastoo wali ay jiraan waxoogaa qalab ah oo ay gacanta ku hayaan dad Waxgarad ah oo degan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed,

Maraykanka oo Codka Diidmadda Qayaxan u adeegsaday Qaraar lagu Cambaarayn Lahaa Isreal.


U.S. Vetoes U.N. Draft On Yassin Assassination

Read islamOnline

Maraykanka ayaa codka diidmadda qayaxan ee Vitowga ku hor istaagay qaraar la doonayay in lagu cambaareeyo Tallaabadii ay Isreal ku dishay Shiiq Axmed Yaasiin,

Qaraarkan oo ay ansixiyeen Inta badan Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay marka laga reebo Britain, Romania, iyo Maraykanka ayaa waxa uu ku cambaaraynayay Isreal inay fulisay weerar dil ah oo aan sharci ahaan loo marin, Waxaana lagu tilmaamay dilka Shiiq Axmed Yaasiin mid xadgudub ah,

Maraykanka ayaa ku adkaystay in qaraarkaasi uu yahay mid qalad ah oo aan ka tarjumayn siyaasad dhex dhexaadnimo ah, Wuxuuna u adeegsaday is hortaaga qaraarkaasi codka diidmadda qayaxan ee Vitowga,

Dunida Carabta ayaa si wayn uga carooday go’aanka Maraykanka iyo awooda dheeriga ah ee uu adeegsaday, Waxayna ku eedeeyeen Maraykanka inuu ku dhaqmayo siyaasad aan dhex dhexaad ahayn,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com garyare20@yahoo.com
Muqidsho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2004 

WARARKA MUQDISHO: 24/3/4
» Dekadii Marka oo Dib loo furay,
» UN oo ka hadashay Haweeneydii lagudiley Berbera
» Midowga Yurub oo 8 Milyan oo Yuuroowga ugu deeqay Somalia
» Katashiga cidii badali lahayd Shiiq Aadan Madoobe  
Wararkan ka akhri halkan...: Maarso 24, 2004

. Xagee Email Lagaaga Soo diray...
.
Mikerowesoft vs M.
. Barnaamijyo muhiim ah

 Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi
Toddoba qodob ayaa sabab u ah carqalada shirka Soomaalida uga socda Kenya, sidaas waxaa qoray... Guji... 26/3/04

Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD