SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Kulan ballaaran oo lagu qabtay magaalada Birmingham oo lagu taageerayay Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed
 
Kulan aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa lagu qabtay maalinnimadii shalay aheyd magaaladaasi.


Dr. Xussein Cali Axmed

 
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqaasi Dr. Xussein Cali Axmed iyo Xoghayihii Guud ee hore ee dhaqdhaqaaqaasi ahna Xoghayaha Arrimaha Dibedda C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" iyo xubno ka tirsan golaha dhexe ee ururkaasi ayna ka mid ahaayeen Abuukar Cali Jimcaale iyo Aweys Maxamuud Hilowle.
 
Shirkan oo looga hadlayay waxqabadkii Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed tan iyo intii lagu dhawaaqay ayaa halkaasi laga soo jeediyay iyo sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dhaqdhaqaaqaasi sidii u wax ugu qaban lahaa dhiniciisa mashaakilka ka taagan dalka Soomaaliya.


Xaaji Xassan Buulle Qaroofoow (taagan)

 
Iyadoo sidoo kale uu halkaasi hadal gaaban ka jeediyay Xaaji Xassan Buulle "Qaroofoow" oo isugu ku nuuxnuuxsaday lagama maarmaannimada midnaimda iyo wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya. Iyadoo sidoo kale halkaasi jaaliyaddii Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Birmingham ay soo jeediyeen aaraadooda iyo talooyinka ay u arkaan in ay wax ka qaban karaan dhibaatada Soomaaliya.

 
Waxay ugu baaqeen dhamaan madaxda Soomaaliya in khilaafkooda lagu xalliyo wada hadal kana hortagaan wax kasta oo sababi kara in dalka uu dib ugu noqdo dagaalladii sokeeye ee horey uga dhacay.

 
Sidoo kale Guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliya Dr. Xussein Cali Axmed iyo wefdigii uu hoggaaminayay ay ballan qaadeen in ay dhinacooda waxba ka hagran doonin sidii ay wax uga qaban lahaayeen xal u helidda arrimaha Soomaaliya.
 
Ugu dambeystiina waxay halkaasi ballanqaad buuxda ku siiyeen sida ay u garab taagan yihiin madaxda iyo maamulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 
Haddaba xubnaha Jaaliyadda Soomaalida ee shirkaasi goob joogga ka ahaa waxaa ka mid ahaa:-
1. Maxamed Guutaale Maalin
2. Cali Axmed Jabaaye
3. Macow Cumar Maxamed
4. Maxamed Xussein Maxamed
5. Ing. Yuusuf Calasow
6. Cabdi Cali Bile
7. C/qaadir Muudeey Caraaye
8. Cali Muxidiin Cali
9. Abshir Maxamuud Nuur
10. Xassan Cabdi Cabdoow.
 
 
Saleeban Xassan Calasow
Birmingham, UK 
alasow73@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2005


WARARKA KISMAAYO:::

  • Maamulka Isbahaysiga Dooxda Jubba oo kulan ka yeeshay marti galinta shirka Kismaayo..

  • Aqoon isweydaarsi balaaran oo ay hirgalisay Jaamacada magaalada Kismaayo
    Akhri halkan... Guji...

 

 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD