Dugsiyada hoose/dhexe/Sare
iyo Ammaanka, Hab dhaqanka ardada, Caafimaadka iyo Ciyaaraha
Dugsiyada hoose/dhexe
Maraykanku dugiyada kama
bilaabmaan fasalka koowaad ee ardada waxaa la soo mariyaa
waxyaabo la yiraahdo kindergarden iyo pre K taasoo ah
saacado yar maalintii oo caruurta aan gaarin fasalka koowaad
wax la sii baro hurdadoodana aan la dhaafin ilayn weli waa
yar yar yihiine. Ka dib ayey bilaabaan fasalka koowaad.
Waxbarasho ka kooban wax aqris iyo sheekooyin badan iyo wax
dhigid iyo computer ayaa la baraa cayaartana waa loogu
roonaadaa. Garaac iyo ciqaab jirka ah waa ka mamnuuc
dugsiyada maraykanka.
Ardayda waxaa ay badanaa xaq u
leeyihiin gaadiid soo qaada oo celiya kuwa dan yarta ahna
cunto free ah ayaa la siiyaa kuwa ladanse caruurtooda waa
inay ay griga kala yimaadaan cuntadooda ama u gataan .
meelaha barafku ka dhaco gaar ahaan tuulooyinka aad u kala
fog fog markii uu baraf xun jiro ama qatar keleba iskuulka
waa la xiraa maalintaas si aanay ardayda shil u gelin.
Meelo badan oo dalxiis (rixlo) ah ayaa loo qaadaa
ardada gaar ahaan xilliga xagaaga kulaylahana oo Arday
badan ayaa loo qaado duurka iyo buuraha ama harooyinka iwm
ayagoo ku seexda teendhooyin loogu talo galay. Iskuulka
mararka qaar waxaa soo booqda marti ama dad wada macluumaad.
Dugsiyada ma ogolaadaan in hub
lala yimaado, sigaar ama daroogo lagu dhex cabo, alkolana
warkeedba daa. Sidoo kale in la isku cabsiiyo ama la isku
caayo ama la isku dhibo lama ogola laakiin taas macnaheedu
ma ahan in aanay waxaas oo dhami ka dhicin dugsiyada
maraykanka. Midwalba sharci baa ka yaal oo ardada lagu
qaadaa. Nasiib darro dugsiga dhexe waa meesha ay ka
bilaabato dacaayada, is guruubaysiga, xin, naxariis la’aanta,
iyo daandaansiga (teasing) waxaa ku dheereeya
gabdhaha. Dagaalka iyop gacan ka hadalka waxaa ku dheereeya
wiilasha Waxaa xusid mudan in ardada badankood ay wanaagsan
yihiin.
Dugsiyada sare:
Fasalka sagaalaad dadka qaar
waxay ugu yeeraan Freshman Year
Fasalka tobnaad dadka qaar
waxay ugu yeeraan Sophomore Year
Fasalka kow iyo tobnaad dadka
qaar waxay yiraahdaan Junior Year
Fasalka labo iyo tobnaad dadka
qaar waxay yiraahdaan Senior Year
Dadka qaar ayaa ku tilmaamaan
dugsiyada sare ee maraykanka meel fowdo ah oo ammaan daran
oo aan cidina maamulin oo la isugu keenay kumaanan dhalin
yar oo aan weli garaadkoodu bislaan. Meel aad la isugu
caayo oo aan naxariis oolin oo ardaygii ardada ka duwan ama
aan lahayn xirfad dad la dhaqan loogu gaysan karo caga
juglayn ama liidid. Dugsiyada sare waa meel u diyaarisa
ardada sidii ay ku tegi lahaayeen jaamacadda oo faaiido
badan. Ardayda dadaalka badan waxaa ay ku xisaabtamaan in
si dhaqso ah ugu gudbaan imtixaanaadlka gobolkooda sharciga
ka ah in ardayga ku gudbo weliba helaan buundo fiican.
Ardaygii keena buundada GPA
3.0 deeqaha waxbarasho qaarkood ayuu u tartami karaa qofkii
keena 3.5 iyo ka badan dhamaan deeqaha waxbarsho iyo
fursaddiisa ah inuu helo jaamacado aqbala ayaa aad u
fiicnaata . Waxay sameeyaan si kasta oo ay ku heli karaan
hadday ahaan lahayd in ay maqnaanshada yareeyaan ama waqti
badan geliyaan tegitaanka maktabadaha ama goobaha laga
caawiyo ardayda shaqada guriga, qaarkooda cayaara inay
cayaaraha ku dheereeyaan, ama bulshada u adeegaan. Inkastoo
ay jiraan waalidiin guryahooda ardada wax ku bara iyo kuwa
diineed oo goobahooda diinta ardada wax ku bara iyo dugsiyo
badan oo gaar loo leeyahay haddana ardada maraykanka
badankood waxaa ay weli dhigtaan dugsiyada guud ee
dadweynaha.
Ammaanka:
Dugsiyada sare ee maraykanka
waagii hore waxaa ammaan daro lagu sheegi jirey
magaalooyinka waaweyn ee ay degan yihiin dadka laga tiro
badan yahay ama saboolka ah haddase ammaan darida waxaa ay
ka dhici kartaa magaalooyinka yar yar iyo degmooyinka
hodanka ah sida dhibtii ka dhacday dugsigii sare ee
Columbine ee Colorado ama dhowaan Red Lake , Minnesota
meelahaas oo arday inta qoryo soo qaateen xasuuqeen ardada
kale. Iridka laga soo galo dugsiyada sare iyo fasalada
hortooda waxaa jooga waardiyeyaal ama macalimiin kuwaas oo
ilaaliya xasiloonida iyo ku haynta ardada fasalada dhexdooda.
Iskuulada qaar saacadaha
ardada waxbaranayso albaabada waaba la xiraa waxaana loo
ogol yahay kuwa u baxaya dan muhiim ah uun inay baxaan.
Mararka qaar ardayda ayaaba dab ku shida musqulaha ama meelo
aan la arkayn dhawaaqa digniinta ka dib waxaa qasab ah in
dhamaan la wada cararo oo iskuulka laga baxo markaas ayey ka
faaiideystaan inay baxaan laakiin haddii lagu qabto talaabo
culus ayaa laga qaadaa..
Dugsiyada dhexe iyo sareba
waxaa ka jira kuwa dadka gardaraysta oo cabsiiya (bully)
Jaaliyadaha iyo dadka kala duwan caruurahooda mararka qaar
gacanta ayey isula tagaan. Dugsiyada qaar waxaa ka jira
gangs, ardada badankood waxay gangiska ugu biiraan aad ku
badbaadid ama aad gaashaanbuur heshi iyo sababo kale.
Ardayda gaar ahaan kuwa laga badan yahay qaarkood ama dadka
badankii aan u ekeyn waxay isku deyaan inay dadka isu
ekeysiiyaan hadday noqon lahayd hadalka ama dhar xirashada
ayagoo rajaynaya in la ogolaado ama la aqbalo caadina loo
arko, waxayna isku dayaan waxa markaas caadig ka ah in la
sameeyo ama ay ardada qaarkood u yaqaanaan afka ingiriisiga
COOL.
Dugsiyada badankood waxaa ku
qoran booliis joogto ah weliba xilliyada ay ardada
qadaynayaan ama baxayaan kuwo kale ayaa u soo gurmada.
Waalidiinta maraykanka waxay ardadaooda yar yar baraan
xeelado badan oo hormarinaya xirfadooda dad la dhaqan.
Xirfadahaas waxaa ka mid ah
a)
In
ardaygu afkiisa ka ilaaliyo cay iyo wax dadka kale uu
dareenkooda wax ugu dhimayo. Dagaalka gacanta waxaa uu
sharciga maraykanku u yaqaan aggrevated assault
waxaana uu keenaa cawaaqib xumo.
b)
B) Inuu
ardaygu afkiisa baro kelmadaha fadlan iyo raali ahow iyo
mahadsanid. ( Excuse me, sorry, thank you iwm).
Iyo in la dacwoodo hadii lagu xad gudbo.
Waa muhiim in ardayda lala
sheekaysto ama la weydiiyo in ay jiraan qolyo ama wax dhib
ku haya waayo waalidka wax weyn ayuu ka qaban karaa
arrimahaas badankood xataa kol uu dugsigaba ka bedelo.
Hab dhaqanka ardada.
Dugsiyada sare ee maraykanka
waa meel ardayda lebiska iyo is qurxinta lagu tartamo waa
meel la raadiyo aad caan noqotid (popular) waxyaabaha
la sameeyo si caan loo noqdo waxaa ka mid ah cayaaraha ama
heesaha ama muusiko. Nasiib darro dugsiga sare aqoonta
laguma faano xataa qofkii aqoonta aad wax u yaqaan oo aad
wax u aqriya oo laga yaabo in inta badan lagu arko
maktabadaha wax aqriska waxaaba loogu yeeraa Nerd oo
ah kelmad yasid ah waxaa aad loo qadariyaa cayaartoyga ama
qofka koox samaysta oo u camirta kuwaas ayaa laga baqaa ama
la jecel yahay in lala saaxiibo.
Sanadkii waxaa dugsiyada sare
ee maraykanka lagu qabtaa xaflado badan oo leh qoob ka
ciyaar iyo kulamo kaleba waxaana ka mid ah mid loogu yeero
Prom iyo Home Coming iyo kuwo kale. Xafladahaas
waxaa lagu caleemo saaraa arday loo bixiyo boqor ama boqorad
iyo darajooyin badan. Waxaa kale oo jira xaflado kale sida
riwaayado ama koox la yiraahdo honor societies kuwaas
oo dhiirigeliya ardayda buundooyinka badan oo mararka qaar
qabata xaflado gaar ah iyo kuwo badan. Ardada maraykanka
waxaa ay aad u fiirsadaan telefishano gaar ah badanaa sida
MTV, Saturday Live iwm. Waxaa kale oo ay fiirsadaan
American Idol iyo cayaaro ama filimo badan.
Ardada qaar ayaa macalimiinta
kalkaaliye u noqdaan, qaarna xafiiska weyn ee hore ayay
caawiyaan, qaarna gudiga maamula ardayda (student council)
ayey ku biiraan.
Caafimaadka:
Dugsiyada maraykanka waxaa ku
dhexyaal xafiis caafimaad oo ay joogaan dad aqoon u leh
arrimaha caafimaadka oo ardada ka caawiya wixii ay ka qaban
karaan xanuunka ardada ama mel ay daawo ku qaataan ama ku
nastaan siiya ardada. Waxaa kale oo ay bixiyaan qalabka
kala dheereeynta dhalaanka ama ka hortagga uur qaadista si
qarsoodi ah taas oo keentay in qaar waalidiinta ka mid ah
necbaystaan xafiiskan. Xafiiskan waxaa kale oo uu caawiyaa
gabdhaha ardada ee uurka yeesha ayagoo iskuula dhigta.
Xirfadleyaasha kale ee ka
shaqeeya dugsiyada sare/dhexe:
Macalimiin keliya ma joogaan
dugsiyada waxaa kale oo jooga ama ka shaqeeya dugsiyada
maraykanka councelors oo ah dad ardayda kala taliya
xagga waanada ama macluumaadka ku saabsan sidii ay ardada u
ogaan lahaayeen heerka ay buundooyinkooda marayaan ama
maadooyinka looga baahan yahay ama ugaba warama macluumaadka
la xiriira sida uu ardayga u dooran lahaa jaamacad ama u
heli lahaa deeq waxbarasho. Mararka qaar ardayda arrimo
qaas ah ayey kala talinyaan. Waxaa kale oo jooga dugsiyada
social workers, psycologists, language therapist, dad
u carbisan inay caawiyaan la shaqeeyaan ardada aan wax maqal
ama kuwa xubnaha la’ iyo dada ku hadla luqado kale iwm
kuwaas oo aradada u caawiya siyaabo aad u kala duwan.
Cayaaraha:
Hore ayaan u sheegnay in
cayaaraha ay ka yihiin dalka maraykanka wax qaali ah waayo
jirkana waa u fiican yihiin deeq waxbarashona waa lagu helaa
ardaygii ku fiican waxaa laga yaabaa inuu yeesho xirfad
fiican oo dad la dhaqan taasoo keenta inuuba dugsiga ka
noqdo xiddig ay ardada wada jeceshahay inay la saaxiibto.
Qaarna shaqo ay ku ladnaadaan ayey ka helaan. Bal aan aragno
xilliyada dugsiyada sare laga kala dheelo cayaaraha kala
duwan.
Dayrta: Football, Valley
ball, Cross Country, dabaasha gabdhaha iwm
Jiilaalka: Hockey,
Basketball, legdinta iyo dabaasha wiilasha iwm
Guga: Tennis, Truck,
softball, soccer for girls iwm
Xagaaga: Basketball,
softball, baseball iwm.
Waalidiinta maraykanka
badankood waxaa ay ku bixiyaan lacag badan in caruurtooda ay
qoraan barnaamij cayaareed oo leh taba bareyaal, kuwaasoo
ka dhiga caruurta ilaa laga soo bilaabo dugsi hoose ilaa
sare mashquul hadday ahaan lahayd cayaaro ama muusiko
waalidiintooda ayaa isbarta oo isku duubma ilaaba loogu
yeero soccer moms ama hockey dads ama
nascar dads iwm. [Akhri Qaybta
3aad].
Qaybta 3aad oo ku saabsan Talooyin muhiim u ah ardada
iyo waalidka Soomaaliyeed ee maraykanka ku nool,
Doorashada camalkii uu qofku
ku taqasusi lahaa, iyo
U diyaar garowga jaamacadaha
ama waxbarashada sare
ka
Akhri halkan... Guji...
Qaybta
1aad |
2aad | 3aad
Qoraalkan oo dhamaystiran ka
daabaco | Halkan (HTML) ama
Halkan (PDF)
Maxamuud
Nuur Wardheere
Former Teacher,Teacher aid,
and School/Family Liaison in Minnesota.
He is also an Organizer of the
Somali Education Night in Minnesota
mnwardere@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
July 26, 2005
Qoraaladii Hore
ee Wardheere... GUJI
|