SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shebekadaha Iyo Qalimadda Af-lagaadada Iyo Xumaanta Doortay. 

Saxaafadda Madaxa banaan iyo Shebekadaha Macluumaadka Somaaliyeed ee Internetka ayaa talaabo wacan iyo hanaan Horumareed ee Dhanka Gudbinta Wararka iyo Macluumaadka Khuseeya Dalka iyo Dadka Somaaliyeed iyo Aduunkaba u Soo gudbiya Dadweynaha ama inta Daneeysa Akhrinta ama Helidda Wararka Wanaag iyo Xumaan midkii uu doono ha ahaado.

Runtii Saxaafadda ayaa Talaabo Horumar leh Sameeysay mudadii Dowlad La,aan iyo burburku Dalka Saameeyeey Xaaladaha Jaha-wareer iyo Waaga Madoowna la galay, Dhibaatooyinka iyo Rafaadka joogtadda ah Ummadda Somaaliyeed ka bixi weeyday, ayaan daradda iyo Silica eey Masuuliyadeeda tooska iska leeyihiin Qab-qablayaasha Colaadda, Qabyaaladda iyo Dagaal Oogidda, ama Hogaamiyaasha Kooxaha Hubeeysan, Xildhibaanadda Sharafta leh ama Mudanayaasha Wasiiradda ah ilaa Madaxweyne, Saxaafadu door weyn ayeey ka ciyaartay soo Bandhigidda Falalka iyo Tacadiyadda waaweyn ee eey Geeysteen ama Weli geeysanaayaan Raxaantaas Xaaraan ku Naaxa ahi, hadan sidoo kalle waxeey door weyn ka qaadatay dhibka iyo belaayo holcinta iyo Xiisa abuuridda iyo Taageeridda Falalka iyo Dhibka loo geeysanaaya Ummadda Masaakiinta ah.

Saxaafada iyo Habka Qoraanimadda ayaa lagu Tilmaamaa ama la siiyaa Sifadda Risaaladeed Iyadoo lagu qiimeeynaayo ahamiyadeeda iyo Faa,iidada eey Ummadda u leedahay marka laga maraayo dhinaca Wanaagsan, Asluubta iyo Anshaxa Saxaafadeeda ama Qoraanimo huwan-tahay Xaqiiqadda dhabta Sheegaaya, Sidda wax u jiraan u Soo Bandhigaayaan, waxaa ka reeban Waxyaabaha beenta, War abuuridda, Buunbuuniinta, Dhinaca la Safashadda iyo La Safnaan ama Teegeeridda Xumaanta iyo Waxyaabaha Fawaaxiska ah oo Dhan iyo Belaayo Abuuridda, Fidnadda iyo Fara Gelinta Arrimaha Gaarka ah Shakhsiyaadka(Qoysaska) iyo Waxyaabaha Diinta Islaamku Inaga Reebeeyso oo dhan.

Marka la eego ama si fiican loo daalacdo Shebekadaha Somaaliyeed ee Intetnetka oo aad iyo aad u fara-badan si joogto ahna u soo bandhiga Warar iyo qoraalo badan oo dhinacyo badan oo kala duwan ka hadlaaya isla markaana kala Maqaam ah, waxaad isla markiiba garaneeysaa ama qiimeeyneeysaa Sidda eey u kala mudan yihiin Xurmadda iyo Qadarinta Akhristayaasha, runtii waxaa jirra Shebekado badan oo Amaan iyo Bogaadin mudan oo soo Qora Maqaalo qiimo weyn leh iyo Warar Xaqiiqadda ku Fadhiya oo leh Ilo Tixraac(Masdar), iyo Maqaalo ka hadlaaya Maslaxadda iyo Mustaqbalka Ummadda Somaaliyeed, dhaliilo Toosineed, Wacyi-gelinta iyo Tusaaleeynta Dadka, ka digidda Waxyaabaha Dhibka iyo Xumaanta Keeni karra oo dhan, Shebekadahaas iyo Shakhsiyaadkaas Qorayaashaha ah ayaa Mudan amaan iyo bogaadin iyo qadarin weyn oo eey muteeysteen, ma doonaayo in aan halkan ku Soo bandhigo Magaca Shebekadaha wanaaga leh ama Shakhsiyaadka Qorayaasha ah, laakiin waxaan filaayaa in Dad badani ila garanaayaan, Warna Dhafoorkuu ku Yaalaa.

Waxaase ayaan darro weyn ah, mid si weyn looga xumaado ah, ceeb iyo cambaar weyn oo Wajigga Shebekadaha iyo Qorayaasha Qaarkood ku shaabadeeysan Qadafka, gafka, Al-gaadada, xumaan ka talinta, belaayo abuuridda ama hurinta, fidnadda iyo Fawaashix ka Shekeenta, kala fogeeynta iyo kala dilka Dadweynaha Walaalaha ah ee Somaaliyeed, qaska iyo shar taageeridda iyo weliba ku takhasuusidda Sheeydaan-nimadda, iyadoo la wadda ogyahay in xoriyadda Saxaafadeed iyo xaqa qoraanimadu tahay mid loo siman-yahay loona madax banaan yahay, qoraaguna leeyahay xoriyadda cabiridda ra,yigga iyo soo bandhigidda aqoontiisa iyo hibadiida gaar ahaaneed ee Habka Qoraanimadda, ayaa qofka ama Shebekada lagu qiimeeyaa, laguna miisaamaa sugnaanta Wararka iyo sidda loogu kalsoonaan karro illaha laga soo xigtay (Masdarka Warka), iyo hufnaanta iyo Asluub iyo Anshax wanaaga qoraaga iyo Habka Dareenkiisa iyo Dadnimadiisa iyo Hanaanka Wax qorista oo habab iyo hanaan gaar ah leh, Anigu Shakhsiyan cidna halkan dhaliilo gaar ah iyo cambaareeyn ugama soo jeedinaayo maqaalkuna ma aha mid cid gaar ah ama si toos ah u abaaraaya, mana lehi fikrad ku saleeysan naceeyb iyo colaad Shakhsiyadeed, ama habka ku Xadgudbidda Xuquuqdda iyo Xoriyadda qofka ama Shebekadaha, laakiin ujeeddadu tahay Qeexidda Dhibaato jirta oo in Badani arkaa saameeyn-teeda leh, dhaliilaheeda leh oo Ummadda Somaaliyeed loo geeysanaayo xumaan iyo fidno la kala gelinaayo oo in laga hor-tago u baahan.

Sheegidda Xaqa ayaa ah Fadiiladda, Runta oo la qirro ayaa ah Fadiila, in farta lagu fiiqo wixii khladan ayaa ah waajib Ummadda oo dhan saaran, waxaa loo baahan yahay in la qiimeeyo waqtigga iyo xaaladaha qalafsan ee Dalkeena Hooyo maraayo iyo sidda loogu baahan yahay ka shaqeyn wanaaga iyo niyad sami abuuridda iyo isu soo dhoweeynta Dadka Somaaliyeed oo ah Walaalo Diin, Dhaaqn, Luqad iyo Jacalnimo weyn wadaagga, marna kala maarmeen, Waxaan Raali gelin ka bixinaayaa wixii loo arko ama yeelan karro Dhaliilo ama Khalad luqadeed ee Maqaalkan laga dareemi karro.

-Alaa Mahad Leh-

Qore-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
Huddersfield- England- 21-07-2005.
sharifhassan50@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE XASAN CARAB..... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | July 21,  2005


Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD