SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA

  • Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol
  • Hoggaamiyayaasha Muslimka oo Sugaya Tijaabooyin Dheeraad ah oo Lagu Sameeynayo Coca-cola

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

Sawirka: Islamonline: "Shirkaadda Coca-cola waxa ay bilowday olole aad u ballaaran oo ay ku difaaceyso wax soo saarkeeda, ayadoo sheegtay in aan alcohol ku jirin, in kasta oo tijaabadii ay cadaysay taas mid ka soo hor jeedda." Sidaas waxaa qoray shabakada islamonline.

  • Isha: IOL (Warbaahinta Koonfur Afrika)
  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | July 18, 2005

Dhakhtar Muslim ah ayaa argagaxay markii uu qaddar Alcohol ah - taas oo ay diinta Islaamku xaaraantinimaysay - ka helay dhalo Coca cola ah.

Arrintaas kaddib markiiba shirkadda Coca-cola waxay bilowday olole ay ku difaaceyso cabitaanka ay soo saarto, taas oo ay shirkaddu sheetay in arrintan ay sababtay kaddib markii dillac yar uu ku dhacay dhalada ka samaysan quraarada ee Coca-cola. Sidaas waxaa warka ku bilowday shabakad ka soo baxda Koonfur Afrika oo lagu magcaabo IOL.


"Weligey mar dambe ma cabi doono Coke"
Dr. Haroon

Bishii hore, Dr. Haroon Dindar, oo 58-jir ah, oo deggan magaalada Mpumalanga ayaa waxa uu iibsadey dersin dhalooyin Coke ah oo ahaa nooca qaada 1.25-litre, sida uu dhakhtarku sheegay.

"Waxaan Coca-cola si toos ah uga soo iibsanaa xarunta wershedda ee Ermelo. Taas oo macneedu yahay in aysan soo marin dukaan ama qof kale." ayuu yiri Dindar.

Galab Axad ah oo qorrax kulayl ah ayuu dhakhtarku gabdhihiisa ku casumey gurigiisa oo ay ka jirtey isu imaanshaha qoyska ee ay samaystaan cuntada dhaqanka u ah Koonfur Afrika ee loo yaqaan "Braai" (oo ah hilib solasho).

"Labo dhalo ayaan kasoo bixiyey qaboojiyaha, waxaan saaray miiska yaalay barandada guriga. Mid kamid ah gabdhahayga ayaa furtay dhalo, markaas ayey wixii kujirey bilaabeen in ay xumbeeyaan" ayuu yiri.

"Ayadoo aan u malaynayn in wax ka khaldan yihiin dhalada waxa kujira ayey waxay ku shubtay saddex bakeeri oo ah nooca sal-ballaarka ah".

Markii gabadha 19-jir ah ay kabatay cabitaankii, ayuu yiri Dindar, waxay u sheegtay asaga in ay dareentay dhadhan aan caadi ahayn. Markaas ayuu ursaday wixii kujiray bakeeriga, waxana uu xaqiiqsaday in ay tahay Alcohol.

Mr. Dindar waxa uu go'aansaday in uu waxa dhalada kujira u qaado shey-baar si loo tijaabiyo. Tijaabadii shey-baarku waxay xaqiijisay in 100ml oo Coke ah ku jirto 0.924g oo alcohol ah.

Isla markiiba Dindar waxa uu la xiriiray wershedda, waxana uu u sheegay dhacdadaas.

Arrintaas darteed shirkadda Coca-cola waxa ay bilowday olole aad u ballaaran oo ay ku difaaceyso wax soo saarkeeda, ayadoo sheegtay in aan Alcohol kujirin. Waxa ay shirkaddu hal-bog oo buuxa oo xayaysiis ah ku samaysatay wargeyska Cape Argus caddakiisii Arbacada taas oo ay shirkaddu ku sharraxeyso xaaladaas. Xayaysiiskaas oo hoggaamiyayaasha Muslimka iyo dhawr hay'adood ku casumey in ay booqdaan wershedda si ay u arkaan qaabka dhalooyinka loogu shubo Coca-cola.

Laakiin Xayaysiiska shirkaddu waxa uu sheegay in tijaabadii sheybaarku ay heshay Alcohol kujiray cabitaankii qabowga ahaa ee Dindar. Afhayeen u hadlayey shirkaddu waxa uu sheegay in dillaac yar oo ku dhacay dhalada uu sababay in ay hawo gasho dhalada, taas oo sababtay in ay wixii dhalada ku jirey khamiiraan. Shirkaddu arrintaas waxay ku tilmaantay dhacdo "naadir ah ama mar dhif ah dhaca', ayadoo sheegtay in aan dhacdooyin kale lasoo sheegin.

Dindar waxa uu sheegay in maamulka shirkaddu ay u sheegay in qaddar khamiir ah laga helay dhalada, taas oo markii ay ku milantay sonkor cabitaankii u bedeshey Alcohol.

"Waxaan haystey afar dersin oo Coke ah laakiin waan iska sii bixiyey. Weligey mar dambe ma cabi doono Coke" ayuu yiri Dindar.

Qoraalkaas waxay shabakada IOL daabacday July 13, 2005 , kaddib isla shabakadaas waxay daabacday qoraal kaas daba socda July 15, 2005, waana kan hoos ku qoran.

Hoggaamiyayaasha Muslimka oo Sugaya Tijaabooyin Dheeraad ah oo Lagu Sameeynayo Coca-cola

Hoggaamiyayaasha Muslimka waxaa dhici karta in ay fadwo kusoo rogaan Coca-cola haddii tijaabooyin kale ee lagu sameynayo sambalada laga qaaday (Coke) ay caddeeyaan in uu kujiro Alcohol, taas oo ka dambeysey helitaankii Alcohol laga helay dhalo Coke ah.

Laakiin culimada Islaamka ama hoggaamiyayaashu waxay ku qanceen ilaa hadda kaddib markii ay booqdeen dhawr wershedood ee Coca-cola oo ku yaal daafaha dalka Koonfur Afrika.

Bishii hore ayey ahayd markii dhakhtar deggan Mpumalanga, oo magaciisa la yiraahdo Haroon Dindar, uu gatay dersin dhalooyinka nooca 1.25-litre ee Coke ah oo uu ka iibsadey wershedda xarunteeda Ermelo.

Mid kamid ah dhalooyinka oo uu furay waxa ka urayey Alcohol. Waxaa uu dhalada wixii kujirey u diray shey-baar, kaas oo muujiyey in 100ml oo Coke ah ay ku jirtey 0.925g oo Alcohol ah.


www.halaal.org.za


www.mjc.org.za



www.islam.gov.my


Maulana Abdool Wahaab Wookay, waa sida wargeysku u qoray'e, oo madax ka ah qaybta qaabilsan cuntada xalaasha ah ee loo yaqaan NIHT "National Independent Halaal Trust" waxa uu yiri sambalo laga qaaday dhalooyinkii kale waxaa loo diray shey-baar madax bannaan oo ku yaal magaalada Durban.

Hoggaamiyayaasha Muslimka waxay booqdeen wershedaha Durban, Johannesburg iyo Cape Town, waxana ay ku farxeen waxay kala kulmeen, inkastoo ay tahay in wershedo kale la kormeero toddobaadkan.

Qaybo metelaya hoggaamiyayaasha Muslimka oo ay kamid yihiin Halaal Trust (NIHT), MJC (Muslim Judicial Council), ururka Muslimiinta Koonfur Afrika, iyo Culimada Sunniga (Sunni Ulama council) waxa ay khamiistii booqdeen shirkadda soo saarta cabitaanka ee ku taal Athlone Cape Peninsula.

Abdool Wahab waxa uu Khamiistii sheegay in cuntada iyo cabitaanka ay kormeereen ay ahayd Xalaal taas oo laga eegay waxay ka samaysan yihiin iyo waxa ugu dambeeya ee ka soo baxa in ay yihiin Xalaal.

"Waxa laga sameeyey waa in uu yahay wax barax-tiran oo aan dikhood ku dhicin."

Xoghayaha guud ee MJC, oo magaciisa la yiraahdo Achmat Sedick (waa Axmed Sidiiq oo sidaas loo qoray'e) waxa uu yiri Qur'aanku waxa uu  sheegay in ay cuntadu ahaato mid barax tiran, caafimaad qabta, nadiif ah, isla markaasna nafaqo leh.

Abdool Wahab waxa uu sheegay in ay culumadu aad ula tashanayaan khubarada aqoonta u leh cuntada, khubarada yaqaan bay-olojiga, iyo saynisyahanada, waxayna soo saarayaan fatwo haddii tijaabooyinka kale ee sheybaarku muujiyaan in uu kujiro Alcohol.

Waxa uuna intaas ku daray in Halaal Trust (ee koonfur Afrika) ay la tashadeen dawladda Maleysiya laanta u qaabilsan in ay waraaqaha cadaynta u goyso waxyaabaha la quuto ee dalkaas soo gelaya. Laantaas oo loo yaqaan JAKIM oo laga soo gaabiyey "Jabatan Kemajuan Islam Malaysia", waa afka Malayga'e.

Swaziland Malaysia S/Afrika
Waxyaabaha laga sameeyo Coke waxa ay Maleysiya ka heshaa dalka Swaziland, halkaas oo ah meesha ay Koonfur Afrikana ka hesho.

Maleysiya waxay hore u xalaalaysay waxyaabaha laga sameeyo Coke.
DALKA SWAZILAND

Akhri
Taariikh Kooban ee Boqor Mswati III & Boqortooyada Swaziland Guji halkan...

"Haddii aan niraahno waa xalaal ama xaraam, dadku weli waa cabi doonaan Coke" ayuu yiri Abdool Wahaab Wookay.

Xalaal Trust waxay rajaynayaan in arrintani u kala caddaan doonto Arbacada, markaas oo ay culimada u qorshaysan tahay in ay booqdaan wershedo kale oo soo saara Coke si ay kormeer ugu sameeyaan.

Maamulaha suuq geynta u qaabilsan shirkada, Denise Green, waxay toddobadkan sheegtay in dhacdadii Ermelo ay ahad mid "naadir ah", Alcohol-ka dhalada laga helayna waxaa sababay dillac ku dhacay dhalada kaas oo u ogolaaday in hawadu gasho, taas oo markaas sababtay khamiirid wixii kujirey dhalada.

ISHA: www.iol.co.za
Sawirada: Google Images

Tarjumadii SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2005



AKHRI XUQUUQDA QORAALADA

Tuulada Qudhacdheero oo lagu soo af jaray shaqaaqooyin laysku hayey ceelal
Ceelashaas oo ay laba beelood wada qoteen ayaa la duugey kaddib markii... Guji... July 19

Soomaalida ku jirta Xerada Nikafali ee Ugandha oo UN-ku Qaadayso
Xeradan qaxootiga oo magaalada Kampala u jirta 280 KM aya amarkii ugu horeysey waxay UN-tu... Guji... July 19

Kooxda Al-Hijra oo 5 Gool Faraqa u Gelisey Kooxda Göteborg
Sidaasna ay Kooxda Göteborg ku noqotay kooxdii ugu horeysay ee boorsooyinkooda ka laa laabatay koobkii ciyaaraha Soomaalida Yurub... Guji...

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD