SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Ugaaski 11aad ee Beesha Cayr oo La Caleema Saaray.
  • Xisbiga S.Y.U.P oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Qaahira::::

Ugaaski 11aad ee Beesha Cayr oo La Caleema Saaray.

Canab Mumtaz | SomaliTalk
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

July 20, 2005

Munaasabad si wayn loo soo qabanqaabiyay ayna ka qaybgaleen kumanaan dad  ah oo iskugu jiray Ugaasyo, Malaaqyo Waxgarad wafdi ka socday Qaramada Midoobay iyo xubno ka socday labada gole ee dowlada FKMG ah ee Soomaaliya laguna caleema saarayay ugaaska beesha cayr ee H/gidir ayaa ka dhacday maanta galinkii dambe magaalada Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
 
Ugaas Xasan Ugaas Maxamad Ugaas Nuur ayaa noqday ugaaska beesha cayr ee 11aad, Kadib markii ugaaskii beesha Cayr uu dhawaan geeriyooday, khudbado kadib ugaaska cusub waxaa loo qaaday goobtii lagu caleema saarayay iyadoo caano lagu shubay kadibna waxaa loo diyaariyay kursi lagu sharfayay looguna talagalay in lagu caleema saaro ugaaska.
 
Aqal Soomaali la sharxay ayaa la geeyay ugaaska waxaana lagu shubay caano, iyadoo caleema qoyana lagu saaray goobta waxaana laga soo jeediyay hadalo iyo amaan loogu tahniyadaynayo ugaasnimada uu helay ugaas xasan ugaas Maxamad Ugaas Nuur oo noqday Ugaaskii toban iyo koowaad ee beesha cayr.
 
Ugaasyadii ka soo qayb galay qaarkood ayaa ka soo jeediyay munaasabada khudbado la xiriira dhaqanka Soomaaliyeed iyo Kaalinta uu ugaaska ama suldaanku kaga jiro Taariiqda Soomaaliyeed,iyadoo dadka ama beeshana ay siiyaan tixgalin gartana loola laabto ugaaska hadii beesha ay wax isku maandhaafaan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

###

Xisbiga S.Y.U.P oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Qaahira::::

  • Warsaxaafadeed laga Soo saaray Magaalada Qaahira ee Dalka Masar oo ay Soo Saareen Xisbiga S.Y.U.P ayaa waxaa looga hadlay Arimo Fara badan oo ku Saabsan Soomaalida.

Mar looga hadlayey Warsaxaafadeedkan dhanka Xadgudubyada ka dhaca Gudaha Dalka Soomaaliya waxaa lagu sheegay war murtiyeedkan in Wali ay ka jiraan Gudaha Soomaaliya xadgudubyo loo geesto Dadka laga tirada badanyahay ama Qabiilada laga awooda badanyahay, gaar ahaan kuwa ku nool Gobolada koonfureed ee Soomaaliya kuwaas oo ay ku kacaan Qabiilo iyagu ka yimiday Gobolo kale oo xoog ku haysta dhulka ay deganyihiin Dadka laga tirade badanyahay ee Soomaaliyeed,waxaana dhacda ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan in dhul beereedyo fara badan oo halkaas ku yaala ay Dadki lahaayeen aysan Tabcan Karin si Xuriyad ah.isla markaana lagu Shaqeesto hadii ay diidaana la Dilayo.

Qaabka loogu shaqeesto Dadkan ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in ay yihiin Dadka laga tirada badanyahay ee leh Beerahaas ee Hadana lagu shaqeesto,Qaab u eg sidii gumeestaha markii uu Soomaaliya haystay oo kale,oo waxaa la sameeyaa Dadka inta looga Xiro Lugaha Silsilado Dhaadhaaeer Dabadeedna ay Beeraha Falaan Dadkaasi iyaga oo aan loo ogoleen in ay xitaa Nastaan,ama ay Fasax aadaan.waxaana ka mid ah dadkaas lagu Gumeesto Gudaha Soomaliya Haween Caruur,iyo Dad waayeel ah intaba.

Dadka Falalkan Naxariis darada ah ku kaca ayaa iyagu waxaa ay ka soo jeedaan Beelaha ku abtirsada U.S.C.hadii aan wax laga qabana arimahan waxaa la dhihi karaa Soomaaliya wali ma aysan gaarin Dib u hishiisin dhab ah.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in laga soo Bilaabo Tan iyo Markii ay Bur burtay Xukuumadii Siyaad barre ay ka dhacayeen Falal kuwan oo kale ah iyo kuwo ka sii Daran Gudaha Soomaaliya,ayna Diiwaangaliyeen inta badan Danbiilayaasha Dagaalka Soomaaliya,Hadii Jaanis loo helana Sharciyada Caalamiga ah ay u soo gudbin doonaan,waxayna ugu Digeen S.Y.U.P Dhammaan Dadka ka wada Xadgudubyada Soomaaliya in ay ku socoto Ilaalin lana Diiwaangalinayo Dhamaan falalka ay ku kacaan,Dibna loola Xisaabtamayo Mustaqbalka.

Mar looga hadlayey Warsaxaafadeedkan sida ay ula muuqato aayaha Danbe ee Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa lgu sheegay in ay haboontahay in Dhamaanba Qaybaha ay u kala Jabtay Dawladda ay iska Daayaan iska soo horjeedka Khilaafkoodana ay isku dayaan in ay ku dhameeyaan Miiska wada hadalka,waxaynka S.Y.U.P ka digeen in Dagaal danbe oo ka dhacaa Gudaha Soomaaliya ay Sababi karto dhibaato Baaxad weyn leh oo soo gaarta Shacabka Soomaaliyeed oo isagu Muddo ka badan 14 Sano dhibaato ku soo jiray.

.Sidoo kale Xisbiga S.Y.U.P waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed ugu Baaqay in ay si wada jir ah ula Dagaalamaan kuwa iyagu Caadestya in ay Dilaan Dadka aqoonyahanka iyo Qaar ka tirsan Saraakiishii Ciidanka Soomaliyeed,taas oo ay ku sheegeen in ay yihiin kuwa ku kacaya falalkan Dad wax ma garato ah oo aan garaneyni Micnaha Wadaniyadda,iyo Karaamada uu leeyahay Muwaadinka Soomaaliyeed ee Wadanka wax u soo bartay ,waxayna S.Y.U.P Canbaareynayaa Dhamaan Falalka Noocaan oo kale ah oo Dhawaanaha ka dhacayey Magaalada Muqdisho iyo Qaar ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Gabagabadii ayaa Xisbiga S.Y.U.P waxa uu ka digay in la joojiyo Dhamman dagaalada Ahliga ee ka Soconaya Gudaha Dalka Soomaaliya, Sidoo kalena waxaa uu ugu Baaqay Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Dal iyo Dibadbo in ay is Cafiyaan ayna ka wada fikiraan in Dal u baahan in la dhiso uu sugayo.ayna iska daayaan ku fikirka waxyaabaha ay ka mid tahay is Guruubeysiga iyo Qabiilka iyo waxii la midka. Ah.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa si wada jir ah u soo saaray Gudoomiyaha Xisbiga S.Y.U.P Md:Maxamed Abukar Sh/Xasan(M.Deeq)& Xogahaya Warfaafinta iyo xariirka dadweynaha ee Xisbiga Md :Ismaaciil Macalin cabdulle(Saxaaf) oo iyagu haatan ku sugan Dalka Masar.

Waxii talo iyo Tusaale ah kala Xiriir Xisbiga S.Y.U.P

somaliyouthunited@hotmail.com  ama Somaliyouthunited@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 21,  2005

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD